Xikmado Soomaali ™

Description
Kusoo dhawaw XikmadoSomali waxaad ka heli doontaan Buugaag dhegeysi ah oo Somali ah & kowo lasoo koobay oo live loo sharaxaayo,Buugaag Qormooyin،wacyi gelin
Advertising
We recommend to visit

SABA GUDDAA WAAN TAANEEF MIIDIYAA GUDDAATU NUUF MALA!

@Abdii_Sabaa

?NU QUNNAMUUF?
@AbdiiSabaaDm

?BARNOOTAAF
@Abdiisabaa

?MARIIF
@Garee_Abdii_Sabaa

Last updated 2 months ago

https://t.me/joinchat/AAAAAFgrZgMjBcvdBf7YWg

Last updated 1 month, 4 weeks ago

asc بســــــــــــم الله الرحمن الرحيــــــــــــم
Ku Dhawaad- 3000 Buug-Somali ayaa ku jira Akhriso oo ilaali xuquuqda Qoraayada leh.
Youtube:
https://shorturl.at/auGJZ
Diclamer:
Cabasho/Buug iyo Su,aal ... La Xidhiidh
@Cabasho_Bot
@Tusmobook

Last updated 1 month ago

2 months ago
Hamstr kombat . Season 1 is …

Hamstr kombat . Season 1 is over

2 months ago
Ilaahay maalinta jimcaha wuxuu ka yeelay …

Ilaahay maalinta jimcaha wuxuu ka yeelay nuur , duhurkeeda farxad , casirkeeda bishaaro , maqribkeedana dambi dhaaf , sido kle wuxuu ka yeelay duco aan laso celineenin , wuxuuna idin hibeeyay arsaaqad aan laso koobi karin albaab ayuuna jannada idinkaga furay .

Jumco wanaaagsan

Halkaan hoose kusoo biira
??????????
@Cadceed38

2 months, 1 week ago
Subax kle oo cusub, Jaanis kle …

Subax kle oo cusub, Jaanis kle Oo cusub Alhamdulilah, Muxuu yahay qorshahaga maanta..?!

Numcooyinka Rabbi iyo Fursadaha ogu Qaalisan nolosha Ayee kujirtaa inaa soo toosto Adigoo caafimaad qaba, Waqtiga meel cidlo ah Haku dilin Ee Jaaniska ka faaideyso intaa heesato.

Waqtiga ha laga faaiseyso.

Subax wngsan ❤️

@cadceed38

2 months, 1 week ago

Hadii aad ubahan tahay ciwaankaan xikmadaha nolosha waa beec waliba qiimo yar oo macquul ah hadii aad rabto iga soo qabo WhatsApp numberka
???????
+252688720397 ?
???????

2 months, 1 week ago

Asc akhwaani ciwaankaan xikmadaha nolosha cawa waa beec hada ka faaiideso qiimo yar oo macquul ah ?

2 months, 1 week ago

Apple Vision Pro waa aalad cusub oo ay soo saartay shirkadda Apple, taas oo qodku si fudud u isticmaali karo, waxaanay u qaabaysan tahay sida muraayada indha oo kale, taas oo ku shaqaynaysa nidaamka virtual reality.

Qalabkan cusub wuxuu sameeyay horumar weyn oo dhinaca tiknoolojiyadda ah, gaar ahaan marka la eego sidii looga guuri lahaa isticmaalka teleefoonada gacanta, isagoo kuu suurto gelinaya in aad si ka duwan ula macaamisho dunida digitalka ah.

Waxa uu leeyahay dareemayaal (sensors), sidoo kale wuxuu leedayay kamarado tayadoodu aad u heer sarayso oo u sahlaaya qofka in uu kula socdo waxyaabaha aga-gaarkiisa ka dhacaaya.

Waxaa si fudud loogu maamuli kataa amaro ka imanaaya indhaha, codka, iyo faraha qofka isticmaalaaya muraayadan, taas oo ka dhigaysa mid isticmaalkiisu fudud yahay oo ku cusub dunida virtual reality-ga ah.

