Qormooyin

Description
«??? ????? ??? ?? ℎ??? ????? ????????? ?????ℎ? ??? ?????ℎ? ?? ??ℎ ???? ????? ????? ?????»

??? ??????? ????????

OWNER @JuweriyaAbdirisak
Advertising
We recommend to visit

SABA GUDDAA WAAN TAANEEF MIIDIYAA GUDDAATU NUUF MALA!

@Abdii_Sabaa

💬NU QUNNAMUUF💬
@AbdiiSabaaDm

🎯BARNOOTAAF
@abdii_sabaa_university

🎯MARIIF
@Garee_Abdii_Sabaa

Last updated 6 days, 5 hours ago

asc بســــــــــــم الله الرحمن الرحيــــــــــــم
Ku Dhawaad- 3000 Buug-Somali ayaa ku jira Akhriso oo ilaali xuquuqda Qoraayada leh.
Youtube:
https://shorturl.at/auGJZ
Diclamer:
Cabasho/Buug iyo Su,aal ... La Xidhiidh
@Cabasho_Bot
@Tusmobook

Last updated 2 months ago

Somali National Television is the principal public service broadcaster in Somalia.

Headquartered in Mogadishu.

Last updated 2 weeks, 5 days ago

1 year, 1 month ago

Khadiija waxa ay nabiga siisay amni iyo nabadgal, waxa ay u ahayd hooyo, xaas iyo dhufays uu magansado, waxa ay kaga gudbanayd oo uu ku kaga eeran jiray collaytanka ay gaaladu u hayaan iyo dhagarahooda iyo shirqoolladooda. Waxa ay nafteeda, nolosheeda iyo hantideedaba u hurtay farriintii uu siday iyo higsiyadiisii, Wixii u jeclaa ayay la jeclaatay, jidkii u qaadayna way la qaadday, illahay dartii ayay u jeclaatay, isagana illahay ayay ku jeclaatay.
si aad u hanato marwo sida khadiija oo kale ah , waa in aad noqotaa nin sida Maxamed oo kale ah.

Page 46-53

-Qofka doonaya in uu dhammays tirnaado oo uu mudnaan iyo maamuus lahaadaa, Ha noqdo qof aan laga salgaadhi karin oo dahsooni badan.
Isla-hansarraynta iyo dahsoonidu waxa ay ka mid yihiin astaamaha dhammaystirnaanta ruuxa.

**Dhiganaha : Waayaha Daanyeerta 
Allifiddii: DR. Musdafa Maxamuud 
Tarjumiddii: Aadan-Sahan

Waxa soo koobay :Selma Abdirisak**

1 year, 1 month ago

Waxa wax Ilaahay  lagu mahadiyo ah, in kacdoonkan casriga iyo ilbaxnimada sheeganaya ee dadnimadii ay ku qiimo beeshay aanu wali facan dhallinta ah ee koraya wada gaadhin.

Page 4-11

[Waxa yimi waayihii daanyeerta]

-Dabeecaddii bikrada ahayd way weyday bikranimadeedii!
-Kayntii ugubka ahayd way weyday ugubnimadeedii!
-Webiyadii waxa ay ku dikhoobeen hadhaaga kiimikalka ah ee lagu daadinayo!
-Badihii waxa ay ku dikhoobeen hadhaaga nugliyeerka!
-Hawadii waxa ay ku diikhawday qiiqa baabuurta ee isaga oo tanan ah kor u baxaya, iyo boodhka sumaysan ee ay warshaduhu neefsanayaan!
-Magaalooyinkii waxa buux dhaafiyay dad oo ay la ceeryoomaan.
-Jidadkii waxa isku neef-qabatoobay dad oo usha cirka loo tuuraa dhulka uma dhacayso dadka buuxa awgood.
-Sarihii waxa ay la ciirciirayaan dadkii degganaa, waxna ay noqdeen sidii daasado moorsan oo wixii ku jiray ay urayaan!
-Hawadii la neefsan lahaa iyo jawigiina waxa ku xidhan qaac iyo siifad in la isku dirqiyo mooyaane si kale aan loo nuugi karayn, qaabka loo nuugayaana waa sidii in uu qofku xoog kaga soo dafayo degaanka hawadaas oo kale!

