Why Pay for Entertainment? Access Thousands of Free Downloads Now!

Korodhso

Description
Advertising
We recommend to visit

بســــــــــــم الله الرحمن الرحيــــــــــــم
Ku Dhawaad 3000 Buug-Somali
Free Ah
Youtube:
https://shorturl.at/auGJZ
Diclamer:
https://telegra.ph/HA-DEG-DEGIN-AKHRI-11-15
© Somalibooks Pro Inc
- All Rights Reserved-⤵️
@Cabasho_Bot
@Tusmobook

Last updated 5 months, 1 week ago

Somali National Television is the principal public service broadcaster in Somalia.

Headquartered in Mogadishu.

Last updated 1 month ago

Kala soco Xikmad iyo Qormooyin Markasta Io Meelkasta.

Last updated 1 month, 3 weeks ago

6 months ago

Nidaam Waxbarasho oo dhamaystiran waxa uu koobsanayaa waxyaabahan:
- Cilmiga Diiniga ah,
- Cilmiga Sayniska iyo tignoolajiyadda,
- Cilmiga bulshada iyo dhaqaalaha,
- Xirfadda fagaare ka hadalka, doodda, iyo guud ahaan macaamilka (emotional intelligence EQ)
- Xirfadda cilmi baadhista iyo qoraalka,
- Ciyaaraha kala duwan oo jidhka iyo dhaqanka labadaba dhisa gaar ahaan adkaysiga, joogtaynya, hiigsiga iyo ka dhabaynta yool kooxeed.
- Luqadaha waawayn ee dunida lagaga hadlo,
- Wadaniyadda iyo u adeegidda bulshada,
- Xirfadaha wax soo saarka.

Maxaad ku dari lahayd?

Maxamed daahir

6 months, 1 week ago
Shaqsiyaadka awoodda leh ee isku kalsooni …

Shaqsiyaadka awoodda leh ee isku kalsooni inta badan, dadka ay ka sareeyaan dhulka kuma siidaayaan! Balse waxa ay isku dayaan in ay caawiyaan ama ay u noqdaan wiish ama jaranjaro ay ku gaadhaan meesha ay doonayaan. Always be the bigger and humble person and respect with all others. But not an arrogance and pride!

mukhtar maxamed

6 months, 3 weeks ago

U sheega Jiilkan Danbe

U sheega jiilkan danbe in aqoonta iyo waxbarashadu ay tahay aas'aaska nolosha isla markaana ay ku dedaalaan. U sheega jiilkan danbe in ay muhiim tahay in aad yeelato aqoon iyo xirfad si aad u shaqaysato una kafayso noloshaada iyo nolosha cidda aad masuul ka noqon doonto. U sheega jillkan danbe in noloshu ka balaadhan tahay sawir iyo muuqaal la iska duubo oo baraha bulshada la soo dhigo. U sheega jiilkan danbe in aanay macne samaynayn in aad caan tahay ama aad saaxiibo kugu xidhan haddii aanad si togan uga faa'idaysanayn. U sheega jiilkan danbe in waqtiga ay galinayaan muuqaalkooda iyo labiskooda in ay galiyaan kobcinta maskaxdooda iyo aqoontooda. U sheega jiilkan cusub in aan waligood masuul laga ahaanayn ee beri ka maalin iyaga laga rabo in ay masuul noqdaan. U sheega jiilkan danbe in uu sugayso jid dheer oo marar badan ay ku keliyoobi doonaan isla markaana ay tahay in ay sii diyaarsadaan sahaydii ay kaga bixi lahaayeen.

U sheega jiilkan danbe (hablaha) in aanay midabkooda oo ay beddelaan iyo jidhkooda oo ay qaawiyaan waxba ku helayn. U sheega jiilkan danbe (wiilasha) in timaha oo la raameeyo iyo meelahaa oo ay is qalqaloociyaan, masuuliyad ka balaadhani ay u taal. U sheega jiilkan danbe in berri ka maalin ay noqonayaan qoysas isla markaana soo saari doonaan ubad ay tusaale u noqon doonaan.

