SABA GUDDAA WAAN TAANEEF MIIDIYAA GUDDAATU NUUF MALA!
@Abdii_Sabaa
?NU QUNNAMUUF?
@AbdiiSabaaDm
?BARNOOTAAF
@Abdiisabaa
?MARIIF
@Garee_Abdii_Sabaa
Last updated 2 months ago
https://t.me/joinchat/AAAAAFgrZgMjBcvdBf7YWg
Last updated 2 months ago
asc بســــــــــــم الله الرحمن الرحيــــــــــــم
Ku Dhawaad- 3000 Buug-Somali ayaa ku jira Akhriso oo ilaali xuquuqda Qoraayada leh.
Youtube:
https://shorturl.at/auGJZ
Diclamer:
Cabasho/Buug iyo Su,aal ... La Xidhiidh
@Cabasho_Bot
@Tusmobook
Last updated 1 month ago
KOOXDA QORMO.
Caawa markay goor sheegtadu noqoto 08:20pm hadduu alle idmo waxa shir yeelan doono kooxda (QORMO).
Shirkaas waxa looga hadli doonaa qodobo dhawr ah oo ku saabsan barnaamijka.
Waa barnaamij lagu soo gudbiyo qormmoyin la isku dabariday kuna salaysan mawduucyo la soo xulay.
✍KOOXDA QORMO.
“Ha u malayn in naftada ay tahay tan kuu horseeday in aad camal wanaagsan samayso, balse ogow in aad tahay addoon Eebbe jeclaaday oo ku ilhaamiyey in aad camal wanaagsan samayso .”
Ibnul-Qayyim
Barnaamijka (QORMO) Qormada:- 30 aad.
Talo hooyonimo.
Hooyo iyo wiilkeedii ayaa mar soo wada maray dhisme markaasay hooyadii damacday inay cashar yar ka siiso arrinkaas hooyadii ayaa hadalka sidan ku bilowday
"Hooyo halkaas maxa kaaga muuqda ?"
Wiilki:-" Ma guriga?"
Hooyadi:- Si fiican ufiiri hooyo
Wiilki:- hooyo dhisme dunsan oo geedo ka dhax baxeen ayaan arkaa.
Hooyadiii:- "hooyo wiilkaygiiyow waxa halkaas yaal waa rag hamigood qofkii gurigan lahaa waqti ayuu ku riyoonayey inuu dhismahan taago, Wuxu tilmaansaday meeshii uu ka dhisi lahaa, wuxuu doonay hantidii, qalabkii, iyo shaqaalihiii suuragalin lahaa dhismaha. Hadana wakaas ka tagay.
Waxaa u sawirnaa gurigaas oo dhamaystiran oo isaga iyo reerkiisii iyo asxaaptiisii ay ku raaxaysanayaan, umana suuragalin, inaanu waligiis ku soo noqona way ubadantahay.
Hadaba adkaysi yeelo oo shey hadaad bilowday ku adkayso dhamaystirkiisa.
Wiilkaygiiyow noloshu waxay u baahantahay dhabar adayg iyo hadaf inaad ka yeelato. hadii hadaf aad yeelan waydo waad marin haababi doontaa.
wiilkaygiiyow noqo nin tashankara oo hal adayg leh masuulna ah.
Wiilkaygiiyow waaya aragnimadu waa khibrad nolosha laga helo caqliguna hadba wuxuu koraa intuu wacyigaagu koray ee dhis caqligaaga oo noqo mid waaqica la falgali kara.
Wiilkaygiiyow noqo mid dadka aan yasin oo udhibri dadka taagta daran, una naxariiso kuwa bahaan sidoo kalena noqo mid bashaasha oo dhoolacadaynta laga dheehdo wajigiisa qarabadana xaqooda iyo mudnaantooda u gud oo dhawr..."
W/Q: Hamdaorah
Caruurteennu ha-qaadaan Mas’uuliyadooda.
Wakhtigii adkaa ee aynu ku soo barbaarnnay ka dib waxa aynu noqonnay in aynu u cabsanno caruurteenna oo aynu uga baqno hawlaha adag. Xataa waxa aynu uga cabsannaa waxyaabaha dabeeciga ah, sida gaajada iyo salawga, waxa aynu siinaa wax badan oo aanay u baahnayn. Waxa aynu iska daynaa iyaga oo caajisnimo la hurda! Uma dhiibno waxba si ay mas’uulid u qaadaan innaga oo u tudhanna iyaga waxana aynu u qabannaa wax kasta oo ay doonayaan maxay tahay
Barbaarintaasi? Miyaynaan ahayn Bashar iyaga oo kale ah oo leh awood xadidan? Waxa aynu caruurteenna ku barbaarinnaa in ay cid kale ku tiirsanaadaan middaasi waa barbarian gurracan.