Shaashada taleefankaaga ayaad ku dhex isticmaali kartaa iyadoo aad arki karto wax kasta oo hareerahaaga ka dhacaya si caadi ah. Waxaad isla mar ahaantaas wada isticmaali kartaa hal mar dhowr barnaamij, sida inaad qof video call kula hadasho adigoo isla markaas Google ama barnaamij kale isticmaalaya.

Apple Vision Pro waa mid bilow cusub u ah tiknoolojiyada xawaaraha sare leh ee virtual reality-ga, kana dhigayso mid si sahlan looga guuro teleefoonada gacanta.

2 months, 2 weeks ago

Hddi aad xiiseeneyso Airdrops iyo updtska suuqa crypto , halka hoose kusoo biir , insha allaha halkaa ayaan waxwalba idinkula wadaagayaan

@cadceed38

2 months, 2 weeks ago

Please guys post tiga like saara taageeridiina Muujiya oo na dhiiri galiya.

Halkaan hoosana kusoo biira
@cadceed38

2 months, 2 weeks ago

"Waxaan ahaa shaqaale nadaafadeed. Waligey carruurteyda uma sheegin waxa aan ka shaqeeyo, waayo ma rabin in ay niyadjabaan. Markay gabadheyda yar i weydiiso shaqadeyda, waxaan si quus ah ugu sheegi jiray in aan ka shaqeeyo farsamada gacanta. Galabkii marka aan shaqada ka rawaxayo, waan qubeysan jiray, si aysan carruurteydu iiga fahmin shaqadyda.

Gabdhaheyga iskuul ayaan geeyay, si ay wax u bartaan, oo dadka sharaf iyo karaamo ugu dhex noolaadaan, waayo ma rabin in loo bahdilo sida aniga oo kale. Waxaan keydiyay kun kasta oo i soo galay si aan gabdhaheyga wax ugu baro. Weligey ma iibsan shaati cusub, ee waxaan ugu gadi jiray buugaag ay wax ka bartaan.

Curaddeyda ayaa iskuul soo dhameystay. Hal maalin ayaa ka dhiman maalinka ay xirmayso isdiiwaangelinta jaamacadda. Ma hayo lacag aan ku diiwaangeliyo. Maalintaas murugo iyo quus ayaan la shaqeyn kari waayey. Waxaan ag fariistay sanduuqa qashinka, illin ayaa iga da'eysa, se waxaan isku dayay in aan qariyo. Waa niyadjabsanahay, waayo ma hayo wax aan caawa ugu jawaabo gabadheyda markii aan guriga ku laabto ee ay i waydiiso lacagtii ay berri isaga diiwaangelin laheed jaamacadda.

Waxaa halkii iigu yimid saaxiibadeydii shaqada. Qaar baa ogaa walwalka i haya. Dhinacyadeyda ayay soo fariisteen. Waxayna igu dhaheen: ha murugoonin, annaga ayaa ku garabtaagan, waxayna i siiyeen joornaatigii ay maalinkaas shaqeysteen oo ay iska soo aruuriyeen. Waan ka yara diiday, balse igama aqbalin, waxayna igu dhaheen: dhib ma laha, in aan maanta kaliya gaajoonno ayaan ka doorannay in ay curaddaadu berri jaamacad iska diiwaangeliso. Waan ka qaatay, waana uga mahadceliyay.

Maalinkaas ma marin musqushii aan ka sii qubeysan jiray inta aanan shaqada ka bixin, waxaana guriga tegay anigoo faraxsan oo ay iga muuqdaan daalkii iyo wasaqdii shaqada.

Nasiib wanaag, maanta curaddeydu waxay ku jirtaa sanadkii ugu dambeeyay jaamacadda. Way shaqeysa oo nolosha qoysku maanta iyada ayay ku tiirsan tahay, aniga shaqada way iga fariisisay, saddexda gabdhood ee kalena jaamacad ayay noo dhigtaan, Alle mahaddii.

Marmarka qaar ayay curaddeydu gaarigeeda iigu qaaddaa shaqadeydii hore, waxaana la soo qadeynaa saaxiibbadeydii shaqada. Midkood ayaa maalin igu yiri: oo maxaad isu dhibtaan, oo qadadaan noogu keentaan? Gabadheyda ayaa ugu jawaabtay: Ma hilmaamin, abaalna waad idinkaga hayaa maalinkii aad darteey u gaajooteen si aan u gaaro heerka aan joogo!”