Page 12-19

[JACAYL MAYA….NAXARIIS HAA!]

Iyada oo aynnu wada dhaaddan nahay kaalinta uu dareenka jacaylku ku leeyahay dhankayga iyo dhankiinna qolyaha akhrismaalka ahow, iyada oo aynnu wada og nahay in jacaylku uu ku sii siqayo in uu noqdo sanamka waayahan la caabudo ee loo shido luubaanbada, dhallintuna ay qurbaanno uga dhigaan dhiggooda, duqayduna ay qurbaanno uga dhigaan maamuuskooda, geeraarro iyo ducooyin loo akhriyo, durbaanno iyo darmallana loo tumo, gabdhaha qoob-ka-ciyaarkuna ay u xadreeyaan, tiyeetarrada iyo shineemooyinkuna ay isaga u adeegaan oo u hagar baxaan, goobaha baaararka ee saamalaylladuna ay hadh iyo habeen isaga weyneynayaan ee carshigiisa ay kor u hijinayaan, si uu u noqdo ka kowaad ee la caabudo ee dhankiisa lawada aado, arrinka keliya ee ummadda mashquuliya, hiigsiga keliya ee loo wada hammuun qabo iyo yoolka ugu mudan ee noloshan laga leeyahay ee la’aantii aanay noloshu nolol noqonayn!

1- Ma garanaysaa sababta uu jacaylku mar walba ula xidhiidho xanuunka?
Ama sabab uu mar walba ugu soo af meermo illin qubata iyo rajadhig?

  • Haddi aan isku dayo ka-warcelinteeda, jacaylka iyo rabitaanka toolmooni way isku sidkan yihiin,suuragalna ma aha in aad gabadh jeclaato adiga oo aan rabitaan u haynin. Isla markaa aad rabitaankeeda dareentid ayuu jacaylkuna dhiiggaaga iyo jidhkaaga dhex xuluulanayaa oo neecawdiisa laydha ah ee jimcooni ay ku maraysaa. 

Page 28

- Rabi الله عز وجل  in markii uu guurka xusay aanu xusin jacaylka ee uu xusay gacaltooyada, naxariista iyo degganaanshiyaha(Xasilloonida).

‎(وَمِنْ ءَايَٰتِهِۦٓ أَنْ خَلَقَ لَكُم مِّنْ أَنفُسِكُمْ أَزْوَٰجًا لِّتَسْكُنُوٓاْ إِلَيْهَا وَجَعَلَ بَيْنَكُم مَّوَدَّةً وَرَحْمَةً) الروم:٢١

Waa naxariista iyo gacaltooyada furayaasha guryuhu.
Naxariistu iyada ayaa koobsabaysa jacaylka oo waa mahuraan, balse jacaylku ma koobsanayo naxariista ee waxaba uu u dhow yahay shahwadu in ay u jiiddo dhanka cadaawadda iyo nacabnimada. 
Naxariistu waa dareen aadame oo debecsan oo isku raran, waxa ay koobsanaysaa jacaylkii, walaaltinimadii,saaxibtinikadii,daryeelkii,huritaankii,iscafintii,isu dhibriddii,isa saamaxaaddii,deeqdii,wax’istarkii iyo in uu qofku naftiisa kasoo hor jeesto isaga oo u danaynaya ciddiisa.
Naxariistu waa nuur, shahwaduna waa naar.
kakanaantu waa fulaynimo, naxariistuna waa geesinimo.
*Naxariistana waxa hanta keliya geesiga maamuska iyo deeqsinamada u dhasha, aargoosiga iyo cadaawaddana waxa miciin bida dadka liita ee dhulyaalka ah.

