๐—›๐—ผ๐—ฟ๐—บ๐—ฎ๐—ฟ๐—ถ_๐—ต๐—ฎ๐—ป๐—ธ๐—ฎ๐—ฎ๐—ด๐—ฎ ๐Ÿ–คโœจ๐Ÿฆ‹๐Ÿ“š๐Ÿ”๐ŸŒ

Description
๐—ฆ๐—ผ๐—ผ ๐—ฑ๐—ต๐—ฎ๐˜„๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐˜„๐—น๐—น๐—ธ๐—ฎ/๐˜„๐—น๐˜€๐—ต๐—ฎ ๐—ค๐—ถ๐—ถ๐—บ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—ค๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—ฟ๐—ถ๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—บ๐˜‚๐—ฑ๐—ฎ๐—ป๐—ผ๐˜„ ๐Ÿฅฐ

Waxad mar waliba ka helaysaa channelkan talo, iyo tusaale ku dhiirigaliya si'aad u gaadho hadafyadaada nololeed., โ˜‘๏ธ

Today reader tomorrow a leader ๐Ÿ“š
Advertising
We recommend to visit

SABAย GUDDAA WAAN TAANEEF MIIDIYAA GUDDAATU NUUF MALA!

@Abdii_Sabaa

๐Ÿ’ฌNU QUNNAMUUF๐Ÿ’ฌ
@AbdiiSabaaDm

๐ŸŽฏBARNOOTAAF
@abdii_sabaa_university

๐ŸŽฏMARIIF
@Garee_Abdii_Sabaa

Last updated hace 5ย dรญas, 5ย horas

asc ุจุณู€ู€ู€ู€ู€ู€ู€ู€ู€ู€ู€ู€ู… ุงู„ู„ู‡ ุงู„ุฑุญู…ู† ุงู„ุฑุญูŠู€ู€ู€ู€ู€ู€ู€ู€ู€ู€ู€ู€ู…
Ku Dhawaad- 3000 Buug-Somali ayaa ku jira Akhriso oo ilaali xuquuqda Qoraayada leh.
Youtube:
https://shorturl.at/auGJZ
Diclamer:
Cabasho/Buug iyo Su,aal ... La Xidhiidh
@Cabasho_Bot
@Tusmobook

Last updated hace 2ย meses

Somali National Television is the principal public service broadcaster in Somalia.

Headquartered in Mogadishu.

Last updated hace 2ย semanas, 4ย dรญas

2ย months, 1ย week ago

Dhinac-yada cilmi nafsiga iyo dadka qaar dabeecadooda gudaha. ๐Ÿง

  1. Inferiority Complex

Qofka qaba dareen-ka nocaan ah wuxuu isku arkaa mid aan qiimo lahayn ama ka hooseeya dadka kale, isaga oo isbarbar dhigaya kuwa kale oo u arka naftiisa inuusan la mid noqon karin iyaga. Dareenkan noocaan ah wuxuu qofka ka hor istaagaa inuu isku dayo wax cusub ama inuu horumar sameeyo, sababtoo ah wuxuu aaminsan yahay inuu ku fashilmi doono wax-kastaa uu sameeyo. Caadi ahaan, waxay ka timaadaa carruurnimadiisa ama waayo-aragnimo hore oo dhaawacday kalsoonida naftiisa. ๐Ÿ˜

  1. Superiority Complex

Tani waa xaalada qofku isku arko inuu ka sarreeyo ama ka fiican yahay dadka kale, taasoo ah hab uu ku qariyo kalsooni la'aanta uu gudaha ka dareemayo. Qofka wuxuu muujinayaa kibir iyo isla weyni si uu u iskaga indha tiro dareenka kalsooni darada oo uu ka dareemayo gudahiisa, wuxuu intabadan ku dadaala inuu u xaqiijiyo dadka in uu yahay qof qiimo badan. Marka aad fiiriso, wuxuu dadka kale u arkaa inay ka liitaan ama aanay qiimo lahayn. ๐Ÿ˜’

