Jiil-Darwiish

Description
Kacdoonka buluuga
Advertising
We recommend to visit

بســــــــــــم الله الرحمن الرحيــــــــــــم
Ku Dhawaad 3000 Buug-Somali
Free Ah
Youtube:
https://shorturl.at/auGJZ
Diclamer:
https://telegra.ph/HA-DEG-DEGIN-AKHRI-11-15
© Somalibooks Pro Inc
- All Rights Reserved-⤵️
@Cabasho_Bot
@Tusmobook

Last updated 6 months, 1 week ago

Somali National Television is the principal public service broadcaster in Somalia.

Headquartered in Mogadishu.

Last updated 2 months ago

Kala soco Xikmad iyo Qormooyin Markasta Io Meelkasta.

Last updated 6 days, 12 hours ago

1 year, 3 months ago

3 arimood oo dagaalka Laascaanood kaga duwan yahay dagaaladii waddanka soo maray.

  1. Dadka reer SSC waxay ka dagaalamayaa oo diidan yihiin dulmi lagula kacay 15kii sano ee maamulka Somaliland uu haystay magaalada Laascaanood iyo deegaamo hoosta taga. Waxaa madax duub lagu dilay 15kaa sano dad ku dhow 150 qof ah haldoorkii magaalada sida culimada, aqoonyahanada, siyaasiga firfircoon, waxgaradka iyo qofkasta oo wax guda waxna gala. Dadka wax laynaya lama soo qabto oo ciidanka Somaliland oo inta badan qofka lagu dilo aag ay ka dhow yihiin, gacan ku dhiiglahaas way fakiyaan. Markaa ay cid qabtaana waxay soo qabtaan qof aan dambiile ahayn una dhashay beel kale oo ah beelaha dega deegaamada SSC si ay labada reer ee walaalaha isaga hor keenaan taas marar badan keentay in dhiig badan daato.

Mudadii Ciidamada Somaaliland joogeen Laascaanood, magaaladu may samayn wax inna ha yaraatee horumar ah, bale waxay noqotay xero ciidan. Gudaha magaalada iyo banaankeedba askarta Somaliland ayaa saldhigyo badan ka samaysatay sida Goojacade, buurta Sayidka, Maraaga, Durdurka, Abeesalay, Khaarajiye, Geedaqarsay iyo goobo kale oo badan. Waxaa la keenay saldhigyadaas hubka noocyadiisa kala duwan, tikniko, taangiyo ilaa madaafiicda waa weyn ee markay weerarka soo qaadeenna ay magaalada ku duqeeyeen

  1. Umadda reer Khaatumo waxay u dagaalamayaan xornimadooda iyo in ay iyagu ka tashadaan aayahooda, cid kalena aysan maamulin.

  2. Reer SSC maanta way u midaysan yihiin difaaca dadkooda deegaankooda iyo sharaftoodaba. Waxaa halganka ku jira culimadii, garaadadii, aqoonyahankii, abwaanadii, ardaydii jaamacadaha iyo dugsiyada sare, dumarkii iyo dhalinyaradii. Qofkastaba booskii uu awooday ayuu halganka ka aaday. Dad ayaa qurbaha uga yimi si ay deegaankooda u difaacaan oo qori qaatay. Reer SSC waxaan leeyahay isku duubnida iyo midnimada halkaa ka sii wada allena talada saarta. Alle SWT quraankiisa wuxuu ku yiri وَمَن يَتَوَكَّلْ عَلَى اللَّهِ فَهُوَ حَسْبُهُ "qofkii alle talo saarta wuu ku filan yahay"

By Ducaysan Maxamed

1 year, 3 months ago

Update: ciidamada xaq u dirirka SSC

Tolka aan dhiig wadaagta nahay Harti/ Daarood, dhamaan umadda soomaaliyeed ee ka xun xasuuqa isiriyada ama midnimada soomaaliyeed darteed nooloogu xasuuqayo.

Waxaan ku war galinayaa in aanu jirin ciidan soomaliland ah oo ka baxay deegaankayaga, lkn waxaa jira furimaha qaybo ay ka baxeen.

Awoodoo ciidan iyo gurmad wixii ay heli kara yeen waxay iskugu geeyaan gooje-cade ilaa tuulo samakaab.

Qorshahooda weerar waxay rabaan jihada galbeedka ee shalay Horgal Ina canbaashe laga saaray, duulaan ku soo qaadaan.