Page 27-36

[ WAA TUMA MARWADA SHARFANI ? ]
Waxa uu ku xusay nebi saleebaan Tawraadda “Gabadh marwo mudnaan leh yaa I tusaya , iyada ayaa ka qiimo badan wax kasta oo qaali ah oo adduunka yaalla oo dheeman iyo luulba leh, waxaan ka dhex baadhay kun haween ah oo kama aanan helin’e?

Waxa aynu sooyaalka ka dheehannay haween tiro badan oo taariikhdu ay xusto oo noloshoodu ay tubta toosan haysatay:
Gashantidii Maryama (nebi ciise hooyadii)
Khadiija,xaaski rasuulka (Scw)
Aasiya, xaaskii fircoon.

1 year, 1 month ago

Page 28

- Rabi الله عز وجل  in markii uu guurka xusay aanu xusin jacaylka ee uu xusay gacaltooyada, naxariista iyo degganaanshiyaha(Xasilloonida).

‎(وَمِنْ ءَايَٰتِهِۦٓ أَنْ خَلَقَ لَكُم مِّنْ أَنفُسِكُمْ أَزْوَٰجًا لِّتَسْكُنُوٓاْ إِلَيْهَا وَجَعَلَ بَيْنَكُم مَّوَدَّةً وَرَحْمَةً) الروم:٢١

Waa naxariista iyo gacaltooyada furayaasha guryuhu.
Naxariistu iyada ayaa koobsabaysa jacaylka oo waa mahuraan, balse jacaylku ma koobsanayo naxariista ee waxaba uu u dhow yahay shahwadu in ay u jiiddo dhanka cadaawadda iyo nacabnimada. 
Naxariistu waa dareen aadame oo debecsan oo isku raran, waxa ay koobsanaysaa jacaylkii, walaaltinimadii,saaxibtinikadii,daryeelkii,huritaankii,iscafintii,isu dhibriddii,isa saamaxaaddii,deeqdii,wax’istarkii iyo in uu qofku naftiisa kasoo hor jeesto isaga oo u danaynaya ciddiisa.
Naxariistu waa nuur, shahwaduna waa naar.
kakanaantu waa fulaynimo, naxariistuna waa geesinimo.
*Naxariistana waxa hanta keliya geesiga maamuska iyo deeqsinamada u dhasha, aargoosiga iyo cadaawaddana waxa miciin bida dadka liita ee dhulyaalka ah.

Page 27-36

[ WAA TUMA MARWADA SHARFANI ? ]
Waxa uu ku xusay nebi saleebaan Tawraadda “Gabadh marwo mudnaan leh yaa I tusaya , iyada ayaa ka qiimo badan wax kasta oo qaali ah oo adduunka yaalla oo dheeman iyo luulba leh, waxaan ka dhex baadhay kun haween ah oo kama aanan helin’e?

Waxa aynu sooyaalka ka dheehannay haween tiro badan oo taariikhdu ay xusto oo noloshoodu ay tubta toosan haysatay:
Gashantidii Maryama (nebi ciise hooyadii)
Khadiija,xaaski rasuulka (Scw)
Aasiya, xaaskii fircoon.

Khadiija waxa ay nabiga siisay amni iyo nabadgal, waxa ay u ahayd hooyo, xaas iyo dhufays uu magansado, waxa ay kaga gudbanayd oo uu ku kaga eeran jiray collaytanka ay gaaladu u hayaan iyo dhagarahooda iyo shirqoolladooda. Waxa ay nafteeda, nolosheeda iyo hantideedaba u hurtay farriintii uu siday iyo higsiyadiisii, Wixii u jeclaa ayay la jeclaatay, jidkii u qaadayna way la qaadday, illahay dartii ayay u jeclaatay, isagana illahay ayay ku jeclaatay.
si aad u hanato marwo sida khadiija oo kale ah , waa in aad noqotaa nin sida Maxamed oo kale ah.

