SABA GUDDAA WAAN TAANEEF MIIDIYAA GUDDAATU NUUF MALA!
@Abdii_Sabaa
💬NU QUNNAMUUF💬
@AbdiiSabaaDm
🎯BARNOOTAAF
@abdii_sabaa_university
🎯MARIIF
@Garee_Abdii_Sabaa
Last updated 6 days, 5 hours ago
asc بســــــــــــم الله الرحمن الرحيــــــــــــم
Ku Dhawaad- 3000 Buug-Somali ayaa ku jira Akhriso oo ilaali xuquuqda Qoraayada leh.
Youtube:
https://shorturl.at/auGJZ
Diclamer:
Cabasho/Buug iyo Su,aal ... La Xidhiidh
@Cabasho_Bot
@Tusmobook
Last updated 2 months ago
Somali National Television is the principal public service broadcaster in Somalia.
Headquartered in Mogadishu.
Last updated 2 weeks, 5 days ago
Ma og tahay, qofka oo hawl si luxdan u qabta (Deep work), in ay ka mid tahay awoodaha sare (super powers) ee qarniga 21-aad. Marka la isku eego fadhiga dheer ee ay hawlaha iyo mashaariicda mudani inaga doonayaan, iyo xaddiga dhabqiyeyaasha iyo jeediyeyaasha (distractions) innagu hareeraysan, waa wax aad u adag maanta in qofku meel saacad iyo labo isku soo xidhi karo.
Hase ahaatee, si aad u qabato ama u soo saarto waxqabad tayo sare leh, oo adna magac, maal ama mansab kuu ifka kuu gooya, aakhrina wanaag, waxaad u baahan tahay inaad waqti dheer hal shay dhugmadaada iyo diirad-saaryadaada oo dhan isugu gayn karto, adigoo isla jeerkaasna ka jeesanaya jeediyeyaasha.
— Mubarak Hadi
Scm, Qiyaamu Leyl ayaan qorsheysannaa in aan billownay, haddana waan seexannaa. Sababta ayaan is weydiinnaa oo ma garanno!
_ Muxaadaro qalbi taabad ayaan mararka qaar dhageysanna, se ma oyno. Waan isla yaabbanahay waxa qalbigeenna ka dhigay dhagaxa, se ma ogin in ay yihiin wax aynu innaga gacmaheenna ku kasbannay.
Maalinkii oo dhan ayaan Alle ku caasinnay, haddan habeenkii waa aan seexannay. Cuntadeennu ma laha xad, wax walba oo afkeenna soo mara ' Dalaq' ayaan siinnaa!
Qalbigii ayaa inna madoobaaday runtii, culeyska dembiyadan waa la kici la'nahay!
Allow Dembi dhaaf ayaan ku weydiisannay!
Xigasho: Noqo Mufakir
Asc, wakhti wanaagsan.
Qaanuunka "soo jiidashada - The law of attraction" wuxuu ku leeyahay saamayn xoog badan sida aan u nool nahay si u dhiganta ama ka saamayn badan qaanuunka "cuf-isjiidadka - The law of gravity".
Naftaada waxaad u soo jiidaysaa waxkasta oo aad "focus" garaysid, si gaar ah u danaysid ama aad niyadda ku qabatid, kuna hammidid. Waxkasta aad "energy" iyo dadaal gelisid, aakhirka waad noqon.
Qaanuunkaan wuxuu u shaqeeyaa marka ay noqoto nolosha qofka si caksi ku ah sida uu u shaqeeyo marka ay ay tahay "Physics and Chemistry", gaar ahaan walxaha danabaysan (Charged particles). Marka ay noqoto isa soo jiidasha waxyaalaha "danabaysan" waxa isa soo jiitaa waa walxaha iska soo horjeeda, halka kuwa isku danabka ah ay is riixaan "Like repels like". Inkasta oo marka ay noqoto isku milanka "Live dissolves like" ... wixii isku nooc ah ay isku milmaan.
