Gunta Nolosha☀️ |قاع الحياة

Description
"Hadalkaaga Yaraada Caqligaaga Batay"🤏
Advertising
We recommend to visit

SABA GUDDAA WAAN TAANEEF MIIDIYAA GUDDAATU NUUF MALA!

@Abdii_Sabaa

💬NU QUNNAMUUF💬
@AbdiiSabaaDm

🎯BARNOOTAAF
@abdii_sabaa_university

🎯MARIIF
@Garee_Abdii_Sabaa

Last updated 6 days, 5 hours ago

asc بســــــــــــم الله الرحمن الرحيــــــــــــم
Ku Dhawaad- 3000 Buug-Somali ayaa ku jira Akhriso oo ilaali xuquuqda Qoraayada leh.
Youtube:
https://shorturl.at/auGJZ
Diclamer:
Cabasho/Buug iyo Su,aal ... La Xidhiidh
@Cabasho_Bot
@Tusmobook

Last updated 2 months ago

Somali National Television is the principal public service broadcaster in Somalia.

Headquartered in Mogadishu.

Last updated 2 weeks, 5 days ago

2 months, 1 week ago

𝐈𝐌𝐀𝐀𝐌𝐔 𝐒𝐇𝐀𝐀𝐅𝐈𝐂𝐈 𝐈𝐘𝐎 𝐃𝐀𝐃𝐊𝐀 !

ضَحِكتُ فقالوا ألا تحتشم ** بكيتُ فقالوا ألا تبتسم.

"Waan qoslay;markaasay idhaheen: War maadan Xishooneynin!
waan ooyay;say idhaheen :War maad dhoola-cadeysid.

بَسَمتُ فقالوا يرائي بها ** عَبَستُ فقالوا بدا ما كتم.

Waan dhoolla-cadeeyay;markaasay yiraahdeen:is tus bay ka tahay!
Waan waji cabuusay;markaasay dhaheen:wixii uu qarinaayay baa soo baxay.

صَمَتُ فقالوا كليلُ اللسان ** نَطقتُ فقالوا كثير الكلام.

Waan aamusay;say tiraahdeen :hadal ma yaqaan !
Waan hadlay saa waa kuwaan leh:war baa ka batay .

حَلُمْتُ فقالوا صنيعُ الجبان ** ولو كان مقتدرا لانتقم.

Waan dul-qaatay ;saa waxay dhaheen:waa dhaaan fulaynimo,
Haduu wax isku haayo wuu aarsan lahaa.!

يقولون شذ إذا قلت لا ** وإمعةٌ حين وافقتهم.

Waxay yiraahdeen; waa meel ku dheg hadaan dhaho,
Hadaan waafaqana waa hayi-raac.!

Imaamu shaafici waa kii markale lahaa asigo ka hadlayo dadka ;

"رضا الناس غاية لا تُدرك ورضا الله غاية لا تُترك".
"Qanacsanaanta dadku waa himilo aan la gaari karin, raali ahaanshiyaha Allena waa hiigsi aan laga tagi karin.!

#Imaamushaafic

2 months, 3 weeks ago
"Insaanka wan aburnay waxan ognahay waxay …

"Insaanka wan aburnay waxan ognahay waxay naftiisu ku wiswaasineyso anagu waxan uga dhownahay xididka la dhoho Xablul-wariidka oo dhuunta ku jira ".!

Allahu Akbar 🥹

5 months, 3 weeks ago

GARGAARKA DEGDEGGA AH (FIRST AID).

Gargaarka degdegga ah waxa lagu qeexaa daryeelka ugu horreeya ee ku-meelgaarka ah isla markaana degdegga ah ee qofka loo fidiyo mar ay lasoo deristo Xaalad caafimaad darro oo degdeg ah,ilaa inta uu ka jelayo daryeel caafimaad oo dhammaystiran .

