Why Pay for Entertainment? Access Thousands of Free Downloads Now!

Sharif Hassan Sheikh Aden Issak

Description
Ex-President of Southwest State of Somalia, Ex-Speaker of the House of People of the Federal Parliament of Somalia and Ex-Minister of Finance of the Federal Government of Somalia.
Advertising
We recommend to visit

แŠแŒปแŠแ‰ต แˆˆแˆ…แ‹แ‰ฃแ‰ฝแŠ• - แ‰ฅแˆแŒฝแŒแŠ“ แˆˆแŠ แŒˆแˆซแ‰ฝแŠ•!

Bilisummaan uummata keenyaaf - badhaadhinni biyya keenyaaf!

Freedom to our People โ€“ Prosperity to our Nation!

Last updated 1ย week, 5ย days ago

๐šƒ๐™ฐ๐™ต๐™ฐ๐™บ๐™บ๐š„๐š/Istanbul
Ergaa gaggaarii, yaadannoo gaggabaaboo, Da'awaa Islaamaa,jechamoota gaggaarii, Beekkumsa waliigalaa, Seenaawwan barsiisoo, Dinqiiwwan adda addaa argachuu yoo barbaaddan media kana join godhaa.
Yaadaaf๐Ÿ‘‡
https://t.me/Ibrahim_92taf

Last updated 1ย month, 1ย week ago

Qalin Xor ah, fikir saliim ah iyo xog la hubo ka hel Awdal News.

Last updated 3ย months, 1ย week ago

3ย weeks, 2ย days ago
Ciid wanaagsan Shacabka Soomaaliyeed.

Ciid wanaagsan Shacabka Soomaaliyeed.

Waxaan guud ahaan muslimiinta caalamka gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeynayaa bilashada Bisha Shawaal iyo munaasabada Ciida.

Rabi SWT ha inaga aqbalo acmaashii wanagsaneyd iyo cibaadadii bisha barakeysan ee Ramadaan.

Guud ahaan shacabka Soomaaliyeed waxaan ka codsanayaa in munaasabada ciida awgeed ay u istaagaan farxad siinta iyo u kaalmeynta dadka danyarta ah,ayna fuliyaan dardaarankii Nabigeena NNKH.

Rabi SWT ciidan ciideeda Caafimaad,farxad,barwaaqo iyo horumar ha inagu gaarsiiyo.

1ย month ago
Waxaan ugu baqaynaa walaalaha ku dagaalamaya โ€ฆ

Waxaan ugu baqaynaa walaalaha ku dagaalamaya Degmada Diinsor in ay colaada si shuruud laโ€™aan ah ku joojiyaan,sidoo kalena wixii khilaaf ah ee jira wada hadal lagu xaliyo.
Waxaa muhiim ah oo lagama maarmaan ah in la ilaaliyo lana dhowro xiriirka soo jireenka ah iyo walaaltinimada labada beelood ee Dabare iyo Geeledle,waana dad weligood deegaan wadaag ahaa sidaas daraadeed waxaan mar kale ku baaqayaa in colaada nabad loo bedelo.
Waxaan si gaar ah halkan baaq uga dirayaa Odoyaasha Dhaqanka,wax-garadka,Culmaaโ€™udiinka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada in ay kaalin weyn ka qaataan sidii loo joojin lahaa dagaalka si looga baaqasado dhiig dambe oo daata.
Ugu dambeyn dadkeena dagaal iyo fowdo dambe uma noqdaan dagaalna wiil kuma dhasho ee wiilbaa ku dhinta sidaas daraadeed walaalaha Dabare iyo Geelidle waxaan leeyahay Usha dhexda ha laga qabto,colaadana nabad waarta ha lagu bedelo.

1ย month, 1ย week ago
Waxaan dhamaan reer Malaaq Ali Abdirahaman โ€ฆ

Waxaan dhamaan reer Malaaq Ali Abdirahaman Shiine uga tacsiyadeynayaa geerida ku timid Allaha ha u naxriistee Abe Malaaq Ali Abdirahaman Shiine.

Waxaan Abe Ali Abdirahaman Shiine Alle SWT uga baryayaa inuu naxristiisa jano ka
waraabiyo,kitaabkiisana uu gacanta midig, dhamaan ehelka iyo asxaaabtana u Samir yo limaan ka siiyo.

