Unlock a World of Free Content: Books, Music, Videos & More Await!

Kaydka xikmadaha📚❤

Description
Haddii aad xiisayso buugta gorfayntooda iyo weliba muuqalada buugta ka hadlaya, odhaahyo iyo waxyaabo ku xiiso gelinaya fadlan ka mid noqo saaxibada ku xidhan channelkan. ❤📚
Advertising
We recommend to visit

بســــــــــــم الله الرحمن الرحيــــــــــــم
Ku Dhawaad 3000 Buug-Somali
Free Ah
Youtube:
https://shorturl.at/auGJZ
Diclamer:
https://telegra.ph/HA-DEG-DEGIN-AKHRI-11-15
© Somalibooks Pro Inc
- All Rights Reserved-⤵️
@Cabasho_Bot
@Tusmobook

Last updated 5 months, 3 weeks ago

Somali National Television is the principal public service broadcaster in Somalia.

Headquartered in Mogadishu.

Last updated 1 month, 2 weeks ago

Kala soco Xikmad iyo Qormooyin Markasta Io Meelkasta.

Last updated 5 days, 7 hours ago

4 months, 1 week ago
Noloshaada badankeed waxaad ku qaadanaysaa "shaybaar" …

Noloshaada badankeed waxaad ku qaadanaysaa "shaybaar" aad baarayso sida aad u nasan lahayd , u ogaan lahayd jawaabaha kaa maqan , waad is jeceshahay waxaad isugu sheekaysaa in aad wanaag kala kulmi doonto mustaqbalka !

Laakiin waa faro ku tiris inta jeer ee aad u howl gasho rabitaanadaas , erayga ah  " waan fiicnaan doonaa berri " ayaad kaga baxsataa xabsiyada aad hada kujirto laakiin ogoow berri dhammaan mayso shaybaarkaaga iyo khayaalka aad isugu sheekaysana way soconayaan ilaa godka hadii aadan la iman ficil ".

4 months, 1 week ago

2006 maalinkii cabdullahi yuusuf uu soo galiyay muqdisho ciidan itoobiyan ah

sidee wax u dhaceen:

Itoobiya qorshaheedu wuxuu ahaa inay somalia qabsato cabdullahi yuusuf na cover uun buu ahaa, ciidan 90kun ah bay soo geliyeen laakin markiiba waa la iska dhiciyay gudaha iyo dibadaba xata qurbaha looga yimi sidii la iskaga difaaci lahaa itobiya iyadoo la fahansana qorshaheeda. Inta muhiimka ah aan u dago, markii la jabiyay ciidankii itobiya ayaa la waydiiyay madaxweynihii markaa itoobiya haystay su'aal ah 'waa adigii oran jiray somalia wan qabsanaya ee maxaad u qabsan wayday ood usoo carartay' wuxuu ku jawaabay " Somalia labo qolo ayaa I jabiyay labadaa qolo hadaysan ahaan lahayna ma jabeen labadaa qolo oo ah 'dadkii wadaniyiinta ahaa ee jaamacadihii wadanka xiligii siyaad bare iyo kahorba wax kusoo bartay oo weli nool iyo Culimada' markaan labadaa dabar jaro duulanka labaad Cid iga hor istaagi karta inan somalia qabsado majirto ayuu yiri. Arinta xusida mudan waxa weeye in Isla wakhtigaasba Al-Shabaab aas aasantay xiligaa ilaa iyo hadda waxay qarax ama madax jabis ku dishaa labadaa qolo uun.

Isku maqanay waa lagugu maqan yahay.

4 months, 2 weeks ago
Maalmihii la furay xadka dalalka Ethiopia …

Maalmihii la furay xadka dalalka Ethiopia iyo Eritrea ayaa la waraystay askari u dhashay Eritrea oo ka warramay sheeko aan aad ula tacajabay.

