Hoyga xikmada

Description
اللهم صلِّ وسلم على سيدنا محمد وعلى آله وأصحابه في الأولين وفي الآخرين، وفي كل وقت وحين، وفي الملأ الأعلى إلى يوم الدين.
Advertising
We recommend to visit

SABA GUDDAA WAAN TAANEEF MIIDIYAA GUDDAATU NUUF MALA!

@Abdii_Sabaa

💬NU QUNNAMUUF💬
@AbdiiSabaaDm

🎯BARNOOTAAF
@abdii_sabaa_university

🎯MARIIF
@Garee_Abdii_Sabaa

Last updated 6 days, 5 hours ago

asc بســــــــــــم الله الرحمن الرحيــــــــــــم
Ku Dhawaad- 3000 Buug-Somali ayaa ku jira Akhriso oo ilaali xuquuqda Qoraayada leh.
Youtube:
https://shorturl.at/auGJZ
Diclamer:
Cabasho/Buug iyo Su,aal ... La Xidhiidh
@Cabasho_Bot
@Tusmobook

Last updated 2 months ago

Somali National Television is the principal public service broadcaster in Somalia.

Headquartered in Mogadishu.

Last updated 2 weeks, 5 days ago

3 months ago

#Dardaaran💎

Hooyo wiilkeed la dardaarmeyso ayaa waxay tiri :
- Hooyo rag nimada la sheegaayo waa akhlaaqda.
Tarbiyadaada iyo akhlaaqdaada waxaa laga fahmi karaa dhaqankaada, ee dhaqankaada wanaaji.

- Hadaad jeceshahay umada inay ii duceeyan? Hakaa muuqato oo ha kaa arkaan diinta iyo akhlaaqdaada.

- kan wayn, kan yar, maskiinka shaqeeyo iyo kan daciifka ah dhamaan ixtiraam, ixtiraamka aad ayaga ixtiraameysid waa midka aad shakhsiyadaada ixtiraameysid.

- Caafimaadka iyo awooda aad ku shaqeysid oo Ilaah ku siiyey ogow waa nicma ee saacad walbo Ilaah u shukri.

- Maku dhihi kari hada shaqey oo daal hadhowdi si aad u irtaaxdid waayo dunida waa meel mashaqo iyo ibtilo ee ma ahan meel loogu talo galay in lagu irtaaxo ee dadaal shaqeey shaqadaada si wanaagsan oo hagar la’aan ah u gudo qof walbo waa hubaal wuxuu ku dadaalo natiijadooda wuu helaa.

- Dadka intaad awoodid saacid, in laguu abaal gudana ha sugin, umada inay kuu abaal gudaan waxaa ka wanaagsan abaal gudka Ilaah.

- Barashada dadka waa khasnad laakin xadkana ha ilaawin wax walbo xad u yeel.

- Dadka guryahooda xurmo ayey leeyihiin si walboo ay qaraabo sokeeye u yihiin ha gelin albaabka adigoon ka amar qaadanin.

- Hadaad gashidna ha fariisanin adigoon fariiso lagu dhihin oo meesha aad fariisan lahaydna laguu tilmaamin.

- Mamnuuc ayuu kaa yahay inaad meel kale ka gashid guriga, hadaad musqul rabootid wareyso.

- Hablaha si edeb ah ula dhaqan, ma anfacaayo qof dumar ah inaad meel kaga hor martid tusaale ahaan albaab la gelaayo ama jaranjaro la koraayo marka hore ayada u baneey ka dib adiga.

- Hablaha ula dhaqan habkaad jeclaan lahayd in loola dhaqmo walaashaa iyo hooyadaa.

- Iska ilaali weligaa qof dumar ah oo aad mas’uul ka tahay inaad iska dhega tirtid mas’uuliyadeeda waayo Ilaah wuxuu yiri

الرجال قوامون على النساء

- Farxadaada cidna haku saleynin oo ha isku kabin, maal haduu yahay waad wayn kartaa, bani’aadam haduu yahayna wuu is bedeli karaa, quluubta bani’aadamka way is bedeshaa, is bar siduu qalbigaaga ugu dhegi lahaa jacaylka Ilaah keliya.

Salaam asxaabta waqtiyadiina ha diin wacnaadaan✍🏽

3 months ago

Malaayga afkiisa xira ayaa
Maqaalin ka badbaado

3 months, 3 weeks ago

Tacab gali naftaada
Bal tijaabi maalmuhu
Waxey talo ku siyaN

7 months, 1 week ago

من عا ش بلا قراءة عاش بحياة واحدة ومن عاش بقراة عاش حياة كثيرة

7 months, 1 week ago

Aayadan waxay ka mid tahay aayadaha dunida micnaheeda oo kooban kuu muujineyso.

