SABA GUDDAA WAAN TAANEEF MIIDIYAA GUDDAATU NUUF MALA!
@Abdii_Sabaa
?NU QUNNAMUUF?
@AbdiiSabaaDm
?BARNOOTAAF
@abdii_sabaa_university
?MARIIF
@Garee_Abdii_Sabaa
Last updated 1 month, 1 week ago
asc بســــــــــــم الله الرحمن الرحيــــــــــــم
Ku Dhawaad- 3000 Buug-Somali ayaa ku jira Akhriso oo ilaali xuquuqda Qoraayada leh.
Youtube:
https://shorturl.at/auGJZ
Diclamer:
Cabasho/Buug iyo Su,aal ... La Xidhiidh
@Cabasho_Bot
@Tusmobook
Last updated 3 months, 2 weeks ago
Somali National Television is the principal public service broadcaster in Somalia.
Headquartered in Mogadishu.
Last updated 2 months ago
Shirkadda Google barmaamijyada ay aad ugaga horeyso OpenAI waxa kamid ah adeegyada codka, sida Google notebooklm oo gaadhay heer uu suuqa ku ciriiriyo dadka podcast-yada sameeya, maadaama uu si fudud u sameynayo barmaamijyo dhaadheer oo cod ah, wuxuuna awood u leeyahay inuu soo koobo xog badan, sida buugaag, playlist-yo YouTube ah, ama xog kale oo aad geliso, iyadoo ku siinaysa dulucda muhiimka ah oo si fudud loo fahmi karo(linkigiisa faalada ayaan dhigay).
Sidoo kale Google waxay soo bandhigtay barmaamij la yiraahdo MusicFX oo lagu sameyn karo Muusikada qeybaheeda kala duwan adigoo isticmaalaya qoraal codsi ah ama prompt, tusaale ahaan waxaan maanta ku iri, "ii sameey muusig hees somali ah oo aan hore u jirin" markiiba wuu ii sameeyey inkastoo kan aanu waddankeena u furneyn, se VPN baa iga caawiyey. Xataa waxay soo wadaa barmaamij kale oo la yiraahdo Whisk oo ad gelinayso sawir halkii aad prompt qoraal ah isticmaali laheyd wuxuuna ku siinayaa sawirkii oo cartoon ah ama mid u eg nakhshadii uu sawirku ahaa isagana VPN baa ku iisticmaalin waqtigan haddad xiisanayso caalamka farshaxanka.
Waan soo koobay se waxa jira barmaamijyo badan oo labada shirkaddood ay soo waddaan, balse qodobka ugu weyn ee shirkada Google aan lagu gaadheyn waa adeegyadeeda bilaashka ah, inkastoo xogteeni ay haysato taas oo laftigeedu hanti ah, laakiin sababta Shirkadda OpenAI ay adeegyadeeda qaali u yihiin waxaa kamida ah, iney caqabad ka haysato dhanka tamarta maadaama Ai-gu u baahan yahay tamar aad u culus, tusaale ahaan waxa la sheegaa in modeelka GPT-o1 ay ku baxdo $60 halkii milyan ee erayada la soo saaro, halka ay ku baxdo $10 GPT-4o halkii milyan ee erayada la soo saaro(qiimahan ma hubo, balse website-yo badan baa qorey).
Ugu danbeyntii waxaa is weydiin mudan muxuu yahay hadafka shirkadahan? Marka laga yimaado faa'iidada dhaqaale iyo hoggaaminta suuqa AI-ga, waxaa jira hadaf weyn oo ay leeyihiin shirkadaha AI-gu taas oo ah horumarinta AI-ga Guud (AGI), Inkastoo ay tahay hadaf fog, hadana uu yahay riyada shirkado badan, bal in yar aan ka sii taabto wuxuu yahay, AGI waxay u taagan tahay Artificial General Intelligence, taasoo Af-Soomaali ahaan loo tarjumi karo Garaadka Macmalka ee Guud. Waa nooc ka mid ah AI-ga oo ay aaminsan yihiin inuu leeyahay awoodda garaadka aadanaha oo kale, ama ka badan. Tani waxay ka dhigan tahay in AGI ay awood u leedahay inay garato, wax barato, oo ay hirgeliso hawl kasta oo garaad aadanuhu qaban karo.