Page 46-53

-Qofka doonaya in uu dhammays tirnaado oo uu mudnaan iyo maamuus lahaadaa, Ha noqdo qof aan laga salgaadhi karin oo dahsooni badan.
Isla-hansarraynta iyo dahsoonidu waxa ay ka mid yihiin astaamaha dhammaystirnaanta ruuxa.

Page 118WAAYAHA DAANYEERTA

Dhiganaha : Waayaha Daanyeerta 
Allifiddii: DR. Musdafa Maxamuud 
Tarjumiddii: Aadan-Sahan
Pages:124

Qaybo ka mid ah:

~Ninka ragga ahi uma yaqaanno gabadhnimada iyo dheddigaanshuhu in ay yihiin maryo shaandho ah oo daldaloola iyo jidh lugaynaya, ee waxa uu u fahansan yahay oo uu u yaqaanna in ay tahay hooyanimo. Gabadha soo—jiidashada leh ee la jeclaystaana ay tahay gabadha laga dheehdo ee ku astaysan naxariis, jimcoonaan (debecsanaan), dhibir samaan, gacaltooyo iyo isfahan.

~Si dhab ah ayuu ninka ragga ahi u og yahay in aanay gabadhu ahayn shaf iyo halbeegyo jidheed, wuuna og yahay in haddii kuwaas looga qiyaas qaato ay kollayba uumi baxayaan dhowaan oo la waayayo uurka koowaad dabadii, deeradiina ay isu doorinayso sac, gabadhaasna aanay ka soo hadhayn wax in uun waxtar u leh gudashadeeda hooyanimo, naxariisteedii loogu hiranayay, dhibirsamaantii gabadhu ay jiritaanka ku lahayd iyo sawracii (asalkii) lagu yaqaannay guri dhisan oo dhidban.

~Ninka ragga ahi waxa uu og yahay, xorriyadda dhabta ahi in ay tahay in ay gabadhu ugu horrayn ka xorowdo xayawaanka gudeheeda ku nool ee ku guulaya in ay xiiseheeda sal iyo seesba uga dhigto nolosheeda.

~Waa in ay ka xorowdaa gadoodka iyo kacdoonka xubneheeda oo ay xakamaysaa dareennadeeda, si ay u noqoto qof aadame ah.

~Waa sidaas fahankayga iyo fahanka nin kasta oo raganimo ku astaysani uu ka haysto gabadhnimada iyo dheddigaanshaha dhabta ahi.

~Haddii erayadani ay gabdhaha waayahan ee casriga la jaan qaadaya ula muuqdaan dibudhac, anigu waxa aan ahay qof dibdhacsan, aniga ayaana jidkii qummanaa haya aniga oo dibdhacsan.

1 year, 2 months ago
**060-WAAN KU SALAAMAY SAAXIIB**

060-WAAN KU SALAAMAY SAAXIIB

*Waxa ay ku odhanayaan "Waad isbedeshay!"
Waa wax laga xumaado in dadku natiijooyinka wax aan ahayn aanay arkin, qof sababaha natiijadaas keensaday u fiirsanaya uusan jirin.

Qofna ma oga in shakhsigan  deggan ee qabow ee aad noqotay, uu yahay natiijada gubashooyin badan oo kusoo maray, oo adiga cid aan ahayni ayna ka war qabin!

Qofka gacanta biyo ku haystaana lama mid ah ka gacanta dhinbiisha ku haya!
Qofna ma oga shakhsiyadan digtooni  ee aad noqtay ay tahay natiijada digniinno iyo khiyaamooyin badan oo kusoo maray, oo adiga cid aan ahayni aan dareemin*!

Buugga Waan ku salaamay saxiib
Turjume Aadan Sahan
Bogga 153

1 year, 2 months ago

SIDEEN KUGUU DHIIBAA?!

