Acompáñame a explorar mi versión más sensual 🔥 Soy tu fan #1
https://onlyfans.com/yeraalgallego
Last updated 1 month ago
https://t.me/kalimakariim 🌿xikmado, diin,fikrado
YouTube: https://youtube.com/@DareensidePodcast?si=5FoQZg5xc69i28qi
Last updated 3 weeks, 1 day ago
BAAQ NABADEED
1 Team somali Telegramers waxa ay baaq nabadeed usoo jeedinayan umada soomaliyeed gaar ahaan deeganada maalmihii ugu dambeyay ay kaa socdeen dagaalo beeledyo macno la'aan oo la isku dilayo wax aan macno lahayn, dagaaladan sidan ah islaam ahaan uu alle naga xarantimeyay isagoo kitaabkiisa Qur aanka ku yiri :
وَمَن يَقْتُلْ مُؤْمِنًا مُّتَعَمِّدًا فَجَزَآؤُهُۥ جَهَنَّمُ خَٰلِدًا فِيهَا وَغَضِبَ ٱللَّهُ عَلَيْهِ وَلَعَنَهُۥ وَأَعَدَّ لَهُۥ عَذَابًا عَظِيمًا
"Qofkii qof mumin ah dila si ula kac ahne u dila abaalkisa waa jahanamo wuu ku waaraya oo ilaah baa u caroonaya ilaahey baa lacnadaya waxana loo diyaarinaya cadaab weyn"
Iyadoo aynu rumeesanahay ayaadas oo aynu sheeganeeno dad muslimiin ah hadane aynu isku dilno rer hibil waa wax ayaan daro ah
"Dagaal wiil kuma dhasho ee waa uu ku dhinta"
Dhalinyarada somaliyeed waxaan ugu baaqeyna in ay ka baqsadan hurinta iyo ka qeeb qadasha dagaladas socda taas badalkeeda ay ka qeeb noqdan sidey nabad ugu soo dabaali lahaayen dagalas socda
"Nabad ayaa naas la nuuga leh"
Ugu danbeyn waxaan alle ka baryeyna in uu walalahas somaliyeed qalbiyadooda isu dubo dagaladas socdane ay halkaas ku joogsadan insha'allah
Xaaladda bariga dhaxe.
📮Bariga dhaxe Israel waxay go'aamisay inay weerar xooggan ku qaadi doonto Iran, waxaana laga cabsi qabaa inay beegsato xarumaha shifaalka iyo Nukleerka, hadii ay taasi dhacdana waxaa la leeyahay dhaqaalo xumo wayn ayaa soo wajihi karta aduunka oo idil iyo in dagaal buuxa ka dhaco bariga dhaxe.
📮Maamulka guriga cad ee Maraykanka ayaa la sheeaya inay isku khilaafeen Netanyahu qaabka iyo goobaha la dukhaynayo Iran, waxaana la sheegaya in uuusan Netanyahu ka aqbalin talooyinka maraykanka.
📮Dhanka kale Iran ayaa muujisay weerarkii habeenka dhawayd guulo la taaban karo waxayna ku goodiday hadii Israel ka soo jawaabto inay markale ku gaaaci doonto gantaalo ka awood badan kuwii hore, waxaana la sheegaya inay heegan galisay gantaalladeeda difaaca hawada, gaar ahaan kuwa ay ruushka ka soo iibsatay ee loo yaqaano S400.
Hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iran ayaa shalay u khudbeeyay si naadir ah wuxuuna cadeeyay in Iran sii wadi doonto taageerada ku aadan kooxaha iska caabinta ee bariga dhaxe, markatana diyaar u yihiin ilaalinta Iran.