Haddii aad isweydiineyso muxuu kaga duwan yahay ka aynu hadda isticmaalno, si kooban
AI-ga aan iminka isticmaalno si guud waxa loo yaqaan AI xaddidan ama AI Daciif ah (Narrow AI ama Weak AI). Farqiga ugu weyn ee u dhexeeya labadooda waa baaxadda iyo awoodda garaadka, haddii aan isbarbardhigo sidan ayaan ku soo koobay:
AI-ga hadda: Waa mid khabiir ku ah hawl gaar ah, laakiin daciif ka ah wax kasta oo kale.
AGI: Waa khabiir guud, oo awood u leh inay barato oo ay xalliso dhibaatooyin kala duwan sida bini'aadamka oo kale.
Dabcan, faahfaahin dheeraad ah ayey halkaasi u baahantahay, waana meesha ay ka bilaaban doonto cabsida AI-ga, mar ayaan sharrax fiican ka sameyn doonaa haddii Rabbi idmo.
F.g: dhammaan barmaamijyada aan sheegay waxa free ka ah kuwa Google, waxana aan dhigay qeybta faalada linkiyadooda haddii ay kuu shaqayn waayaan qaarkood, isticmaal VPN maadaama aysan soo gaarin waddankeena.
Abdikani Cideeye #Xogaha_Tiknoolajiyadda
OpenAI vs Google DeepMind
Maalmahan waxaan ku mashquulsanaa xifaaltanka aadka u kulul, ee u dhexeeya labada shirkadood ee hormuudka ka ah, horumarinta garaadka macmalka ee Google DeepMind iyo OpenAI. Labadan shirkadood waxay si joogto ah u soo bandhigayaan tiknoolajiyado cusub, iyagoo ku tartamaya hoggaanka suuqa AI-ga. Waxaan qormadan ku soo qaadan doonaa dhacdooyinkii ugu xiisaha badnaa ee asbuucyadan dhex maray labada dhinac.
Toddobaadkii hore waxay OpenAI soo bandhigtay model cusub oo AI ah oo la yiraahdo Sora AI, kaas oo sameyn kara muqaalada iyadoo la isticmaalayo prompt qoraal ah. Markiiba Google DeepMind waxay dareentay in suuqa tartanka ee AI-ga looga horreeyo si gaar ah dhinaca muqaalada, waxayna shaacisay iney dhowaan so bandhigi doonto AI muqaalada lagu sameeyo oo ay kula tartameyso oo la yiraahdo Veo 2 ama videoFX.
Haddii aad u fiirsato muqaalada ay soo bandhigtay Google DeepMind ee barmaamijkeeda Veo 2, waxay u muuqdaan kuwo aad uga horumarsan Sora AI, marka aad eegto sida ay u waafaqayaan xeerarka physics ama nolosha caadiga ah, oo kama muuqato wax muuq-dhalanteed (hallucination) ah, inkastoo Sora AI laftigeeda aad loo horumariyey, balse dhaliilo badan oo loo soo jeediyey bey Google ka faa'iidaysanaysaa.
Loolanka labadan shirkaddood wuxuu marayaa meel xasaasi ah, waxa kale oo maalin dhexdaas ah ay OpenAI soo bandhigtay, barmaamij la dhaho GPT-o1, oo ah model-ka ka sii sarreeya GPT-4o kaas oo kasii awood badan, waxa loogu talagalay inuu waqti dheeraad ah ku bixiyo ka fikirka jawaabaha, taasoo u sahlaysa inuu si qoto dheer u xalliyo dhibaatooyinka adag ee ku saabsan cilmiga, xisaabta, iyo koodh qorista. Si awoodiisa aan isula fahamno, waxaa dhacday in barnaamijkani uu si guul leh u xalliyey 83% su'aalaha Imtixaanka Caalamiga ah ee Xisaabta (IMO), halka kii hore GPT-4o uu xalliyey kaliya 13%.