Hooyada dhugta leh waxa ay ku barbaarisaa ilmaheeda yar in uu qaado mas’uuliyadda Naftiisa. Si uu u noqdo mid wax qabsan kara mustaqbalkiisa.
#xigasho: buugga casharo nololeed.[B-28]
Maxaad ka taqaanaa xeerka ragga?
Xeerka raggu ma ahan dastuur buugaag ku qoran ama xeer qodob-qodob loo dul istaago,balse waa xeerar dhammaan raggu dhaqan ahaan ay isku waafaqsan yihiin.
Raggu waa kuwa hab dhaqan ahaan ka duwan kana qalafsan dumarka,taasna waxaa lagu sababeeyaa ka awood badnaantooda asalka ah.
Haddii aan wax ka xuso Xeerka ragga waxaa ka mid ah:
● Xeerka ragga waxa uu leeyahay :
ninka ragga ahi inuu shakhsi dumar ah la xifaaltamo waa mamnuuc: dhammaan raggu waxay iska waafaqsan yihiin in dumarka la ixtiraamo,la sharfo oo la maamuuso.
● xeerka raggu waxa uu qorayaa:
Ninka ragga ahi in uusan dulaysan qof uu ka awood badan yahay.
● xeerka ragga waxa uu ina leeyahay:
Haddii aad dad badan la joogto (ama la socoto) wax haboon ma ahan inaad keligaa wax iibsato ama aad wax cunto.
● xeerka ragga waxaa ku qoran:
Ninka ragga ahi waa kan mushkiladaha xalliya oo mar kasta isku daya inuu fitnada damiyo,mana ahan rabshad abuure.
● xeerka ragga waxa uu qorayaa:
Ninka ragga waa shakhsi awoodihiisa xakameeya oo aan dulmin dadka ka daraja hooseeya, la socda xaaladaha ku gadaaman,xidhiidhiya qaraabadiisa,qunyar socod ah oo aan dhac dhac badnayn.
Xeerarka raggu waa tirabeel oo ma ahan kuwa qoraal lagu soo koobi karayo,balse nin kasta oo rag ahi wuu yaqaanaa xitaa kan miyiga geela ku dhaqda.
Adigu maxaad ka taqaanaa xeerka ragga?
Waase su'aale dumarku xeer ma leeyihiin?
Ahmed Qasaali.
Barnaamijka qormo
Qormadii 22 aad
(Mahadnaqa alle)
Horta cida ugu horaysa ee mudan in mar walba loo mahad naqo waa alle wayne kii ku jirsiiyay adoon jirin
Kii kuu dhigay qaabkan san
kii ku barbaariyay ee heerkaan kusoo gaadhsiiyay maanta aad joogto ka xubnahan quruxda badan eed ku xaragooto marna ku wax ku qabsato ku siiyay
Mahadnaqu waa dabarka nicmada wixii lagu siiyay hadaad ku mahad naqdo way kuu barakoobi oo way kuu balaadhan wanay kuu joogi doontaa ilaa intuu alle doono
Lkn wixii aan lagu mahad naqin wuu suulaa ycnii wuu baaba'aa barakana ma yeesho
Bini aadamku waxay ku siiyaan way kuugu galad sheegtaan oo mar walba waxay ku odhan waanigii barigii waxaas ku siiyay
hadaanad uga abaal gudina way kuu xanaqaan
illhay ayaa tusaalaha sare iska leh? fiiri wll korantada guryaheena ku xidhan bil walba lacag ayaa laynaga xisaabiyaa hadaanad bixina waa lagaa goosan laydhka
Bal ka wrn rabbi (swt) lugaa gacmaha indhaha sanka aad ka neefsanayso caloosha cuntada aad ku qaadato 30 sano 40 sano 50 sano 60 sano 70 sano 80 sano kuugu shaqaynayay bilaa lacag.bal alle ayaan kugu dhaarshee ma waxaad awoodi waysay kaliya inaad dhahdo alxamdullhi
Yaa rabbi allow waad ku mahadsanthy nicmooyinkaaga aad igu manaysatay
Nabi muhamed ﷺ
Alle wuxu amray inuu ku shukriyo ama ku mahad naqo nicmadiisa
Wuxuuna idhi alle ?
