Unlock a World of Free Content: Books, Music, Videos & More Await!

Han Maal

Description
Hoyga Kobcinta maskaxda waxaad ka helaysaa qormooyin iyo qisooyin iyo xilmado ku cajab galiya
Advertising
We recommend to visit

بســــــــــــم الله الرحمن الرحيــــــــــــم
Ku Dhawaad 3000 Buug-Somali
Free Ah
Youtube:
https://shorturl.at/auGJZ
Diclamer:
https://telegra.ph/HA-DEG-DEGIN-AKHRI-11-15
© Somalibooks Pro Inc
- All Rights Reserved-⤵️
@Cabasho_Bot
@Tusmobook

Last updated 5 months, 3 weeks ago

Somali National Television is the principal public service broadcaster in Somalia.

Headquartered in Mogadishu.

Last updated 1 month, 2 weeks ago

Kala soco Xikmad iyo Qormooyin Markasta Io Meelkasta.

Last updated 5 days, 7 hours ago

2 weeks, 6 days ago

Fiiro gaar ah;

Ku biiritaanka Masar ee dacwadan , Alon Liel oo ah agaasimihii hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Israa’iil, ayaa u sheegay Al Jazeera inay "Dharbaaxo diblomaasiyadeed oo aan la rumaysan karin ku tahay Israa'iil.. Masar waa albaabka joogitaanka Bariga Dhexe," ayuu yiri, isagoo intaa ku daray “Xiriirka ay maanta Israa'iil ku leedahay Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika, oo ay ku jiraan Jordan, Imaaraadka iyo Morocco, dhammaantood waa natiijo ka dhalatay wixii Masar ay samaysay 40 sanno ka hor… Tani waa waxa aan ka digayay,waxay ka imanaysaa dhowr jiho. Israa'iil waa in ay dhegaysato adduunka - ma aha oo kaliya in ay rayiga dadweynaha Israa'iil oo weydiisanaya hadda aargoosi.”

2 weeks, 6 days ago

Fallanqeeyaasha Mareykanka ayaa u arka wax aan dagaal horey loogu arag , inay Israa’iil wax walba sameysay si ay u burburiso awoodda Xamaas ee waqooyiga Qasa, haddana wali waxay u muuqdaan koox aan waligeed dagaal lagu soo qaadin, sida uu soo bandhigay telefishinka CBS ee Mareykanka , oo warbixinta uu soo bandhigay ku sheegay inaysan Israa’iil haysan qorshe guul ay ku gaari karto. Dhinaca kale , xog-hayaha arrimaha dibadda Mareykanka , Blinken wuxuu si cad maanta u sheegay inay aaminsanyihiin oo ay u muuqato Israa’iil kaliya waxa ay dilayso inay yihiin rayid oo dhimashada kooxda ay la-dagaallamayaan inay ka badan tahay tan gaartay rayidka.

Sawirka weerarradii u dambeeyay ee Israa’iil ay ku duqeysay xerada Jabaliya;

2 weeks, 6 days ago

UPDATE: Wargeyska New York Times, ayaa isagoo xiganaya saraakiil Mareykan iyo Israa’iil ah, wuxuu sheegay inay wajahayso Israa’iil xaalad adag oo la yiraahdo Yaxye Sinwar, iyadoo ay intaa ku dareen saraakiisha Israa’iil ee warbixintu xiganayso; “Maaddama uusan ahayn hoggaamiye adag oo keliya.. Waxa kale oo uu leeyahay xirfado gorgortan oo weyn— Sinwar ayaa Israa'iil ka hor istaagay in ay guul ka gaarto goobta dagaalka… Waxaan wajahaynaa cadow naxariis daran iyo siyaasi xirfad leh oo caqli badan, waxa uu khibrad iyo sirdoon u leeyahay fallanqaynta bulshada Israa’iil oo uu u habeeyo siyaasaddeeda si waafaqsan.”