U sheega jiilkan danbe in ay hammi/yool yeeshaan oo ay meel fog hiigsadaan. U sheega jiilkan danbe in ay fursado badan ay haystaan oo ay tahay in ay ka faa'idaystaan. U sheega jiilkan danbe in ay mustaqbalka ka fikiraan oo ay xirfado bartaan, afaf kala duwan bartaan, shaqooyin raadsadaan, ganacsiyo samaystaan, safraan, dadka guulaystay la saaxiibaan, dhaqaale sameeyaan, wax uruursadaan, noloshana waajahaan. U sheega jiilkan danbe in ay daawashada heesaha iyo tiktoka ku beddelaan daawashada casharo anfacaya noloshooda. U sheega jiilkan in ay ku daydaan dadka guulaystay ee aanay ku dayan dadka nolosha ka dhacay!

U sheega jiilkan danbe in ay xidhiidhka Ilaahay ku dedaalaan, waalidkood ay ka ducaystaan, masaakiinta ay caawiyaan, ubadkooda ka yaryar waxbarashada ka caawiyaan waqtigooda wax fiican uga faa’ideeyaan.

Ha iska raalli ahaadaan haddii aan ku talax tagay!

Mullaaxo

6 months, 3 weeks ago
Makhaayadda markuu soo galo ayuu cunno …

Makhaayadda markuu soo galo ayuu cunno dalbanayaa, deedna markuu wax walba cuno oo cabbo ee loo keeno lacagtii biil ka, ayuu qufacayaa oo indhaha caddaynayaa deedna dhul ka ayuu isku tuurayaa wuxuuna leeyahay "wadne xanuun kii baa igu soo kacay" wuuna suuxayaa, amblunce, ayaa loogu yeeraya lacagtiina waa laga cifinayaa.

Ilaa 20 makhaayadoos markuu saas ku smaeeyay ayaa maalin dhawayd la fahmay, boolis ka ayaana xiray. Spain ayuu joogaa xariif ka xammaashaa.

7 months, 4 weeks ago

Isbadal Inaad Raadisaa laba shaybay Ubahan Tahay

  1. Waa #Search for Opportunities.

Raadi Fursadaha Nololeed
Ha Quusanin Hays odhan There's no Way ..
There's away.............
Kalabadna Waa
2. #Experiment and take the risks

Ha Cabsan ee Tijaabi oo Riskska Qaado
Guulo badan Waad Xaqiijin Marka
Ilhayw Na ilaali

9 months ago

Sharciga 8 8 8
—————

U qeybi 24 kaaga saacadood ( 8, 8, 8 )sideed sideed saacadood si aad u samayso dheelitiran nololeed oo wanaagsan oo noloshaada ah.

  1. Sideed saacadood oo shaqo adag ah.

  2. Sideed saacadood oo hurdo kugu filana.

  3. Sideed saacadood ood ku bixiso 3 F’s , 3 H’s , 3s.

3 F’s = Family , Friends, and faith , Qoyskaaga, Asxaabtaada, iyo Iimaankaaga.

3 H’s = Health, Hygiene, and hobby, Caafimaadkaaga, Nadaafadaada, iyo rajooyinkaaga .

3 S = Soul, Service, Smile , Ruuxdaada, adeegyadaada , Dhoolcadayntaada.

Qaacidadani waa isku dheelitirka maaraynta wakhtiga iyo nolosha, waxayna tahay 8+8+8= 24 sideed saddex marka lagu dhufto waxay soo baxaysaa 24 ka saacadood ee wakhtigu yahay.