فشربوا منه إلا قليلا منهم

Ilaah wuxuu noo sheegay inuu Taaluut yir:

إِنَّ اللَّهَ مُبْتَلِيكُم بِنَهَرٍ فَمَن شَرِبَ مِنْهُ فَلَيْسَ مِنِّي وَمَن لَّمْ يَطْعَمْهُ فَإِنَّهُ مِنِّي إِلَّا مَنِ اغْتَرَفَ غُرْفَةً بِيَدِهِ ۚ فَشَرِبُوا مِنْهُ إِلَّا قَلِيلًا مِّنْهُمْ ۚ

Markay askartii Taaluut ay soo baxeen si ay ula dagaalamaan Jaaluut iyo askartiisa, waxay soo mareen webiga Urdun, Ilaah wuxuu ibtilo uga dhigay askartii inay ka cabin webiga ee ay sii socdaan ilaa ay ka gaaraan fagaaraha dagaalka. Safar asigoo sidiisaba shido badan yahay ayaa hadana midkaas wuxuuba sii ahaa mid dagaal loo socdo yacni ka warama dhibaatada iyo rafaadka ay ku jireen markaasaa Ilaah kusii imtixaanay Subxaanallaah inay biyahaas cabin.

Askartii u badidooda way cabeen aan ka ahayn kuwo yar oo kooban, Taaluut markaas wuu celiyey qaybtii biyaha cabay, waxaa lagu celiyey dhulkey ka yimaadeen awalba askarta tiro yar ayey ahaayen hadana qaybtii amarka Ilaah jebiyey ayaa laga reebay Taaluut waxaa usoo haray oo la socdo xoogaa yar oo dagaal yahano ah, qayb yar ayaa waxaa la dagaalami rabto qayb fara badan oo dagaal yahano ah markay arkeen Jaaluut iyo waxa la socdo tiradooda inta ay la egtahay ayey yiraahden.

قَالُوا لَا طَاقَةَ لَنَا الْيَوْمَ بِجَالُوتَ وَجُنُودِهِ ۚ

Laakin muminiinti Ilaah amarkiisa ku caasinin oo iimaankooda adkaa ayaa yiri.

كَم مِّن فِئَةٍ قَلِيلَةٍ غَلَبَتْ فِئَةً كَثِيرَةً بِإِذْنِ اللَّهِ ۗ وَاللَّهُ مَعَ الصَّابِرِينَ

Natiijadana waxay noqotay group kii dagaal yahanada ee tiradooda yarayd inay ku guulaystaan goobtii oo Jaaluutna meeshii lagu dilay☝?

Marka dunidan waa sida webigaas oo kale umada sidey u badan yihiin way ka wada cabeen aan ka ahayn kuwa yar oo muminiin ah oo Ilaah jeclaystay oo uu badbaadiyey, casri walbana kuwaas yar oo badbaaday ayaa ku nool?

Allaahuma naga mid yeel qaybta yar oo aad dooratay oo aan amarkaada ku caasinin oo jannadaada ku guulaystay??

Qoraalka haduu ku cajabiyey sii gudbi si ajirka aan u wada qaybsano✍?

7 months, 3 weeks ago

Maskaxdaadu yey noqon maqal lagula leeyahay
Lagu furo muftaaxyada
Hadba lagu muraadsado
Magacaagu yuu noqon
Mid xumaan ka marag kaca
Oo mijin qaada ha u dhiman

7 months, 3 weeks ago

Dagaalka ugu wayn ee ruuxu galo waa kan uu naftiisa la galo.

Nafteenu haday hogaanka inoo qabato nolasheena aduun iyo aakhiraba waxay noqotaa shalayto iyo hoog is barkan oon dhammaad yeelan doonin, hadii aynu innagu hogaaminana waxaynu ku naaloon doonaa farxad iyo degaansho.

Riyooyinka aynu leenahay waxaynu gaadhi karnaa maalinta aynu nafsadeena gacanta ku dhigno.

Ogowna ma jirto cid intay inoo timaado inna badalaysa,ama innagaa boodhka ka kici ama habaaskaas baynu dhex jiifi doonaa ilaa wadku inoo yimaado.

إِنَّ اللَّهَ لَا يُغَيِّرُ مَا بِقَوْمٍ حَتَّىٰ يُغَيِّرُوا مَا بِأَنفُسِهِمْ ۗ

" Ilaahayna ma dooriyo wax dad ku suganyahay intay ka doorinayaan waxa naftooda ku sugan".