Wuxuu yidhi Dibi ka mid ahaa Lo’ ciidankayaga furinta kujira loo qali jiray, ayaa ku bakhtiyay gudaha xadka Ethiopia. Markaannu ka war helnay ayuu taliyahayagii qaybta nagu amray in aanu raqdiisii usoo jiidno gudaha Eritrea.

Wuxuu taliyuhu nagu yidhi ”Intuu raqdiisa cuni lahaa Waraabe Ethiopian ah, ha cuno Waraabe Eritrean ah!”

Waxay ii ahayd waddaniyad middii ugu sarraysay ee aan ifka milicsado, waxaa igu soo dhacday sida aannu xayawaankeennii deegaanka qurxin jiray ugu tacaddinnay, magaalo dhan oo Ey dhagaxaynaysa oo aan u haysan qiil iyo wax u banneeyey baad arkaysaa.

Dugaag badan baa dhulkeenna ka qaxay oo qaxooti ku ah Kenya oo deyrar u xidhatay kana baayac mushtaraysa, duurjoogtaasi waa maxaabiis uun sida aan dalkeenna ugu boholyownay u dal-tebaya.

"Badda dugulsan noolaha ku jira dunida waa luul dheh"

9 months, 3 weeks ago
Maxaa ino diidaya inaan is taagerno …

Maxaa ino diidaya inaan is taagerno , maalmahan yar ee kooban hadan la is anficin oon la istaageerin oon la is garabsiin maalin kale la is heli maayo , gobbanimada Walaaltinimada is qadarinta iyo tallo-wadaagu waa waxa ugu dambayn wax ina taraya haysashana maleh

Dadki nolaa 1890 waa 133 sano ka hor cidi kama nola manta gabi ahanba, waa in yar o sarir saaran , 2100 marku sanadku gaaro dadkan hada jira wa cirib tirmayaan , waxa kaliya ee la inaga rabo maaha inaan ku faano mudada dher ee aan nooleyn ee waa sida aan u noolayn

10 months ago
"Maxaan soo da'ay walaac

"Maxaan soo da'ay walaac
Dareen ka samaysan ciil!"

10 months, 1 week ago
Waa qiso bilowgeed iyo qiso dhammaadkeed …

Waa qiso bilowgeed iyo qiso dhammaadkeed .

Haddaad kor ka bilowdid waa quus , waa aragtidii udambaysay , waa rajo yari iyo hubanti la'aan , waaa maskax sii luminaysa dabka .

Haddaad hoos kasoo bilowdid waa rajo , waa bilow , waa garasho cusub iyo hubanti in aad wali nooshahay , waa maskax qabanaysa shaqadeedii mar kale kadib muddo ay ka maqnayd shaashadaha nolosha .

10 months, 2 weeks ago

**Inta aan labada qofi xidhiidh rasmi ah yeelanin, majiro qof mashquulsan! Labadooduba wakhti bay hayaan. Majiro qof caajisan ama murugaysan ama uu culays kale oo nolosha ahi saaran yahay. Inta aad isku cusub tihiin ruuxaas daqiiqad walba oo uu farriin kuusoo diro waad u jaawabaysaa haddii aanad markaaba u jawaabin hadhow ayaad ku odhanaysaa “ow.. iga raali noqo hawl noocaasa ayaan hayay.. waan ka xumahay inaan kaala daaho jawaabta..” iyo wax lamida.

Waxaan is waydiidayay, maxaa masuuliyadda adduunka oo dhan dusha ka saara ruuxii noocaa ahaa goorta uu xidhiidhku bilowdo? Qofku muxuu marwalba u mashquulsan yahay? Hawlihii maalmahaas la hayay oo kale uun sow ma aha shaqooyinku? Sow isku si uun looma mashquulo? Maxaa keenay in mashquulkaa hore raalli gelin iyo ka xumaansho la muujiyo kan dambena aan dan looga gelin? Muxuu qofku maalmahaas hore uga cudurdaartaa maqnaantiisa, maalmahan dambena uu ugu muuqdaa qof ula kac u maqnaanaya? Maxaa dedaalka la isugu bixiyaa maalmaha hore marba haddii qofku is baddelayo goorta aad si dhaba wixii aad u wada hadlayseen dartii u bilowdaan?

