Qaamuuska Qoraalka

Description
We recommend to visit

SABA GUDDAA WAAN TAANEEF MIIDIYAA GUDDAATU NUUF MALA!

@Abdii_Sabaa

?NU QUNNAMUUF?
@AbdiiSabaaDm

?BARNOOTAAF
@abdii_sabaa_university

?MARIIF
@Garee_Abdii_Sabaa

Last updated 3 months, 2 weeks ago

asc بســــــــــــم الله الرحمن الرحيــــــــــــم
Ku Dhawaad- 3000 Buug-Somali ayaa ku jira Akhriso oo ilaali xuquuqda Qoraayada leh.
Youtube:
https://shorturl.at/auGJZ
Diclamer:
Cabasho/Buug iyo Su,aal ... La Xidhiidh
@Cabasho_Bot
@Tusmobook

Last updated 5 months, 3 weeks ago

Somali National Television is the principal public service broadcaster in Somalia.

Headquartered in Mogadishu.

Last updated 1 month, 3 weeks ago

2 months ago

"وَلَم أَرَ في عُيوبِ الناسِ شَيئاً..كَنَقصِ القادِرينَ عَلى التَمامِ" المتنبي
Waa ceeb ninkii boodi kara inu candhaadhaaye

"ولافيالطيشوالهذيانشيئا…كحثالمقعدينعلىالقيام" د.خضر
Curyaankana inaad carar dhehdaa waa cawaannimo!

2 months ago

قال النابغة:
ولا عيب فيهم غير أنّ سيوفهم…
بهنّ فلول من قراع الكتائب
Ceebtood ba waa seefohoo lagu subkaa dhiige
Dabadeedna saawira markay hilibka saafaan!

2 months ago

Kaftan badan qofkii lagu bartaba lagu calaa keef.

Haddii uu bato kaftankaagu waxa hubaal ah in erayo aan ku cajabin lagu odhan doono. Qof waliba garaadkiisa ayuu kuula iman isaga oo ku moodaya inaad mar kasta tahay kaftanujoog. Sidaad awgeed waxa habboon in uu kaftanku xad yeesho; si aanay cid waliba kuugu soo dhiirran.

4 months, 1 week ago
4 months, 2 weeks ago

SHEEKO MURTI LEH:

Waxaa la wershaa in ay jireen saddex wiil oo saaxiibbo ah, midkood waxa uu kasoo jeeday qoys ladan oo xiddigaha laacaaya, laandheerannimo loogu ladhay, halka labada kale ay ahaayeen dadka aan xoolo badan loo xarayn, xilal fiiccanna lagu xurmayn, faras xamar ahna aan xakamaha weli sudhin.
Hase ahaatee saaxiibkoodaa ayaa ahaa nin inan gobeed ah oo gasiinkiisa gacanta lala geliyo, in badan ayay gogoshiisa ku fadhiyeen gaawahana caanaha ku wada cabbayeen.
Waxay maalmuhu sidaa ahaadaanba maalinbaa ay jirjir-cadka iska rogtay oo ninkii hodanka ahaa hagaasay, mid kamid ah labadii fara-madhnaana faa'iday oo fooxa qaaliga iyo fillooyinka dhaadheer inta uu isla helay fadhi wanaagsan iyo faanna Alle u furay.
Ninkii wakhtigu tumaatiyey ayaa waxa uu maqlay in uu saaxiibkii tanaaday oo xoolo tis qaaday iyo xarrago taam ah Rabbi ku taageeray, inta uu soo raadiyey ayaa uu yimi qasrigiisii, waxa joojiyey waardiyihii waranka dheeraa isaga oo leh "war sugan aan kaaga keeno weliga guriga lehe halkan isku waabi" " hagaag iyo hawraar san" ayuu hanadkii si halhaleel ah hoos u yidhi.
In yar dabadeedna waxa daaqad ka daymooday wiilkii daarta degganaa, markii uu aqoonsaday in uu yahay saaxiibkii oo sannaddo sillooni soleen, sagxaddana seexiyeen oo ay sida lafta hilibkii ka saafeen ayuu yidhi "celi ninkan", wiilkii ayaa si hungo iyo haydaaro ka muuqato dib u laabtay oo hoygii uu degganaa ku hagaagay.
Intii uu sii socday ayaa saddex wiil oo summad fiican iyo suurad fayoobi ka muuqato ay kasoo hor bexeen, is haybsi iyo waa ina hebel dabadii raggii waxa ay soo saareen jawaan dheemman ah oo ay dheheen "waa dayn aabbahaa nagu lahaaye naga guddoon jaalle", judhadiiba waa uu Jeedaaliyey jeebkana waa uu ku hubsaday, isaga oo Allaha jaliilka ah u mahad-naqaaya.
In yar kaddibna waxaa kasoo hor baxday hooyo ay ka muuqato haybadda hodannimadu iyo hannaankeedu, waxa ayna waydiisay in uu garanaayo haddii ay jiraan cid iibisa dheemmanta noocyadeeda kala duwan, waxa uu usoo bandhigay wixii uu hayey ee dheemman iyo luul ahayd, waxa ay ka gadatay xoogaa fiican oo u noqotay jidmar iyo jidiin.
Wiilkii ilaahay waa u bullaaliyey waana u barakeeyey hantidiisii, maalin ayuuse xasuustay wiikii xumeeyey ee xaaladda adag xaggaa uga jeestay, markaasuu labadan meeris ee carabida ah u qoray una diray saaxiibkii, anaase kuu macnayne dheeho:

‎صحِبتُ قوماٌ لئاماً لا وفــاء لهم ○ يُدعَون بين الورى بالمكرِ والحيلِ
‎كانوا يجلونني مذ كنتُ رب غنى○ وحين أفلستُ عدُوني من الـجـهـلِ

Gun abaarsataan waa' u galay gallado waawayne
Goortaan ladnaa waxaan uqabay gobay ka jiiftaaye
Ammintaan gasiin waayey bay iga dul guureen!

Farriintaasi markii ay gaadhay saaxiibkii ayuu isna si dareen leh uga warramayaa sababta uu sidaa u yeelay iyo siyaabaha kalee uu saaxiibkii ugu abaal-guday, waxa uu yidhi:

‎أما الثلاثةُ قد وافوك من قِـبَـلي○ ولـم تـكـن سـببـا إلا من الحيلِ
‎أما من ابتاعت المرجان والدتي○ وأنت أنت أخي بل منتهى أملي
‎وما طردناك من بخلٍ ومن قللٍ ○لكن عليك خشينا وقفة الخجلِ

○Isoo gaadhay saaxiibkayoow gocashadaadiiye
○Gurmadkaygu waatuu habeen guure kuu yimiye
○Duqdii gadatay waa hooyaday ina Garaadoow'e
○Gacornimona may iga ahayn galabti hawshiiye
○Weji-gabax inaad gubato baan gacalle diidaayey!

Allaylehe saaxiibtinnimo gaamurtay waa taas.

Dulucda sheekaduna waa nin iyo garaadkii.

◇◇DHAMMAAD◇◇

4 months, 2 weeks ago

Labadan tusaale ee aayadahan ku xusani waxa ay ka warramayaan nimankii Munaafiqiinta ahaa. Waa tusaale DAB iyo tusaale BIYOOD.

TUSAALAHA DABKA:
Waxa lagu tusaaleeyey sidii qof dab shitay, kaddibna aaggii uu joogay oo dhan iftiinki isqabsaday, dabadeed hal mar uun uu ka damay oo mugdi ka gacan haadiyey, qofkaasi waa uu ka daran yahay oo ka duruuf adag yahay qofkii markii horeba mugdiga dhex taagnaa. Bal suuradayso adoo qol ku jira oo uuu iftiin kuu baxayo in hal mar uu nalki kaa damo! Indhaha haddii faraa lagaa gelinayo arki maysid. Haddaba nimanka munaafiqiinta ahi iftiinkii Islaamka iyo Iimaanka ayaa qalbigooda galay, kaddibna si kedis ah ayaa uu uga siibtay oo waxa ay la noolyihiin nabarradii iyo dhibtii kasoo gaadhay ilays la’aan.

TUSAALAHA BIYAHA:
Kan labaadina waa sidii qof uu roob helay, kaas oo onkod, hillaac iyo danab (biriq) ba wata, afarta bayna jiho hillaacu isaga jiibinayo, waa xilli habeen ah oo dhan loo socdo iyo dhan laga socdo la kala garanmaayo, xiddigihii jihada lagu garan jirayna daruuro ayaa ku daahan. Ninkaasi marka uu hillaacu bilig dhehoba waa uu dhaqaaqayaa, kolka uu gamaarona waa uu istaagayaa, waxa uu ku noolyahay bigwacdaa yar ee mar uun u bidhqaysa. Hillaacaasi waxaad moodi in uu labada indhoodba ka tuurayo; sida uu u indhodaraandarinayo. Intaa waxa u dheer dhawaqa onkodka iyo cabsida uu ka qabo in uu mar uun danab ku habsado oo uu dhusinka xuliyo.

4 months, 3 weeks ago

Dheeldheelka qaarkii
Qalbigaaga dhaawacay
Adigoo dhibsanayaa
Misna layska dhaafaa

Adigoo dhirbaaxada
Dhabannaanin karayoo
Shan farood ku dhigi kara
Dhan baa looga baydhaa

Dhegta oo la awdiyo
Dhoollohood caddaysaa
Dhibta lagu illaawaa

Dhurwaagii cabaadaba
Dhawaq looma celiyee
Isagoo dhuryamayaa
Hadda laga dhaqaaqaa

Dhoohnaanta qaarkeed
Waa dheemman iyo luul
Iyo shay dhammaysee
Waa lagu dhabcaalaa!

