Dive into the Ultimate Free Library: Your One-Stop Hub for Entertainment!

Aqoonkaal Media

Description
Hoyga Xikmadda iyo Aqoonta ujeedkeennu waa inaan kuu soo Gudbinno maqaallo iyo qormooyin faa'iido kuu leh

Waari mayside war hakaa hadho
Advertising
We recommend to visit

بســــــــــــم الله الرحمن الرحيــــــــــــم
Ku Dhawaad 3000 Buug-Somali
Free Ah
Youtube:
https://shorturl.at/auGJZ
Diclamer:
https://telegra.ph/HA-DEG-DEGIN-AKHRI-11-15
© Somalibooks Pro Inc
- All Rights Reserved-⤵️
@Cabasho_Bot
@Tusmobook

Last updated 5 months, 3 weeks ago

Somali National Television is the principal public service broadcaster in Somalia.

Headquartered in Mogadishu.

Last updated 1 month, 2 weeks ago

Kala soco Xikmad iyo Qormooyin Markasta Io Meelkasta.

Last updated 5 days, 7 hours ago

2 months, 1 week ago

https://vm.tiktok.com/ZMMUFhJeQ/

Tiktok maxaad ka aamisan tihiin saaxiibayaal?

2 months, 1 week ago

SIXIRKA!
Qof walba oo muslim ahi waa in uu ka feejignaadaa halista shayaaddiinta iyo kuwa la shaqaysta. Kani waa sixir loo maleegay qof muslim balse ah badbaadisay suuradda Baqra. Hadda ba sixirrada khatarta ah waxaa lagu xiraa DNA 🧬 qofka, iyaga oo fudud buu ula soo baxa!

Fadlan ilaasho hana iska dayicin;

  1. Timaha kaa go’a xilliga shanlada
  2. Ciddiyaha aad iska jartay.
  3. Dhiiggaaga
  4. Hoosgashigaaga [Buumaha, Kastuumaha, iwm].
  5. Shay kasta xawadaadu taabatay
  6. Candhuuftaada & Xaakadaada.
  7. Illintaada
  8. Hooyadaa magaceeda
  9. Waxyaabaha aad jeceshahay
  10. Firaashkaaga.
  11. Agabkaa saxarada ku tirtir [sida; warqadda suuliga, dhagxaanta iwm].
  12. Kabahaaga [Jaanta, sigisaamaha iwm].

Intaas haddii aadan ilaashan waxa aad khatar ugu jirtaa dhibaatada shayaaddiinta. Intaan iyo ka badan bay u adeegsadaan sixirka. Haddii aan la helin DNA’daada wuu ku adkaan doonaa sixirkaagu, waa in ay soo helaan burjigaaga, magaca hooyadaa iyo waxyaabo kale. Sixirku waa shaqaalaysiinta shayaaddiinta iyo jinka kuwooda xun si ay dhibaato kuu gaarsiiyaan.

Qofka iyo Jinka waxaa u dhexeeya dahaar Eebbe ugu talo galay, aadanuhu markii ay fahmeen dahaarkaasna waa kuwa ikhtaaracay oo ay shayaaddiintu bareen cilmiga sixirka. Qof walba waxaa xogtiisa iyo sirtiisa bixiya jin loo yaqaanno QAREEN, sida malaa’uga garbahaaga ku lammaan oo kale an. Waxa uu ogyahay dhammaan xogtaada shaqsiga ah, xanuunnadaada, waxyaabaha aad jeceshahay, waxa aad neceb tahay, waxa kuu qorshaysan iwm. Si laguu dhibaateeyo waa in QAREENKAAGA la shaqaalaysiiyo. Haddii aad aragtid, qof iinnaan aqoon isku lahayn oo magaca hooyadaa ku weyddiinaya “HAA”, ha orane, maya, mooji ama waa laga yaabaa dheh. Sababta hooyada laguugu sixraya waa in la ogyahay hooyadu in ay ku dhashay.

Haddii aad isaga baqsan tahay sixir ama il mid uun fadlan akhriso suuradaha; Al Naas, Falaw, iyo Baqara.

Fadlan baro qaabka ay u shaqaystaan si aad isaga ilaalisid sixirooleyaasha, khalaawaysatada, fooxisooyinka iyo dhabarsalaaxu ba.

Eebbe ha innaga badbaadsho dhagartooda.

