Unlock a World of Free Content: Books, Music, Videos & More Await!

Dunida Suugaanta✨🥰

Description
"Sida jidhkaaga oo kale ayay maskaxdaaduna u daasha, ee ku nasi odhaahyada xikmada leh"

~Hazrat Ali
Advertising
We recommend to visit

بســــــــــــم الله الرحمن الرحيــــــــــــم
Ku Dhawaad 3000 Buug-Somali
Free Ah
Youtube:
https://shorturl.at/auGJZ
Diclamer:
https://telegra.ph/HA-DEG-DEGIN-AKHRI-11-15
© Somalibooks Pro Inc
- All Rights Reserved-⤵️
@Cabasho_Bot
@Tusmobook

Last updated 4 months, 3 weeks ago

Somali National Television is the principal public service broadcaster in Somalia.

Headquartered in Mogadishu.

Last updated 2 weeks, 3 days ago

Kala soco Xikmad iyo Qormooyin Markasta Io Meelkasta.

Last updated 1 month, 1 week ago

2 months ago

Badanaa inta ay waxa is jeceli ka la daymo bogtaan in la'eg bay waxa is necebina ka la daymo bogtaan. Labada jeerba waa qarisada xiisaynta barashada dantuna tahay ilwaadsi ama abaabul dagaal.

-Ibraahin-Hawd

2 months ago

Message (74)

“Wax kasta oo aad hadda ku sugan tahay yaanay ku niyad jabin, Aamin. Midda xigta ayaa ka qurux badan.”

2 months ago

“Waa xaggee meesha marka koowad ee aad saxnaansho dareemayn aad u cararto.”

4 months ago

“Ha Goynin Guntin aad awooddo in aad furto”
~ Aniis Mansuur.

4 months ago

Laakiin ay Israa’iil aamintahay in uu yahay dalka ay Falastiiniyiintu ka helaan aqoonta ugu badan ee dhinaca Teknoolajiyada oo marka dambe ay u adeegsadaan dagaalka ay kula jiraan Is raa iil.

Sannadkii 2018 kii Falastiini ahaa injineer dhinaca culuumtada Korontada ah oo lagu magacaabi jiray Faadi Muxamed Al-Batshi ayaa koox u shaqaynayey MOSSAD oo moto watay ay rasaas ku dileen Malaysiya.
Injineerkaas ayaa ay Is raa iil ku eedaysay in uu ahaa maskaxda samaysay diyaaradaha iswada (Drones) ee ay Xamas u adeegsato weerarrada Is raa iil.

MSB waxa kale oo ay baadhitaannadan ku ogaatay ugu yaraan lix ka mid ah Falastiiniyiinta ku sugan Malaysiya oo ku jira liiska dadka ay MOSSAD doonayso in ay khaarajiso, waxaa ku jiray arday jaamacadeed barta culuumta Teknoolajiyada iyo barayaal jaamacadaha ka dhiga aqoonta injineeriyadda iyo Teknoolajiyada la xidhiidha oo ay ku eedaynayso in ay xidhiidh la leeyihiin Xa maas.

Waxa aanay heshay xogta ay MO SS AD ka ururisay raggan oo ay ka mid tahay sawirradooda, jadwalka hawl maalmeedkooda, laga bilaabo subaxa illaa habeenkii, sawirrada baabuurtooda iyo guryaha ay Deggen yihiin, xogta xaasaskooda iyo carruurtooda iyo tafaasiil badan oo la xidhiidha noloshooda.

W/T Kamaal Marjaan
~#DHAMMAAAD

Isha xogta ____Aljazeera
Wargeyska Sabah (Turkey)
New Strait Times

4 months ago

WIILKII NAFTIISA SIRDOONNADU KU LOOLLAMEEN (Q:3)
===============

Kooxda afduubtay Injineer Cumar si arxandarro ah ayaa ay u ciqaabeen, si uu uga jawaabo su’aalo adag oo ay xeeldheereyaal ka tirsan MO SS AD oo ku sugan Talaabiib, khadka maqal iyo muuqaalka ee Internet ka ku weydiinayeen muddo 36 saacadood.