Badbaadinta Nafaha dhaawacmay waa qodob sharci ah oo ka mid ah ujeedooyinka waaweyn ee diinteenna,waa qodobka la yiraahdo dhawridda Nafta,sida uu illahay leeyahay :

قال تعالي:({وَمَنْ أَحْيَاهَا فَكَأَنَّمَا أَحْيَا النَّاسَ جَمِيعًا}. [المائدة:32]

"Qofkii Nooleeya Naf (Ee badbaadiyaa) waxa uu ka dhigan yahay qof nooleeyay(badbaadiyay) dad oo dhan ."

Nin la yiraahdo Jeffrey Hall oo yaqaanay gargaafka degdegga ah ayaa maalin maalmaha ka mid ah isaga oo kula dabaalanaya wiil yar oo ay walaalo yihiin,ayaa wiilkii yaraa ku dhacay halkii dabbaasha oo uu ku haftay biyihii,jeffrey Hall oo yaqaanay gargaarka degdegga ah aya markiiba badbaadiyay walaalkii yaraa oo u fidiyay gargaarkii degdegga ahaa ee uu ubaahnaa.

Xirfaddan fudud ee gargaarka degdegga ah (First Aid) ee uu walaakii kaga badbaadiyay dhimashada sababta uu ku bartay waxa ay ahayd,in magaalada uu joogay ay maamulkii haystay khasab kaga dhigeen dhamaan ardayda ka qalinjabinaysa jaamacadda,dugsiyada iyo maxaddada ku yaala magaaladaasi in ay bartaan gargaarka degdegga ah,kuliyadda ay doonaanba ha dhigtaan'e .maamulka magaaladaani waxaa uu mamnuucay in uu ka qalanjabiyo arday aan baran gargaarka degdegga ahi.

Qiso taa liddigeeda ah ayaa ka dhacaday dalka sacuudiga ee jidda.
Maajid oo ahaa 17jir ayaa safar dabbaal ah oo uu dugsigoodu u kaxeeyay ku qarqoomay meeshii lagu dabbaalanayay,markii laga soo saaray halkii uu ku qarqoomey 40 arday iyo saddex macalin oo la socday ayaa waxba u tari wayay,gargaar degdegg ahna waa ay siin kari waayay,maadaama aanay ayaguba aqoonin,waxaa muddo kadib loo cararay cisbitaalka oo saddex daqiiqo u jiray, se 40 daqiiqo in kabadan ay qaadatay in la gaarsiiyaa,daqiiqado kadibna habdhiskiisii Neefsiga waa laga shaqaysiiyay,see oksijiintii ka la go'day maskaxda ayaa koomo galisay,maalmo ka dibna wuu u dhintay.

Dunida badankeeda koorasyada gargaarka degdegga ah waxa lagu bartaa afar saacadood oo qura.Waa maxay sababta barashada gargaarka degdegga ah loogu soo dari waayay heerarka kala duwan ee waxbarashadeena,ee waliba Sandullaha looga dhigi waayay?!

Dalalkeena islaamka ah manaahijta iyo nidaamyada waxbarasho ee la jira waxa ka buuxa maadooyinka aragtiyaha ah,aad ayayna ugu yar yihiin maadooyinka dhaqangalinta(practical) ahi.

Ma jirto wax ka qiimo badan in aynnu ubadkeenna barno sidii Naf u badbaadin lahaayeen.

Badbaadinta Naftu waa mid ka mid ah ujeeddoyinka waaweyn ee shareecada islaamka ,mana aha masalo la fududaysam karo,iska-indhoriridda arinkaasina waa yaraysi la yaraystay dhibka imaan doono iyo illahay amarkiisii oo laga dhego adaygayo,sunihii illahay ee ahaa dhawridda Naftana la ismoogganaysiinayo.

@Mustapha M.iftin

5 months, 4 weeks ago

Mucjisadaas Quraanka ee ka bilaabantay Aaaru Xiraa,waxa ay ahayd astaan ay yeelan doonto ilbaxnimo ugub ahi,iyo caqliyad hor leh oo ku soo biirtay uunka.

