OGAAL BULSHO

Description
"Jeclaaw Dhammaantood, Ku Kalsoonoow Inyar, Hana Xumeyn Cidna.

www.youtube.com/@OGAALBULSHO
Advertising
We recommend to visit

Tafsiirka quraanka

Majeceshahay Tafsiirka quraanka iyo inaad xafido bal kala soco


Qaybta what's appka

https://chat.whatsapp.com/JN26HOhmOFjCXRuZbrz5cI

Qaybta Facebook
https://www.facebook.com/profile.php?id=100090197182624&mibextid=ZbWKwL

Last updated 1 year, 9 months ago

🤣 Muuqaalo Qosal leh iyo GIFs.
Dhib malahan luqada aad doono ku hadal. Channel waa uu kaa qoslin doonaa.

➡️Nala wadaag ila qosal haddii aad haayo ku soo dir @ilaqosal1

Last updated 2 months, 1 week ago

The Oromo are of Kush ancestry and have many heroic sons so this channel is for the Oromo

Oromoon hidda hortee kush kan tahee fi ilmaan goota heddu kan qabuu kanaf oromoof bekumsa jechaa channel kun oromoofi

Last updated 1 month ago

6 months, 2 weeks ago

•Nolosha ayaa ibartay in aan ixtiraamo caqliyada Banii aadamka laakin aanan ku kalsoonaanin.

•Gabar kastaa qalbigeeda wuu yaryahay ilaa eey hooyo ka noqoto laakin marka eey hooyo noqoto Qalbigii yaraa wuxuu isku bedelaa Waddan.

•Ninka faqiirka ah subax kastaa wuu cararayaa si uu u helo wax uu cuno, laakin Hantiilaha subaxdii wuu ordayaa si uu iskaga saaro wixii uu cunay !!!.

•Haddii gabadha muslimadda ah lagu yiraahdo walaaleey dharkaada waa dhar waaweeyn oo kuma habboono labiska casriga ah, waa in eey dhahdaa adiga xittaa dharkaada waa ciriiri kuma habboono Jannada.

•waligaa ha noqon qof marka eey dadku arkayaan Oowliyo ilaaheey ah, marka eeysan arkeeynna Cadaw ilaaheey ah.

6 months, 2 weeks ago

Qisa Qaali ah oo Mudan in Tusaale Laga Qaato !!
-----------------------------------------------------------------


Waxa uu ahaa wiil faqiir ( sabool)  ah waxa uuna  iibin jiray  ( gadi jiray) badeecooyin yar yar xiliga uu u sii socdo iskuulka si' uu halkaa ugahelo noolal maalmeed yar .

Maalin maalmaha kamid ah ayaa waxaa dhacday wiilkii faqiirka ahaa inuu dareemo baahi aad u darran isga oo u sii socda iskuulkii uu dhigan jiray, islamarkaana lacag oo dhan waxa uu ka haystay hal shillin oo aan waxba lagu iibsan karin.

Si' kastaba ha' ahaatee waxa uu go'aansaday guriga ugu soo horeeya ee uu arko in uu waydiisto wax uu cuno.
Nasiib wanaag gurigii ugu horeeyay ee uu arkay waxaa albaabka ka furtay qof  dumar ah oo da' yar misana aad u naxariis badnayd, waxaase dhacday Wiilkii faqiirka ahaa halkii uu ka waydiisan lahaa wax uu cuno waxuu waydiistay biyo uu cabo waayo waxuu la wareeray baahidii haysay .

Balse qofkii dumarka ahayd waxa ay aragtay wiilkan inuu aad u gaajaysan yahay sidaa awgeed waxa ay u keentay koob wayn oo caano ka buuxa halkii ay uga keeni lahayd biyo uu cabo.

Wiilkii faqiirka ahaa  caanihii ayuu si daggan u cabay kadibna waxa uu waydiiyay qofkii dumarka ahayd ee caanaha siisay 

''Imisa ( meeqo ) ayaad igaaga baahan tahay koobkan caanaha ee aad i siisay ?