Waxa ugu muhiimsan ee ay ka doonayeen waxa uu ahaa in uu u sheego luuqadda furayaasha (Code Languages) barnaamijka u suurtageliyey in uu dhexgalo nidaamka kombiyuutarka gantaalaha koofiyadda birta ah ee Is raa iil, sida uu u dhisay ama u horumariyey barnaamijkaas iyo sida oo kale barnaamijka uu u adeegsaday in uu dhexgalo talefanka masuuliyiin xukuumadeed iyo saraakiil ciidamada Is raa iil ka tirsan.

Ninkii Cumar la socday ayaa bilayska ku wargeliyey in saaxiibkii la afduubay, halkaas ayaanay sirdoonka Malaysiya ka bilaabeen baadhitaanka. Waxa se in ay helaan Cumar halka uu joogo ka caawiyey sirdoonka Turkiga oo qudhoodu xaaladda dusha kala socday.

MIT waxa ay la xidhiidhay wakaaladda sirdoonka Malaysia ee magaceeda loo soo gaabiyo MSB, waxa aanay ku wargeliyeen halka lagu hayo injineerka. Taas oo ciidamada ammaanka Malaysia u suurtagelisay in ay soo badbaadiyaan Cumar.

Saraakiisha Malaysiya waxa ay ogaadeen in Injineer Cumar ay waraysi la yeesheen xeeldheereyaal ka tirsan MOSSAD oo ku sugan Talaabiib, marka laga tago su’aalaha la xidhiidha teknoolajiyaddana, waxyaabaha kale ee ay weydiiyeen waxaa ka mid ah in uu xidhiidh la leeyahay ururka Xa maas. Laakiin weli ma cadda in Is raa iil ay xog muhiim ah ka heshay Injineerka iyo in kale. Waxa kale oo ay MSB ogaatay in qorshaha Is raa iil ahaa in Injineer Cumar si qarsoodi ah loogu dhoofiyo Talaabiib.

MSB waxa ay sheegtay in ay furfurtay shabakado sirdoon oo MO SS AD ku beertay Malaysiya, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen 11 nin oo u dhashay Malaysiya, kuwaas MOSSAD ay shaqaalaysiisatay.

In kasta oo aan lagu arag wax raad ah oo muujinaya in ka tirsan yahay Xa ama uu taageero Xa maas, haddana MO SS AD waxa ay aaminsantahay in Cumar uu xubin ka yahay.

Dhowaan ururka Xa maas waxa uu shaaciyey in uu leeyahay unug gaar ah oo qaabilsan ammaanka iyo xogdoonka Internet ka, Kombiyuutarrada, iyo guud ahaan Teknoolajiyada (Cyber). Kaas oo a ay sannadihii u dambeeyey si qarsoodi ah ugu adeegsanaysay raadinta xogta MOSSAD iyo guud ahaan Is raa iil.

MIT ayaa xaqiijisay in Injineer Cumar Al-Balibiisi ay dib ugu soo celisay dalka Turkiga, ammaankiisana ay iyadu sugayso. Dhinaca kalana MIT waxa ay sheegtay in ay magaalada Istanbuul ku qabatay basaas lagu magacaabo Usaama Xijaasi, iyo Raa’id Qasaala oo ka shaqeeya shirkad Teknoolajiyadeed oo xidhiidh la leh MOSSAD, taas oo ah shirkaddii uu Qasaal sheeganayey markii uu Cumar shaqada u soo bandhigayey, iyo nin kale oo ka mid ah basaasiintii MOSSAD ee shaqada beenta ah u soo bandhigayey Cumar Balbiisi.

Baadhitaannada sirdoonka Turkiga ayaa sheegaya in la xaqiijiyey in Qasaal uu ka tirsanyahay MOSSAD, labadan eedaysane ayaa Istanbuul u yimid in ay la kulmaan Cumar oo qorshuhu ahaa in ay shaqo u soo bandhigaan, si ay kalsooni ugu beeraanna waxa ay Cumar ku qanciyeen in uu u sameeyo barnaamij (App), iyaga oo lacagta ugu shubay xisaab uu Cumar ku leeyahay mid ka mid ah bangiyada dalka Masar.

