Ismaaciil abukhaalid2

Description
Kanaalkaan daaci suldaan waa kanaal aad ka heli doontaa wax walba oo ku saabsan arimaha diinta iyo wax kasta oo idin raali geliya

Fadlan kusoo biir :
╭══💜════════ღ❦ღ══╮
@ismaaciil abuukhaalid
╰══ღ❦ღ════════💜══╯
Advertising
We recommend to visit

SABA GUDDAA WAAN TAANEEF MIIDIYAA GUDDAATU NUUF MALA!

@Abdii_Sabaa

💬NU QUNNAMUUF💬
@AbdiiSabaaDm

🎯BARNOOTAAF
@Abdiisabaa

🎯MARIIF
@Garee_Abdii_Sabaa

Last updated 5 days, 18 hours ago

بســــــــــــم الله الرحمن الرحيــــــــــــم
Ku Dhawaad 3000 Buug-Somali
Free Ah
Youtube:
https://shorturl.at/auGJZ
Diclamer:
https://telegra.ph/HA-DEG-DEGIN-AKHRI-11-15
© Somalibooks Pro Inc
- All Rights Reserved-⤵️
@Cabasho_Bot
@Tusmobook

Last updated 2 months ago

Somali National Television is the principal public service broadcaster in Somalia.

Headquartered in Mogadishu.

Last updated 2 months, 2 weeks ago

4 weeks, 1 day ago

Digniino Culus iyo Talo

Digniinta 1aad.

Khalad weyn oo la sameeyay, dhibna ku ah Qur'aanka kariimka. Madbacadda loo yaqaan (Daaru Diiba) ee ku taal Waddada 13 ee Al qazaaz ee Magaalada Qahira, ayaa Daabacday Kitaabka Qur'aanka, waxaana ka muuqdo khalad Madbacadda ah oo aan ku tala gal eheyn, weyna ka cudur Daarteen, ma ahan kitaabada ay daabaceen oo dhan ee waa khalad ku kooban hal daabacaad oo laga yaabo in uu ku soo gaaray. , laakin kitaabadii meela badan ayey gaareen. Fadlan haddii aad aragto ha ku kahsoomin, Ardayda Qura'aanka baraneena yeyna si khalad ah u fahmin.

Waxaa sax ah: Suuradda Anfaal Aayadda 71 aad waa:
في قوله تعالى( وإن يريدوا خيانتك فقد خانوا الله من قبل)

khaladka madbacada ayaa ah:
(وإن يزيدوا خيانتك )

Halkii laga Rabay Xarafka "R" ayaa loo daabacay "Z". Taa oo ah khalad Daabacaadaa, Badalini karo macnaha Aayaada, Bedelkaa oo Gaf ku ah Qowlkii Alle. (F.M:1aad)

Waxaan kaa Codsanayaa Haddii aad aragto Daabacaadaa in aadan ku kahsoomin, Dadkuna aynan ku murmin waa "Z" iyo waa "R" mahadsanid.

Digniinta 2aad

Hilibka Digaaga ee Dibadda laga keeno, ka sokoow Habka loo koriyay iyo Habka loo keeydiyo oo Cuduro halisa laga qaadi karo.
Markii la gowracayay looma Gowricin Habka Islaamku na farayay, kuwa ugu roon ayaa ku doodo in Mashiinka ama Midida lagu gowracay ey ku dul Qoreen Bisinka.( F.S:2-3aad)

FG: Waa iga Talo, Wixii ka khaldan ka sax, wixii ka dhimanna ku dar.

Qore: Yahya Amir

4 weeks, 1 day ago
Ismaaciil abukhaalid2
4 weeks, 1 day ago
Ismaaciil abukhaalid2
1 month ago

"Qofka jecel in Alle qalbiga u furo, xikmadna ku arsaaqo;
Cidladda ha badsado, cuntadana ha yaraysto, laba qolona yaanu raacin (dadka maan-gaabka ah iyo culimada kuwa aan anshaxa iyo caddaalada lahayn)"

الإمام الشافعي رحمه الله تعالى
https://t.me/ismaaciilabdullahi

1 month ago

In Badan Oo Dadka Ka Mid Ah Waxey Sameyaan Acmaal Wanaagsan Oo Ajir Badan Lagu Kasban Karo .......

Lkn Camalkaas Ay Sameeynayaan Waxaa Inta Badan Cuuryaamiya Cudur Halis Ah Oo La Yiraahdo

IS TUS TUS

Allaahumma Kasaar Quluubteena Camal Walba Oo Aan Raali Ahaanshahaada Lagu Sameyn.
https://t.me/ismaaciilabdullahi

1 month ago

Imaam Axmed Ibnu Xanbal ayaa la weydiiyay "sidee ayaa dadka looga ammaan heli karaa?!"

Waxa uu ku war celiyay: "sii iyaga oo ha ka qaadan. Iyagu ha ku dhibaan oo adigu waxba ha u geysan, Hawlahooda la qabo oo ha ku cadaadin in ay adiga hawlahaaga kula qabtaan."

Markaas haddana lagu yidhi: "way adag tahay waayahan in aad sidaas samaysaa!"

Markaasuu yidhi: "roonaan lahaydee haddii aad weliba sidaas kaga nabad gelayso!"