Taas waxaa ka duwan sida uu ugu dabbaqmayo qaanuunka "isa soo jiidadka" nolosha qofka. Dadku waxay soo jiitaan cidda ay isku afkaar yihiin, isku dabeecad leeyihiin, isku "hobby" yihiin.
Haddii aad tahay qof had iyo jeer cabasho badan, afkaar taban leh, nolosha u arka dhib iyo qahar, aan waxba qabsan karin, wax nidaam ah oo jira aysan jirin, rajo iyo mustaqbal la sugaa aysan muuqan, adduunku sii xumaanayo, uu u muuqdo mugdi meelkasta ... waxaad soo jiidanaysaa, la cawaynaysaa, meel wada fariisanaysaan saaxiibo iyo dad iyagu mowjaddaas kula saaran oo aad isla duushaan, isuna jiibisaan.
Haddiisa aad leedahay daaqo togan "Positive energy", hal abuur iyo afkar togan "Positive thinking", waxaad soo jiidan, oo aad isku naadi noqonaysaan dad iyaguna hal abuur leh, arka koobka intiisa wax ku jiraan, ka fekeraya sida ay isbedel iyo horumar naftooda iyo tan bulshada ay ku dhex nool yihiin ugu samayn lahaayeen, uga tegi lahaayeen raad ... dad isku dayaya in ay shidaan shamac halkii ay mugdiga ka lacnadi lahaayeen ... dad aaminsan in ay wax qaban karaan, in isbedel yimaadona aysan u baahnayn juhdi badan, keliya in aad dhaqaajisid hal dhagax (Domino effect).
Ogow .. afkaartaada iyo tasarufkaaga ayaa abuura xaqiiqdaada iyo sida aad u nooshahay ...
Our thoughts and feelings create our reality.
Xigasho: Koroshso
Scm, wakhti wanaagsan.
MAXAAD KU GARAN KARTAA IN AAD MASKAX AHAAN KORTAY
Markay ku xiiso galin waayaan waxyaabo aad horey ugu riyaaqi jirtay.
Marka deganaanshaha naftaada iyo calool samidaadu kuu noqdaan labada shay ee aad ku faro- adaygto.
Markaad naftaada siin kartid wehel oo inaad adigu isbarato aad ka hormariso waxkasta.
Markaad miisaanto hadalka afkaaga kasoo baxaya inta aanuu kasoo bixin ka hor.
Markaad adiga oo saxsan aamusto si aanad awood ugu lumin muran aan midho dhal lahayn.
Markaad naftaada iyo dadka kalaba runta u sheegi karto siday doonto ha u qadhaadhaato’e.
Markaad xaalad kasta , shakhsi kasta iyo meel kasta oo aan korriimo ama hurumar maskaxeed kuu kordhinayn aad ka digo rogan kartid si fudud, saamayn maskaxeedna aanay kugu yeelan.
Marka cidda keli ah ee aad is barbar dhigtaa ay tahay adiga iyo halkaad shalay taagnayd.
Markaad ku mashquusho naftaada, dhaqakaaga iyo dabeecaddaada jafjafkooda.
Marka aanay mabda’aaga gilgilin eray qof kale yidhi intuu doono hakuu jiree.
Marka ruuxdaadu ay ku dagto qiimaynta waxyaabaha yaryar sida inaad koob shaaha/coffee ah ku cabtid deganaansho, ama neecaw qaboow’i intay wajigaaga marto ay naftaada raali ahaansho kaga tagto carabkaaguna mowlaha mahadiyo, ama madaxu kuugu dago urta ciidda oo roob yari ku shuuxay.
Markaad waqti qaali ah la qaadatid qof maskaxdaad godli kara, ama aad akhridid buug aad jeceshahay oo ku dawaafiya caalam aanay cid kale tagin adiga mooyaane.
Sanadka oo dhan (365 days × 24 hrs) waa 8,760 saacadood.