Alle mahaddii, maanta ma dareemayo in aanan faqiir ahayn, oo sidee ayaan saboolnimo u dareemaa aniga oo heysta gabdhaheygaan"
Xashi

Sheekada aabbe xashi waxaa ka soo tarjumay bogga GMB Akash.

5 months, 1 week ago

Sidee ugu faaideesan karaa maalinka Carafo ?

  1. Marka ugu horeeso habeenkii si fcn u jiifo, si adigoo firfircoon usoo kacdo.

  2. U soo kac salaatul leylka si aad usoo dukato, xiliga laga bilaabo ilaa salaada subax Alle istiqfaar weydiiso.

3.Waxa ugu fcn oo maalinkaas la aqristo waxaa waaye
( لا إلَهَ إلَّا اللَّهُ وحدَهُ لا شريكَ لَهُ، ‏لَهُ الملكُ، ولَهُ الحمدُ،وَهوَ على كلِّ شَيءٍ قدير ).
kuna darayso Tasbiixda, Taxmiida , Takbiirta .
( سُبْحَانَ اللهِ، وَالْحَمْدُ لِلهِ ، وَلَا إِلَهَ إِلَّا اللهِ، وَاللهُ أَكْبَرُ. )
adigoo ku celcelineysid ilaa qoraxda ka baxayso, Cabaar ka dib 2 rakaco duko , ilaahay ku weydiiso sujuuda dhaxdeeda waxaa rabto oo niyadaada ku jiro.

  1. iska seexo ama shaqadaada iska aad ilaa laga gaarayo bacdul duhur , 4 ama 2 rakaco duco oo duhur ka horeeya kadibna duceeso, Alle samaawaatka ayuu imaanayaa waana marka ducooyinka la aqbalaayo ilaa laga gaarayo qorax dhaca.

  2. Adaabta ducooyinka , Kow in Alle u mahadcelisid oo rasuulka ku salisid  scw , ka dibna ducooyinka lagu furfurto oo Alle aqbalaayo oo aan lasoo celineenin waxaa ka mid ah ,
    ( اللهم اني اسالك باني اشهد  انك انت الله لا اله الا انت الاحد الصمد الذي لم يلد ولم يولد ولم يكن له كفوا احد   ).
    Ka dibna weydiiso waxaa doonto Allah oo noyadaada ku jiro adigoo ku celcelineysid.. [ Luqad walba ku ducooso , carabi hadaa taqaano kaba fiican , carabi haddii ku kasi weydo somaali ku weydiiso ]..

  3. Bacdul Casir sidii cml u duceeso.

  4. Si,aadan u caajisin cibaadaadka isku bad bedel, mar qur’aan, mar duco, mar adkaar…….

  5. Marka aad afurto , aqriso ducada afurka  waayo ducada qofka sooman waa la aqbalaa,
    (" ذهب الظمأ و إبتلت العروق و ثبُت الأجر إن شاء الله "   ).....

Ku dadaal inaad kheyrka sii share gareeso .

Kana faaideestaan maalinkaan aadka u weyn, allah hana gaarsiiyo insha allah...

We recommend to visit

SABA GUDDAA WAAN TAANEEF MIIDIYAA GUDDAATU NUUF MALA!

@Abdii_Sabaa

?NU QUNNAMUUF?
@AbdiiSabaaDm

?BARNOOTAAF
@Abdiisabaa

?MARIIF
@Garee_Abdii_Sabaa

Last updated 2 months ago

https://t.me/joinchat/AAAAAFgrZgMjBcvdBf7YWg

Last updated 1 month, 4 weeks ago

asc بســــــــــــم الله الرحمن الرحيــــــــــــم
Ku Dhawaad- 3000 Buug-Somali ayaa ku jira Akhriso oo ilaali xuquuqda Qoraayada leh.
Youtube:
https://shorturl.at/auGJZ
Diclamer:
Cabasho/Buug iyo Su,aal ... La Xidhiidh
@Cabasho_Bot
@Tusmobook

Last updated 1 month ago