Dive into the Ultimate Free Library: Your One-Stop Hub for Entertainment!

Dhaqan_wanaagツ‍

Description
Wax kastoo dheef leh.
Advertising
We recommend to visit

بســــــــــــم الله الرحمن الرحيــــــــــــم
Ku Dhawaad 3000 Buug-Somali
Free Ah
Youtube:
https://shorturl.at/auGJZ
Diclamer:
https://telegra.ph/HA-DEG-DEGIN-AKHRI-11-15
© Somalibooks Pro Inc
- All Rights Reserved-⤵️
@Cabasho_Bot
@Tusmobook

Last updated 4 months, 3 weeks ago

Somali National Television is the principal public service broadcaster in Somalia.

Headquartered in Mogadishu.

Last updated 2 weeks, 3 days ago

Kala soco Xikmad iyo Qormooyin Markasta Io Meelkasta.

Last updated 1 month, 1 week ago

1 month, 1 week ago

اللَّهُمَّ صَلِّ وَسَلِّمْ وَبَارِكْ على نَبِيِّنَا مُحمَّد.

🤍

1 month, 1 week ago

Baraarujin

Sunnayaasha aynnu dhayalsanno waxa ka mid ah mu'addinka oo la raaco marka uu addimayo. Cilmi badane Ibnu Baas AHUN oo ka hadlaya fadliga iyo wanaagga laga helayo sunnadan ayaa yidhi: "raacidda mu'addinka waxa ka taga uun qof laga dheereeyay wanaagga. Mu'addinka oo la raaco waxa ku sugan afar ajar oo waaweyn: dambidhaaf, janno gelid, ku guulaysiga shafaacada Suubbanaha NNKH iyo ducada ka dambaysa oo laga aqbalo addoonka."
Ibnu Jurayj AHUN ayaa isna yidhi: "salafkii hore sida ay u dhegaystaan Qur'aanka kariimka ah, si la mid ah ayay u dhegaysan jireen mu'addinka."

–Cabdixakiin Obsiiye

1 month, 1 week ago

اللَّهُمَّ صَلِّ وَسَلِّمْ وَبَارِكْ على نَبِيِّنَا مُحمَّد.

🤍

1 month, 2 weeks ago

Illaahey swt waydiista waxa laabihiina ku wayn in uu idin siiyo hadii ay khayr idiin leeyihiin.🕊️

Allahuma sali calaa Maxammed.🤍

1 month, 2 weeks ago

Miskiin

Xanuunnada ku dhaca garaadka liita ee insaanka, waxa ka mid ah Cabsida. Dadka qaar ayaa dhibsada meelaha madow, qaar baa aan fuuli karin meelaha dhaadheer, qaar kalena waxa lagu dhibay hor-istaagga dadka oo haddii ay duruufuhu ku qasbaan; dhidid baa ka dareera, wajiga ayaa casaada, waxa aanay ku sigtaan in ay sarajoogga ka dhacaan.
Waa maxay caqligan liita ee sawiranaya waxyaabo aan jirin iyo dareenno aan sabab lahayn? Miyaanu ahayn insaankii caqliga weynaa! Xanuunnadan waxa ka mid ah Waswaaska oo ka mid ah jirrooyinka ku dhaca garaadka insaanka. Ibnu Jawsi ayaa ka qoray buug weyn oo uu ugu magac daray: “Talbiisu Ibliis” oo uu kaga warramayo dhacdooyin aan qalinka lagu soo koobi karayn. Waxa jira dadka qaar saacado qubaysta! Kuwo kalena saaladda ayaa ay ku celceliyaan! Saaxiibkaygii aannu wada deganayn qolkii jaamacadda ayaan u kiciyay salaad subax. Suuliga ayaa uu galay, aniguna salaadda ayaa aan u baxay eedaankii. Sunnihii ayaa aan tukaday, Qur’aan baa aan akhristay, muddo dheer ka dibna salaaddii baa la galay. Salaad deggan baa aannu tukannay, haddana masjidka ayaa aan iska fadhiyay ilaa qorrax-soo-bixii. Markii aan
ku soo laabtay qolkaygii, waxaan ogaaday in uu saaxiibkay waysaysanayo.
Albaabka ayaa aan ku garaacay. Waayo, waxa aan mooday in uu dhintay. Isaga oo argagaxsan ayaa uu ka soo baxay suuliga, waxa aanu i weyddiiyey: miyaad ka soo baxdeen salaaddii? Ma dareemin waqtigaa dheer. Maxaa ka miskiinsan insaanka!