Abdinasir Mohamed Ismail

9 months, 1 week ago

Hal-Ku-Dhegyo Xikmadaysan Oo Laga Reebay Hal-Abuurro Caalami Ah

– Inta aad muujisato wax badan oo kale ha kaaga hooseeyaan, inta aad og tahay in ka yarna sheeg. (Shakespeare)

– Geesinimadu ma’aha in aad aargoosato, balse waa inta aad dulqaad iyo Samir leedahay. (Shakespeare)

– Si aynu dadka ugu qancinno sida aynu u fikirayno, marka hore waa in aynu fahamno sida ay iyagu u fikirayaan. Haddii aad doonayso in aad adigu wax hoggaamisana waxaa lama huraan ah in aad ogolaato in adiga lagu hoggaamiyo. (William Hazlitt)

– Qof aan fikirini waa dameeri-dhaan-raacday… qof in uu fikiraba aan awoodi karinina waa doqon, laakiin qofka aan kuba dhiirranayn in uu fikiro, kaasi waa addoon. (Sir William Drummond)

– Waa ay adag tahay in ruux jaahil ah aad dood kaga adkaataa. (Willaim McDo)

– Hiddaha iyo dhaqanku waa hanuun iyo gadhwadeen ee yey noqon xabsi (William Somerset Mugeam)

– Ujeedada cilmigu ma’aha in xaqiiqada la ogaado, balse waa in qiyamka wanaagsan la barto (Dean William Laing)

– Adduunyada waxa ugu weyn ee ku dhaqani waa aadamaha, aadamaha waxa ugu weyn ee ku jiraana waa caqliga (Sir William Hamilton).

Diyaariye: Kamaal marjaan

9 months, 1 week ago
Korodhso
9 months, 1 week ago

Sawirkan aan idinla wadaagay waxaa jira wax la yidhaahdo "Dooxada niyadjabka" oo qofku marka uu isbadal ku dhaqaaqo isbuucyadda hore waxaa laga yaabaa inuusan wax isbadal ah arkin laakiin waa inta ugu muhiimsan ee la doonayo qofku inuu cagaha dhulka kusii hayo, oo uu u sabro

Marka aad isbedel ku dhaqaaqdo tusaale: waxaad isku dayday inaad Miisaan iska dhinto oo aad caafimaadkaaga ilaaliso, waxaa jirta hal shey oo dadka intooda badan niyadjab ku rida oo ay u guuldaraystaan taas oo ah inay waxbadan rajeeyaan oo ay niyada gashadaan waxyaabo badan balse ay u noqon weydo isbuucyadda hore, kadibna iyagoo inyar u dhimantahay halkaas ku joojiya.

Markasta rajadaada meel sare ha geynin sababtoo ah, marka aad aragto inaad sidaadii tahay oo hal kiilo kaa dhici la'dahay adigana aad sugaysay inay 10 kiilo kaa dhacdo waxaa dadku badankood ku dhacda inay iska daayaan oo ay halkaas kaga haraan, hadafkii ay doonayeen inay gaaraan.

MAXAA XAL AH?

Markasta ha filan inaad markiiba isbadalka aragto ee waxaad ku dadaashaa inaad hab samaysato (System) oo aad systemkaas ku kalsoonaato tusaale: adiga waxaad ku dadaashaa maalinkii saacad inaad jiimka tagto cuntadana iska saxdo bes, systemkaas raac laakiin maalinkasta miisaan ha fuulfuulin.

caseer

9 months, 1 week ago
Korodhso
We recommend to visit

بســــــــــــم الله الرحمن الرحيــــــــــــم
Ku Dhawaad 3000 Buug-Somali
Free Ah
Youtube:
https://shorturl.at/auGJZ
Diclamer:
https://telegra.ph/HA-DEG-DEGIN-AKHRI-11-15
© Somalibooks Pro Inc
- All Rights Reserved-⤵️
@Cabasho_Bot
@Tusmobook

Last updated 5 months, 1 week ago

Somali National Television is the principal public service broadcaster in Somalia.

Headquartered in Mogadishu.

Last updated 1 month ago

Kala soco Xikmad iyo Qormooyin Markasta Io Meelkasta.

Last updated 1 month, 3 weeks ago