  1. Imposter Syndrome

Waa xaalad uu qofku ku dareemo inuu yahay qof aan guulihiisa u qalmin, inkastoo uu guulo muuqda ka gaaray nolosha. Qofka nocaan ah wuxuu aaminsan yahay in guulihiisa uu ku gaaray nasiib, ma aaminsana dadaalkiisa ama kartidiisa inuu ku gaaray guulihiisa nololeed, wuxuuna ka cabsadaa in dadka kale ogaadaan inuu beenaale yahay. Dareenkan wuxuu qofka ku qasbaa inuu had iyo jeer naftiisa ku dhaliilo ama uu ku fikiro xittaa qofka inuu isdilo isagoo naftiisa ka dhaadhiciyay in uusan u qalmin guulahan uu gaaray. ๐Ÿ”ฅ

  1. Perfectionism

Dadka qaba perfectionism waxay leeyihiin baahi joogto ah oo ay wax walba ugu dhigayaan habka ugu fiican. Inkasta oo tani ay ka muuqato mid wax ku ool ah, waxay ku saleysan tahay cabsi iyo kalsooni la'aan, sababtoo ah qofku wuxuu ka baqanayaa inuu wax khalad ah sameeyo ama uu ku fashilmo haddii aanu wax walba ku qabsan qaab wanaagsan ama qumman. Waxa ay keentaa daal iyo niyad-jab, qofka nocaan oo kale ah wuxuu intabadan dareemayaa inuusan waligiisa guul gaari doonin. ๐Ÿ˜•

  1. Dependent Personality Disorder (DPD)

Xaalad uu qofku si xad-dhaaf ah ugu tiirsan yahay dadka kale, isagoo aan kalsooni ku qabin awooddiisa iyo kartidiisa. Qofka noocaan ah wuxuu raadiyaa oggolaanshaha iyo taageerada dadka si uu u dareemo xasilooni. Waxaa laga yaabaa inuu ka baqo inuu keligiis go'aan qaato ama uu mas'uuliyad qaato, taasoo keenta in qofku uu dareemo in uusan qiimo laheen, wuxuu intabadan ku tiirsan yahay dadka kale, wuxuu aamin sanyahay haddii aysan dadka caawin inuu go'doon ku jiro, dadka nocaan ah waxeey dareemaan cabsi iyo walaac xad dhaaf-ah oo ay ka qabaan nolosha. ๐Ÿ’ฏ

~ Fikir. Mid kee tahay hadaba adigu akhriste..! ๐Ÿ’โ€โ™‚

โ•ญโ”ˆโ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€
โ•ฐโ”ˆโžค - Zaxiibka nolosha ๐Ÿ‘ค

2ย months, 1ย week ago

7 kor ugu qaad kalsoonida naftaada.

  1. Aqoonsiga Awoodahaaga iyo Daciifnimadaada:

Fahamka awoodahaaga iyo daciifnimadaada waa tallaabo muhiim ah oo kalsooni lagu dhiso, Xoojinta awoodaha aad leedahay waxay kaa caawinaysaa inaad dareento inaad wax qabsan karto, halka aqbalaadda daciifnimadaaduna kuu ogolaaneyso inaad ka shaqeyso hagaajintooda adigoon niyad jabin. ๐Ÿ’โ€โ™‚

  1. Is-barbardhigidda Ka Fogaaw:

Is-barbardhigidda dadka kale waxay dhaawici kartaa kalsoonidaada. Qof walba wuxuu leeyahay jidkiisa iyo waayo aragnimadiisa. Isku day inaad diiradda saarto safarkaaga gaarka ah oo aad qiimeyso horumarkaaga. ๐Ÿ”ฅ

  1. Daryeel Naftaada:

Daryeelka caafimaadka jidhka iyo maskaxda waa mid muhiim ah oo kaalin weyn ka qaata dhisidda kalsoonida, Cunida cunto caafimaad leh, jimicsi joogto ah, iyo nasasho kugu filan waxay jidhkaaga iyo maskaxdaada ka dhigaan kuwo caafimaad qaba, taas oo keeneysa inaad si wanaagsan u dareento naftaada. ๐Ÿง

  1. Horumarka Yaryar Qiimee:

Kalsoonidaada waxay ku kortaa guulaha yaryar ee aad gaarto, Markaad hawl yar qabato ama guul yar gaarto, naftaada ku bogaadi, Tani waxay ku baraysaa inaad u aragto horumarkaaga mid qiimo leh. ๐Ÿคž

