Philosophy فلسفه ??.

Description
Halkaan waxaad ka heli Falanqaynta buugaagta Falsafada iyo soo bandhigida falsafada sare, Iyo Fahanka Falsafada.

Kusoo biir chanelkena kale .

https://t.me/cilminafsiga

Wixii su'al ama talo bixin ah?

Owner : @AASIYA_CASAYR


15/5/2021 ?Welcome.
We recommend to visit

SABA GUDDAA WAAN TAANEEF MIIDIYAA GUDDAATU NUUF MALA!

@Abdii_Sabaa

?NU QUNNAMUUF?
@AbdiiSabaaDm

?BARNOOTAAF
@abdii_sabaa_university

?MARIIF
@Garee_Abdii_Sabaa

Last updated 1 month, 1 week ago

asc بســــــــــــم الله الرحمن الرحيــــــــــــم
Ku Dhawaad- 3000 Buug-Somali ayaa ku jira Akhriso oo ilaali xuquuqda Qoraayada leh.
Youtube:
https://shorturl.at/auGJZ
Diclamer:
Cabasho/Buug iyo Su,aal ... La Xidhiidh
@Cabasho_Bot
@Tusmobook

Last updated 3 months, 2 weeks ago

Somali National Television is the principal public service broadcaster in Somalia.

Headquartered in Mogadishu.

Last updated 2 months ago

2 months ago

“Salaaddii jumce ayaa aan la tukadey Shiikhaygii Cabdicasiis Ibnu Baas AHN, waa Masjid Jaamica Malik Cabdilcasiis ee magaalada Riyaad, masjidka waxaa Khadiib ka ahaa Shiikh Cabdiwahaab Dariiri, khudbadduna maalintaas waxa ay ku saabsanayd ‘Bidcooyinka, shirkiyaatka iyo khuraafaadka lagu dhex saydhiyey Caalamul-islaam’.

Shiikh Ibnu Baas ayaa Masjidka yimi markii ay saacaddu ahayd 11-kii maalinnimo, waa khudbadda ka hor, Shiikhu waa uu sunnaystay waxana uu tukadey wax ku dhow 10-rakcadood, dabadeedna waa uu salaamad-naqsaday oo waa uu ka baxay salaaddii; aniguna dacalkiisa ayaa aan fadhiyey oo markiiba waxa aan kula degdegey salaanta. Waagaa waxa aan ku sugnaa cidhiidhi daran oo gaadhey in aanan awood u yeelan in aan khudbado jeediyo, in aan muxaadaraad qabto iyo in aan dacwadba faafiyo, caqabado jirey aawadood ayaa keensaday arrintaas.

Shiikh Ibnu Baas ayaa waxa uu igu yidhi:
“Adkayso oo samir, maxaa yeelay wax kastaaba waxa ay leeyihiin xad ay ku soo idlaadaan”. Hadalkiisii Shiikhu waxa uu ku soo koobay weedhaas kooban, laakiin kama aanu gaabin in uu ii diro dhambaallada yididiilada iyo saadaasha wanaagsan ee wada gaadhey qalbigayga iyo xubnahayga. Masjidkii waxa aan ka baxay iyada oo aad mooddo in aan illaaway hadalkii Shiikha oo dhan marka laga reebo weedhii ahayd:
“Adkayso oo samir, maxaa yeelay wax kastaaba waxa ay leeyihiin xad ay ku soo afmeermaan”.

Weedhaas ayaan mar walba xasuustaa, waxana aan yaqiinsadaa wax waliba in ay leeyihiin meel ay ku soo dhammaadaan, mushkiladuhu waxa ay leeyihiin xad ay ku soo dhamaadaan, gaajada, cudurka, caydha, qaanta/deynta, xabsiga, werwer kasta iyo walbahaar kasta oo noloshu leedahay waxa uu leeyahay xad uu ku soo idlaado.

Xadkaas marka la gaadho wax kastaa waxa ay isu rogi doonaan liddiga dhibta, farxad, ferej, naruuro, nayaayiro, fudayd, khayr iyo raxmad ayaa xigi doona.

Mahadi waxa ay u sugnaatay Allaha aan masiibada ka dhigin mid waaraysa, walbahaarkana aan ka dhigin mid joogto ah weligii, wax kastana u yeelay xad iyo meel aanu dhaafin.”