2 months, 1 week ago

Waan konton jirsaday maanta, waxa aan xasuustaa wakhti aan soddonka gabow u haystay, afartanka cotosh u haystay, kontonkana wedkii oo tallaabo loo jirsaday. Maanta se waxa aan ahay 50 jir, waan ogaa in ay imaanayso maalintani, waxa uu ahaa hiraal fog hoosta se kaaga soo galaya si sibiq ah, waxa ay da'du kuugu soo gurguuran doontaa tartiib tartiib waxa aadna soo kici doontaa adiga oo konton jir ah. Da'da labaatanaad waxa aad ku dareemi doontaa daal iyo burbur ma na aad suuraysan kartid sida aad u sii xammili doontid soddon sano oo hor leh adiga oo xaaladdaas ku sugan. Si kasta oo ay ahaataba waa aad gaari doontaa, waa ku kaas, waa adiga konton jirsaday. Malaha waxaa jira hal wax oo aadan jeclaan lahayn in aad ka soo gudubto. Dhalinyaranimadaadii. Alla dhalinyaranimooy, maxay ku banaan tahay awood ay khasaarinayaan kuwa badan oo wali haysta! Ma ila socotaa? Waxa aan u hadlayaa sidii oday duqoobay oo konton jirsaday. Xiligan marka aad joogtid [konton jirnimada] waxa aad u baahan tahay in aad ku fara-adaygtid wax walba oo dhalinyaranimadaadii ka sii haray. Waxa aad u baahan tahay in aad qof dhalinyar u ekaatid, dhalinyaranimo dareentid, dhalinyarna ahaatid. Ma malayn kartid dhoolacadeynta beenta ah aad muujinaysid markii uu qofi ku dhaho "konton jir waa aad u yar tahay." Halkaa marka la joogo sir yar aan ku siiyee: mar ba haddii ay dadku bilaabaan in ay kuu sheegaan "da'da aad jirto in aad dhalinyar u tahay wali", hubaal waa aad gabowday. Bal suurayso adiga oo labaatan jir ah haddii uu qofi ku dhaho "labaatan jir waa aad u yar tahay", hubaal feer ayaa aad qabadsiin lahayd. Maanta waa aan konton jirsaday, waxaana aan joogaa maalin malaha aan sas ka qaaday aragtida wajigaygii oo coorcooray, iyo, malaha gacalkii ii dhawaa oo iigu laabqaboojinaya bal in aan "wax uun sameeyo" aan ku baabi'iyo laablaabka iyo cirrada. Iyaga oo waliba adeegsanaya erayadii caanka ahaa ee "si aad DHALINYARO ugu ekaatid." Haa, halka loo socdaa waa DHALINYARANIMADA. Si ay dhammaan baxdownimo iyo xoog u dareemaan xubnaheennii iyo dareennadeenii ba, wali ba si wadajir ah. Ogobeey anigu se taas waa aan ka biya diiday, waxa aan ahay konton jir, waxaana aan labada [dhalinyaranimada iyo gabowga] saaxiib la ahay coorcoorkeyga iyo cirradayda. Waxa aan la qaatay wakhti aysan cid kale la qaadan. Wakhtiguna waa uu igu lammaanaa intii ay igu lammaanaayeen, marka maxaan u tirtayaa [oo dhalinyar isugu ekaysiinayaa]? Maxaan isu tirtirayaa...anigu?

Shantii sano ee la soo dhaafay waxa aan qorshaynayay goobtii aan ku geli lahaa sawirkaygii dhalashada ee sinkayga kontonaad. Goob qurux badan oo si xirfad leh looga shaqeeyay, si aan dadka uga maqlo, weedhii caanka ahayd "wali waxa aad tahay dhalinyaro!" Balse maxaan ka dheefayaa? Waa isla anigii waxaanan ahay konton jir. Marka, iga hooya sawir kur ah oo aan ku galey telkayga. Sawir ka maran filtar, nashqadeyn iyo safar loo galo qab-been ah. Maanta waxa aan ahay konton jir. Waa aan noolahay. Waxa aan joogaa halkan, waxaana aan ahay mid aad u mahadnaqaya.

Bassem Youssef

3 months, 3 weeks ago
Aqoonkaal Media
3 months, 3 weeks ago
Aqoonkaal Media
5 months ago

Haddii aad sannadkan cusub qorshe cusub dejisanaysid:

  1. Dadku isku mid ma wada aha ee taada ku salee. Nebigu SCW wuxuu yidhi qofba wixii loo abuuraa loo fududeeyay. Raadi waxa aad ku fiican tahay oo xoogga saar ka midhadhalintiisa.

كل ميسر لما خلق له.

Ha isku hawlin ku dayashada dad kale oo samaynaya wax aadan ka bixi karin ama aadan niyad iyo nafsad u hayn.

Maxaad leedahay awooddiisi? Kartidiisi? Haleelkiisi?

  1. Ku dedaal wixii dheef kuu leh ee ku anfacaya adduun iyo aakhiro. Alle kaalmayso, hana ka caajisin.

احرص على ما ينفعك، واستعن بالله، ولا تعجز.

Yaraantu waa nimco ee ka faa’iidayso. Dad yaraantoodi is-habeeyay oo shaqadooda marka ay ka soo baxaan halkan(Facebook, ...,..)ku nafisa, dhiggood ha ismoodin waqtigaagana halkan ha ku lumin. Doodaha madhalayska ah iyo qof dhalinyaro ahi isuma fiicna ee faraha kala bax.

“Nin yaraan ku loofaray wuxu lumiyay raacdeeye”

—Salaan Carrabey.