Haddii aad mowduuc, xirfad ama maaddo gaar ah aad ku bixisid 100 saacadood keliya sanadka oo dhan (~ 1%), oo u dhiganta ~ 18 daqiiqo maalinkii, waxaa hubaal ah in aad mowduucaas aad cid kasta kaga fiicnaanayso, khabiirna ku noqonaysid.
In aad aqoon ama xirfad cusub baratid uma baahna juhdi iyo kharash badan. Waxay u baahan tahay oo keliya in ay kaa go'an tahay oo aad niyad xooggan u haysid (Motivation), kadibna joogtaysid (Consistency).
Waxaad kale oo aad u baahan tahay adkaysi iyo dhabar adayg ... sabur.
"وما أعطي أحد عطاء خيرا وأوسع من الصبر" متفق عليه
Ogow 18 daqiiqo maalinkii oo dhan (24 hrs × 60 min = 1,440) waxay ka tahay ~ 1% oo waqtigaaga ah.
"Sweat the small stuff".
Xigasho: Korodhso
Asc,
1. Aqoonso xooggaaga iyo kartidaada: Ku abaal mari naftaada, kuna amaan dadaalka iyo horumarka ay sameyso.
Markii aad la kulanto caqabad: Ula dhaqan naftaada si naxariis leh, ma ahan inaad mashquul ku noqoto guuldarrada oo keliya.
Samee qorsheyaal macquul ah: La soco ma jiraan wax kaamil ah, hana filanin in wax walba ay kaamil noqon karaan.
Si macquul ah uga feker: Haddii shucuurtaada ay si uun u kacdo, si macquul ah uga feker arimaha ku horyaala.
Ha ka leexleexan oo si xushmad leh u muuji dareenkaaga qof ahaaneed adigoo rumeysan waxa baahidaadu ay tahay.
Markad tahay qof dhalinyar ah oo caasimad ku nool waxa qurux badan inad dantada raacdid waa magaalo joogxumo inad aroortii oo dhan bun fadhidaan habeenkiina aad ciyaaro falanqaysan, waa run in shaqo la'aan dalka ka jirto balse yaynan cidna ugu dudin inaga oon ka jawaabi karin su'aasha ah aad ila shaqayside maxad igu so kordhin kartaa? Maxad taqaana Ayaa ina hortaala badalka yad taqaana oo shaqada ku keeni.
intan fursado kale la gaadhin internet ka ayaa ah il aynu xirfad iyo shaqaba ka helayno hadan qiimaheeda hurno, labo saac kaliya hadad maalinkii xirfad ku baratid 3 ama 6 bilood khabiir ayad ku noqon kartaa, midna aan si guud idinku dare waxba mustaqbal fog niyada yaynan ku dhisan mustaqbalka la sheegaba waa maxsuulka ama natiijada hawlaha aynu maanta qabanayno si kooban maanta hadad ka faa'iidaysato bari dadu way wacnan hadii aad khasarisidna bari dadu way kala dhinaan.
SABA GUDDAA WAAN TAANEEF MIIDIYAA GUDDAATU NUUF MALA!
@Abdii_Sabaa
💬NU QUNNAMUUF💬
@AbdiiSabaaDm
🎯BARNOOTAAF
@abdii_sabaa_university
🎯MARIIF
@Garee_Abdii_Sabaa
Last updated 6 days, 5 hours ago
asc بســــــــــــم الله الرحمن الرحيــــــــــــم
Ku Dhawaad- 3000 Buug-Somali ayaa ku jira Akhriso oo ilaali xuquuqda Qoraayada leh.
Youtube:
https://shorturl.at/auGJZ
Diclamer:
Cabasho/Buug iyo Su,aal ... La Xidhiidh
@Cabasho_Bot
@Tusmobook
Last updated 2 months ago
Somali National Television is the principal public service broadcaster in Somalia.
Headquartered in Mogadishu.
Last updated 2 weeks, 5 days ago