Illo xog ogaal ah waxay noo xaqii jiyeen in dhaqankii beesha isaaq ay muuse biixi u tageen in uu ku gacan saydhay ciidankoodii talo soo jeedin toodii ahyd ciidan kaaga soo qaad oo keen xuduud qabiileedka oog, kuna jawaabay hadii 1 askari ay kasoo noqonayn kama soo baxayo deegaanka dhulbahante.

Hogaanka ciidanka somiland wuxuu qorshaynayaa biixi in uu u dhiibo Horgal ina canbaashe oo shalay duulaan uu kusoo qaaday ciidanka xaq u dirirka ssc .

Gabagabadii hadaan nahay ciidanka xaq u dirirka SSC waxaan u diyaar u nahay difaaca deegaanka iyo dagkayaba, hubka jabuuti laga keenayna uu gacanta yada ku danbaynayo.

1 year, 3 months ago

Laascaanood: Xalay Waatii aad Ogaydeen in aan Cidi Seexan oo Dadka Deegaanku ay Galleen Diyaar Garoowgii abid ugu Balaadhnaa Afarta koone ee Magaaladana ay ay isku Fidiyeen Ciidamada Xaq u dirirku oo Difaacyo Waawayn ka Xidheen,Go,aankuna uu ahaa in laascaanood Beri Lagu kalla Calaf Qaado.

Nimankii SNM ee Duulaanka ahaa ee Magaalada Hareereyey Xalay Saaka markii Waagu Beryay oo ay Indhohoodu wax arkeen Waxay Qiimeeyeen Xaallada Meesha Taala,Waxay arkeen in LAASCANOOD hadii ay Xageeda Madaxa u Qaadaan aanay Naf iyo Maaal Toona kalla soo laabanayn Maanta Waxay arkeen in Dhankii Waqooyi ee ay Furinta Cusub ka fureen looga Gacan sareeyo,Ninkii ay isku halaynayeen ee ina Cambaashe isna La Hareereeyey oo aanu wax Dhaqaaq ah samayn karin lana saxeexay la soo af jaro.

Saaka Weerar ay soo qaadaan iska daaye Xataa Waxay joojiyeen Madaafiicdii ay Macbiilka uga dhigeen Magaalada 18 kii Beri ee Dagaalka,Saacado Badan oo saaka ah wax laysu jaakidho oo laysu aamusnaado ishana la iska eego Nimankii Soo Duulaan tegay ee SNM Hadeer Waxay u Muuqdaan Kuwo Geedi ah oo Guuraya Oo si Tartiib tartiib ah uga Baxaya Difaacyadoodii iyo Goobihii ay fadhiisimada u ahayd.

1 year, 3 months ago
General indhacade iyo Korneyl Falaalug

General indhacade iyo Korneyl Falaalug

1 year, 3 months ago

Muuse mideeye. Warsangeli iyo Dhulbahante ayaa saaka Sool dhufays kaga wada jira. Hartinnimadii ayuuba xoojiyey dagaalkani. Janaraak Indhayare iyo kornayl Falaalug oo Laaska kuwada shaahaya.

SL aanay raggaasi oggolayni ma jri karto. Mustaxiil weeye e, dadka dhiiggooda hallakala badbaadiyo. Dee waa hadduu in uun caqli hadhay!

1 year, 3 months ago

Laascanood: Daqiiqad kasta ayaa caawa xabaddu afka ka bixi kartaa ciidamada deegaanka ayaa isku fidiyay guud ahaan magaalada, Somaliland waxay isku deyaysaa inay duulaan kama dambays ah soo qaado.

1 year, 3 months ago
Jiil-Darwiish
1 year, 3 months ago
Jiil-Darwiish
1 year, 3 months ago
Jiil-Darwiish
1 year, 3 months ago
Jiil-Darwiish
We recommend to visit

بســــــــــــم الله الرحمن الرحيــــــــــــم
Ku Dhawaad 3000 Buug-Somali
Free Ah
Youtube:
https://shorturl.at/auGJZ
Diclamer:
https://telegra.ph/HA-DEG-DEGIN-AKHRI-11-15
© Somalibooks Pro Inc
- All Rights Reserved-⤵️
@Cabasho_Bot
@Tusmobook

Last updated 6 months, 1 week ago

Somali National Television is the principal public service broadcaster in Somalia.

Headquartered in Mogadishu.

Last updated 2 months ago

Kala soco Xikmad iyo Qormooyin Markasta Io Meelkasta.

Last updated 6 days, 12 hours ago