Murti_maal

Description
Idam Eebbe dagalkan waxaan ku soo gudbin doonnaa waxkasta oo inna anfacaya adduunkeenna iyo aakhiradeennaba.
Advertising
We recommend to visit

SABA GUDDAA WAAN TAANEEF MIIDIYAA GUDDAATU NUUF MALA!

@Abdii_Sabaa

💬NU QUNNAMUUF💬
@AbdiiSabaaDm

🎯BARNOOTAAF
@abdii_sabaa_university

🎯MARIIF
@Garee_Abdii_Sabaa

Last updated hace 5 días, 5 horas

asc بســــــــــــم الله الرحمن الرحيــــــــــــم
Ku Dhawaad- 3000 Buug-Somali ayaa ku jira Akhriso oo ilaali xuquuqda Qoraayada leh.
Youtube:
https://shorturl.at/auGJZ
Diclamer:
Cabasho/Buug iyo Su,aal ... La Xidhiidh
@Cabasho_Bot
@Tusmobook

Last updated hace 2 meses

Somali National Television is the principal public service broadcaster in Somalia.

Headquartered in Mogadishu.

Last updated hace 2 semanas, 4 días

6 Tage, 4 Stunden her

"Geeridu ma’aha marka ay ruuxdu innaga baxdo oo keliya, waxaa jira geeriyo ka horreeya; waxaa ka mid ah, marka ay isu wada ekaadaan maalmahaagu, ee isbeddel oo dhan aad joojiso, marka waxa keliya ee kuu kordhayaa uu noqdo sannadaha da’daada iyo miisaanka jidhkaaga”

~ Najiib Maxfuud

6 Tage, 19 Stunden her

Golombiska shimbaraha, carafta laydha heehaabaysa, quruxda cirka iyo dhulka, soo if baxa libdhadu waa duni kale oo quruxdeeda iyo qiyamkeeda wadata. Subaxa hore khayrar badan iyo barakooyin baa ahaadey, Nebigeenna suubbanna waa innoo duceeyay isaga oo leh; " اللهم بارك لأمتي في بكورها"

Eebbe subaxan khayrkiisa ha inna siiyo, sharkiisana ha inna baalmariyo.

1 Woche her

Sidee la gu heli karaa waxbarasho tayo leh?

Ummad horumarsan iyo mid dib u dhacsan waxa keliya ee ka la duway waa xaddiga iyo tayada waxbarashada ay mid waliba hesho. Xaddigu waa tirada bulshada waxbaratay inta ay la'eg tahay iyo culuunta la bartay noocyadeeda, tayaduna waa waxa la bartay heerarka aqooneed ee loo yeeshay. Sidaa darteed qolo walba waxaa ku waajibay in ay dadaalka iyo awoodda u gu badan taa saarto. In goobo iskuullo iyo jaamacado la gu sheegay uun carruurta loo dareeriyo wax aad u ga badan bay u baahan tahay tacliinta aayaha wanaagsani. Taas baa ka la duwaysa tusaale ahaan waxbarashada Finlaand oo ay midho khayr leh ka gurteen iyo ta Sacuudiga ee Ilaahay barakadii ka qaaday oo aan irbad samayn karin.

U gu horrayn waa in uu jiro manhaj waxbarasho oo u degsan si ay ku jiraan fikir fog iyo aqoon dheer oo dhan walba leh. Waa in uu yahay manhaj ku fadhiya xaqiiqooyinka cilmiga iyo maskaxda xorta ah, kana madhan khuraafaad, been, fikir abaaday iyo wax kasta oo aan kordhinayn garaadka, ogaanshaha iyo akhlaaqda ardayga. Waxbarasho tayo xun astaanteeda u gu weyni waa manhaj xumada.

Waa in barayaasha iyo guud ahaan dadka tacliinta ka shaqeeya aqoontoodu ahaato mid aad u sarraysa oo ay yihiin dad xul ah, tababar dheeraad ahna ku haysta farsamooyinka barbaarinta aqooneed, akhlaaqeed iyo jidheed ee ardayga. Macallinku waa in uu noqdaa ka bulshada u gu mushahar sarreeya ee u gu nolol wanaagsan si sumcaddiisa iyo qiimigiisu u weynaadaan.

Manhajka iyo dhaqanka waxbarashadu waa in uu noqdo mid ardayga ku dhiirrinaya heerka u gu sarreeya ee maskax furnaanta, wax is wayddiinta, fiiro dheerida iyo wax baadhista. Habka waxbarashadu mar walba waa in uu yahay mid ardayga gelinaya ashqaraar iyo filashooyin waaweyn oo maaddadu ku beerto ilaa ay sii jiidato oo uu jeclaysto in uu wax kale ka sii barto. Waa in aad iyo aad loo ga fogaadaa hab dhaqanka xun ee ah in ardaygu casharka xifdiyo uun, imtixaanka ku baaso uun, dabadeed isaga oo jaahil ah qalinjebiyo. Sida uu yahay habka casriga ahi ardayga waa in la siiyaa xorriyad iyo masuuliyad badan oo uu isagu wax ku baadho waxna is ku baro (imika waxaaba la yidhaahdaa kaalinta macallinku ka ma badna 15%).