Fiiro gaar ah;

Warbixintan lagu muujiyay habka uu Sinwar, u maareeyay dagaalka siddeeda bilood socda oo la rumaysan yahay goobta dagaalka iyo dagaalka fikirka ku dhisan inay labadaba ku ganac sarreeyaan Xamaas, ayaa ku soo aadaysa xilli ay wali Xamaas ku adkaysanayso inaysan geli doonin heshiis aan soo afjarayn dagaalka, si tan oo laga soo dabciyo waxay Israa’iil ku dhaqaaqday cadaadis kasta oo ay saari karto illaa kumannaan kun oo Falastiiniyiin carruur iyo haween u badan la dilay, si xuna loo ciqaabay ragga maxaabiista ah ee ay xireen Israa’iil, wali Israa’iil waxay gaari la’dahay soo bandhigista sawir guul ah oo la xiriira dagaalka iyo inay jabiso adkaysiga Falastiiniyiinta.

3 weeks, 5 days ago

UPDATE: Sarkaal sare oo ka tirsan Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa u sheegay wariyaha warbaahinta Axios, sida kaliya ee lagu badbaadin karo nolasha Falastiiniyiinta iyo joojinta duulaanka Rafah inay tahay Xamaas inay oggalaato heshiiska xabbad-joojinta.

Fiiro gaar ah;

Israa’iil ayaa duqeymo aan kala joogsi lahayn ka wada Rafah, halkaa oo sidoo kale si qasab ah dadka looga dad-guureynayo , waxay soo muujisay Israa’iil inay weerarrada u adeegsanayso si ay ugu cadaadiso Xamaas inay oggalaadaan heshiiska xabbad-joojinta oo ay u diiddanyihiin inuusan bixinayn dammaanad qaad la xiriira in heshiiska soo afjarayo dagaalka.

3 weeks, 5 days ago

UPDATE: 26 qof ayaa ku dhintay duqeyn ay Israa’iil ka gaystay waxyar ka hor Rafah, iyadoo ay jiraan dad kale oo ay guryaha ku dumeen, sida ay ku warrantay Al-jazeera.

3 weeks, 5 days ago

Israa’iil waxay billowday inay si joogta ah duqeyn xagga cirka iyo madaafiic ku garaacdo bariga Rafah, halkaa oo loo diray gaadiidka gurmadka deg deg ah , waxaa barbar socota duqeynta telefoonno ay soo dirayaan iyo waraaqo ay daadinayaan ciidanka Israa’iil si looga baxo deegaannada bariga Rafah. Ilaa hadda, xaaladdu waa mid aad u xun. Waxaa jiray dhibaatooyin aan horay loo arag oo isugu jira xaalado bini’aadinimo oo dhinaca nolosha ah, kuwaaso ka dhashay weerarrada xooggan ee duqeynta. Hadda, amarradan cusub ee daad-gureynta waxay u badan tahay inay sii kordhiyaan dhibaatooyinka nololeed waxayna kordhinayaan fursadaha cudurro badan inay faafiyaan. Waxaa uga daran dadka halkaa ku sugan inaysan qabin wax dareen ah oo ay uga baxsan karaan duqeymaha aan kala joogsiga lahayn.

1 month ago

Fiiro gaar ah;

Doorashadii golayaasha deegaanka ee Turkiga ka dhacday waxaa guul-darro weyn kala kulmay xisbiga Erdogan ee AK Party oo looga guuleystay dhammaan magaalooyinka waa weyn ee Turkiga, taa oo muujinaysa inuu halis ugu jiro xisbiga Erdogan oo 20 sanno hoggaaminayay Turkiga inay lumiyaan doorashada guud, taa oo meesha ka saari karta Erdogan iyo xisbigiisa, isbeddel weyna dhexda u gelin karta Turkiga.

Isbeddelkan ma u yahay digniin Soomaaliya?