In kasta oo GPT-4o uu leeyahay awoodo ballaaran, haddana wuxuu ku fiican yahay hawlaha guud iyo jawaabaha degdega ah, laakiin kuma fiicna xallinta dhibaatooyinka u baahan fikir qoto dheer, se GPT-o1 markii aan tijaabiyey waxa lagaga fiican fiican yahay dhanka aqoonta guud iyo hawlaha badan ee degdega ah. Haddii aad cilmi-baare tahay waxa aad kuu anfacaya GPT-o1 maadaama uu waqti badan ku bixinayo jawaabtaada (ilaa todobaad buu kuu raadin karaa jawaabtaada waa haddii ay dheer tahay), wuxuuna ku fiican yahay xalinta su'aalaha adag. Si gaar ahna wuxuu aad u anfacayaa dadka dadka barnaamijyada qora(programmer), gaar ahaan marka la eego xallinta dhibaatooyinka adag ee koodhka iyo horumarinta barnaamijyada.
Mawduuc kale baan ka sameynaya haddaad xiisanayso barmaamijyada GPT-yada, aan u guda-galno jawaabta ay ka bixisay Google DeepMind oo todobaadkan soo bandhigtay barmaamij lamid ah oo la yiraahdo Gemini 2.0 Flash Thinking, moodelkani iminka si tijaabo ah baa loo siidaayey, waxaad ka heli kartaa Google AI Studio iyo Vertex AI. Si aad u isticmaasho, waxaad ka dooran kartaa moodelka 'Gemini 2.0 Flash Thinking Experimental' oo ah kan u danbeeya liiska moodelada Google AI Studio ee waqti xaadirkan(linkigiisa faalada ayaan dhigay)
Sidoo kale waxa tartan weyn loogu jiraa dhinaca barrmaamijyada bixiya muqaalada iyo codka tooska ah(live streaming AI) ee ku shaqeeya tiknoolajiyadda Computer vision-ka oo waxaa dhacday in todobaadkan ay OpenAI soo bandhigtay mashruuc lamid ah midkii ay horey u soo bandhigtay Google DeepMind ee ahaa mashruuca Astra iminka waxaad ka heli kartaa barmaamijkan oo ku isticmaali kartaa Google studio(linkigiisa faalada ayaan dhigay)
Dhinaca isbarbardhiga labada shirkaddood ma aha mid weli si buuxda loo qiimeyn karo, inkastoo adeegyada ay soo wadaan markaad fiirisid ay kuu muuqaneyso in Google ay hoggaanka heyso, haddii ay ahaato dhinaca quality-ga sawirrada siiba mashruuceeda imageFX ama Imagen 3 oo la sheegay iney kula tartameyso shirkadda Midjourney inkastoo waddankeena aan weli loo furin se haddii aad isticmaasho VPN wuu kuu shaqeynaya xataa sawirada uu sameeyo kama dhacaan sida kuwa dhabta ah, si fudud sawirada ChatGPT ama Dall-E 3 waxay kuula muuqanayaan kartoon ama sawir-gacmeed.
Mark Zuckerberg ayaa sheegaya in shirkadda Meta ay qorsheyneyso in sannadkan 2025-ka, ay si rasmi ah ugu beddelayso qaar ka mid ah injineerradeeda software-ka, gaar ahaan kuwa heerka dhexe ah, barnaamijyo AI ah. Tallaabadan waxay ka dhigan tahay in AI ay si buuxda ula wareegi doonto hawlaha koodhka ee barnaamijyada Meta oo markii hore ay sameyn jireen injineerro bini’aadam ah, taas oo hoos u dhigi doonta kharashaadka iyo wakhtiga lagu bixiyo hawshan.
"Waxa suuragal ah, in sannadkan 2025, annaga oo ah shirkadda Meta, iyo sidoo kale shirkadaha kale ee sida gaarka ah uga shaqeeya arrintan (shirkadaha tiknoolajiyadda), inaan yeelan doono (barmaamijyo) garaad macmal ah (AI) oo u shaqayn kara sidii injineer software heer dhexe ah(khibrada), oo ka tirsan shirkadda, awoodna u leh inuu sidii la rabay u qoro koodhadhka barnaamijyada."—Mark Zuckerberg
Inkastoo tallaabadani ay noqon karto mid qarash badan ku kacda bilowga, laakiin Zuckerberg wuxuu tilmaamay in Meta ay gaari doonto heer ay dhammaan koodhadhka barnaamijyadooda, uu abuuro garaadka macmalka ah. Ilo badanna waxay sheegayaan in mushaharka shaqaalaha, injineerada heerka dhexe ee shirkadda Meta, ay hadda helayaan gunnooyin guud oo u dhow bartamaha-lixda-god ama Mid-six figure (waa ereybixin loo isticmaalo mushaharrada waaweyn ee ka bilowda $100,000 (oo ah lix lambar) ilaa $999,999, waana sannadkii).