7 months, 4 weeks ago

Maxamuud Darwiish oo ahaa gabayaagii qaranka Falastiin ayaa jacayl u qaaday haweenay Yu-huu-diyada ah oo u dhalatay Israa’iil. Ayaduna waxay ula baxday magaca Darbish.

Waxaa jiray gabayo badan oo uu u qaaday waxaana kamid ahaa.

"Waan ku jeclahay in kastoo aan qarankaygii dulmiyey, Oo aan illoobay xanuunka magaaladayda iyo silsiladihii cabudhinta".

Dabadeedna wuxuu ogaaday in inantan qalbigiisii qaatayba basaasad moosaad ka tirsan tahay. Markaa buu ku calaacalay. “Rita iyo indhahayga dhexdooda, waxa jira qori”(rifle).

Dabadeed gabaygiisii ​​'Rita iyo Rifle' ayaa gilgilay adduunka oo dhan.

Aduunyadu waa iska imtixaan ninba meel bay u joogtaa cid aad naftaada oo dhan ku aamintay ayaa kugu noqonaysa cid u socota inay naftaba ku dhaafiso.

10 months ago

Anigoo 5 sano jir ah ayay hooyadeen geeriyootay. In kastoo aysan jirin cid buuxin karta booskii hooyo, haddana waxaa kaalintii hooyannimo dhexda u xirtay walaalahey Shukri iyo Zamzam. Waxay nafhur u sameeyeen korinteenna iyo barbaarinteenna. Alle mahaddiisna, dadaalkoodii waa miradhalay oo intii ay soo saareen maanta waa dad waxbartay oo micno iyo miisaan ku dhex leh bulshadooda.

Markii aan kornay ayay abbaayo Zamzam u safartay dalka Sweden, waxayna kaalin weyn ka sii qaadatay nolosheenna iyo waxbarashadeenna. Halka abbaayo Shukrina noo aheyd, welina noo tahay hooyada iyo udubdhexaadka qoyska. Sida ay anaga hooyo noogu tahay ayay sidoo kalena hooyo ugu noqotay carruurteena.

Ilaa maanta oo aan dad waaweyn nahay wuxuu guriga abbaayo Shukri noo yahay saldhig iyo barkulan aan ku soo hiranno. In gurigeedu kaalintaas noogu jiro waxaa isaguna abaal weyn ku leh xaajigeeda, walaalkey Cartan Aadan oo kaalin lixaad leh ka qaatay horumarkeenna.

Wax kasta oo aan ahay iyo heer kasta oo aan gaaray waxaa geedfadhi u ahaa labadaas gabdhooda ee aan dhexdooda ku jiro. Sida ay garbaheyga u taagan yihiin ayay mar kastana noogu garabtaagnaayeen horumarka iyo halganka nolosha. Sababtaas ayay gabdhuhu iigu leeyihiin laxaw iyo dareen gaar ah.

Dhaxalka ugu weyn ee hooyadey naga soo gaaray waa labadaas gabdhood. Abaal aan duugoobeyn oo aanan gudi karin ayay igu leeyihiin. Daryeel iyo jaceyl aan xad iyo shuruud laheyn ayay na siiyeen. Hiil iyo hoo ayay mar kasta nala garabtaagnaayeen. Micnaha iyo dhadhanka walaaltinnimada ayayna ficil ahaan noo tuseen.

Allow u naxariiso hooyadeen oo janatul fardowsa kawaraabi, oo adduun iyo aakhiraba guuleey walaalahey, Shukri iyo Zamzam.❤️❤️

10 months, 2 weeks ago

Ma badbaado baariyow nimey boqoli goobtaayee

We recommend to visit

SABA GUDDAA WAAN TAANEEF MIIDIYAA GUDDAATU NUUF MALA!

@Abdii_Sabaa

💬NU QUNNAMUUF💬
@AbdiiSabaaDm

🎯BARNOOTAAF
@abdii_sabaa_university

🎯MARIIF
@Garee_Abdii_Sabaa

Last updated 6 days, 5 hours ago

asc بســــــــــــم الله الرحمن الرحيــــــــــــم
Ku Dhawaad- 3000 Buug-Somali ayaa ku jira Akhriso oo ilaali xuquuqda Qoraayada leh.
Youtube:
https://shorturl.at/auGJZ
Diclamer:
Cabasho/Buug iyo Su,aal ... La Xidhiidh
@Cabasho_Bot
@Tusmobook

Last updated 2 months ago

Somali National Television is the principal public service broadcaster in Somalia.

Headquartered in Mogadishu.

Last updated 2 weeks, 5 days ago