📖: 10 Magac Q2 | Miskiin | B: 58

1 month, 2 weeks ago

Asaasaq

Eebbe, si joogto ah ayaa uu indhaha addoomaha ugu soo jeedinayaa tamardarradooda, wahsigooda iyo fekerkooda kooban, ujeedkuna waa si uu ugu baraarujiyo awooddiisa, kartidiisa iyo xikmaddiisa.
Waxa aan fadhiyay maqaaxi cunto, markii uu wiil caato ah oo gacanta ku sita xabbad sigaar ahi soo galay gudaha. Waa uu isla sheekaysanayay,
muuqaalkiisuna soo-jiidasho ayuu lahaa. Gudaha ayaa uu soo gaadhay. Dabadeeto waa uu qayliyay isaga oo isku deyaya in uu qanciyo qof hortaagan oo aan noo muuqan. Runtii aad ayaa uu u qayliyay! Waxa aan ogaaday in uu waalan yahay. Markii uu ka baxay maqaaxidii isaga oo wali
la hadlaya qofkii, ayaan ka warsaday xaaladdiisa shaqaalihii meheradda.
Si murugo leh ayaa ay iigu yidhaahdeen: laba bilood ka hor, waa uu caafimaad qabay oo wax dhib ah ma qabin. Si kedo ah ayaa uu u waashay wiilkani! Waa sidaas xaaladda insaanku! Waxa aad arkaysaa isaga oo iswayddiinayaa xikmadaha Ilaahay ee ku saabsan arrinkan iyo siraha ku duugan sharciyeyntiisa? Ma hanan karo caqligiisa, haddana waxa uu raadiyaa xikmadaha abuuraha iyo falsamaha! Gabadh ka mid ah qaraabadayda oo da’a, ayuu ku dhacay xanuunka asaasaqu. Runtii aad iyo aad ayay ii jeclaan jirtay. Maalin maalmaha ka
mid ah ayaa aan u galay si aan u bariidiyo. Hase ahaatee, iima ay muujin dareenkii farxadda watay. Qof ka mid ah dadkii la joogay ayay fiirisay oo weyddiisay: waa kuma qofkani? Awood la’aan ayaa aan dareemay, waanan ilmeeyay. Maxaa ka tamardaran insaanka Saaxiibkay oo aannaan is arag muddo toban sano ka badan, ayaa aannu kulannay. Runtii isbeddel aad u weyn ayaa ka muuqday jidhkiisa. Sababta ayaa aan weyddiiyey? Kiniinnada aan cuno ayaa kordhiyay miisaankayga ayaa uu igu yidhi. Si hoose ayaan ugu idhi: maxay yihiin kiniinnadani? Cod liita oo ay quusi ka muuqato ayaa uu ku yidhi: waxa igu dhacay xanuunka gooni-socodka. Caqliga dadku ilaa xad ayuu xasaasi yahay. In kasta oo uu ka caawiyo
sawirashada caalamka, haddana dhib yar oo soo gaadha ayaa dhanka kale
u rogta oo ka dhigta mid sawirta khuraafaad aan jirin. Markan, magacyada ayaa uu isku dhex khaldaa oo Cumar iyo Cali ayaa iskaga qasma, shaygii laga ooyijirayna, waa uu ku qoslaa!

ثُمَّ الَّذِينَ كَفَرُوا بِرَبِّهِمْ يَعْدِلُونَ (الأنعام ١)

"Intaa ka dibna, kuwa gaaloobay Rabbigood ayaa ay wax la wadaajinayaan.”

📖:10 Magac Q2 | Asaasaq | B: 51

1 month, 3 weeks ago

اللَّهُمَّ صَلِّ وَسَلِّمْ وَبَارِكْ على نَبِيِّنَا مُحمَّد.

🤍

1 month, 3 weeks ago

اللَّهُمَّ صَلِّ وَسَلِّمْ وَبَارِكْ على نَبِيِّنَا مُحمَّد.

🤍

1 month, 3 weeks ago

Saliga nabiga iyo suuradaha qur'aanka.🤍

1 month, 4 weeks ago

Ku Qurxista habeenkiinan saliga nebiga ﷺ.

We recommend to visit

بســــــــــــم الله الرحمن الرحيــــــــــــم
Ku Dhawaad 3000 Buug-Somali
Free Ah
Youtube:
https://shorturl.at/auGJZ
Diclamer:
https://telegra.ph/HA-DEG-DEGIN-AKHRI-11-15
© Somalibooks Pro Inc
- All Rights Reserved-⤵️
@Cabasho_Bot
@Tusmobook

Last updated 4 months, 3 weeks ago

Somali National Television is the principal public service broadcaster in Somalia.

Headquartered in Mogadishu.

Last updated 2 weeks, 3 days ago

Kala soco Xikmad iyo Qormooyin Markasta Io Meelkasta.

Last updated 1 month, 1 week ago