  1. Ka Shaqee Fekerkaaga:

Iska daa fikradaha xun ee maskaxdaada ku soo noqnoqda. Markaad dareento inaad naftaada hoos u dhigayso, fikirkaaga bedel oo u jeedi dhinaca waxyaabaha wanaagsan ee aad leedahay, Aaminaad wanaagsan oo aad naftaada ku qabto waxay kaa caawinaysaa inaad waxyaabo badan qabatid. โœ…

  1. Baro Xirfado Cusub:

Barashada wax cusub waxay kuu keenaysaa kalsooni dheeraad ah, Waxay kugu dhiirigelinaysaa inaad ogaato inaad wax cusub samayn karto oo aad horumar gaari karto, xitaa haddii marka hore aad ka baqayso inaad isku daydo. ๐Ÿ‘Œ

  1. Qaado Tallaabooyinka Halis-yar:

Qaadashada tijaabooyin yaryar iyo inaad naftaada ka hor mariso caqabadaha yaryar waxay si dabiici ah u dhisaan kalsoonida, Tallaabo tallaabo ayaad u baran kartaa inaad ku xisaabtanto naftaada oo aad ku kalsoonaato awoodahaaga, Kalsoonida waxay ku timaadaa waayo-aragnimo iyo shaqo joogto ah oo aad naftaada kula yeelato. โœจ๐Ÿ’ฏ

โ•ญโ”ˆโ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€
โ•ฐโ”ˆโžค - Zaxiibka nolosha ๐Ÿ‘ค

2ย months, 1ย week ago

"Hadafkeenu Waa Kobcinta Garaadka Bulshadeena Waxan Halkan Ku Kulminay Kanaalada Ugu Sareeya Uguna wanaagsan Iyo Qaar Kamid Ah Dhalinta Udiyaarsan Sidii Ay Bulshadooda U Dhiirigalin Lahaayen.

Sponsored โฌ‡๏ธ
@QALINKA24
@HOYGAJACAYLKA

5ย months, 1ย week ago

DAWADA DIB-DHIGGA

Dib-dhiggu: waa in aad ku qabanwaydo hawlaha ku sugaya waqtigii aad ugu talagashay adigoo samaysanaya marmarsiyayaal joogto ah. Dib-dhiggu wuxuu ka mid yahay dhaqannada xunxun ee ay waajibka tahay in uu iska daweeyo qofku; sababta oo ah dhaqankani wuxuu saamayn taban ku leeyahay tagtadaadii, taagantaada iyo timaaddadaadaba, haddii aanad hadda ka takhalusinna waxa hubaal ah in aad ku noolaan doonto nolol aan lahayn qorshe iyo qaabtoona. Haddaba, si aad uga adkaato caadadan xun, waxaan kula wadaagi doonaa 10 tallaabo oo aan is leeyahay waad ku maarayn kartaa:

1- Waa in aad aqoon buuxda u leedahay hawla ku sugaya: si uu kuugu suurtaggalo arrinkani waxa muhiim ah in aad soo qaadato qallin iyo waraaq, kaddibna aad diwaangeliso hawlaha ku sugaya oo dhan adiga oo u kala horraysiinaya siday u kala mudan yihiin.

2- Waa in aad qorto muddada aad u dhammaynayso hawl kasta: in aanad qorin xilliyada aad ku qabanayso hawlaha ku sugaya waxa ka dhasha isku dhexyaac iyo qorshe xumo. Tusaale ahaan shaqo aad ku qaban karto saacad, haddii ay kaa qaadatao laba ama saddex saac, waqti badan baa kaa lumay!

3- Shaqo kasta waa in aad bilawdo xilligii aad u muddaysay: qodobkani saddex faaโ€™iido ayuu kuu leeyahay:
B- in aad ku shaqayso firfircooni iyo dedaal.
T- in aad ku dhammayso waqtigii aad u qorshaysay shaqada!
J- markaad gudato waajibkii ku saarnaa waxa kuu soo hadhay waqti aad ku nasato ama aad ku qabsato hawlahaaga kale.

4- In aanad sugin waqtiga munaasibka ah: ma jiro wax la yidhaahdo waqti munaasibii, xilliga ugu wanaagsan ee aad ku qaban karto shaqada ku sugaysaana waa daqiiqadda aad joogto ee ka faaโ€™iidayso!