Xirfadaha koodh-qoristu waxay kamid aheyd xirfadaha ugu muhiimsan suuqa shaqada, waxa suure ah, in sannadaha soo socda uu hoos u dhigi doono ama la wareegi doono AI. Waxaa socda mashruucyo badan oo isbeddel weyn ku sameyn doona caalamka tiknoolajiyadda, waxaan idinla wadaagi doona asbuucyadan soo socda haddii rabbi idmo.
Toddobaaddadii ugu dambeeyey shirkadda Meta waxay qaaday tallaaboyin waaweyn oo isbeddel ah, oo qaarkood aan warbixin ka qorey, waxayna u muuqataa in tartanka AI-ga ee sannadkan ay saameyn weyn ku yeelato. Tallaabadii ugu saameynta badneyd ee toddobaadkii hore ay qaaday Meta, wuxuu ahaa qorshaha ay ku hakin doonto barmaamijkeeda hubinta waxyaabaha lagu baahiyo shabakadaheeda (third-party fact-checkers), iyadoo ku beddelaysa qoraalada bulshada (community notes), waa nidaam u oggolaanaya dadka isticmaala barnaamijyada Meta inay ku darsadaan faallooyin ay ku caddeynayaan saxnimada ama khaladaadka wararka iyo xogaha ay arkaan. Waa farsamo laga soo qaatay nidaamka Elon Musk uu ku sameeyay X (Twitter).
Abdikani Cideeye #Xogaha_Tiknoolajiyadda
Soo koobidda dihganaha رسالة إلى شباب الأمة.= farriin ta dhalinyarada ummadda......
..........................................................
Hordhac.
Dhiganahn layidhaa رسالة إلى شباب الأمة. ( farriin ku socota da'yarta ummadan).
Waxaa qoray oo ku fara yaraystay qoraaga ree masar ee Dr raaqib sarjaani.
Wuxuuna kaga hadlayaa sheegidda dhibaatooyinka haysta da'yarta waayahan.
Tirada warqaduhu waa 156
Qisada keentay curinta dhiganahan.
Sida uu qoraagu ku xusay hordhaca waxaa keenay in uu kitaabkan qoro. Dhacdo yaab badan.oo habeen habeennada kamida uu lakulmay. Waxaa u,yimid nin wayn, oo cabasho wada doonayana in uu talo kasiiyo. Wuxuu ka cabanayaa. In inankiisii uu dhalay.dhalin yarna ahaa uu ku maman yahay. Dhigashada diinta wakhti badanna siiyo isla markaana mar kasta ka fikro wadamada islaamkee tabaalaysan. sida falastiin ciraaq suudaan shiishaan. Dr raaqib wuu yaabay. Wuxuuna talo ahaan usiinayaa inuu hortiisa fadhiisto oo wiilkaa wax ka barato. Intaa kadib ayuu iswaydiinayaa dhawr waydiimood.1 maxay islaamka dhalin yaro uga dhigan tahay.
2 Waa maxay doorka dhalin yaradu. 3Halkay marayaan da'yartii ummadani.
Sidaaas ayuu ku yimid kitaab kani
Nuxurka buugan qiimaha badan.
Bilawgaba wuxuu digtoorku iswaydiinayaa dhibaatooyinka ugaarkaa dhali yarada. Qaar kamid dhallinta masar ayuu warsanayaa. Waxayna ugu jawaabayaan waxaanu filayn. Oo ubadan dhibaatooyin nin iyo naftii ugaar ah.
Kadib waxa uu si far shaxannimo leh uga waramayaa jiilkii dahabiga ahaa dhalintii asxaabta alla haka raalli noqdee.siday ugu'teen waajibkoodii uga soo bexeen kaalintoodii.sida ZAYD IBNU THAABIT oo ahaa qoraagii waxyiga kaalintiisana kasoo baxay isagoo 14 jir ahaa. Cali ibu abii daalib subayr ibnu cawaam.dalxa iyo asxaab kaloo dhawra ayuu taxayaa qisooyinkooda iyo waxay utareen diintoodii dadkoodii iyo dalkoodiba....
Mar kale wuxuu is waydiinayaa.