MIT waxa ay xog fiican ka heshay shirkadaha kala duwan ee Cumar xidhiidhka la soo sameeyey, kuwaas oo la ogaaday in ay dhammaantood yihiin shirkado ay adeegsato MOSSAD. Waxaana la xaqiijiyey in Cumar hortii ay MOSSAD shirkadahan qudhooda u adeegsatay qabashada dad ay dabagal ku haysay.

MOSSAD ayaa muddo dheer wadday hawlgalo qarsoodi ah oo ay ku khaarajinayso ama ku afduubayso dadka ay cadowgeeda u aragto ee ku sugan dalalka adduunka, gaar ahaan Falastiiniyiinta. Dalalka ugu badan ee ay MOSSAD ka ugaadhsatana waxaa ka mid ah Malaysiya oo ka mid ah dalalka qadiyadda Falastiin sida weyn u taageera, Falastiiniyiin badanina deggenaanshiyo u tagaan👇

4 months ago

Message (64)

"Ka dhig u jeed kaaga ugu weyn ee nolosha in aad daryeesho qoyskaaga oo aad ka dhigto kuwo faraxsan."

4 months, 1 week ago

WIILKII NAFTIISA SIRDOONNADU KU LOOLLAMEEN (Q:2)
===--===---==

Sannadkii 2022, Shalabi xidhiidhkii Cumar waxa uu ku wareejiyey basaas kale oo ahaa 44 jir lagu magacaabo Nicola Rundage, kaas oo marar badan ku dadaalay in uu Cumar ku qanciyo in uu u safro Faransiiska. Rundage oo Cumar kula kulmay hudheel ku yaalla Istanbuul, waxa uu u soo bandhigay shaqo haddii uu qabto isaga oo Istanbuul jooga la siin doono mushahar bishii ah 5200 oo doolar, haddii uu Brazil tago si uu halkaas uga shaqeeyana uu mushaharkiisu noqon doono 20 oo doolar bishii.
Nicola Rundage waxa kale oo uu injineerka reer Falastiin u sheegay in ay ka wada shaqayn doonaan mashruuc internet ka ah, iyaga oo la shuraakoobayaa rag kala ah Cabdalbar Muxamed Kaya, Fu’aad Usaama Xijaasi, iyo Yuusuf Daxmaan.

Maadaama oo uu Cumar ku celceliyey walaac la xidhiidha dhukumantiyada socdaalka, basaaskani waxa uu u sheegay in uu yaqaanno masuuliyiin ka tirsan laanta socdaalka ee Turkiga, waxa aannu Cumar ka dalbaday in uu u soo diro xogtiisa shakhsiga ah oo ay ka mid tahay cinwaanka guriga uu ka deggen yahay magaalada, isla markaana uu u soo diro sawirka baasaboorkiisa, si uu ugu soo saaro fiise uu ku tago Faransiiska, isaga oo ku andacoonaya in shirkadda shaqada siinaysaa ay rabto in uu Faransiiska yimaaddo, waxa aanu ku tirtirsiyey in uu safro si lacagtaas badan uu u helo.

Markii xaalku halkaa marayey, waxaa qisada soo dhexgalay sirdoonka Turkiga oo sida muuqata si hoose dusha ugala socday hawshan.
Waaxda la dagaalanka basaasiinta cadowga ee hay’adda MIT, ayaa u yeedhay Injineer Cumar, waxa aanay si cad uga digtay in uu dalka Turkiga dibadda uga baxo, maadaama oo ay khatar geli karto naftiisu, sirdoonka MO SS AD oo daba socda awgeed.

Bishii Julaay 2022, Cumar si iskii ah ayaa uu u doonay in uu dalxiis ku tago dalka Malaysia, laakiin sirdoonka Turkiga oo ogaa shaqooyinkii MO SS AD ku soo dhuumanaysay ee sannadihii u dambeeyey loo soo bandhigayey Cumar si Turkiga looga saaro, waxa ay ka baqeen in uu u safrayo xidhiidh lagu qalday awgii, ama in dalka dibaddiisa uu khatar kula kulmi karo. Sidaas awgeed, Saraakiisha MIT waxa ay Cumar uga digeen khataraha ku xeeran, iyo feejignaanta looga baahan yahay in uu sameeyo, haddii uu go’aansado in uu safro.

