Why Pay for Entertainment? Access Thousands of Free Downloads Now!

Engineer Ahmad Arab

Description
Halkaan waxaa ka hilidoontaa
Dhiiri gelin muhiim ah ee ka faaideyso
Maahmaahyo
Oraahyo
Qisooyin
Advertising
We recommend to visit

بســــــــــــم الله الرحمن الرحيــــــــــــم
Ku Dhawaad 3000 Buug-Somali
Free Ah
Youtube:
https://shorturl.at/auGJZ
Diclamer:
https://telegra.ph/HA-DEG-DEGIN-AKHRI-11-15
© Somalibooks Pro Inc
- All Rights Reserved-⤵️
@Cabasho_Bot
@Tusmobook

Last updated 5 months, 3 weeks ago

Somali National Television is the principal public service broadcaster in Somalia.

Headquartered in Mogadishu.

Last updated 1 month, 2 weeks ago

Kala soco Xikmad iyo Qormooyin Markasta Io Meelkasta.

Last updated 5 days, 7 hours ago

1 month, 1 week ago
Magaalada Izmir ee dalka Turkey-ga, nin …

Magaalada Izmir ee dalka Turkey-ga, nin ayaa 12 maqaayadood oo kala duwan ka dalbay cunto, kadibna siiyay Address-ka qoftiisii hore (Ex-Girlfriend), midwalbana waxa uu dhahay qoftaas ka qaata lacagta cuntada.

Police-ka ayaa baadi goobaya qofkaas baxarka gelshay qoftiisii hore.!

Adigu maxaad samayn lahayd..?

1 month, 3 weeks ago
Engineer Ahmad Arab
2 months, 2 weeks ago

Waxyaabaha aanan soonka jebinin waxaa ka mid ah:

  1. Dhiig qof loo shubo
  2. Qubeyska
  3. Cadaysiga
  4. Candhuufta
  5. Cunid & cabid aan loo qasdin - hilmaan
  6. Matag kusoo dhaafay oo aan qasad aheyn
  7. Janaabo kaa imaatay adigoo maalinkii hurda
  8. Waaga oo kuu barya adoo janaabo qaba

Waxyaabaha Soonka jebiya waxaa ka mid ah:

  1. Cunid & cabid
    2.Jimaaca maalinkii
  2. Matag kas la isaga keeno
  3. Cirbado nafaqo leh oo la qaato
  4. Shahwada oo la isaga keeno si kas ah
  5. Caadada & xeydka dumarka
  6. Haddii uu diinta ka baxo isagoo soomman
  7. Haddii uu waasho isagoo soomman

Sidoo kale, iska illaali waxyaabaha naaqusiya ajirka soonka oo ay ka mid yihiin:
1. Xanta
2. Caayda
3. Isku dirka
4. Beenta
5. Indhaha oo meel xun lagu eego
6. Dhegaha oo xumaan lagu dhegeysto
7. Qamaarka oo la dheelo
8. Dagaalka

Waxyaabaha sare u qaada ajirka soonka waxaa ka mid ah:
1. Qur'aan akhriska badan
2. Salaadaha sida taraawiixda & taajudka
3. Wanaagga oo la is-faro xumaanta oo la iska reebo
4. Dariiqa oo laga qaado waxyaabaha dadka dhibaaya
5. Indhaha oo la laabo
6. Carrabka oo la xakameeyo
7. Masaajidka oo la cammiro
6. Farjiga oo la dhowro

Soonka qofku waa uu iska furi karaa haddii
1. Uu yahay musaafir
2. Uu xanuunsado xanun daran
3. Ay ucabsato ilmaha ay nuujinayso ama midka caloosha ku jira