Maxaa keenay gaabkan.maxaa kala fogeeyay dhallinta sidii looga baahnaa iyo siday hadda yihiin.?
War celinta waxa uu kadhigayaa afar sababood oo waawayn una baahan xal waara.
● MAQNAAN SHIYAHA ABA'BIN ISLAAMIYA.
●MAQNAAN SHIAYAHA HOGAAMINN SUUBAN.
● NIYAD JAB /QALbi jab=is dhiibid.
● war baahinta.
Qodob kasta wuxuu uga waramayaa si faah-faahsan. Xeel dheer. Wuxuu saxayaa fahan qaldan oo dhinacyo kala duwan ka jira. Ugu danbayn wuxuu kusoo gaba gabaynayaa. 10 talo oo uu kula talinayo da'yarta. Islaameed.
1 ka fuqidda macaasiada.
2 garashada qofku barto diintiisa suuban.
3 ku xidh naan shiyaha masaajidda
4 horu mar tilmaaman. Dhan walba.
5 qaraabo xidhiidhinta.
6 doorashada asxaab wanaagsan.
7 la socodka waayaha wanaagsan.
8 joog taynta jimicsiga.
9 faafinta dacwadda.
10 maaraynta waqtiga.
ALLA MAHAD LEH.
waa mid kamida dhiganayaal sil silad taxanaa digtoorku leeyahay. Oo naadiga ( multawa ruwaadul cilmi wal macrifah.) . Gorfaym doono isla markaan soo koobi doono haddii alle wayne ogalaado.
Abdi shakuur
Sida kartidaada loo muujiyo
Cal Newport waa professor Computer Science ka dhiga Georgetown University (USA) wuxuuna qoray buug heer-sare ah oo la yidhaa: So Good They Can’t Ignore You.
Fikradbaa jirta aad u fiday oo odhanaysa hadaad jeceshay mihnadaada shaqo guul baad ka gaadhaysaa mihnadaas. Prof Newport wuxuu leeyay fikradani marka hore waa qalad, marka labaadna waa halis. Waayo, jacayl aad mihnad u qabtid meel fog kuma gaadhsiin karo hadaanad karti isku muujin. Markaa, waa inaad kartidiidaada dhistid ilaa iyo aad gaadhaysid heer aan cidna iskaa kaa indho-tiri karin.
Hadii ay ku moosaan, kartaa laysku muujaa! (Ibrahim Gadhle)
Buugan wuxuu Professorku ku-sifeeyay fikrad muhiim ah oo ku salaysan xirfad (craftsman mindset). Fikradan oo odhanaysa intaad iswaydiin lahayd maxaa faaido igu jirta shaqadan ama mihnadan waa inaad iswaydiisid maxaa layga faaidi karaa aniga. Dadka ka fakaruun faaidaday iyaku shaqada ka helayaan badankood kama dhamaadaan riyo (khiyaali) iyagoo markastana sugaya shaqaday hayaan tu ka fiican inay soo marto.
Shaqo aad jecelaadtid waxay ku xidhantay inaad dhistid xirfad naadir ah oo qiimo u leh beesha-shaqada ama beesha-ganacsiga. Markaa, takhasus dooro kadibna waxaad dooratay ka gaadh heersare ama heer-khabiir. Kolkaad sidaa yeeshid ayaad yeelaynaysaa xirfad qiimo leh oo kuu noqota raasumaal aad ku maalgashatid shaqadaada ama ganacsigaaga. Laakin waxaad dooratidba yaana laba shay laga waayin:
Inuu noqdo wax naadir ah (xirfad dad-yar haystaan)
Xirfadaada sideebaa heersare looga gaadhaa?
Qoraaga caanka ah ee Malcolm Gladwell ayaa buugiisa la yidhaa Outliers ku shaaciyay fikrada la yidhaa ‘The 10,000-hour rule’. Tan oo odhanaysa qofku wuxuu u baahanyay 10,000 oo saacadood oo tababar-qaadasho ah si uu xirfadiisa heer-khabiir uga gaadho. Professor Anders Ericsson oo dhiga Florida State University ayaa nooca tababarka ee heer-khabiir ku gaadhsiin kara u bixiyay Deliberate Practice. Tababarkani wuxuu ka koobanyay inaad markasta sii tiigsato heerkaad maraysid heer kasii sareeya adoo marwalba-na helaya jawaab-celin toos ah (si aad ula socotid horumarkaaga). Hadaad rabtid inaad shaqadaada ama ganacsigaada ku guulaysatid kama maarmi kartid tabarbarkan oo kale, waliba waa inaad nolol-maalmeed ka dhigataa.
