Faafinta kheyrka

Description
قال النبي صلى الله عليه وسلم بلغو عني ولو ءاية

Wuxuu yidhi nabi muxamed ﷺ:- iga gaadhsiya ayaadna hanoqotee

Kusoo biir chanelkena kale

@Siiradii_Nabiga_scw
@Faafinta_khayrka

Wixii su'al ama talo bixin ah👇

@moha_zahid
Advertising
We recommend to visit

بســــــــــــم الله الرحمن الرحيــــــــــــم
Ku Dhawaad 3000 Buug-Somali
Free Ah
Youtube:
https://shorturl.at/auGJZ
Diclamer:
https://telegra.ph/HA-DEG-DEGIN-AKHRI-11-15
© Somalibooks Pro Inc
- All Rights Reserved-⤵️
@Cabasho_Bot
@Tusmobook

Last updated 5 months, 1 week ago

Somali National Television is the principal public service broadcaster in Somalia.

Headquartered in Mogadishu.

Last updated 1 month ago

Kala soco Xikmad iyo Qormooyin Markasta Io Meelkasta.

Last updated 1 month, 3 weeks ago

hace 4 semanas
Wuxuu yidhi Ibnu Qayyim AHUN:

Wuxuu yidhi Ibnu Qayyim AHUN:

Salaadu: Risqiga ayay keentaa, caafimaadka ayay dhawrtaa, dhibka ayay celisaa, xanuunada ayay ka hortagtaa, qalbiga ayay xoojisaa, wajigay nuurisaa, naftay ka farxisaa, kana tagsiisaa wahsiga.

~ Zadul-micaad 📖

رب اجعلني مقيم الصلاة ومن ذريتي ربنا وتقبل دعاء رب اغفر لي ولوالدي وللمؤمنين يوم يقوم الحساب.....

hace 1 mes

Oraahda Jimcaha " Ramadan waxay ahayd Tababar-Nafeed "

Waxaan ka soo baxnay tababar-nafeed oo aan soo qaadanay bishii barkeysneed ee Ramadan, qofkana waxaa tababarka loo siiyaa in uu ka fiicnaado sidii uu ahaa marka uuna tababarka qaadanin. Hadaba iswaydii Ramadan kadib ma joogtaysay acmaashii wanaagsaneed eed qaban jirtay.

Salaadi aad safka hore ku ilaalin jirtay ma ku ilaalisaa ? Tahajudkii aad bilowday wali ma wadaa habeenka saacada kamid ah ma tukataa ? Sadaqadii aad masaakiinta siin jirtay Ramadan kadib ma bixisaa ? Kheyrkii aad Ramadan qaban jirtay noocuu doona ha,ahaadee wali mahaysaa ?

Su,aalahaas haday jawaabtooda "HAA" kuu tahay waxaad hanatay guul ee ku fara-adkow. Haday "MAYA" kuu tahay dib naftaada layli u gali.

Cabdisamad Sheekh Xassan

hace 1 mes, 1 semana

**Ramadaan waa tagay laakin Rabbigaan Ramadaan caabudi jiray waa joogaa wuuna joogi doonaa waligii, dadaalkii sida; Qur'aan akhriskii, wardigii, sadaqadii iyo salaatulaylkii aan la deyn. !

Samayso wardi Qur'aan ah maanta laga bilaabo, habeenkana Qiyaam aad awoodi wakhtigaad karti samayso ugu yaraan witriga haka seexan, hanoqon Hebalkii Nabigu scw u sheegayay saxaabiga uu ku lahaa " Cabdullaahi-yow hanoqon hebal oo kale wuxuu ahaa mid Habeenka Salaatu-leylka tukada kadib wuu ka tagay " marwalba ku ducayso in Rabbi kaa aqbalo Ramadaan oo uusan dib kuu celin .

رَبَّنَا لَا تُزِغْ قُلُوبَنَا بَعْدَ إِذْ هَدَيْتَنَا وَهَبْ لَنَا مِنْ لَدُنْكَ رَحْمَةً ۚ إِنَّكَ أَنْتَ الْوَهَّابُ..

Farxad iyo Allaah Raali galintiisa ku ciida**

👉 https://t.me/Faafinta_khayrka

hace 1 mes, 1 semana
hace 1 mes, 1 semana

Rabbow Ramadaankan kiisa nabad iyo barwaaqo nagu gaadhsii, qof walbana wuxuu doonayo oo wanaaga sii, naguna dar malaayiinta aad naarta ka xoraysay, acmaashii kheyka ahydna naga aqbal....

hace 1 mes, 1 semana

#Zakaatul_fidri Bismillaah lix iyo tobon qodob oo zakatul fidriga ( dagara soonka ) kusaabsan.

Muhiim : Fadlan ha iloobin inaad niyooto markaad bixinayso zakatul fidriga waayo camal aan la niyoon lama aqbalo, sidoo kale qofka aad siinayso hakaa gudoomo ama adiga ama qofka wakiilka kaa ah.

1⃣ Waamaxay Zakatul fidri. ?