MIT intaas kagama ay hadhin Cumar, balse waxa ay talefankiisa gacanta ugu shubeen barnaamij suurtagelinaya in la soo helo meel kasta oo uu joogo, xitaa haddii talefanku uu xidhanyahay.

KU DHICISTII DABINKA

Cumar sidii qorshihiisu ahaa waxa uu tegey Kuala Lumpur oo uu si nabadgelyo ah dalxiis ugu tegey meelo kala duwan oo ka mid ah caasimadda, bogagga uu ku leeyahay baraha bulshada ayaanu ku faafinayey meel kasta oo uu booqdo. Muddo saddex toddobaad ah markii uu damaashaadkaas ku jiray ayaa ay timid Maalintii darnayd.

28 kii Sabtembar 2022, Cumar iyo nin kale oo Falastiini ah ayaa goor fiid ah soo dhammaystay casho ay u tageen maqaaxi ku dhex taalla xarun ganacsi, badhtamaha magaalada Kuala Lumpur, intii aanay gaadhin gaadhiga ay wateen, balse ay ku socdaan ayaa waxaa soo abbaaray gaadhi midabkiisu caddaan yahay, afar nin oo si degdeg ah uga soo booday ayaana inta ay qabteen garaacay oo gaadhigii ku qaatay, halka uu saaxiibkiisii kale baxsaday markii laga awood batay.
Isla daqiiqado yar kaddibna waxaa la masaxay dhammaan farriimihii uu Cumar ku faafiyey baraha bulshada ee tilmaamayey joogitaankiisa dalka Malaysiya.

Koox ka tirsan MO SS AD ayaa gacanta ku dhigay Injineer Cumar, waxa aanay geeyeen guri u sii diyaarsanaa oo ku yaalla degmo 50 kiiloomitir u jirta caasimadda Malaysiya ee Kuala Lampur.

LA SOCO…

W/T Kamaal Marjaan

4 months, 1 week ago

WIILKII NAFTIISA SIRDOONNADU KU LOOLLAMEEN (Q:1)
===--===---===

Cumar Balbiisi waa Falastiini 1991 kii ku dhashay Qasa, magaaladaas ayaa uu ku barbaaray, kuna qaatay waxbarashadiisa illaa heer uu jaamacadda Islaamiga ah ee Qasa ka qaatay shahaadada Bachelor oo culuumta Kombiyuutarka ah (Computer Science). Intii uu Qasa joogay waxa uu ku shaqeeyey curinta iyo horumarinta barnamaijyada Kombiyuutarka, isaga oo sida oo kalana noqday macallin culuumta kombiyuutarka ka dhiga akademiyado kala duwan.

Cumar intii uu Qasa joogay, wasaaradda arrimaha gudaha ee Qasa ayaa uu u sameeyey barnaamij lagu jabsan karo nidaamyada kombiyuutarka oo ay wasaaraddu u baahnayd.

Sannadihii 2015 iyo 2016, Cumar Balbiisi waxa uu ku guulaystay in uu sameeyo barnaamij awood u leh in uu dhexgalo nidaamka kombiyuutar ee ay ku shaqeeyaan gantaalaha difaaca gantaalaha ee Israa’iil, gantaalahan oo aad u horumarsan waxaa lagu magacaabaa koofiyadda birta ah (Iron Dome), waxa aanay ka hortagaan gantaalaha lagu soo weeraro Israa’iil oo loogu talagalay in ay hawada ku burburiyaan. Laakiin Barnaamijka Cumar sameeyey waxa uu awood u yeeshay in uu indhatiro gantaalaha ‘Iron Dome’ oo ay arki waayaan ama khalkhal ku dhaco oo ay qaban kari waayaan gantaalaha ay Xamaas ku soo riddo Israa’iil.
Cumar waxa kale oo uu sameeyey barnaamij isaguna dhexgalay talefannada gacanta ee ay adeegsadaan masuuliyiinta Israa’iil.