Waxa wax laga xumaado ah saaxiibow, in aynaan imminka dadka ka raadinaynin in dheefno, ee aynnu ka doonaynno in aynnu ka nabad galno uun! aynnu wax ka

In aynnu ka helno xuquuqdeenna ugu yar.
https://t.me/ismaaciilabdullahi

1 month, 3 weeks ago
قال ابن القيم رحمه الله تعالى:

قال ابن القيم رحمه الله تعالى:
(أهل القرآن هم العالمون به، العاملون بما فيه، وإن لم يحفظوه عن ظهر قلب، وأما من حفظه ولم يفهمه، ولم يعمل بما فيه، فليس من أهله، وإن أقام حروفه إقامة السهم).
[زاد المعاد 327/1].

ابن القيم رحمه الله تعالى
wuxuu leeyahay " ahlul quraanku waa kuwa garanaya macaanidiisa, kuna dhaqma, yeysanba xifdisanaanine,
Hadda quraanka ood dareerisaa waxba ugama duwanid kan aanba baran".
https://t.me/abuukhaalid1

2 months, 1 week ago
Samafale ali khadaab bey xertay dowlada …

Samafale ali khadaab bey xertay dowlada somaliya

Wadan waxan joogna hadad run sheegto afka lagu qabanayo ali khadaab waxa lagu heesta maxaad u dhahday wadankeena xur ma ahan.

Alle xoriyadiisa dib ha ugu soo celiyo walalkeen.

https://t.me/abuukhaalid1

2 months, 2 weeks ago

Waxaa la isoo kiciyey iyadoo quraac diyaarineysa, waan quraacday oo labistey iyadana sidoo kale, iskuul ayey ada anigunah hawlahayga shaqo jadwalkayga malinlaha ah ayan raacda, markaan so wada rawaaxno anigu asxabtayd ayan bashaal iyo sheeko la qabsada laakiin iyadu guriga ayey usoo carartey si ay u caawiso Hooyo macaan.

Saacadii qadada baan imid anigoo xaragoonaya markaan dharkii iska bixiyey waxaaba ii diyaarsan cuntadii, waan qadeeyey oo gacmihii dhaqdey anigoo kor u haya labada gacmood baa hooyo tiri "Naayaa aaway istiraashadi gacmo tirkii" wey lasoo carartey aniguna intaan is nadiifiyey baan ka istaagey oo qolkeygii u nasasho tagey.

Galabtii waxaan aaday sheeko iyo shaah cab, laakiin iyadu gurigii bey hagaajineysaa kadibna waxa sugaya casho karis iyo firaashka sariirtii aan kasoo toosay, markaan fiidkii imaado waa casho macaan iyo qol diyaarsan laakiin iyadu howsheedii ma dhamaan weli oo alaab dhaqoow iyo cajiin qasoow baa usii harsan.

Sidii bey ku seexatey iyadoo daalan, maalinta kalenna waa uun isla sidii maanta waxaana usii dheer Jimcada aan fasaxa wada nahey iyada waa u shaqo iyo dhar dhaqoow iyo xataa marti hadey timaado soo dhaweyn, aniga laakiin waa ii farxad iyo ciyaar.

Abaayo macaan waxaad i dareensiisay inaan ahey Boqor ku nool qasrigiisa dunida adigoo waxba igu xujeynin, lacag iga qaadan ama igu abaal sheegan, ma ihi nin gudi kara abaalkaaga laakiin waxaad qasri ku leedahey qalbigeyga waxaana adduunka u necebahey qofkii ku dhiba ama kaa ooysiiya, rabbiyow ku xifdi adiga, adinka iyo guud ahaan Gabdhaha Soomaaliyeed , doqonkii ku gardaroodana ku ciqaab adduun iyo aakhiro oo cibaaro kasoo saaa

Ninkii ay Gabar walaal ah la dhalatey wuu dareemi karaa qiimahooda nacasta mooyaane...

✍️Ismaaciil Cabdulaahi
https://t.me/abuukhaalid1

2 months, 3 weeks ago
Askarta Guantanamo qaarkood intay noo imaaddaan …

Askarta Guantanamo qaarkood intay noo imaaddaan ayay si ixtiraam leh noo salaami jireen , iyagoo odhanaya “Welcome Great Lions”.

Mid kamid ah ayaa maalin i weydiiyay “Sidee Maraykan ugu dhiirateen ? Maraykan oo aduunyaddu u rukuucday sidee idin-ku ugu dhiirateen inaad iska celisaan ?!”

Anigoo aan u jawaabin ayuu intuu isoo eegay igu idhi : “Geesiyadda iyo geed adaygyadda waan ixtiraamayaa cadawgayga haba ahaadaan'e , fulay-ga iyo gocor-kana waan xaqirayaa saxiibadday haba ahaadaan'e . Waan idin ixtiraamaa se waan idin necebahay ”

— Dr Faa'is al Kandari , kadeed kii Guantanamo , safaxadda - 186 , 187 .
https://t.me/abuukhaalid1

We recommend to visit

SABA GUDDAA WAAN TAANEEF MIIDIYAA GUDDAATU NUUF MALA!

@Abdii_Sabaa

💬NU QUNNAMUUF💬
@AbdiiSabaaDm

🎯BARNOOTAAF
@Abdiisabaa

🎯MARIIF
@Garee_Abdii_Sabaa

Last updated 5 days, 18 hours ago

بســــــــــــم الله الرحمن الرحيــــــــــــم
Ku Dhawaad 3000 Buug-Somali
Free Ah
Youtube:
https://shorturl.at/auGJZ
Diclamer:
https://telegra.ph/HA-DEG-DEGIN-AKHRI-11-15
© Somalibooks Pro Inc
- All Rights Reserved-⤵️
@Cabasho_Bot
@Tusmobook

Last updated 2 months ago

Somali National Television is the principal public service broadcaster in Somalia.

Headquartered in Mogadishu.

Last updated 2 months, 2 weeks ago