Inaadan waxba bilaabin ayaa ka qurux badan inaad bilowdo wax aanad rajo ka lahayn dhammaadkiisa. Haddii marba uusan kuu caddayn jidka aad u marayso waxaa aad bilaabayso oo aanad sawiran karin hadhow dhammaadkiisa waxaa fiican inaadan naftaada culays ku saarin maalmahan yar ee xiisaha ah.

Haddii ay hurdo ku qabato adigoo magaalada dhexdeeda socda dammiirkaagu kuma siinayo inaad jidka seexato, waayo waxaad ogtahay sharaftaada iyo caafimaadkaaga midna inaanu u fiicnayn oo dabayl dhas kugu saydha iyo in dadku qof waalan kuu maleeyaanba waad isaga baqi. Sidaas oo kale qof aanad xidhiidh qumman oo ama guur ku idlaada ama jaceyl aan la is calfan ku dhammaadaba aanad la doonayn wakhtigaaga yar ha isaga lumin si’aan laba dhibbaato midna kuu soo gaadhin. Waata koobaade qalbiga ha iska wasakhayn iyo dareemahaba, waata labaade wakhtiga aad dadkaa ku bixinayso naftaadaa kaaga baahan ee Gym kutag, waxkubaro ama wax ku akhriso.

Iskusoo wada duuboo umaddan ilaahay ee dar Ilaahay dhibaatooyinka nolosha ula ciir ciiraya hala doonan xiisahan sidii hurdada kuu haya ee markaad qofkii isku hubsato inuu ku rabana kaa dhammaanaya. Halaga nabad helo dareemadaada oo kollayba waa lagu soo doonane haddii aanad si wacan u dawayneynin adigoo diida oo ay dhaawacaas hore mutaan ayaa u dhaanta inay xiisahaas hore dhaawac dambe ka dhaxlaan.**

_ikhyaar.❤️**

11 months, 2 weeks ago

Mar-la-arag noqo: in albaabkaagu furan yahay, markii lagu baahdana si fudud lagu heli karo waxa ay hoos u dhigaysaa haybaddaada. Maqnaanshahaagu waxa uu abuuri karaa hilow iyo in xiiso laguu qaado. dadka u diid inay kaa dhargaan, markasta oo joogitaankaagu bato dadku waa ay ku dhibsanayaan , waxaad noqonaysaa qayb kamid ah dabeecadahooda maalinle, haddii maqnaanshahaagu macne samayn waayo joogitaankaagii horre macno lahayn

11 months, 2 weeks ago

Ragoow gabdhaha bara cilmiga iyo akhlaaqda ha gaynina Tiktok iyo booska faashiliinta , yoolkiina haka dhigina in dadku idin wada arkaan ee ka dhiga inaad wada hormartaan maskax ahaan jir ahaan iyo dhaqaale ahaan "

We recommend to visit

بســــــــــــم الله الرحمن الرحيــــــــــــم
Ku Dhawaad 3000 Buug-Somali
Free Ah
Youtube:
https://shorturl.at/auGJZ
Diclamer:
https://telegra.ph/HA-DEG-DEGIN-AKHRI-11-15
© Somalibooks Pro Inc
- All Rights Reserved-⤵️
@Cabasho_Bot
@Tusmobook

Last updated 5 months, 3 weeks ago

Somali National Television is the principal public service broadcaster in Somalia.

Headquartered in Mogadishu.

Last updated 1 month, 2 weeks ago

Kala soco Xikmad iyo Qormooyin Markasta Io Meelkasta.

Last updated 5 days, 7 hours ago