SABA GUDDAA WAAN TAANEEF MIIDIYAA GUDDAATU NUUF MALA!
@Abdii_Sabaa
💬NU QUNNAMUUF💬
@AbdiiSabaaDm
🎯BARNOOTAAF
@abdii_sabaa_university
🎯MARIIF
@Garee_Abdii_Sabaa
Last updated 6 days, 5 hours ago
asc بســــــــــــم الله الرحمن الرحيــــــــــــم
Ku Dhawaad- 3000 Buug-Somali ayaa ku jira Akhriso oo ilaali xuquuqda Qoraayada leh.
Youtube:
https://shorturl.at/auGJZ
Diclamer:
Cabasho/Buug iyo Su,aal ... La Xidhiidh
@Cabasho_Bot
@Tusmobook
Last updated 2 months ago
Somali National Television is the principal public service broadcaster in Somalia.
Headquartered in Mogadishu.
Last updated 2 weeks, 5 days ago
WALIGAA_HA_DEG_DEGIN
Gabar yar oo labada gacan ku wadata labo xabo oo tufaax ah ayaa soo gashay qol ay fadhiyeen labadeeda waalid ,hooyadeed ayaa cod dabacsan ku tiri " qaali labada tufaax mid ka mid ah ma isiin kartaa ?"
Gabadhii ayaa eegtay hooyadeed kadibna intay ilkaha ku qabatay hal tufaax bay dhinac ka goosatay hadana kii labaad ayey goosatay.
Hooyadeed oo wajigeeda caro laga dareemayo in dhoola-cadeyntii dib Ola noqotay ,maadaama ay ka yara xumaatay, aabaheed oo eegaya ayaa lasoo booday"aabe waa ceeb sidaa,hooyadaa hadii ay wax kuweydiisato waa la siiyaa"
Gabadhii yareed oo labada tufaax midba cad ka goosatay ayaa hooyadeed intay usoo dhawaatay ku tiri"hoo hooyo kan ayaa macaane labadoodee!!"
Qof kasta oo aad tahay,waayo aragnimo kasta oo aad leedahay ,si kasta oo aad isugu haysato in aad cilmi leedahay, marnaba haku deg degin ficil yar oo uu qof sameeyay in aad durbadiiba faalo ciladaysan ka bixiso ,
Sug, sabarka badi, sii qof kasta fursad uu ku sharaxo naftiisa,wixii aad aragto way ka duwanaan karaan xaqiiqda!!.
┈┈•❀❀???❀❀•┈┈•
•┈┈•❀❀???❀❀•┈┈•
Sheer garee
•┈┈•❀❀???❀❀•┈┈•
Dunida iyo waayaheeda is bed bedalka badan ayaa nin oday waaya arag ah oo mudo dheer usoo joogay waxaa laga hayaa
1- Waxaa uu waayuhu i baray, in aan dhageysto qof kasta aragtidiisa, waajibna aanan u arag in aan ku qanco.
2- Waxaa uu waayuhu i baray, in ilmada ama oohintu nafta raaxo geliso, nafsaddana ka fududayso culayska, laakiin aan iska jiro in ilmadayda ay aragto cid iin ama cilad ka dhigi kartaa.
3- Waxaa uu waayuhu i baray, in aanan ku talax tegin farxadda iyo murugada midna, waayo duruufaha adduun waxa ay isu beddelaan sida harka, qofna ma oga waxa ku soo maqan.
4- Waxaa uu waayuhu i baray, in haddii caqligu hadli waayo, ay buuq iyo muran kaalintiisa buuxiyaan.
5- Waxaa uu waayuhu i baray, in sharafta iyo karaamadu ay tahay; in aan noqdo sida xiddigta waqtigeeda iyo cimrigeeda oo dhan u hurta in ay dadka u iftiinto iyada oo aan mahadsanid iyo abaal midna kaga doonayn.
W/Q, Abdullahi Nur Colomb
Hadda ka hor ayaa Jeneral u dhashay Ingiriiska, oo lagu magacaabi jiray Gen Frederick Stanley Maude (24 June 1864 – 18 November 1917), ayaa waxa uu tagay degaan ka mid ah degaannada Carabta. Wuxuuna la kulmay nin xoolaraacato ah oo wata Eey aad u tababaran, daacadna u ah,xoolahana ka ilaaliya tuugada iyo duurjoogta halista. Jeneralkii ayaa waxa uu ka codsaday tarjamaankii la socday in shakhsiga xoolaha leh uu siinaya hal Gani oo Isterliiniya, haddii uu bireeyo ama gowraco Eeygiisa. Lacagta yar ee la siinayo, wax badan uma goyso!!!