📮dhanka Lebanon dagaalka ayaa ka socda cirka iyo dhulkaba ah Xisbullah ayaa khasaare badan gaadhsiisay Israel, iyagana waxaa la sheegaya in hogaamiyaal horle la khaarijiyay, wararka qaar ayaa sheegaya in safiyudiin Haashim oo ah ninkii lagu badalay hogaamiyihii Xisbullah ee Xasan Nasrallah in khamiistii isna Israel dishay, Israel ayaa sheegtay inay beegsatay isaga iyo saraakiil kale oo shir ku jira, lkn warar madaxbanaan oo cadaynaya warkan lama hayo.
La soco wixii soo korhda.
"NIN ABEESO KORIYOW ADIGAA U AAYI"
Bartamaha Hargeisa.
“Tan anaa katalin doona, qaadkaaga iska cun adigu”
Waa odhaah uu si mayal adag ah ugu dhawaaqay nin ethiopian ah.
Cultural assimilation ama is-dhex galka Dhaqanku waa nidaam ah la dagaalanka ama xaalufinta isirka umadeed iyada oo u dhigan hab “non violent” ah. Habkan ayaa ah mid ay dad ama koox kasoo jeeda hal dhaqan ay qaatan caadooyinka, qiyamka, iyo habdhaqanka umad kale, saamayna ku leh isbedel luuqadeed, diimeed, labis iyo dhamaan qaybaha kale ee dhaqanka.
U fiirso bulshadeena ma jirto meel ay salka ku hayaan maanta, haday tahay Maal iyo Magactoona,
Wakhtigan waxaynu nahay umad jinsigeedu aasmay, dheehiina laga rogay, “lefti nagaa iyo dhuux carbeed ku gadooman” gabi ahaanba la marin habaabiyey haday tahay ilo dhaqaalana qarniyaal badan la biday jaad dheeftiisuna gacan ethiopian u sugnaatay.
In badan oo inaga mid ah dhayal dhayal bay moodayaan,
Ethiopianku maanta waxay dhidibkeeda dhisayaan ummad ay dhigaalka u aayaan, nasiibdaro innagu aynu mooganahay. Dib u milicso cawaaqibta ay leedahay in umad bulsho kale lagu dul abuuro,
Intii u dhaxaysay 1922 ilaa 1947 ayey dharaar cad reer Palestine ku dhiiradeen iney aqbalaan soo dhaweynta yuhuuda, iyagoon waxna ka hagran. Dhereg dhaaf ka dib, ileen yuhuudi abaal malee ragii u dhibtooday waakuwaa rasaasta u dhigaaya, dhafoorkiyo laabtana kawada toogtay.
“ وَلَنْ تَرْضَى عَنْكَ الْيَهُودُ وَلا النَّصَارَى"
Dhimbiil iyo dhamac la shiday ayey ugu abaal gudeen umadii kalfurnaanta ku qaabishay, inkabadan kumanaan reer Palestine ahna waa kuwaa dhintee hada mootan.
فَإِنَّهَا لَا تَعْمَى ٱلْأَبْصَـٰرُ وَلَـٰكِن تَعْمَى ٱلْقُلُوبُ ٱلَّتِى فِى ٱلصُّدُورِ”’ xaqiiqdii maaha indhahooda kuwa indho laantu tahay laakinse waa qalbiyadooda.
“Cadawgaa dhirfaaya
Khayraadka dhulkayga
Ee soo dhabacaaya
Hadaanan ka dhiijin
Dhankaa dhan dheh gaaban
Intaan dhag ka siiyey
Ma dhiiraday caawa”
Illahy ka sakow dhalinyaro umadan iyo dhulkeenaba xaqbaa inaga saaranee aynu u feejignaano.❤️?
Acompáñame a explorar mi versión más sensual 🔥 Soy tu fan #1
https://onlyfans.com/yeraalgallego
Last updated 1 month ago
https://t.me/kalimakariim 🌿xikmado, diin,fikrado
YouTube: https://youtube.com/@DareensidePodcast?si=5FoQZg5xc69i28qi
Last updated 3 weeks, 1 day ago