وَأَمَّا بِنِعْمَةِ رَبِّكَ فَحَدِّثْ
Nabi nuuxna cs alle wuxu iri wuxuu ahaa adoon mahad naqa
Xadiis kale rasuulku ﷺ wuxu iri
(التحدُّث بنعمة الله شكر، وتركها كفر، ومن لا يشكر القليل لا يشكر الكثير، ومن لا يشكر الناس لا يشكر الله)
????? ?? ????????? ??????? ??????? ??? ?????????? ??? ???? ????????? ??? ??????? ??? ?? ?????????, ????? ?? ????? ???????????? ?????? ??? ????????, ????? ??? ???? ??? ???? ??? ??????? ???? ??????? ???? ????????, ????? ???? ????? ??? ????? ? ???????????? ???? ??? ???????????
Xadiis kale oo anas warinayo rasuulku ﷺ wuxu iri ?
قال رسول الله ﷺ: (إن الله ليرضى عن العبد أن يأكل الأَكْلَة فيحمده عليها، أو يشرب الشَّربة فيحمده عليها
Alle wuxu ka raali noqdaa adoonka markuu cunto cuno ku mahad naqa ama markuu wax cabo ku mahad naqa
Walaalayaal waxaan naftayda iyo naftiinaba kula dar daarmayaa inaynaan marnaba ilaawin mahadcelinta rabbigeen
WQ #FARDAWSA✍
Qormada 15aad ee barnamijka {QORMO}
??????????? /?? ???????
Quustu waa adigoo rabigaaga kamaleeynayo Malo xun waana dhaqan gaar u ah gaalada oo qofku marba haduu Muslim yahay kama quusanayo naxariista rabigiisa .
Qofka muslimka ahi waa rajo socoto hduu dhib heysto iyo haduu barwaaqo kudhex jiraba rajadiisu waa isku mid oo waxa uu ku kalsoonahay naxariista rabigiisa .
Qofku inuu quus ka istaago nolasha oo uu rabigiisa mala xun kamaleeyo waa lagu halaagsamaa
Badanaa inta nolasha ka eegto dhanka xun aaminsan inaan faqriga laga baxeynin aaminsan inaaanu wadankeenu hagaa geynin aaminsan wax waliba inay adagyihiin
Saaxib wax waliba oo kuula muuqda wax adag rabi aktiiisa waa ay kafudud yihiin kaliya haquusan naxariista rabi ma aysan dhamaan.
Markaat dibka dareento waxaa larabaa inuu kugu riixo dhibkaasi guusha ma ahan inuu dhibkii aa dareentay dib kuu celiyo oo aat quusato oo aat dhahdo waxaan macquul maahan majiraan waxaan macquul aheen saaxiib
Guushu waxa ay inta ugu badan kutimaadaa is-dhiibit la'aanta
Nolasha macquul maahan inay kuu hibeyso waxyaabaha aat jaceshahay adigoonan udhibaatoonin adigoonan wax badan ukufin wax badan uhurin
Wax badan oo dhibkaaga ah neh aanan kusabrin .
Quusashadu waa dilaaga nolasha dhibwaliba oo jira maanta aamin in barito allaha fudeed kugu badalayo
[ سَيَجْعَلُ اللَّهُ بَعْدَ عُسْرٍ يُسْرًا ]
Nolasha wax waliba waat qaban kartaa nolasha is-dhiibka ayaa ugu xun
Markaan kudhahaayo haquusan macneheeda ma ahan in quus la aantu fadhiga ku imaaneyso quus la aantu macneheedu waa inaat wax qabataa wa in wixii gaf kaa dhacay aat ka towbad keentaa waliba adigoo aaminsan in allah uu yahay danbi dhaafe naxariis badan.