5- Waa in aad leedahaya dhaqanka ka goโ€™naashaha: sidaynu wada og nahay daqiiqadda aad gudagasho hawsha ku sugaysa ayay kugu soo baxayaan tobannaan arrimood oo ku mashquulinaya. Sidaas awgeed waxaa loo baahan yahay in aad dhexda xidhato oo aad awooddaada oo dhan iskugu geyso waajibka ku sugaya.

6- Waa in aad kala qaybqaybiso hawlahaaga: qodobkani wuxuu kuu sahlayaa in aanad naftaada saarin culaysyo ka awood badan, isla jeerkaasna aanad muddo kooban ku hanjabin. Metelan shaqada aad hayso haddii aad ugu talagashay bil, ku jaangoo afarteeda toddobaad.

7- Iska jir ka noqnoqoshada iyo warwareegga: dad badan baa markay doonaan in ay bilaabaan shaqo aan lahayn ku-dhac iyo geesinimo. Waxaa muhiim ah in aad yeelato ku-dhac oo aad hore ka bilawdo shaqada ku sugaysa!

8- Mar kasta ha sugun natiijo sare: insaanka waxa lagu abuuray dhaqanka degdegga, waxaanu jecel yahay in uu muddo kooban ku gaadho guulo lama filaan ah, waana wax aan dhacayn. Sidaas awgeed sabraa sadkii hela, ee waxa lagaa doonayaa dulqaad badan.

9- Abaalmari naftaada maalinkay guulaysato: in aad u samayso nafta dhiirrigelin iyo abaalmarin waxay kaa caawinaysaa in aad muddo kooban ku qabato hawlaha ku sugaya. Waxyaabaha aad u samayn karto nafta waxa ka mid: dalxiis gaaban, shay aad jeceshahay oo aad soo iibsato iyo nasasho gaaban.

10- Xakamee naftaada: goobta rag is dhaafisay waa halkan, dadkuna waa laba mid uun: qof naftiisa ka adkaaday oo guulaystay if iyo aakhiraba iyo mid ay hoggaamisay oo halaagsamay labada daaroodba! Tusaale ahaan: mushkiladda ugu weyn ee kaa hortaagan horumarka iyo waxqabsigu haddii ay tahay dhafarka, waa in aad ka joojiso naftaada oo aad hore u seexato.

Gunta iyo gunaanadka: laylinta naftu waxay u baahan tahay dedaal, ka goโ€™naan dhab ah iyo adkaysi badan; sidaas darteed waxaan kula dardaarmaya naftayda iyo nafihiinnaba in aynu ka shaqayno sidii aynu uga adkaan lahayn hawda nafteenna oo ah cadowga kowaad ee inaga hortaagan horumar oo dhan.

5ย months, 1ย week ago

"Hadafkeenu Waa Kobcinta Garaadka Bulshadeena Waxan Halkan Ku Kulminay Kanaalada Ugu Sareeya Uguna wanaagsan Iyo Qaar Kamid Ah Dhalinta Udiyaarsan Sidii Ay Bulshadooda U Dhiirigalin Lahaayen, Nagu Soo Biir Kama Qoomameyn Doontid.

Sponsored โฌ‡๏ธ
@QALINKA24
@HOYGAJACAYLKA
@WADNOJACAYL

5ย months, 1ย week ago

"ma jiro wax la dhaho wakhtigii ayaa iga dhacay saan u bilaabo hagaajinta naftayda, man jiro wakhti gaara oo lagu gaadho sarreynta hadiiba qalbigaagu garaamacayo (yacnii aad nooshahay) waxaad haystaa fursad..!"โœจโค๏ธ

ู„ุง ูŠูˆุฌุฏ ู…ุง ูŠุณู…ู‰ ูˆู‚ุชู‹ุง ู…ุชุฃุฎุฑุง ูƒูŠ ุชุจุฏุฃ ููŠ ุชุญุณูŠู† ู†ูุณูƒ ูˆู„ุง ูŠูˆุฌุฏ ู…ู† ู…ุญุฏุฏ ู„ู„ูˆุตูˆู„ ู„ู„ุฃูุถู„ุŒ ุทุงู„ู…ุง ู‚ู„ุจูƒ ู…ุงุฒุงู„ ูŠู†ุจุถ ุŸ ุงุฐุง ู„ุฏูŠูƒ ูุฑุตุฉ .....โœจโค๏ธ

7ย months, 3ย weeks ago

??????????? ?? ?????? ?????.! ?