Kadib waxa ay ugu jawaabtay .

'' Ma jirto wax aan kugu leeyahay  waayo Hooyo waxa ay na bartay in aan marnaba aqbalin in aan iibsano naxariis aad qof ugashay.''

intaa kadib wiilkii maskiinka ahaa waxa uu ku yiri .

'' Hadaba iga gudoon mahadnaq kaaga  yimid xagga niyada ''.

Muddo Sanooyin ah kadib waxaa dhacday hawayneedii dhalinyarada ahayd inuu ku dhacay xanuun aad u darran , Nasiib darro dhakhaatiirtii joogtay magaaladii ay  degganeeyd  waxa ay ku guul daraysteen in ay daawo u helaan cudurkii hayay , Ugu dambayntiina waxa ay go'aan sadeen in ay u gudbiyaan magaalo wayn oo ay ku sheegeen inuu joogay dhakhtar si qaas ah ugu takhasusay cudurkii hayay qofkii dumarka ahayd .

Dadaal badan kadib Allah (سُبْحَانَهُ وَ تَعَالَى) waxa uu qadaray in lagu guulaysto in la badbaadiyo qofkii dumarka ahayd .

Ugu dambayntii xafiiskii maalgalinayay qarashkii ku baxay daawayntii  waxa ay  waraaqda lacagta lagu bixiyo ( Jeega ) u direen dhaqtarkii sida qaaska ah loogu qabtay gabadhii xanuunsanayd  si' uu u ansixiyo ( u aqbalo ) qarashka uu qaadan lahaa.

Dhakhtarkii marki uu arkay warqadii, si wanaagsan ayuu u eegay ( fiiriyay) kadibna dhanka kale ayuu u gadiyay qoraal yar ayuu ku kor qoray warqadii  kadibna  waxuu dib ugu celiyay xafiiskii usoo diray.

Dhanka kale qofkii dumarka ahayd waxaa iyadana loo diray qarashkii ku baxay  daaweynteedii.  Run ahaantii aad ayay uga welwelsanayd  in ay furto warqada waayo waxa ay ahayd qof aan waxba haysan sidaa awgeed waxa ay dareemaysay qarashkii ku baxay inuu ahaa mid aad u badan oo laga yaabo in ay bixiso  noolasheeda inta kadhiman.

Ugu dambayntii waxa ay go aansatay in ay furto warqadii balse waxaa dareenkeeda si' wayn u soo jiitay qoraal yar oo ku kor qornaa warqada dhankeeda kale. waxuuna u qornaa sidan .. .

'' Si' dhamaystiran ayaa loo bixiyay qarashkii kugu baxay, waxaana lagu bixiyay Hal Koob oo Caano Ah ''

Waxaana warqada ku saxiixnaa Dr : Hassan Amiin . oo ahaa wiilkii maskiinka ahaa oo ay sanooyin kahor siisay koob caano ah isagoo baahi la liita .

Marki ay intaa aragtay indhaheeda ilmo ayaa ka soo daatay waayo marnaba ma aysan filanayn naxariistii  yarayd ee ay samaysay in ay mar un badbaadin doonto iyadoo u baahan caawinaad.

DHAMMAAD:

'' Nuxurka Qisada waxa uu yahay in aan noqono ummad wax sadaqaysata waayo waxaa la yiri  ruuxii ixsaankiisa bato walaalihiisa ayaa badandoona hadaba  isku day in aad noqoto ruux abaal gala waxaa xaqiiq mar un in laguu abaal gudi doono adigoo filanayn waliba u baahan in lagu caawiyo ''.