Wixii xumaa badalkoodana aat wanaag latimaado
Haka quusan naftaada haka quusan raxmada ilaahey danbiyadaan maanta aan kudhacnay dad naga fadli badan ayaa horay ugu dhacay
▪︎Wey macsiyeesteen
▪︎Wax bey dileen
▪︎Wax bey xadeen
Danbi waliba ayey sameyeen Markey rabi si dhab ah ugu laabteena waxay noqdeen kuwa ugu fadliga badan ee koonkan soo maray intaaba waxaat kaheleysaa saxaabadii rasuulka naxariis iyo nabad galyo korkiisa ha ahaatee
Marka danbi kudhacdo yuusan sheydaanku kaa xirin raxmada ilaahey yuusan kudareensin quus iyo inaadan soo laaban karin
قال جل جلاله: ( يا عبادي الذين أسرفوا على أنفسهم لا تقنطوا من رحمة الله إن الله يغفر الذنوب جميعا إنه هو الغفور الرحيم ) .
Usheeg naftaada in rabigaagu yahay. "DANBI DHAAFE NAXARIIS BADAN "
Majiro sheydaanku wax uu kajeclyahay murugada qofka muuminka ah
Majiro wax uu kajeclyahy inaat is-dhiibto
Inaat quusato aduun iyo aakhiro midna uma fiicno
Haquusan haquusan haquusan haquuusan
Quusashadu ma ahan dhaqan Muslim
Ismaildheere ✍️
#ilajoog 155
● Erayadeenu waxay abuuuraan afkaarteena,afkaarteenu waxay abuuraan dareemaheena;sidaas awgees si aan toolmoonideena u dhawrno waa inaan eraydeena xakamaynaa.
● Erayga aad ku celceliso afkaaraha ka dhasha iyo dareemada ay sii dhalaan ayaa wax ka bedela qaab dhismeedka maskaxdaada.
● Mar kasta oo aad naftaada kula hadasho eray kakan wuxuu jidhkaaga soo daynayaa dheecaano shoog ku furaya maskaxdaada.
● Inaad noqoto qof la dhibsanayo oo qof kasta gacantiisu gaarayso waxaad shaxaadaysaa kaydkaagii tamartu kuugu kaydsanayd,taas oo kaa dhigaysa mar kasta qof cabsi iwm dareema.
● Mar walba oo walbahaarkeenu sarreeyo waa marwalba oo aan maskaxdeena shaxaadayso oo qaabka ay u shaqaynaysay aan kala dhantaalayso jawigeedana aan u bedelayno xaalad aan daganayn.
● Erayada aan ku hadalno ama dadka kale ay innagula hadlaan waxay wada shaqayn dhaw la leeyihiin sida ay maskaxdeenu u maamusho dareemaheena.
● Kolka eraygaaga,deegaankaaga iyo naf la hadalkaagu ay wanaagsan yihiiin ee shakhsi rajo wanaagsan leh aad tahay oo gudahaagu caafimaad qabo,waxaad ka qayb qaadanaysaa cufnaanta iyo korriinka maskaxdaada.
-Sidaas ayay muhiim u tahay inaan ogaano erayada ugu badan ee nafteena iyo dadkaba aan kula hadlayno,taas oo innaga saacidaysa bad qabka maskaxdeena iyo maskaxda dadka kaleba.
W/Q Ahmed Qasaali.
#ilajoog 154
● Saddex sahay kama maarmaan:
1: Safar aakhiro qof galaya.
2: qof saxaro ku safraya.
3: iyo qof aan sokeeye lahayn.
● Saddex zabankaan waa lama helaan:
1: saalix siin wanaagsan.
2: Saabir sama doon ah.
3: Salaam saxar diid ah.
● Saddex lagama sariigto:
1: Salaad saq-badh la oogo.
2: Sadaqo saylad la'aan ah.
3: Sooryo saaxiib ku sooro.
● Saddex saxar haka baajin:
1: Saaqid aan salaadin.
2: Saqajaan waayeel ah.
3: saaxir aan samo sheegin.
● saddex sooryo ha siinin:
1: Saaxiib kuu cadow raacay
2: seedi aan kaa sariigan.
3: iyo sawjo qaxar kula doontay.
AHMED QASAALI.