—Cabdiqani

6 months ago

Maalmaha jimcaha iyo qiblada quruxda aamiinta
Iyo Qawlka nabadgeliyadee la isku qiimeeyo
Waa qodobbaday nagu xasdaan qolo Yuhuudeed.

Axaadiis kala duwan waxa ku soo aroortay arrimo ay Yuhuuddu innagu xaasidaan oo ay ka xumaadaan marka ay innagu arkaan:
- Maalinka jimce ee ay ka lumeen, ee Alle ummaddeenna siiyey
- Qiblada ay ka lumeen ee innaga Alle ina waafajiyey
- Erayga “aamiin” ee laga daba dheho imaamka
- Iyo salaanta aynnu isku bariidinno.

6 months, 1 week ago

“Imtixaanka baas oo
Boqolkiiba boqol keen
Barbaartiyo ardaydana
Habeen soo ballamiyoo
Barqo hooyo soo dhoof
Burco hooyo haw hoyan
Dhulka oo barwaaqo ah
Beesha subax i waydii
Aan kusoo bidhaanshee”

25 August 2019kii ayaan ka qoray hooyo wiilkeeda oo waxbarasho dhakhtarnimo debedda ugu maqnaa ay farxadda kula qaybsanaysay qalinjebintiisa.
Waa dardaaran iyo duco ay ka muuqato hilaw iyo xiise, waa hooyo abaal gashatay wiilkeeda, balse ma guday mise wuu ka gaabiyey waa jawaab aanan haynin.

Yaan la illaawin abaalka waalidka, gaar ahaan hooyada.
Alle ha xafido waalidka intii nool, kuwa innaga hooseeyana godka Alle ha u nuuro. Aamiin.

7 months, 3 weeks ago

Abaalgudkii Nebiga SCW.

Maalin maalmaha ka mid ah ayaa uu Nebigu SCW la gorgortamay nin reer baadiye ahaa oo uu kula heshiisay in uu ka iibsado faras sheegganaa oo loo yaqaannay Al-murtajiz, Faraskii markii iibka lagu heshiiyey ayaa uu Nebigu SCW kexeeyey ninkii reer baadiyaha ahaa; si uu lacagtiisa u soo siiyo. Intii jidka lasii hayey ayaa uu helay ninki dad raba faraska, waa ay la gorgortameen, qiima fiicanna way u gaadheen, markaasuu intuu Nebiga SCW la hadlay ku yidhi: faraska iibso ama waan iibinayaa, dabadeed waxa uu ku yidhi suubbanuhu: faraska miyaanan kaa iibsan? Ninkii odayga ahaa si aan habboonayn ayuu ugu jawaabay Nebiga SCW isaga oo leh: wallaahi baanan midh kaa iibin! waxana uu ka dalbaday Nebiga SCW in uu marag la yimaaddo, nin saxaabada ka mid ahaa ayaa si aan gabbasho iyo cabsi lahayn ugu jawaabay: anaa markhaati ka ah in uu Nebigu SCW faraska iibsaday. Markii halkaa ay maraysa ayaa uu Nebigu SCW soo jalleecay saxaabigii maragga furay oo uu waydiiyey: maxaad ogayd oo aad maragga u furtay? Waxa uu yidhi Khuzaymah ibnu Thaabid RC: Rasuulkii Alloow waxaan maragga u furay inaan ku rumeeyey oo aan waxyiga samada aad nooga keento aamminay. Maalinkas ninkaa saxaabiga ahi teetal wayn iyo darajo culus ayuu goobtaas kala hulleelay oo ahayd “Cidda uu marag u furo Khuzaymah isagaa ku filan” Yacnii maraggiisu waxa uu u dhigmaa laba markhaati. Bal eeg abaalgudka Nebiga SCW, iyo sida uu saxaabigaas qiimaha goonnida ah u siiyey.

Allaahumma salli wasallim wabaarik calaa nebiyinaa Muxammad.

We recommend to visit

SABA GUDDAA WAAN TAANEEF MIIDIYAA GUDDAATU NUUF MALA!

@Abdii_Sabaa

?NU QUNNAMUUF?
@AbdiiSabaaDm

?BARNOOTAAF
@abdii_sabaa_university

?MARIIF
@Garee_Abdii_Sabaa

Last updated 3 months, 2 weeks ago

asc بســــــــــــم الله الرحمن الرحيــــــــــــم
Ku Dhawaad- 3000 Buug-Somali ayaa ku jira Akhriso oo ilaali xuquuqda Qoraayada leh.
Youtube:
https://shorturl.at/auGJZ
Diclamer:
Cabasho/Buug iyo Su,aal ... La Xidhiidh
@Cabasho_Bot
@Tusmobook

Last updated 5 months, 3 weeks ago

Somali National Television is the principal public service broadcaster in Somalia.

Headquartered in Mogadishu.

Last updated 1 month, 3 weeks ago