7 months ago

Albaabada Kurbda Lagu Feeydo Waa Toban Albaab:  Sida Ku Soo Aroortay Quraanka  iyo Sunnada Shariifka ah
1:  Albaabka Kowaad : Waa Suuradda Faatixada Waxaa Ka buuxda Suuradan  Asraar badan Oo Cajiib ah Waa Kaafisi , Caafiso , Wana leysku tufaa Marka Qofka Xanuunsado.
2:  Albaabka Labaad:  Waa Qowlkan Cajiibka ah
" الله الله ربي لا أشرك به شيئا"
Nabi Muxamed SCW ayaa Gabadhiisa Faadumo Ku yiri" Waxaad tiraahdaa Markaad Kurboto Sidan Soo Socoto.
"  الله الله ربي لا أشرك به شيئا"
3: Albaabka Sadaxaad : Waa Ducadan ayadane Mucjizada ah Qofka aqrista Dhaqso Ku Helayo Muraadkiisa Oo Aan Macsiyo lahen
" لا إله إلا أنت سبحانك إني كنت من الظالمين "
  Nabi Muxamed CSW ayaa yiri Waa Kalmadihii Walalkey Di`Non ' Qof Kurbaysan Ma aqristo illaa Waxa Laga feydaa Dhibaatadaa Haysato
4: Albaabka Afaraad:  Waxad aqrisaneysaa Ducadaan Oo ah :  حسبنا الله و نعم الوكيل
Allaah Waxaa Uu Kitaabkisa Ku yiri
الذين قال لهم الناس إن الناس قد جمعوا لكم فاخشوهم فزادهم إيماناً و قالوا حسبنا الله و نعم الوكيل فانقلبوا بنعمة من الله و فضل لم يمسسهم سوء"
5: Albaabka Shanaad : Waa Qowlka :  Mid Ka Mid ah Ducooyinka Ugu Qiimaha badab Kuna Muujisneyso inaad Awood iyo Xeeled Laheyn
" لاحول و لا قوة إلا بالله العلي العظيم "
Waa Keyd Ka Mid ah Keydadka Jannada Sida Ku Sugan Saxiixeynka
6: Albaabka Lixaad : Waa istiqfaarta Dambi dhaaf  Weeydiinta Rabbigaa Waa Mid Mar Wakba Lagaa rabo Oo Aad joogteysaa.
من لزم الاستغفار جعل الله من كل هم فرجا و من كل ضيق مخرجا و رزقه من حيث لا يحتسب"
7: Albaabka Todobaad: Sida Ku Sugan Kitaabka Uu iska leeyahy  imaamka Weeyn Ee Bukhaari
"لا إله إلا الله العظيم الحليم ،لا إله إلا الله رب العرش العظيم ،لا إله إلا الله رب السموات و الأرض رب العرش الكريم "
Waxa La aqristaa Markaa Kubadu Aad U Weeyn tahay Talo farahaaga Ka baxeen.
8: Albaabka Sideedaad :  Xadithka Ku Sugan Labada Kitaab Ee Saxiixeynka ah Waxaa La rabaa inaad badiso aqrinta ducadaan.
" اللهم إني أعوذ بك من الهم و الحزن و أعوذ بك من العجز و الكسل و أعوذ بك من البخل و الجبن و أعوذ بك من غلبة الدين و قهر الرج

8 months, 3 weeks ago

01-Haku kadsoomin ama haku sirmin booska aad joogto wanaaggiisa, ma jiro meel ka wacan oo ka wanaagsan Jannada, halkaas oo Jannaada ah ayuu Nabi Aadam Calayhi Salaam kula kulmay wixii ku sababay in Jannaada laga soo saaro.

02-Haku kadsoomin Cibaado farabadan, sababtoo ah Ibliis ma jirin wax ka cibaado badan, muxuuse ku dambeeyay?!! in laga fogeeyo naxariista Allaah.

03-Haku kadsoomin Cilmi farabadan, sababta oo ah ninkii la oran jiray "Balcaam Ibnu Baacuuraa" wuxuu ahaa nin aad u cilmi badan sidoo kale wuxuu yaqaannay magaca Allaah ee haddii Alle lagu baryo ducada la aqbalo, kadib tolkiisa ayaa ku yiri: waxaan kaa dooneeynaa in aad habaarto Nabi Muuse Calayhi Salaam, kadibna carrabka ayaa ka soo dhacay.

