SABA GUDDAA WAAN TAANEEF MIIDIYAA GUDDAATU NUUF MALA!
@Abdii_Sabaa
💬NU QUNNAMUUF💬
@AbdiiSabaaDm
🎯BARNOOTAAF
@abdii_sabaa_university
🎯MARIIF
@Garee_Abdii_Sabaa
Last updated 4 days, 5 hours ago
asc بســــــــــــم الله الرحمن الرحيــــــــــــم
Ku Dhawaad- 3000 Buug-Somali ayaa ku jira Akhriso oo ilaali xuquuqda Qoraayada leh.
Youtube:
https://shorturl.at/auGJZ
Diclamer:
Cabasho/Buug iyo Su,aal ... La Xidhiidh
@Cabasho_Bot
@Tusmobook
Last updated 2 months ago
Somali National Television is the principal public service broadcaster in Somalia.
Headquartered in Mogadishu.
Last updated 2 weeks, 3 days ago
Xikmadihii laga Diiwaan geliyey Alle ha u naxariisto Dulqarneyn:
============ ============
"Gaadhi midigtiina laga wado, wadadiina midigtii ka haysta, adduun ka meel na laguma arag"
"In aad wax barataan waxna beerataan ayaad kaga bixi karaysaan fakhrigan"
"Gaaladu wax alle wixii halaag ah ee ILaahay looga go'ayo bay innoo keenaan"
"Adduun ka meel 4 nin oo waaweyn intay meel fadhiistaan laadhuu ku ciyaaraan ma jirto"
"Haddaanad tukanaynin dambigeeday leedahay, laba faral baan mid na ka tagay mid na qaatay macquul maaha"
"Xayawaan ku isma guursadaan ilaa Condition( shardi isku xidhaan"
"In tarantaaduna ay badato, wax soo saar kaaguna yaraado waa hoog iyo halaag"
"Dad waaweyn oo diyaarado iyo Maraakiib samaysan kara oo haddana gidaar soo fadhiya lama arag"
Weli ma aragtay 4 midh oo qudhaanjo ah oo meel iska fadhida bilaa micno oo aan dhinac na u socon? Maxaa markaa Soomaalida fadhiisiyey gidaar?
"Haddii adduun kii ku nacay, adna aad isku tashan wayday double charge baa kugu dhacaya"
Qiso cajiib ah
Hada ka hor ayaa waxaa jiray macalin school dhigahayay ayaa dayn lugu yeeshay.
Macalinkiin, ayaa ninkii, daynta ku lahaa dhoorjeer ka codsaday balse markii danbe
Maxkamada, ayaa loogayeeray.
Macalinkii, marka uu tagay halka dacwadu kataalay waxaa gartay garsoorihii.
Ka dib macalinkii dhagta ayaa luugu sheegay lacagtii labaxshay oo iska bax ayaa la dhahay.
Macalinkii waxa ka fuqay nabar.
Kadib xiligii shaqada laga soobaxay baa macalinkii, wadada ayaa looga dabayimid oo waa la siiqaaday.
Maqaayad ayaa la geeyay.
Macalinkii, ayaa dhahay maxad saan igu Naxariisatay isku kaysheeg haye buuyiri ee Aan qadayno garsooraha.
Qadadii kadib garsoorihii waxa uu bilaabay Hadalka ma xasuusatah arday aad dhihijirtay dadaal waxa aad noqon garsoori
Marka macalin waxa aan ahay mirahaaga.
Macalinkii, ilinta baa halmar soo dhaaftay
Madib arintii waxa ay gaadhay magaalada.
Macalinkii, wax kasta firii ayaa
loogadhigay guriga, kiradiisa, biyaha,
Sheekada macanaheeda waa in laga warqabo macalimiinta.
Maalintii uu xukunka la wareegay Khaliifkii Muslimiinta Abuu Jacfar Al Mansuur ayaa waxaa usoo galay wadaadkii caanka ahaa ee Muqaatil Bin Suleymaan.
Al Mansuur baa yiri, wadaadoow bal i waani. Ma waxay indhahayga arkeen, baan kugu wacdiyaa? mise waxyaabihii aan maqlay? Ayuu ugu jawaabay.
Al Mansuur baa yiri, mayee waxaad aragtay igu wacdi.
Wadaadkii sheekadii buu bilaabay, wuxuuna kasoo sheekeeyay qisadan:
Cumar Bin Cabdi Casiis wuxuu dhalay 11 wiil, hantina wuxuu ka tagay 18 Diinaar. Karfantii lagu duubay 5 Diinaar bey noqotay, qabrigiina 4 Diinaar buu noqday. Waxaa Dhaxal loo qaybsaday 9 kii Diinaar ee soo haray.
Hisham Bin Cabdul Malik oo isna noqday khaliifka Muslimiinta, wuxuu dhalay 11 wiil, mid walbaa wuxuu dhaxal u helay hal Milyan oo Diinaar.
Wadaadkii wuxuu hadalkii kusoo gabagabeeyay, Ilaahay amarkiis waxaan u taagnaa iyadoo qaaraan loo uruurinayo jihaad ay Muslimiinta u baxayeen in wiil kamid ah wiilashii Cumar Bin Cabdul Casiis uu boqol faras ku deeqay, halka isla maalintaas ay ishaydu qabatay wiilashii Hishaam Bin Cabdul Malik mid kamid ah oo dawarsi dariiqyada u taagan.
Waxyaabaha aanan soonka jebinin waxaa ka mid ah:
Waxyaabaha Soonka jebiya waxaa ka mid ah:
Sidoo kale, iska illaali waxyaabaha naaqusiya ajirka soonka oo ay ka mid yihiin:
1. Xanta
2. Caayda
3. Isku dirka
4. Beenta
5. Indhaha oo meel xun lagu eego
6. Dhegaha oo xumaan lagu dhegeysto
7. Qamaarka oo la dheelo
8. Dagaalka
Waxyaabaha sare u qaada ajirka soonka waxaa ka mid ah:
1. Qur'aan akhriska badan
2. Salaadaha sida taraawiixda & taajudka
3. Wanaagga oo la is-faro xumaanta oo la iska reebo
4. Dariiqa oo laga qaado waxyaabaha dadka dhibaaya
5. Indhaha oo la laabo
6. Carrabka oo la xakameeyo
7. Masaajidka oo la cammiro
6. Farjiga oo la dhowro
Soonka qofku waa uu iska furi karaa haddii
1. Uu yahay musaafir
2. Uu xanuunsado xanun daran
3. Ay ucabsato ilmaha ay nuujinayso ama midka caloosha ku jira
Allaha naga aqbalo soonka iyo salaada
Dhamaanteen aamiin aamiin aamiin
SABA GUDDAA WAAN TAANEEF MIIDIYAA GUDDAATU NUUF MALA!
@Abdii_Sabaa
💬NU QUNNAMUUF💬
@AbdiiSabaaDm
🎯BARNOOTAAF
@abdii_sabaa_university
🎯MARIIF
@Garee_Abdii_Sabaa
Last updated 4 days, 5 hours ago
asc بســــــــــــم الله الرحمن الرحيــــــــــــم
Ku Dhawaad- 3000 Buug-Somali ayaa ku jira Akhriso oo ilaali xuquuqda Qoraayada leh.
Youtube:
https://shorturl.at/auGJZ
Diclamer:
Cabasho/Buug iyo Su,aal ... La Xidhiidh
@Cabasho_Bot
@Tusmobook
Last updated 2 months ago
Somali National Television is the principal public service broadcaster in Somalia.
Headquartered in Mogadishu.
Last updated 2 weeks, 3 days ago