Dad badani waxay ku odhan calool-adayg kaliya ayaad u baahantay ee ku bood shaqada cusub ama ganacsiga cusub. Laakin calool-adayg kaliya waxba kuuma tarayo hadaanad marka hore yeelan xirfad/karti calaamku u baahanyay. Dad badan baa intay shaqadooda iska casileen iyagoo calool-adag mooyee wax kale hayn cidla ku dhacay. Markaa intaanad ku dhaqaaqin xirfad waa inaad iswaydiisid: xirfadan maloo baahi-qabaa? Haday jawaabtu haa tahay sii wad, haday maya tahayna wax kale raadso
Axmed xuseen
Talooyinka Isdiiddan
Talooyinka isdiiddani waa toban talo, oo uu qoray qoraaga reer Maraykan ee Kent M. Keith, sannadkii 1968. Kadibna 2002 ayuu u rogay buug uu u bixiyay "Si kasta ha ahaatee [Anyway]" kaas oo noqday buugaagta ugu iibsiga badan xilligaas, iyo xilliyo ka danbeeyay oo badan.
Talooyinkan waxa loo turjumay afaf badan, dareenka caalamkana way soo jiiteen, heer gidaarrada iyo albaabbada guryaha lagu wada dhejistay.
Waa kuwan talooyinkaasi:
Dadku uma dhaqmaan si maangal ah, waana danaystayaal. Si kasta ha ahaatee jeclow dadka.
Haddii aad wanaag samayso, dadku waxay kugu tuhmi doonaan in aad dan ka leedahay. Si kasta ha ahaatee wanaag samee.
Haddii aad guul gaadho waxa aad yeelan doontaa saaxiibbo badan oo foojari ah, iyo cadow dhab ah. Si kasta ha ahaatee guulayso.
Maanta wanaagga aad samayso berri waa la hilmaamayaa. Si kasta ha ahaatee samee wanaag.
Runta iyo hadalcaddaantu waxa ay kuu soo jiidayaan dhaliil badan. Si kasta ha ahaatee run sheeg oo hadalcaddow.
Ragga iyo dumarka ugu waafi san ee xanbaarsan fikradaha ugu waaweyn, waxa joojin kara ragga iyo dumarka ugu liita ee xanbaarsan maskaxaha ugu yaryar. Si kasta ha ahaatee si weyn u fikir.
Dadku way jecel yihiin kuwa jilicsan, laakiin waxay dabagalaan kuwa islaweyn. Si kasta ha ahaatee u dagaallan kuwa jilicsan.
Wax aad sannado badan dhisaysay ayaa hal maalin ku dumi kara. Si kasta ha ahaatee wax dhis.
Dadku aad bay ugu baahan yihiin in la kaalmeeyo, se way ku weerari karaan haddii aad caawiso. Si kasta ha ahaatee caawi dadka.
Haddii aad dunida siiso waxa kuugu wanaagsan, dadka qaar ayaa abaaldarro kuugu jawaabi doona. Si kasta ha ahaatee dunida sii waxa kuugu wanaagsan.
Talo dee ayaa ku cajabisay adiga?
Cali Ileeye.
SABA GUDDAA WAAN TAANEEF MIIDIYAA GUDDAATU NUUF MALA!
@Abdii_Sabaa
?NU QUNNAMUUF?
@AbdiiSabaaDm
?BARNOOTAAF
@abdii_sabaa_university
?MARIIF
@Garee_Abdii_Sabaa
Last updated 1 month, 1 week ago
asc بســــــــــــم الله الرحمن الرحيــــــــــــم
Ku Dhawaad- 3000 Buug-Somali ayaa ku jira Akhriso oo ilaali xuquuqda Qoraayada leh.
Youtube:
https://shorturl.at/auGJZ
Diclamer:
Cabasho/Buug iyo Su,aal ... La Xidhiidh
@Cabasho_Bot
@Tusmobook
Last updated 3 months, 2 weeks ago
Somali National Television is the principal public service broadcaster in Somalia.
Headquartered in Mogadishu.
Last updated 2 months ago