Turjumaad
وأخيراً إكتشفت السعادة، الدكتور عائض القرني.

2 months, 1 week ago

Garaadka sare iyo Caqli badnida waxa saaxiib la' ah Naf hoosaysa oo Xumaanta iyo Shahwaadka Faraysa Qofkasta da'duu doono Ha-ahaadee, waa sababta kala dhantaashay Dhamaystirka bini Aadamka. Waana kii Ahun Hadraawi lahaa , "Naf-baan isla doonayaa,? Isdiido Dhexdeeda taal." *?‍♂*

**Sidaa daraadeed Alle wuxuu ina leeyahay

۞ يَـٰٓأَيُّهَا ٱلنَّاسُ أَنتُمُ ٱلْفُقَرَآءُ إِلَى ٱللَّهِ ۖ وَٱللَّهُ هُوَ ٱلْغَنِىُّ ٱلْحَمِيدُ,
Dadow idinka unbaa fuqara ah (u baahan) Eebe, Eebena waa hodan amaanan.?

Si aad unoqoto bini aadam dhammaystiran ilaahay ku xidhnow amarkiisana qaado waxaad noqoni basharka ka ugu badhaadhaha badan, sharafta badan, cilmiga badan, barakada badan, ugu boqran, ugu bilan, ugu baaxeersan, ugu bidhaaman, ugu bilwaaqsan, ugu Baawar badan uguna Bil-khayraan.??**
@balaashaan1

2 months, 1 week ago

Horta waa suaale Is waydii⁉️

Qof nooceeya isku aragtaa

5 months ago

Isku day inaad ku noolaato nolol u hoggaansan amarrada Alle iyo jidka uu Nabi Maxamed (NNKH) ina baray.

5 months, 1 week ago

﴿وَٱذۡكُر رَّبَّكَ إِذَا نَسِیتَ﴾

7 months, 3 weeks ago

Waxaan bilaawi doonaa Qoraal yar oo ku saabsan critical thinking .

Aqoon uma lihi lakiin waxan soo barto ayaan idinla wadaagi .

Alle ha ila garab galo .

Inshallah caawa ayaan soo dhigi Qoraalka ugu horeeya .

7 months, 3 weeks ago

Waxa la isku dhaafay maskaxe ma ahan muuqaal??

7 months, 3 weeks ago
10 months ago

Haddii aad la kulantaan qof si niyad ah u doonaya in uu ka gudbo xaalad nololeed oo adag oo markaas uu ku sugan yahay, ha malaynina niyaddiisa ee ficilkiisa eega. Nolol kasta oo dhibaato ay weheliso waxay u baahan tahay in la qaabilo oo in laga cararo uma baahna. Ka baxsashada caqabadaha, iyada ayaa ah caqabad hor-taagan nolosha. Haddiise la qaabilo dhibaatada, waxaa xigaya in xal loo helo. Xasuusnaada in maanta ay tahay timaaddadii shalaydiina, taas oo ahayd mid aad shalay ka walwaleyseen. Berrina in ay tahay timaaddadiina maanta, taas ah mid aad maanta ka walwashaan. Sidaa darteed, hawl maanta idiin taal dib ha u dhiganina. Keliya waxaad dib u dhigataan hawsha aad dooneysaan inaad qabataan goorta aad dhimataan.

10 months ago

Coming soon qiso cajiib ah❤️

We recommend to visit

SABA GUDDAA WAAN TAANEEF MIIDIYAA GUDDAATU NUUF MALA!

@Abdii_Sabaa

?NU QUNNAMUUF?
@AbdiiSabaaDm

?BARNOOTAAF
@abdii_sabaa_university

?MARIIF
@Garee_Abdii_Sabaa

Last updated 1 month, 1 week ago

asc بســــــــــــم الله الرحمن الرحيــــــــــــم
Ku Dhawaad- 3000 Buug-Somali ayaa ku jira Akhriso oo ilaali xuquuqda Qoraayada leh.
Youtube:
https://shorturl.at/auGJZ
Diclamer:
Cabasho/Buug iyo Su,aal ... La Xidhiidh
@Cabasho_Bot
@Tusmobook

Last updated 3 months, 2 weeks ago

Somali National Television is the principal public service broadcaster in Somalia.

Headquartered in Mogadishu.

Last updated 2 months ago