Isbeddelada aan caadiga ahayn ee laga saadalinayo Turkiga wuxuu halis galin karaa Soomaaliya , oo si aan kala har lahayn isugu dhiibtay Turkiga oo dhowaan uu dalku la galay heshiis 10 sanno ah oo u suuragalinaysa xeebta ugu dheer qaaradda ee Soomaaliya inuu Turkiga ilaaliyo, sidoo kale Ankara waxay gacanta ku haysa hannaanka ugu weyn ee dib u dhiska ciidanka Soomaaliya , si la mid ah Turkiga waxay maamullaan goobaha muhiimka u ah caasimadda iyo dal oo ay ugu horreeyaan dekedda iyo garoonka Muqdisho , waxaa kalo jira mashruuc kale oo muhiim ah oo ay gacanta ku hayaan kaa oo ah isbitaalka adeegga ugu ballaaran bixiya ee loogu magac daray Erdogan oo Muqdisho ku yaal , Dawladda ayaa sidoo kale rajo ka qabta inuu Turkiga gacan ku siiyo isbeddelka dhaqaalaha oo shidaal usoo saaro sidoo kalana kalluumaysiga iyo horumarinta kaabayaasha kale. Soomaaliya hadda muddo 10 sanno ah waxay dhexda u gashay caloosha Turkiga oo halis ku ah isbeddel ka soo horjeeda haddii uu ka dhaco, iyadoo horey xubnaha mucaaraadka Turkiga ay u sheegeen inaysan muhiim u arkin dal Soomaaliya oo kale ah inay dhaqaalo badan ku bixiyaan, wallow Turkiga uu Soomaaliya ka faa’iido macaash badan oo aan xad lahayn.

1 month ago

Imamoglu, oo xubin ka ah xisbiga ugu weyn mucaaradka Turkiga ee CHP, ayaa si weyn ugu guuleystay doorashadii dawladaha hoose oo codod badan loogu doortay duqa magaalada Istanbul,wuxuuna hadalkiisa ka dhiganyahay inuu si weyn uga duwan yahay mowqifka madaxweynaha Turkiga , Recep Tayyip Erdogan, kaaso u arka ururka Falastiiniyiinta Qasa ee Xamaas gobonimo u dirir, wuxuuna barbar dhigaa dhaqdhaqaaqooda halgankii gobonimo doonka ahaa ee Turkiga, isagoo Turkiga ku martigeliyay hoggaanka siyaasadda ee Xamaas.

1 month ago

UPDATE: Wakaaladda wararka Iran ee IRNA ayaa ku warrantay inay ciidanka Iran aqoonsadeen 10 dal oo Israa’iil gacan ka siiyay inay iska difaacdo weerarkii ay Iran qaaday. Warbixinta waxay sheegtay inay arrintan wax weyn ka beddeli karto xaaladda amni ee gobolka.

3 months, 1 week ago

Wararkii u dambeeyay ee caalamka oo qodobbo xiiso leh ay ku jiraan ayaa goor dhow soo galaya bartayda YouTube, haddii aadan horey u raacin , fadlan hadda ku biir; https://youtube.com/@ImanJama-?si=oRsGYuMVIuOKgcqb

We recommend to visit

بســــــــــــم الله الرحمن الرحيــــــــــــم
Ku Dhawaad 3000 Buug-Somali
Free Ah
Youtube:
https://shorturl.at/auGJZ
Diclamer:
https://telegra.ph/HA-DEG-DEGIN-AKHRI-11-15
© Somalibooks Pro Inc
- All Rights Reserved-⤵️
@Cabasho_Bot
@Tusmobook

Last updated 5 months, 3 weeks ago

Somali National Television is the principal public service broadcaster in Somalia.

Headquartered in Mogadishu.

Last updated 1 month, 2 weeks ago

Kala soco Xikmad iyo Qormooyin Markasta Io Meelkasta.

Last updated 5 days, 7 hours ago