Waa in awoodda la saaraa barashada culuunta fikirka ee maskaxda dadka korisa iyo ta sayniska ee waxsoosaarka maaddiga ah la gu gaadho. Waana in ardayga la ga daayaa in loo qurxiyo oo la gu luggooyo beenaha, khuraafaadka hiddaha iyo ku dhaadashada xumaha. Waxbarashadu mar walba waa in ay korisaa akhlaaqda iyo dhaqanka suubban ee ardaygu dadkiisa iyo dunida ku la noolaan doono, la gana fogeeyaa nacaybka, takoorka iyo cunfiga, la guna tarbiyeeyaa ilaalinta habsamida iyo nabadda. Goor walba waa in ay taagnaataa wayddiinta ah: waxan la baranayo maxaa faa'iido u gu jirta mustaqbalka ardayga iyo bulshada?

U gu dambayn tacliinta iyo aqoonta guudba si ay u tayoobaan waa in aan la gu koobin uun iskuullada iyo jaamacadaha ee waa in la helaa maktabado, turjumaado, kutub la qoro, wargeysyo iyo warbaahin aqooneed iyo golayaal iyo hay'ado aqoon kororsi.

~ Ibraahim Hawd

7 Monate, 2 Wochen her

Golombiska shimbaraha, carafta laydha heehaabaysa, quruxda cirka iyo dhulka, soo if baxa libdhadu waa duni kale oo quruxdeeda iyo qiyamkeeda wadata. Subaxa hore khayrar badan iyo barakooyin baa ahaadey, Nebigeenna suubbanna waa innoo duceeyay isaga oo leh; " اللهم بارك لأمتي في بكورها"

Eebbe subaxan khayrkiisa ha inna siiyo, sharkiisana ha inna baalmariyo.

8 Monate her

Ka muuqashada ama ka hadalka meelwalba ma ahan qofnimo iyo codkarnimo aad dadka dheertahay balse waa liidnimo iyo qiima dhac wayn oo aad naftaada kula kacday. Insaankastaayi waxa uu qiimo leeyahay inta uu naftiisa ka warhayo, kana gaabsado meelaha qaar oo aanu ku dhexmilmin hadallada macno darrada ah ee uu ka arkayo baraha bulshada. Mararka qaar waxa xirfad wayn ah in'aan barato habka iyo hannaanka looga gaabsado waxa aan dantaada iyo midda bulshaduba ku jirin.

Meelkasta ka muuqo waalagu muunad beelaa!

8 Monate her

Ma wax ka wayn oo ka qurux iyo qaayo badan ayaa jira in'uu qofki ku dhaho; "Alle dartii baan kuu jeclahay." Waxyaabaha kale oo dhan marka aan fariintaan aragno waxa ay noqonayaan kuwo dano gooniya ku salaysan balse ma jirto in Alle dartii wanaaggaaga, samahaaga, waxtarkaaga, habdhaqankaaga intaba loo jeclaado. Ma jiro jacayl ka mug iyo miisaan culus midka labada shaqsi Eebbe dartii isu jeclaadaan, jacaylkaasi oo ka madhan sababo adduun iyo dano gaar ah oo uu madiba midka kale ka dheehdo. Waa dhif iyo naadir helidda dadyowgaasi. Ilaaliya oo dhawrta Eebbena ha innoo dhawro e.

Eebbe laabo-wal oo isaga dartii isu jecel ha jeclaado.

8 Monate, 3 Wochen her

Ilmada dhabannada u hoortay Eebbe dartii, dhinaca dhulkii qaban waayey cabsi dartii iyo gacmaha kor u taagan iyaga oo magan Alle uga ah in'uu ducadooda aqbalo. Eebbe haka aqbalo acmaasha teeda wanaagsan, Rabbi sida ay isugu dhiibeen ha uga raalli noqdo, hawladooda gudeed, baahiyaadkooda iyo rajada ay Eebbahood ku qabaan Eebbe haka aqbalo, adduun iyo aakhirona Eebbe garbahooda ha ahaado.

Cabdulqani Daahir

8 Monate, 3 Wochen her

**Ducadu waxay baddashaa qadarta sida nabigeenna inoo sheegay salawaatullaahi wa salaamuhu calayhi, ducayso marwalba meelwalba iyo xaalad walba ilaaahayna aqbalka u daa kuna kalsoonoow.