*Sideen ku aamina jaceylkaaga oo aan kuugu dhibaa naf aan weligeed helin daryeel iyo danayn ku filan. Waan ka cabsanaya u dhiibida xakameynta maskaxdeyda gacantaada inaan kuu geliya albidhiqsiyo ka mid ah noloshaada.

Marabo inay ruuxdaydan yar ee adadeyga iyo kelinimada keligeed soo qaadatey in latuso naxariis iyo jaceyl, ma rabo inaan ka hor yimaado qaacidadii aan naftayda ku xidhxidhay ee ahayd "Xor noqon maysid intaad ku jirtid xayndaabka ruux aad jeceshahay" HAA, waa run oo ma rabo jaceyl dhameystiran sababtoo ah waxaan ka cabsi qabaa inaan waayo xakamada iyo gacan ku haynta nafta aan sidaas usoo tigtigay una diiday dareemida xornimo iyo xarago, naashnaashka iyo nashaadkaba aan ka xidhay.

Ma ogi sababta aad urabto jaceylkayga, daryeelkayga iyo danayntaydaba keliyaa waxaan ogahay maankaygana ka dhex guuxaya sida gabadh walba loogu daadiyo shabaqyada halaaga iyo hooga, sida gabadh kastoo ila mid ah looga soo jillaabto bad weyn aan lahayn meel laga baxo laguna nagaado ee ay iyaguna isku dhiibaan dareen-ushaqaystayaasha aan lahayn jixin jixa aadamtinimo.

Runtii waa taas sababta ugu weyn ee aan u diidayo wax walboo dhankaaga ah, ee weydiimahan maankayga udiidey sugnaanshiiyaha isii jawaaba ku filan. Ii keen hal sabab oo aan ku dareemo jaceylkaaga iyo naxariistaadaba, ku dhageysto weedhahaaga aad runta u eekaysiinayso, Ku qaabilo indhahaaga kuna qabsado gacantaada.W/Q @JuweriyaAbdirisak 06-Sep 2023*

1 year, 3 months ago

Niyad jabku waa marxaladaha ugu adag ee uu qofku maro gaar ahaan marka uu dhalinyarada yahay waxa iska soo xidhaya albaabo badan oo uu fursado ku heli lahaa haddaanu degdeg ugu soo kaban, waxa iskaga dhex qasmaya wadiiqooyinka uu raaci lahaa isaga oo og ta saxan iyo ta khaldan ayuu san haddana kala dooran karin.
"Niyad jabku waa cudur dilaa ku ah maankeena"

25-Sep

1 year, 3 months ago
*"Cidna ma oga inta iska-hor-imaad ee …

"Cidna ma oga inta iska-hor-imaad ee ka dhex dhaca gudahaaga maalin kasta, iyo inta ay kugu qaadato inaad iska dhigto mid bad-qaba"

-Mark Twain

1 year, 3 months ago
"*Jaceylkaan kuu qabo waxaan dunida usoo …

"Jaceylkaan kuu qabo waxaan dunida usoo bandhigi doona goorta uu sannadku noqdo 384 maalmood, saacduna ay noqoto 46 saacadood, maalinta iyo habeenkuna is dhex-galaan oo ay hal mid isku noqdaan"
14-Aug

1 year, 3 months ago

"Markey noloshu nagu adkaato badankeenu waxaanu isku daynaa inaanu ka baxsano inta awoodeena ah, illeen waa wax awoodeenna dhafsiisane ay nasoo gaadho iyadoo sidii hore ka xanuun badan, halka kuwo kalena ay si degen ula tallaabsadaan si tartartiib ahna ula jaan-qaadan illaa ay ugu danbeynta ay isku furfurto noloshu"

Runta noloshu qadhaadha.

21-Feb

1 year, 4 months ago
*"Miyey jiraan dad wanaagsani mise ka …

"Miyey jiraan dad wanaagsani mise ka wanaagsanina dantiisu ay u wanaagsan yahay!"

26-Aug