Baadhitaan saddex sanno ay wadday ayaa ay MOSSAD ku heshay raad ku hagay, isha ay khatartaasi kaga imanaysay oo dabcan Injineer Cumar ah.

Muddo kaddib Cumar waxa uu tegey magaalada Qaahira, halkaas oo intii uu joogay ay sannadkii 2019 kii shirkad samaysa Barnaamijyada kombiyuutarka oo fadhigeedu uu Norway yahay u soo bandhigtay shaqo. Laakiin waa uu diiday shaqadaas, kaddib markii uu ka shakiyey in ay ujeeddo qaldan leedahay.

Bishii Maarso 2020, Cumar waxa uu u guuray magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga, markaas oo ay MOSSAD oo ku dabajirtay ay u aragtay in ay fursad fiican u helayso ka aargoosiga Injineer Cumar.
Sannadkii 2021 kiina waxa ay heshay fursaddii ugu horreysay ee ay kulan fool ka fool ah kula yeelaty Injineer Cumar.

Basaas lagu magacaao Raa’id Qasaal ayaa bishii Abriil 2021 ku guulaystya in uu xidhiidh isbarasho la sameeyo Cumar, isaga oo iska dhigaya in uu madax ka yahay qaybta shaqaalaha ee shirkad Faransiis ah oo lagu magacaa ‘Think Hire’, ayaa uu ku dadaalay in uu ku qanciyo in shirkadda laga shaqaalaysiiyo.

Illaa bishii Ogosto ayaa uu socday xidhiidhka Injineer cumar iyo basaas Raa’id Qasaal, kaddib si aanu Cumar uga shakiyin muddada dheer Raa’id Qasaal waxa uu hawshii qancinta Cumar ku wareejiyey basaas kale oo lagu magacaabo Cumar Shalabi. Labadan basaasba ujeeddada ugu weyn ee loo soo diray waxa ay ahayd in ay fududeeyeen sidii MOSSAD ay u afduubi lahayd injineerka, kaddibna ay ka dejin lahayd magaalada Tel Aviv.

Shalabi waxa uu Injineer Cumar u soo bandhigay qandaraas ah in uu sameeyo barnaamij kombiyuutar oo lagu siinayo 10 kun oo doolar. Cumar waa uu aqbalay, waxa aanu sameeyey barnaamijkii (APP) oo markii uu dhammaystiray ee uu shirkadda u diray lacagtii loogu soo dhiibay nin kale oo isna basaas ahaa oo lagu magacaabo John Foster.

LA SOCO…

W/T Kamaal Marjaan

6 months ago

Message (46)

"Dhallinyaro, Alle waa ogyahay waxa qalbigaaga aamusan doonayo. Xataa haddii aadan u sheegin isaga oo aadan ku darin ducadaada. Waxa laga yaabaa in aad xaalad adag ku jirto, se mar walba xasuusnow in xagga Alle waxba mucjiso ka ahayn. Waxaa laga yaabaa inuusan hadda ku siin waxa aad doonayso, waayo qorshayaasha Alle ayaa mar walba ka wanaagsan kuwaaga, sidaa darteed Alle talo saaro."
- Ahmed A. Qaydare

We recommend to visit

بســــــــــــم الله الرحمن الرحيــــــــــــم
Ku Dhawaad 3000 Buug-Somali
Free Ah
Youtube:
https://shorturl.at/auGJZ
Diclamer:
https://telegra.ph/HA-DEG-DEGIN-AKHRI-11-15
© Somalibooks Pro Inc
- All Rights Reserved-⤵️
@Cabasho_Bot
@Tusmobook

Last updated 4 months, 3 weeks ago

Somali National Television is the principal public service broadcaster in Somalia.

Headquartered in Mogadishu.

Last updated 2 weeks, 3 days ago

Kala soco Xikmad iyo Qormooyin Markasta Io Meelkasta.

Last updated 1 month, 1 week ago