04-Haku kadsoomin la kulanka Saalixiinta iyo aragtidooda, sababta oo ah ma jiro qof ka wanaagsan Nabigeenna Muxammed Sallallaahu Calayhi Wasallam sidaas ay tahay waxaa jiray kumannaan la kulantay Nabiga oo haddane aanan rumeeynin, gaalnimana ku dhintay.

Hadalkaan waxaa qoray:
Al-Imaam Ibnul Qayim.
Kitaabkiisa Madaarij Al-saalikiin.

8 months, 4 weeks ago

Laba nin oo indhoolayaal ah ayaa maalin kaste fariisan jiray Waddo eey mari jirtay xaaska boqrokii xakumayay waddanka eey ku noolaayeen.

Labada nin mid wuxuu ku celcelin jiray "Ilaaheeyoow Fadligaada naga deeq", kan labaadna wuxuu ku celcelin jiray "Ilaaheeyoow Fadliga Xaaska boqorka naga deeq", Micnaha mid wuxuu leeyahay  Ilaaheeyow Keeydkaada Arsaaqadda naga sii, midka kalana wuxuu leeyahay Ilaaheeyoow Keeydka Xaaska Boqorka Arsaaqad nagasii, Si kale haddaan u dhigo ninkaan dambe halka uu Arsaaqadda ka rabo ayaa ah Keeydka Xaaska Boqorka.

Xaaska boqorka weey la socotaa xaaladda indhoolayaasha, Ninkii Keeydka Allaah wax ka sugayay ayeey maalin kaste 2 Dirham usoo dhiibtaa, Ninkii keeydkeeda wax ka sugayay waxeey usoo dhiibtaa Xabbad Digaag ah oo bisil oo dhexda loogasoo qariyay 10 dirham.

Ninkii Fadliga ilaaheey wax ka sugayay goobta wuu isaga tagay, waxaana soo haray ninkii Fadliga Xaaska boqorka wax ka sugayay, muddo 10 cesho ah kabacdi ayeey kusoo baxday, waxeey ku tiri "Ninyahow muddo 10 maalmood ah ayaan kuusoo dhiibayay Hal Digaag ah oo bisil oo dhexda loogasoo qariyay 10 Dirham, isku geeynta lacagta waa 100 Dirham waana lacag badan oo lagu taajiro ee maxaa kugu dhacay.

Asagoo yaabban ayuu ku jawaabay "Digaaggii karsanaa maalin kaste waxaan 2 Dirham uga iibsan jiray Saaxiibkeeygii indhoolaha ahaa".

Iyadoo dhoola caddeeyneeyso ayeey ku tiri "Fadligeenna ayaad wax ku raadisay ilaaheey ayaa Arsaaqaddiisa kaa xarrimay, isagana Fadliga ilaaheey ayuu wax ku raadiyay ilaaheey ayaa Deeqay".

Subscribe || Ogaal-Bulsho

We recommend to visit

Tafsiirka quraanka

Majeceshahay Tafsiirka quraanka iyo inaad xafido bal kala soco


Qaybta what's appka

https://chat.whatsapp.com/JN26HOhmOFjCXRuZbrz5cI

Qaybta Facebook
https://www.facebook.com/profile.php?id=100090197182624&mibextid=ZbWKwL

Last updated 1 year, 9 months ago

🤣 Muuqaalo Qosal leh iyo GIFs.
Dhib malahan luqada aad doono ku hadal. Channel waa uu kaa qoslin doonaa.

➡️Nala wadaag ila qosal haddii aad haayo ku soo dir @ilaqosal1

Last updated 2 months, 1 week ago

The Oromo are of Kush ancestry and have many heroic sons so this channel is for the Oromo

Oromoon hidda hortee kush kan tahee fi ilmaan goota heddu kan qabuu kanaf oromoof bekumsa jechaa channel kun oromoofi

Last updated 1 month ago