  1. Haddii aad tahay qof hadal badan, oo aan xakameyn karin afkiisa, dadka hadli kara, laakiin aamuska iyo degganaanta jeceli, waxa ay kuula muuqanayaan kuwo isla weyn. ?

2 Haddii aadan aheyn qof kalsooni leh, oo u dhaqmi kara si dadnimo, dadka kalsoonida leh, ee cadkooda dhacsadaa, waxa ay kuula muuqanayaan kuwo mudan in laga cabsado (aggressive). ?

  1. Haddii aadan aqoon sida loo sheego waxa aad ku fiican tahay, dadka aftahannada ah, ee naftooda sharrixi karaa, waxa ay kuula muuqanayaan kuwo faan badan. ?

  2. Haddii aadan naftaada ku mashquulin karin wax dani ugu jirto, dadka arrimohooda ku fooggani waxa ay kuula muuqanayaan daneystayaal. ?

  3. Haddii aadan aqoon sida loo yeesho xuduudo bini aadamka lagula macaamilo, dadka xuduudaha lihi waxa ay kuula muuqanayaan kuwo qalafsan, oo dabeecad xun. ?

  4. Haddii aad tahay qof naftiisu la hooseyso, oo gudaha ka dareemaya qiime la'aan, dadka aadan mar walba heli karin ee mashquulka badani, waxa ay kuula muuqanayaan kuwo adiga ku yasaya. ?

  5. Haddii aad qoraalkan akhrido oo aad wax la'aan dhigto, waxa aad iila muuqanaysaa qof aan faham fiicnayn.! ?

โ•ญโ”ˆโ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€โ”€
โ•ฐโ”ˆโžค - Zaxiibka nolosha ?

7ย months, 3ย weeks ago
7ย months, 3ย weeks ago

Dhalin-yaranimaada iyo duqnimadaada hada ayaa go'aamin kartaa , hadii ay dhalin-yarnimaada hagaagsantahay duqnimadaadana way hagaagi

7ย months, 4ย weeks ago

U sheeg naftaada in ay diido dib u dhaca

Usheeg naftaada in ay so wajahi doonaan waqtiyo adag oo aaney hada fahansaneyn

Usheeg naftaaada in ay ahaato mid ay iimaanka iyo diinta ay hogaamiso

U sheeg naftaada in ay dadka oo dhan kula rabin hammigaaga

U sheeg naftaada in wax kasta dadaal lagu gaaro

U sheeg naftaada in aanay jirin wax dib u dhac keeni kara ilaa aad adiga aqbasho dib-u dhacas

Usheeg naftaada in aan aniga kuu sheegay waxa dantada kugu jirto

Naftaydaay wacaneey noqo mid dabacsan si kastoo ay dadka kuu dulmiyaan, ahaaw mid aan is badaleyn ilaa qadarta rabigaaga mooyaane

Dr's riyaaq

We recommend to visit

SABAย GUDDAA WAAN TAANEEF MIIDIYAA GUDDAATU NUUF MALA!

@Abdii_Sabaa

๐Ÿ’ฌNU QUNNAMUUF๐Ÿ’ฌ
@AbdiiSabaaDm

๐ŸŽฏBARNOOTAAF
@abdii_sabaa_university

๐ŸŽฏMARIIF
@Garee_Abdii_Sabaa

Last updated hace 5ย dรญas, 5ย horas

asc ุจุณู€ู€ู€ู€ู€ู€ู€ู€ู€ู€ู€ู€ู… ุงู„ู„ู‡ ุงู„ุฑุญู…ู† ุงู„ุฑุญูŠู€ู€ู€ู€ู€ู€ู€ู€ู€ู€ู€ู€ู…
Ku Dhawaad- 3000 Buug-Somali ayaa ku jira Akhriso oo ilaali xuquuqda Qoraayada leh.
Youtube:
https://shorturl.at/auGJZ
Diclamer:
Cabasho/Buug iyo Su,aal ... La Xidhiidh
@Cabasho_Bot
@Tusmobook

Last updated hace 2ย meses

Somali National Television is the principal public service broadcaster in Somalia.

Headquartered in Mogadishu.

Last updated hace 2ย semanas, 4ย dรญas