Erayga "Akhri" ama "اقرأ" waxaa uu ahaa waajibkii iyo amarkii ugu horreeyay. se agabka Quraanka ee ugu muhiimsani waa weydiinta .

Su,aashu waa hadyadda uu Quraanku ugu deeqayo ummadda Akhriska (Muslimiinta).

Imaanka koowaad waxa uu ka soo bilaabmay su,aashii nebi ibraahim(Cs) ee ahayd :
قال الله تعالي : (وَإِذْ قَالَ إِبْرَاهِيمُ رَبِّ أَرِنِي كَيْفَ تُحْيِ الْمَوْتَى).
"Illahayow ;i tus sida aad u noolayso maytaadka".

Waana tii isla aayadan Alle ugu warceliyay oo eheed :

(قَالَ فَخُذْ أَرْبَعَةً مِنَ الطَّيْرِ فَصُرْهُنَّ إِلَيْكَ ثُمَّ اجْعَلْ عَلَى كُلِّ جَبَلٍ مِنْهُنَّ جُزْءًا ثُمَّ ادْعُهُنَّ يَأْتِينَكَ سَعْيًا وَاعْلَمْ أَنَّ اللَّهَ عَزِيزٌ حَكِيمٌ )..[سورة البقرة:260].

"Waxa uu ku yiri illahay ;soo qaad afar shinbirood,kadibna jarjar oo hilibkooda isku qas,ka dibna buuro dushood hilibka aad isku qastay mid walba qayb saar, ka dibna u yeeryeer,waxa ay kuu imaanayaan iyaga oo gucleynaya,e oo ogow ;in aanay illahay waxba ku adkayn,uunq yahay murtiile ".

Khaliifkii labaad ee muuminiinta cumar faaruuq ayaa soo dhweystay cabdillahi ibnu cabaas ,saxaabada oo jeclaysanyay in uu iyagana caruurrooda u soo dhaweysto sida uu cabdillahi ibnu cabaas u soo dhaweysto oo kale,ayaa warsaday ; "Amiirka muuminiintoe ;maxaad ugu soo dhoweysan weyday carruurtayada sida cabdillahi oo kale? Muxuu ugu jawaabay Cumar ?

Waxaa uu ugu jawaabay ; "Waa wiil garaadka oday ka ah.wuu weydiin badanyahay, waana Caaqil maan dhisan leh".

Caruurta su,aasha badni waxa ay ku fiican yihiin la-macaamilka bulshada iyo la-jaanqaadidda dad kale.

Caruurteena uma ogolaano su,aasha badni ,oo hadalki ayaaba lagu dhejiya ama su,aashi si quman oo ka jaahil bixinayso uguma jawaabno taasina waxay sababta in canuga asigo yar iska daayo su,aashi badneed hal-abuurnimadiisana ay yaraato.

Ugu yaran hadad hal eray ka fahantay Saaxiibadaada la wadaag.

Mustapha M. Iftin

We recommend to visit

SABA GUDDAA WAAN TAANEEF MIIDIYAA GUDDAATU NUUF MALA!

@Abdii_Sabaa

💬NU QUNNAMUUF💬
@AbdiiSabaaDm

🎯BARNOOTAAF
@abdii_sabaa_university

🎯MARIIF
@Garee_Abdii_Sabaa

Last updated 6 days, 5 hours ago

asc بســــــــــــم الله الرحمن الرحيــــــــــــم
Ku Dhawaad- 3000 Buug-Somali ayaa ku jira Akhriso oo ilaali xuquuqda Qoraayada leh.
Youtube:
https://shorturl.at/auGJZ
Diclamer:
Cabasho/Buug iyo Su,aal ... La Xidhiidh
@Cabasho_Bot
@Tusmobook

Last updated 2 months ago

Somali National Television is the principal public service broadcaster in Somalia.

Headquartered in Mogadishu.

Last updated 2 weeks, 5 days ago