Qowsaarkii farxad ayuu la dhacay, wuxuuna si fudud u soo qabtay Eeygii, ka dibna, wuxuu ku horgowracay Jeneralkii Biritishka ahaa. Halkii Gani ayuu siiyey, maadaama uu gowracay Eeygii rabbaayadka u ahaa. Mar kale Jeneralkii wuxuu codsaday in uu siinayo Gani kale, haddii uu maqaarka ka wada bixiyo Eeygii uu qalay. Ninkii xooladhaqatada ahaa si degdega ayuu u maqaarsiibay Eeygiisii, sidaasna wuxuu ku qaatay Gani kale, isagoo si weyn u sii faraxsan.
Mar saddexaad ayuu Jeneral Stanley Maude wuxuu codsaday in uu siinayo Gani saddexaad, haddii uu cadcad u jarjaro Eeyga uu bireeyey. Ninkii xoolaraacatada ahaa, Eeygii ayuu cadcad u jarjaray, isaga oo aad u dhoollacaddeynaya, sidaasna wuxuu ku qaatay Genigii saddexaad.
Intaas oo dhan markii uu sameeyey Raacigii, ayuu Jeneralkii iyo ciidankiisii la socday iska tageen. Ninkii xoolaha iyo Eeyga lahaa ayaa ka daba-orday Jeneraalkii, Kuna yiri; "Geni afaraad ma i siineysaa, haddii aan cuno hilibka Eeyga, laakiin, Jeneral 'Stanley' wixuu ugu jawaabay 'Maya', waxuuna ku yidhi;" Waxaan rabay in aan si fiican u ogaado dabcigiinna iyo dadnimadiinna."
Waxaad gowracay oo maqaarsiibtay, oo waliba cadcad u jarjartay saaxiibkii kuugu qaalisanaa ifka, adiga oo dhaafsanaya lacag dhan saddex Geni, waliba waxaad diyaar buuxa u aheyd in aad cunto hilibka Eeygaas, si aad u hesho Geni afaraad. Intaas ayuu ahaa ujeedka aan rabay in aan halkaan ka ogaado oo aan baadhayey!!"
Intaas ka dib, Jeneral Stanley Maude, wuxuu hadal kooban u jeediyey ciidankiisii, wuxuuna ku yidhi; "Ilaa iyo inta ay jirto caqliyadda sidaas u wada xun, una fekeraysa, waxba ha ka baqina!!"
Dhacdada qisadani, waxay tusmo iyo tusaale ka bixinaysaa in guul iyo gobonnimo aysan ka dhex jiri karin bulsho walba oo u diyaara in wax yar oo basiida ay ka hormariso wax qiima weyn iyo qaaya ugu fadhiya. Sida in qadaadiic yar lagu siiyo, si aad u dumiso maslaxaddaada weyn.
Qisadani waxay ku qorantahay buugga uu qoray Caalimkii Cilmiga Bulshada ee reer Ciraaq, Dr Cali Al-Wardi. Kitaabka magaciisa la dhaho; "لمحات إجتماعية من تاريخ العراق الحديث".
Xigasho:- aqoon is weydaarsi
┈┈•❀❀???❀❀•┈┈•
•┈┈•❀❀???❀❀•┈┈•
Sheer garee
•┈┈•❀❀???❀❀•┈┈•
Aamusnaanta waxay leedahay Cod balse waxay u baahan tahay naf fahanta
@Horumarka1 Noogu Imaaw Horumar iyo Wanaag
Hala Sheer Gareeyo Post-gaan
" Waxa Keliya ee aan isku dayo inaan la fiicnaado waa sidii aan shalayto ahaa "
@Horumarka1 > Noogu Imaaw Horumar iyo Wanaag
SABA GUDDAA WAAN TAANEEF MIIDIYAA GUDDAATU NUUF MALA!
@Abdii_Sabaa
💬NU QUNNAMUUF💬
@AbdiiSabaaDm
🎯BARNOOTAAF
@abdii_sabaa_university
🎯MARIIF
@Garee_Abdii_Sabaa
Last updated 6 days, 5 hours ago
asc بســــــــــــم الله الرحمن الرحيــــــــــــم
Ku Dhawaad- 3000 Buug-Somali ayaa ku jira Akhriso oo ilaali xuquuqda Qoraayada leh.
Youtube:
https://shorturl.at/auGJZ
Diclamer:
Cabasho/Buug iyo Su,aal ... La Xidhiidh
@Cabasho_Bot
@Tusmobook
Last updated 2 months ago
Somali National Television is the principal public service broadcaster in Somalia.
Headquartered in Mogadishu.
Last updated 2 weeks, 5 days ago