  1. Saddex xaq baa ku saaran: xaqa Alle, xaqa naftaada, xaqa abuurta Alle. Mid walba intii aad awooddid ka oofi.

“إنَّ لِرَبِّكَ عَلَيْكَ حَقًّا، ولِنَفْسِكَ عَلَيْكَ حَقًّا، ولأَهْلِكَ عَلَيْكَ حَقًّا، فَأَعْطِ كُلَّ ذِي حَقٍّ حَقَّهُ"

Waxqabadkii guud ayaa beryahan inagu yaraaday. Dantii gaarka ahayd baa intii badnayd loo wada jeestaye, ku dedaal inaad samaysatid ama ka qaybgashid mashruuc waxqabad dan guud. Jidka aad maraysid oo aad dhib yaallay ka leexisid waa wax weyn. Inaadan qashin ku tuurinna waa masuuliyad ku saaran.

لا تحقرن من المعروف شيئا.

  1. Wax yar oo aad joogtaysid baa ka fiican wax badan oo aad joojisid muddo yar ka dib.

خير الاعمال ادومها وان قل.

  1. Xilli fidno ayaa lagu jiraa, ee sida cudurrada jidhka la isaga tallaalo, kuwa fekerkana iska tallaal oo ka digtoonow in aafo laguu qurxiyay ay aakhiradaada ku seejiso. Kitaabka Alle akhrintiisa, fahankiisa, iyo ku dhaqankiisa wax gaadhaa ma jiraan. Kun buug oo “fikri” ah isagaa ka dheef badan.

ذَٰلِكَ الْكِتَابُ لَا رَيْبَ ۛ فِيهِ ۛ هُدًى لِّلْمُتَّقِينَ

X/Q: Muxammad Yuusuf

9 months, 1 week ago

Mararka qaar Ilaahay innama siiyo wax aynu weyddiisannay, si
uu inoogu beddelo wax kale oo ka sii wanaagsan. Marar badan
ma garan karno sababta ducooyinkeenna qaar loo aqbalo
kuwo kalena loo aqbali waayo. Waxa qudha ee aan ogahay
waa in Ilaahay uu ina jecel yahay, qaddarkeennana uu inoo
jeexay isagu; marar badanna innaga oo aan xitaa fahansanayn
sida ay wax u dhici doonaan waa in aynu ku kalsoonaannaa.
Ku noolow noloshaada jacayl, oo ku kalsoonow Ilaahay si uu
kuugu hanuuniyo waddada saxda ah.

~Dhiganaha Naftaydaay Gacalo❤️

Halkan kala soo dag Dhiganaha
@Madasha_Maankoris

11 months, 3 weeks ago

Marka aad qof wanaag usamayso.... waligaa dib ha uxasuusin.

Marka adi wanaag laguu sameeyana...Waliga haka ilaawin saaxiibkeed!

~ibnul muqafac

11 months, 3 weeks ago
Kaalinta Ayaanka iyo Aadamaha.

Kaalinta Ayaanka iyo Aadamaha.

Waxa aan nasiibka ka soo qaadaa sida wabiga, haddii uu fataho dooxyada qarqoomiya, dhirta xididdada u siiba, dhismaha dumiya, ruux kastaaba lafihiisa kala cararo, wax walbana isagu ku amartaagleeya, balse kolka uu wabigu dego, dadka waxa u suurtowda in ay ka digtoonaadaan fatahaad kale, waxa ayna dhistaan biyaxidheeno iyo buundooyin.
Haddii uu markaa ka dib fataho ama dhabbooyin kale ayuu qaada ama cidhibdanbeedkiisu ma darnaado. Waxaa taa la mid ah ayaanka oo ay soo ifbaxdo hagardaamadiisu haddii aan laga digtoonaan ba’naantiisa oo laga hortagin dhibaabihiisana waxaa uu ku habsanayaa halka aanay ka jirin iska caabbinta iyo ka hortaggu.

Xigasho:Buugga WABAR
MADASHA MAANKORIS

https://t.me/madasha_maankoris

11 months, 3 weeks ago
"La saaxiib qof qarinkara sirtaada asturi …

"La saaxiib qof qarinkara sirtaada asturi kara ceebtaada faafin kara wanaagaaga tiritiri kara xumaantaada.....
Hadii aad waydonaa hala saaxiibin naftaada cidaan ka ahayn"

~cali dandaawi

We recommend to visit

بســــــــــــم الله الرحمن الرحيــــــــــــم
Ku Dhawaad 3000 Buug-Somali
Free Ah
Youtube:
https://shorturl.at/auGJZ
Diclamer:
https://telegra.ph/HA-DEG-DEGIN-AKHRI-11-15
© Somalibooks Pro Inc
- All Rights Reserved-⤵️
@Cabasho_Bot
@Tusmobook

Last updated 5 months, 3 weeks ago

Somali National Television is the principal public service broadcaster in Somalia.

Headquartered in Mogadishu.

Last updated 1 month, 2 weeks ago

Kala soco Xikmad iyo Qormooyin Markasta Io Meelkasta.

Last updated 5 days, 7 hours ago