Waa dhawaansho Allaah sw loogu dhawaanayo bixinta hal Saac ama afar Mud iyadoo la bixinayo cuntada magaalada aad joogto ugu badan ee la isticmaalo lana siinayo fuqarada iyo masaakiinta.

2⃣ Wamxay xikmada loo jideeyay zakatul fidriga. ?

Waxaa loo jideeyay looguna tala galay wixii gaf ah ama danbi ah ee kadhacay bisha ramadaan qofka sooman inay ka nadiifiso, dadka masaakinta ahna la quudiyo si ay maalinta ciida muslimiinta oola farxaan.

3⃣ Xukunka zakatul fidriga.

Waa waajib

4⃣ Yaa ku waajibtaa zakatul fidiriga. ?

Waxaa ku waajibtaa qof kasta oo muslima yar iyo wayn adoon iyo xor lab iyo dhadig.

5⃣ Yay ku waajibty inuu bixiyo zakatul fidriga.?

Qof kasta oo haysto wax dheer maalinka ciida iyo habeenka ciida wuxuu cuni lahaa.

6⃣ Yaa laga bilaabaya bixinta zakatul fidiriga. ?

Qofka mukalafkaa ( qaangaadhkaa ) marka hore naftiisa ayuu ka bilaabi kadib wuxuu ku xijisiin dadka ay nafaqdoodu ku waajibtay, sida caruurtiisa xaaskiisa iyo waalidkiisa aan waxba haysan.

7⃣ Maxaa la bixiyaa zakatul fidiriga.?

Hal Saac oo ah cuntada ugu badan ee laga isticmaalo magaaladaad jogto ayaa qof walba laga bixinayaa. Halka saac waa Afar mud ama 5 koobo oo bariis, bur, Timir, gadhoodh, qamandi, heed, iyo canbuulo ah iwm.

8⃣ Lacag maa lagu bixin karaa zakatul fidiriga?

Maya laguma bixin karo, waayo nabiga scw wakhtigisi lacag way jirtay, muusan ku bixin isagu mana amrin in lagu bixiyo.

9⃣ Yaa lasinayaa zaktul fidiriga?

Waxaa la sinayaa fuqarada iyo masakinta iyo qaybaha kale ee zakada la siiyo ee aan haysan maalinkaa ciida waxay quutaan.

1⃣0⃣ Wakhtigee ayay waajibtaa.?

Waxay waajibtaaa markay cadceedu dhacdo habeenka ciidu soo galayso, ama markay bilato bisha shuwaal.

1⃣1⃣ Malaga hor marin karaa zakatul fidiriga maalinka ciida?

Haa waxaa laga hormarin karaa aroorta ciida maalin ama laba maalmood.

1⃣2⃣ Wakhtigee u fadli badan in labixiyo zakatul fidiriga?

Salada ciida ka hor in la bixiyo ayaa u fadli badan cadceedu markay soo baxdo ilaa inata laga tukanayo.

1⃣3⃣ Maa la siin karaa qof ay nafaqadiisu ku waajibtay qofka bixinaya.?

Maya lama siinayo sida caruurta iyo labada waalid, lkn waxaa fiican in qaraabada kale la siiyo, iyaga in lasiiyo ayaana fadli badan.

1⃣4⃣ Qofka intay ku waajibtay isagoon bixin uu wakhtigii ka dhacay ma laga dhaafaya.?

Maya lagama dhaafayo qale ahaan ayuu u bixinayaa.

1⃣5⃣ Ilmaha caloosha ku jira malaga bixin karaa. ?

Haa waa laga bixin karaa lkn waajib maha, Sayid Cuthmaan rc ayaa la sheegaa inuu ka bixiyay.

1⃣6⃣ Ma loo rari karaa magaalo kale zakaatul fidriga. ?

Maya lama rari karo waxaana fiican in la siiyo masaakinta daggan qofka bixinaya magaalada uu joogo in lawaayo qof la siiyo mooyee.

Muxamed Shekh Axmednur

🕹️ Fadlan Sii faafi mahadsanid. ♻️

@Faafinta_khayrka

@Siiradii_Nabiga_scw

hace 1 mes, 1 semana

Xaddiisyada 31aad iyo 32aad
---------‐------------

Qofkii xaaskiisa u taga maalin Ramadaana !

Wuxuu wariyay Abu Hurayra rc : In nin maalin Nabiga SCW u yimaaday kuna yidhi: Rasuulkii Ilaahow waxaan u tagay xaaakayga aniga oo sooman ! Wuxuu ku yidhi Nabigu scw: " Ma heli wax aad qoor ku xoreyso " wuxuu yidhi maya: " Haddaba ma kari inaad laba bilood oo isku xigta soonto " wuxuu yidhi maya, kaddib Nabiga SCW waxaa loo keenay jawaan timira, wuxuuna ku dhahay ninkii " kan sadaqayso " oo ma cid naga faqiirsan oon wax siiyaa jirta Rasuul Alloow, wallahi madiina labadeeda gollood ma jiro hal reer oo naga baahi-badan ! " Haddaba reerkaaga sii " ayuu Xabiibku NNKH ku yidhi..