Allaha naga aqbalo soonka iyo salaada
Dhamaanteen aamiin aamiin aamiin

4 months ago

http://adfoc.us/8505131

Best pranks In football

4 months ago

~CALMAANI BAA CAALSAARAHAYAGA DEGAY~

Erayga Caalsaare marka lajoogo xerada Lo,da waxaa loo adeegsadaa laba macna oo aan aad ukala fogayn kan hore waa Marka uu nafka irmaani nuujinaya canugiisa oo waxaa layiraahdaa saca caashuu ka ritay Edegga.
Macnaha labaad waa kolka ay Dibidu dirirayaan oo midkood kan kale geesaha caasha ka saaro xaaladdan oo kale waxaa layiraahdaa "dibiga dibigu caalsaaraha ayuu ka helay" .
Ujeedkayaga waxa uu daaranyahay macnahan dambe oo ah goorta ay labada dibi dagaalamayaan midkood haddii uu ku guuleysta in uu midka kale caashiisa geesaha lahelo , kaasi laga caalhelay waxaa ku adkaata in uu isdifaaca oo durbadiiba geedahaa la qaadsiyaa (waa laga adkaadaa) .
Erayga kale ee Calmaaniyadda isaga aad baa looga warhayaa macnihiisa oo in badan ayuu dhegaha dadka ku soo noqnoqdaa .
Haddii aan u soo laabto hadalka biya dhiciisa imaanshiyihii islaamaka Dunida uu yimid waxa ay ka dhignayd qol mugdi ah oo lagu xiray ILays afbadan (iftiin badan) , geel jirtiina u badalay dowlad dunida maamusha , Suubanaha ayaa ahaa Hogaamiyii Nuurka NNKH kadib geeridiisa waxaa xilka isga dambeeye Rag Wanaag iyo alla ka cabsi lagu soo xushay .
Dowadihii ka dambeeye qudhoodu hogaankood waxaa kamid ah rag lagu soo xushay Taqwa iyo xaalmiirad nimo.
Dowladdii Reer Banii Umaya khaliifkii la oranjiray Suleman bin cabdil-malik waxaa uu dardaarmay in xilka uu qabto gadaashii inan alla ku galladaystay Cibaado jacayl, Xalaal-miirad nimo iyo cilmi , hogaamiyihii tilmaamahaasi kulansaday howlkarnimadiisii waxaa garowsaday xayawaanadii duur joogta ahaa .
Aan u soo daadago xaalada maanta ka tagaan Dunida muslimka ah , waxaan horay usoo bidhaamiyay in hogaamiyaha lagu xulan jiray Heerka uu la,egyahau xiriirka ka dhexeeye isaga iyo Allahii Abuuray iyo aqoonta diinta uu uleeyahay , taasi badalkeed aqoontii diiniga ahayd waxaa badalay in laqiimeeyo heerka uu hogaamiyaha yaqaano waxay u bixiyeen (Xeerarka caalamamiga, Diplomasi, Dasaatiirka aan laga tallaabi karayn oo dhamaantood ku dhisan aragtiyo iyo Falsafad galbeed ah ), Alla u dhowaanshihiina waxaa badalay in la qiimeeyo inta uu hogaamiya ka fogyahay Sunnada raadkeeda haday noqoto labis, dhaqan iyo wax kasta oo laga dheehan Karaye muuuqa sare ee hogaamiyaha, sidoo kale inta ay la egtahay madaxda reer galbeedks ee uu xiriir lasameeyay ama uu aqoon dheeraad ah u leeyahay .
Dadka Ahlu-diinka ah ayaga ayaa ugu mudan hogaaminta bulshada laakiin dhibta jirta ayaa waxay tahay Kuma dhiirankaraan in ay bulshada horqabtaan oo waxaadba moodaa in lagu guulesytay argtidii Salka u ahayd Calmaaniydda ee lahayd (فصل الدين عن الوولة).....
Ku dhiirasho la,aantaasi dabartay Culimada iyo mudantii Hogaanka ayaa waxay u egtahay rogaal naqod la,aantii haleeshay Dibigii xagaa hore laga adkaaday.