3ย months, 2ย weeks ago

Shirkada Is gaarsiinta Hormuud iyo Bangiga Salam waxa ay mudo badan ka soo shaqeyeen guud ahaan dalka Soomaaliyeed waxana inta badan waqtiga wanagsan geliyeen, ilaalinta ammaanadda Ummadda Soomaaliyeed.

Hormuud waxay dalka ugu soo adeegeen si hufan, iyagoona kaalin muhiim ah ka soo qaateen arrimaha gargaarka, isku xirka bulshada iyo kor u waadida adeegyo dad weyne oo kala duwan. Shirkadda Hormuud iyo Salam Bank amnigooda waxaa ka masul ah, Dowlada Soomaaliya waxana bogaadin mudan in lagu ixtiraamo shaqada ay u haayan bulshada Soomaaliyeed.

3ย months, 3ย weeks ago
๐™ƒ๐™–๐™ข๐™—๐™–๐™ก๐™ฎ๐™ค ๐™ˆ๐™–๐™™๐™–๐™ญ๐™ฌ๐™–๐™ฎ๐™ฃ๐™š ๐™ ๐™ช-๐™ญ๐™ž๐™œ๐™š๐™š๐™ฃ๐™ ๐™– ๐˜ฟ๐™ค๐™ฌ๐™ก๐™–๐™™๐™™๐™– ๐™‹๐™ช๐™ฃ๐™ฉ๐™ก๐™–๐™ฃ๐™™ ๐™ˆ๐™ช๐™™๐™–๐™ฃ๐™š โ€ฆ

๐™ƒ๐™–๐™ข๐™—๐™–๐™ก๐™ฎ๐™ค ๐™ˆ๐™–๐™™๐™–๐™ญ๐™ฌ๐™–๐™ฎ๐™ฃ๐™š ๐™ ๐™ช-๐™ญ๐™ž๐™œ๐™š๐™š๐™ฃ๐™ ๐™– ๐˜ฟ๐™ค๐™ฌ๐™ก๐™–๐™™๐™™๐™– ๐™‹๐™ช๐™ฃ๐™ฉ๐™ก๐™–๐™ฃ๐™™ ๐™ˆ๐™ช๐™™๐™–๐™ฃ๐™š ๐™„๐™ก๐™ฎ๐™–๐™จ ๐˜พ๐™ž๐™จ๐™ข๐™–๐™ฃ ๐™‡๐™ช๐™œ๐™–๐™ฉ๐™ค๐™ง

3ย months, 3ย weeks ago
Waxaan u hambalyeynayaa Madaxweynaha Puntland Mudane โ€ฆ

Waxaan u hambalyeynayaa Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo mar kale loo doortay Inuu noqdo Madaxweynaha Puntland,waxaana Alle uga baryayaa Inuu u fududeeyo masโ€™uuliyadda culus ee loo doortay.

Sidoo kale waxaan Shacabka deegaanadda Puntland Iyo Golaha Wakiiladda ee dowlad goboleedka Puntland ku amaanayaa doorashada hufan ee maanta Garoowe ka dhacday.

Ugu dambeyn waxaan guud ahaan deegaanada Puntland u rajeynayaa horumar Iyo barwaaqo.

4ย months, 2ย weeks ago
INNAA LILLAAH WA INAA ILEEHI RAAJICUUN. โ€ฆ

INNAA LILLAAH WA INAA ILEEHI RAAJICUUN. Waxaan ka tacsiyadeynayaa geerida naxdinta leh ee ku timid wasiirkii haweenka iyo horumarinta xuquuqul Insaanka ee XFS walaasheen Xildhibaan Khadija Maxamed Diriye oo ku geeriyooday wadanka Jabuuti,rabi SWT naxriistiisa jano haka waraabiyo kitaabkeedana gacanta midig haka siiyo. Marxuumada oo mudo badan usoo shaqeysay dalka Iyo dadka Soomaaliyeed waxaan geerideeda uga tacsiyadeynayaa Qoyskeeda,Golaha wasiiradda ,baarlamaanka Soomaaliyeed Iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed.

4ย months, 3ย weeks ago
Waxaan guud ahaan Shacabka Iyo dowladda โ€ฆ

Waxaan guud ahaan Shacabka Iyo dowladda Soomaaliyeed ugu hambalyeynayaa guusha taariikhiga ee dalkeena usoo hooyatay oo ah in guud ahaan dalkeena deyntii laga cafiyay.