Bukhaari iyo Muslim 📖

Qofka inta afura haddana ogaada cadceedii inaysan dhicin !

Waxay warisay Asma Abi bakar rc : inay maalin cirka wada daruura ahaa wakhtigii Nabiga SCW afureen iyaga oo u haysta inay qorraxdii dhacday ! Hishaam oo wariyaasha xaddiiska kamida ayaa la waydiiyay: ma la amray inay qaleeyaan ? Wuxuu yidhi waa lagama maarmaan qaluhu, Macmara wuxuu dhahay ; Hishaam baan ka maqlay isaga oo leh: ma garanayo in qaleeya la yidhi iyo in kale.¹

Bukhaari 📖

¹ Xaddiskan waxaa laga qaadanayaa in qofkii isaga oo u hayata in caceeda dhacday afura 1 inuu maalinka inta ka hadhay uusan waxba cuneyn oo uu af haysan sidoo kale maalinkaa uu soo qalayn soonka, wax kafaara gud ahna lagu laheyn...

Imaamu Cayni ayaa saa yidhi .

hace 1 mes, 2 semanas

Xaddiisyada 28, 29 iyo 30aad
---------‐------------

Qofkii isaga oo sooman safar gala

Ibnu Cabbaas rc wuxuu wariyay: in Nabi Muxammed NNKH Madiina ka baxay isaga oo sooman una baxay Maka wuxuuna soomanaa illaa uu ka gaadhay meesha la dhaho " Cusfaan " kadib biyo ayuu isiiya dhahay kor ayuuna u qaaday si uu dadka u tuso inuu afurayo wuuna afuray ( jabiyay soonkii ) wuxuuna afuraa illaa intuu Maka ka galayay Ramadaan ayayna aheyd dhacdadaas, sidaa awgeed ayuu Ibnu Cabbaas dhihi jiray: Rasuulku SCW wuu soomay wuuna afuray, qofkii doonana ha soomo kii doonana ha afuraado" ¹

¹ waa musaafurka kaliya qofka uu sidaa lehay Ibnu cabbaas rc.

Bukhaari iyo Muslim 📖

Abi saciidul-khudri rc wuxuu dhahay: " Ramadaan dhexdeed ayaan Rasuulka SCW ayaan la safri jiray qofka afurana lama ceebayn jiran, ka sooman lama canaan jiray "

Bukhaari iyo Muslim 📖

Qofka sooman xaaskiisa ma dhunkan karaa !?

Hooyadeen Ca'isha rc waxay dhahday : Nabi Muxammed NNKH isaga oo sooman ayuu xaasaskiisa dhunkan jiray "

Muslim 📖

hace 1 mes, 2 semanas

Laylatul-qadri !!!
----------------------

Marka Tobanka dambe la gaadho dadaalkiisa cibaadada waa uu badin jiray Rasuulku SCW waayo habeenadan waxaa ku jira habeen kun bilood ka kheyr badan, habeen hadduu Alle kuwaafajiyo cabaadadiisa aad 83 sano camalkood la timidaay !

Hooyadeen Ca'isha rc oo tilmaamaysa siduu ahaa Suubanugu tobanka danbe waatii laheyd: " Marka tobanka danbe la gaadho guntiguu adkeysan jiray ( haweenkiisa ayuu ka fogaan jiray ) habeenkiisana cibaado ayuu ku nooleyn jiray, ehelkiisana waa uu kicin jiray " Haddii Nabi Muxammed NNKH oo dambigiisii hore iyo kiisii danababa la dhaafay sidaa u dadaalayay inaga mayna haboonayn inaan ka faa'idaysano, waxaaba laga yaabaa inay Ramadaankii kuugu danbeeyay noqoto !

Acmaasha kheyrka gabi ahaan in la badiyo ayaa ina faran, qofkii cumraysan kara xaramka inuu aado, haddaad awoodo inaad ictikaafto masaajidka wax loo dhigaa ma jiro, Qur'aan akhriska, badinta adkaarta, sadaqada iyo ducooyinkaba, wax lagu ducaysatana waxaa ugu wacan ducadan:

اللهم إنك عفو تحب العفو فاعف عنا

اللهم اجعلنا من الذين يقومون ليلة القدر إيمانا واحتسابا
#Share

✍️ Maxamed Shekh Axmednur

hace 3 meses, 2 semanas
Faafinta kheyrka
We recommend to visit

بســــــــــــم الله الرحمن الرحيــــــــــــم
Ku Dhawaad 3000 Buug-Somali
Free Ah
Youtube:
https://shorturl.at/auGJZ
Diclamer:
https://telegra.ph/HA-DEG-DEGIN-AKHRI-11-15
© Somalibooks Pro Inc
- All Rights Reserved-⤵️
@Cabasho_Bot
@Tusmobook

Last updated 5 months, 1 week ago

Somali National Television is the principal public service broadcaster in Somalia.

Headquartered in Mogadishu.

Last updated 1 month ago

Kala soco Xikmad iyo Qormooyin Markasta Io Meelkasta.

Last updated 1 month, 3 weeks ago