5 months, 1 week ago
Engineer Ahmad Arab
5 months, 2 weeks ago
Engineer Ahmad Arab
6 months ago

Milicsiga soo yaalka suugaanta soomaaliga
Umadda soomaaliyeed waa umad isku hal isir ah oo is wada dhashay. Waa umad kulansatay dhammaan waxa ummad mideeya sida diinta, afka, dhaqanka, midabka iyo muuqaalka, iyo dhulka
Dhulka soomaaliyeed wuxuu ku egyahay xaga Waqooyi Galbeed harada Hawaas, dhanka koonfur galbeedna wabiga Tana, dhanka Waqooyina Suryada Baabul mandab iyo dhanka Badwaynta Hindiyana xagasha raas casyr
Dhulka soomaalidu waa dhul aan lahayn bad iyo buuro kala qoqobin balse waxa kaliya eek ala xanniba waa xuduud beenaad siyaasadeed uu guaysigu ku qaybiyay taas uu u kala qaybiyay 5 qaybood oo ay ku tusayso xidigta calanka ku taal
WAAXAHA SOOMAALIA
BEDKA KM LABO JIBAARAN

Jamhuuriyadda soomaalia
638,000 km2

Jabuuti
23, 000 km2

Somali Galbeed
627,000 km2

Cidhifka koonfureed(NFD)
231,000 km2

Wadarta guud ee bedka soomaali wayn
1,519,000 km2

ISTRATIIJIYADDA
Dhul waynaha soomaalia waa dhul ku yaal xuddnta addunka waa halbawlaha isu socodka. Waxaa dhinacyada ka kala xiga badweynta hindia iyo badda cas. Waa dhul u dhexeeya Africa iyo Asia gaar ahaan carabta. Waa dhul uu gumaystuhu ka la socon karo dalaka saliidda hodanka ku ah iyo guud ahaan muslimiinta
Goobta uu ku yaallo oo ah istraatiiji ayaa waxay keentay in ay ku loolamaan dalalka damaca dheeriga ah leh sida ingriiska, faransiis, talyaani iyo cadwga soo jireenka ah ee soomaaliyeed
KHAYRAADKA
Dal waynaha soomaalia waa dal hodan ku ah xoolaha nool, beeraha, khayraadka badda. Waxa kaloo la sheegaa in ay macaadin badan ceegaagto oo aan laga faaiidaysan
Waa dal ay suuro gal tahay in uu noqdo sayladda ugu mihiimsan isku xidha Africa iyo Asia

DIINTA ISLAAMKA
Diinta islaamku waxay soo gaadhay gayiga soomaaliyeed ka hor inta aysan madiina soo gaadhin oo ahayd hijradii 1aad
MAAMULKA IYO HOGAAMINTA
Soomaalidu waligeed ma yeelan maamul ka dhexeeya balse waxaa hogaamin jiyar madax dhaqameedyada oo magacyadu ha u kala duwanandeene(sida Ugaas, Garaad, Suldaan, islaan Boqor, Wabar, Imaam iyo Malaaq) isku mansab bay hayeen
Madaxdhaqameedka waxaa lagu dooran jiray sifooyika wanaagsan ee uu leeyahay sida: deeqsinimada, runta, dulqaadaka, geesinimada, amaanada, cibaadada, IWM. waa tii ay ahayd xikmaddi soomaaliga ahayd. Sadex baa madaxtinnimo kaa qaadda: gacan qudhan, guddon jilicsan iyo gar-eexo
Soomaalidu waxay ku kala bixi jireen xeerka dadk xeer aqoonta ahna waxaa la odhan jiray xeerbeegti
IMAANSHIHII GUMAYSIGA
1869kii markii la furay kanaalka Suweys ayaa soomaalia waxay noqotay meesh ugu muhiimsan ee isha lagu hayo. 20/7/ 1887 ayaa Ingriis la wareegay
HALGANKII DARAAWIISH
Afbakayle 3/june/1901. Waxaa ka danbeeyay dagaallo badan oo ugu danbeeyay dagaalkii diyaaraddu

We recommend to visit

بســــــــــــم الله الرحمن الرحيــــــــــــم
Ku Dhawaad 3000 Buug-Somali
Free Ah
Youtube:
https://shorturl.at/auGJZ
Diclamer:
https://telegra.ph/HA-DEG-DEGIN-AKHRI-11-15
© Somalibooks Pro Inc
- All Rights Reserved-⤵️
@Cabasho_Bot
@Tusmobook

Last updated 5 months, 3 weeks ago

Somali National Television is the principal public service broadcaster in Somalia.

Headquartered in Mogadishu.

Last updated 1 month, 2 weeks ago

Kala soco Xikmad iyo Qormooyin Markasta Io Meelkasta.

Last updated 5 days, 7 hours ago