#ilajoog 153
BARNAAMIJKA QORMO:
QORMADA 14AAD"
((WAXAN KUSO QAADAN DOONAA QORMADAAN
XiRIIRKA KA DHAXEEYA ADOONKA IYO RABBIGIISA))
sidaa ognahey adoomada alle wuxu u abuurey iney caabudaan aysana la wadaajin cidna (wax udhigma alle)
insaankuna waxa uu leeyahay wax la yiraahdo (cadow) cadawgaas waxaa ka mid ah naftaada ,shaydaanka,aduunyada ,iyo hawada,
afartaan mid walba oo ka mid ah hadii aadan iska jirin dhibaatada ay leeyihiin kuuma hagaagi doonto aakhiradaadu waadku lumeysaa
waa muhiim walal inaad garaneyso waxa laguu abuurey iyo waxa kuu danta ah
run ahaantii hadii aan garan lahayn waxa noo danta ah iyo waxa naloo abuurey qofna nagama lumeen ee dadka dhan wado saxan bey wado qaadi lahaayeen
insaanku waa mid daciif ah tabarna aan lahayn aadna uliita balse kibir badan intaan aduunyada joogno waxaa nahay dad iska Bood booda moodana in aysan waxka danbeyn
balse waxaa nahay dad ku jira imtixaan ogowna aduunyada in aysan ahayn meel lagu nagaanaayo ee waa meel yar oo liidato imtixaana nagu socdo
waxaana naylooga bahan yahay walalayaal inaan wanaajino xiriirka rabigeen nagala dhaxeeya
oona noqono umad toosan rabigoodna u hogaansan
waa inaan la saaxiibnaa quraanka alle waxa uu ka mid yahay kuwa lagu cibaadeysto mana ahan mid lasoo koobi karo ajarka laga helo quraanka inaad la saxiibtid
dhageysigiisa
fahamkiisa
tadaburkiisa
barashadiisa
macaansigiisa
intaan dhan waxa kasii muhiimsan inaad ku dhaqanto billahi calayk sidey ku dhacdey adoo qof muslim ah inuusan quraanka waxna kaareebin waxna aadan ka qaadan
wuxuu xoojinaaya quraanku xiriirka adiga iyo rabigaa idinka dhaxeeya qalpigana waa kuu xasilaayaa .
sidoo kale waxaa xiriirka adkeyo ka dhaxeeyo adoonka io rabigii ((DIGRIGA alle INLABADIYO))
Allah wuxuu aad u amaaney raga iyo dumarka badiyo xuskiisa wuxuuna udiyaariyy danbi dhaaf iyo ajar wayn
iyo inuu allah kaa raali ahaado aduun iyo aakhiraba
waxaa kale uu ugu dhawaadaa adoonku rabigiisa waa((SALAADA))
waa xiriirka ugu muhiimsan adoonka iyo alle ka dhaxeeyo waxana wanagsan in lagu ilaaliyo waqtigeeda Lana barto axkaamteeda qashuucna lala imaado
wuxuu kale ugu dhawaan karaa adoonka rabigiis inuu macaasida ka dheerado iyo dunuubta wixii laga reebana uuka haro Lana yimaado awaamirta la amrey
waxaa kale uu rabigii ugu dhawaan karaa adoonku inuu guto salaadaha sunada ah waxey unoqonayan dhufeys kuwa waajibkaana waaku ilaalin doonaa ajarna wuu helaayaa
iyo inuu iska ilaaliyo fitnooyinka socda samanba samanka uuka danbeeyo sii badanaaya
waxaan ku jirnaa xili xumaanta lagu faano wanaagana la dafiro
waxaa looga bahan yahay qofka muslimka ah inuu diintiisa ku samro uuna sii ogaado in hadii uu noqdo qof toosan iyo hadii uu noqdo mid dhunsanba uusan wayneyn wax ka hor imaado markasto mucaarad unbuu leeyahay
waxaan ugu danbeyn idinkula dardaarmaayaa i cabsida alle iyo inaan noqono umad hagaagsan markaan allah raali galino wax walba weynoo hagaagi doonaan.
سلام عليكم إخواني في الله??☺
Walaashiin Suweyda ✍
SABA GUDDAA WAAN TAANEEF MIIDIYAA GUDDAATU NUUF MALA!
@Abdii_Sabaa
?NU QUNNAMUUF?
@AbdiiSabaaDm
?BARNOOTAAF
@Abdiisabaa
?MARIIF
@Garee_Abdii_Sabaa
Last updated 2 months ago
https://t.me/joinchat/AAAAAFgrZgMjBcvdBf7YWg
Last updated 2 months ago
asc بســــــــــــم الله الرحمن الرحيــــــــــــم
Ku Dhawaad- 3000 Buug-Somali ayaa ku jira Akhriso oo ilaali xuquuqda Qoraayada leh.
Youtube:
https://shorturl.at/auGJZ
Diclamer:
Cabasho/Buug iyo Su,aal ... La Xidhiidh
@Cabasho_Bot
@Tusmobook
Last updated 1 month ago