Ku ducayso ducooyinkan xilliyada dhibaatada ku haysato iyo marwalba dhib dareento.

لا إله إلا أنت سبحانك إني كنت من الظالمين.
Ducadii Nabi Yuunis Cs ku ducaystay markuu  caloosha nibiriga/Xuutka ku jiray ilaahayna ku badbaadiyey, Nabigeenna Scw inoo sheegay in qof walba oo mu'min ah oo ku ducaysta ilaaahay ka ajiibayo kuna badbaadin doono xaalad walba.

رب إني مسني الضر وأنت أرحم الراحمين.
Ducadii Nabi Ayuub Cs ku ducaystay markii uu xanuunka ilaahay ku imtixaamay waxwalba oo uu haystay ilaahay ka qaaday, ilaahayna waaka ajiibay kuna arsaaqay waxwalba oo uu hore u waayey iyo fiican.

رب إني لما أنزلت إلي من خير فقير.

Ducada nabi Muuse Cs uu ku ducaystay markii uu ka cararay qoomkii fircoon, uu tagay dhul aanu garanayn, waxba aanu haysan. Ilaaahay waaka ajiibay wuxuu ku arsaaqay shaqo, xaas iyo ehelba.

رب لا تذرني فردا وأنت خير الوارثين.
Ducadii Nabi Sakariye Cs uu ku ducaystay markii uu gaboobay, xaaskiisan gabowday yadoo waliba ma dhalays ah ilaaahay waaka ajiibay waana siiyey walad saalix ah.

يا حي يا قيوم برحمتك أستغيث أصلح لي شأني كله ولا تكلني إلى نفسي طرفة عين.
Ducadan Nabigeenna Scw wuxuu  baray oo ku yidhi ku ducayso marwalba inantiisii Faadumo ilaaahay raalli haka ahaadee.

لا إله إلا الله العظيم الحليم  لا إله إلا الله رب العرش العظيم لا إله إلا الله رب السماوات والارض ورب العرش الكريم.
Ducadan nabigeenna Scw wuxuu inoo sheegay in qofwalba oo kurbo ama dhibaato ku taagantahay oo ku ducaysta ilaahay ka ajiibayo dhibka haystana ka faydayo.

اللهم اني اعوذ بك من الهم والحزن وأعوذ بك من العجز والكسل وأعوذ بك من الجبن والبخل وأعوذ بك من غلبة الدين وقهر الرجال.
Ducadan nabigeenna Scw maalin walba wuu ku ducaysan jiray sidoo kale nabigeenna wuu u sheegay saxaabi dayn badan lagu lahaa in hadduu uu akhristo ilaahay kaga faydayo daynta lagu leeyahay.

"Hadalna la kala odhan og, Ilaaahayna la kala beryi og".

Fatima sahra.❤️**

8 Monate, 3 Wochen her

Dhambaallada quruxda badan ee dhanka Eebbe innooga imaanaya iyaga oo wata farxad iyo nagaansho gudeed waxa ka mid ah; i waydiista aan idinsiiyee, ii toobadkeena aan idinka aqbalee, i barya aan idiin ajiibee, isu naxa aan idiin naxariistee. Allaahu akbar. Maxaa ka qurux badan hadal naseexo wata oo kaaga yimaad Allihii koonkan abuurtay!

~ Cabdulqani Daahir

9 Monate, 2 Wochen her

Guryaha isuma hayaan tiirarka ay ku dhisan yihiin, ee waxa isu haya qosolka walaalladeen, ducada waalidkeen, isqabsiyadeenna iyo khilaafyadeenna yaryar, carafta cuntada aynu jecelnahay iyo xitaa murugada aynu wadaagno mararka qaar. Guryaha waxa udubdhexaad u ah isku duubnaanta qoyska, markasta iyo xaalad kasta.

–WT: Mohamed Qaamuus

We recommend to visit

SABA GUDDAA WAAN TAANEEF MIIDIYAA GUDDAATU NUUF MALA!

@Abdii_Sabaa

💬NU QUNNAMUUF💬
@AbdiiSabaaDm

🎯BARNOOTAAF
@abdii_sabaa_university

🎯MARIIF
@Garee_Abdii_Sabaa

Last updated hace 5 días, 5 horas

asc بســــــــــــم الله الرحمن الرحيــــــــــــم
Ku Dhawaad- 3000 Buug-Somali ayaa ku jira Akhriso oo ilaali xuquuqda Qoraayada leh.
Youtube:
https://shorturl.at/auGJZ
Diclamer:
Cabasho/Buug iyo Su,aal ... La Xidhiidh
@Cabasho_Bot
@Tusmobook

Last updated hace 2 meses

Somali National Television is the principal public service broadcaster in Somalia.

Headquartered in Mogadishu.

Last updated hace 2 semanas, 4 días