Hanaanka deyn cafinta dalkeena oo marxalado kala duwan soo martay waxaa ku amaanan dhamaan madaxdii Iyo dowladihii hadba meel soo gaarsiiyay,waxayna tani muhiim u tahay dowlad dhiska dalkeena.

deynta dalkeena laga cafiyay waxa ay kaalin weyn ka qaadaneysaa inuu dalkeena horumar maaliyadeed Iyo mid dhaqaalaba uu gaaro.

Ugu dambeyn waxaan u mahadcelinayaa dowladihii deynta dalkeena ku lahaa ee hada inaga cafiyay Iyo cid walba oo kasoo shaqeysay in heerka maanta lasoo gaaro.

5ย months, 1ย week ago
Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa โ€ฆ

Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Mamulaha guud ee shirkadda Isgaarsiinta ee Hormuud Axmed Maxamuud Yuusuf (Ahamed Sacuudi) oo ku guuleystay Abaalmarinta billadda ๐‡๐จ๐ ๐ ๐š๐š๐ฆ๐ข๐ฒ๐š๐ก๐š ๐’๐š๐ง๐ง๐š๐๐ค๐š ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ‘ ee abaalmarinta Isgaarsiinta Adduunka,taas oo Shirkadda ๐“๐จ๐ญ๐š๐ฅ ๐“๐ž๐ฅ๐ž๐œ๐จ๐ฆ ee fadhigeedu yahay Dalka Ingiriiska ay ku abaalmariso hoggaamiyayaasha shirkadaha isgaarsiinta caalamka ee ku guuleystay horumarinta isgaarsiinta iyo teknoolajiyadda Dalalkooda.

Waxaan mar kale dhamaan maamulka iyo howlwadeenada shirkadda Hormuud ugu hambalyeynayaa guusha taariikhiga ee ay usoo hooyeen dalkeena taasoo ay ku muteysteen dadaalkii hagar laโ€™aaneed ay ku bixiyeen horumarinta isgaarsiinta dalka Iyo garab istaaga bulshada Soomaaliyeed.

Shirkadda Hormuud oo xiliyo adag shaqooyin muhiim usoo heysay dadka Soomaaliyeed ilaa hadana halkeeda kasii wadaa waxaan leeyahay halkiina kasii wada shaqooyinka muhiimka ah ee aad u heysaan dadka Iyo dalka Soomaaliyeed.

6ย months, 3ย weeks ago
Taci Tiiraanyo leh.

Taci Tiiraanyo leh.

Inaa,lilaahi wa,inaa ileyhi raajicuun.

Waxaan Tacsi Tiiraanyo leh halkaan ugu diraayaa Guud ahaan umada koonfur galbeed gaar ahaan qoyska iyo qaraabadii
Uu ka geeriyoodey Aabe maxamed xasan yuusuf.

Waxaan Ilaaheey uga baryeeynaa inuu horteena cafiyo kitaabโ€™kiisana gacanta midig kasiiyo, Jannadii fardowsa ka waraabiyo.

Aamiin yaa Allah.

We recommend to visit

แŠแŒปแŠแ‰ต แˆˆแˆ…แ‹แ‰ฃแ‰ฝแŠ• - แ‰ฅแˆแŒฝแŒแŠ“ แˆˆแŠ แŒˆแˆซแ‰ฝแŠ•!

Bilisummaan uummata keenyaaf - badhaadhinni biyya keenyaaf!

Freedom to our People โ€“ Prosperity to our Nation!

Last updated 1ย week, 5ย days ago

๐šƒ๐™ฐ๐™ต๐™ฐ๐™บ๐™บ๐š„๐š/Istanbul
Ergaa gaggaarii, yaadannoo gaggabaaboo, Da'awaa Islaamaa,jechamoota gaggaarii, Beekkumsa waliigalaa, Seenaawwan barsiisoo, Dinqiiwwan adda addaa argachuu yoo barbaaddan media kana join godhaa.
Yaadaaf๐Ÿ‘‡
https://t.me/Ibrahim_92taf

Last updated 1ย month, 1ย week ago

Qalin Xor ah, fikir saliim ah iyo xog la hubo ka hel Awdal News.

Last updated 3ย months, 1ย week ago