SABA GUDDAA WAAN TAANEEF MIIDIYAA GUDDAATU NUUF MALA!
@Abdii_Sabaa
💬NU QUNNAMUUF💬
@AbdiiSabaaDm
🎯BARNOOTAAF
@abdii_sabaa_university
🎯MARIIF
@Garee_Abdii_Sabaa
Last updated 4 days, 5 hours ago
asc بســــــــــــم الله الرحمن الرحيــــــــــــم
Ku Dhawaad- 3000 Buug-Somali ayaa ku jira Akhriso oo ilaali xuquuqda Qoraayada leh.
Youtube:
https://shorturl.at/auGJZ
Diclamer:
Cabasho/Buug iyo Su,aal ... La Xidhiidh
@Cabasho_Bot
@Tusmobook
Last updated 2 months ago
Somali National Television is the principal public service broadcaster in Somalia.
Headquartered in Mogadishu.
Last updated 2 weeks, 3 days ago
السلام عليكم ورحمة الله وبركاته
mid kamida mucjisaadka quraanka ee la falgalka jidhka
Maalin ayaa mid kamida dadka gaalada ah (unbelievers) oo ahaa dhakhtar ku takhasusay wadnaha "cardiologists " ayaa wuxuu go'aansadey inuu ogaado oo cilmi baadhis kusameeyo marka uu ugu hooseeyo garaaca wadnaha iyo waxyaabaha saamaynta aadka usareysa kuyeesha , ninkaa doctor ahi wuxuu soo qaadey dhamaan canjaladihii ay ku duubnaayeen codadka kala duwan ee heesaha iyo Musical ah sidoo kale wuxuu soo qaadey gabayo qiiro xanbaarsan
Waxaa uuna dhex maray wadada isaga oo dadka codadkaa ushidaaya kadibna marka uu qofku dhagaysto waxaa uu saarayaa qalab uu kucabiro garaaca wadnaha "heart beat measurements" ninkan diktoorka ahi waxa uu tijaabadan wadey mudo hal usbuuc ah , balse ma uusan gaadhin ujeedkiisii ahaa inuu helo codadka ugu saamaynta badan wadnaha , maalin maalmaha kamida isaga oo meel maraaya oo tijaabadiisii ku guda jira ayaa waxa uu wadada kula kulmay nin muslim ah oo Pakistani ah waxaana uu ku yiri "tijaabadan ayaan mudo wadey balse wali ma aanan gaadhin dantaydii "
Ninkii muslimka ahaa ayaa udhiibay canjalad uu quraan ku duuban yahay waxaana uu kuyiri soo tijaabi , ninkii gaalka ahaa waxa uu canjaladii kuriday isaga oo aan wax wayn u arkayn , maalinkii xigay isaga oo tijaabadii ku guda jira ayuu xasuustay canjaladii uu udhiibay ninka muslimka ahi
Inta uu soo saarey ayuu dadkii ku tijaabiyey waxaana dhacay wax aanu filanayn , dhamaan dadkii uu ku tijaabiyey ayaa garaacii wadnuhu hoos udhigmay ilaa uu kabaqay inuu wadnuhu shaqada joojiyo oo uu kolba bakhtiiyo, waxaana uu halkaasi ku ogaadey xaqiiqada quraanka halkii ayaanu ku islaamay
وصدق الله
" والذين آمنوا وتطمئن قلوبهم بذكر الله ألا بذكر الله تطمئن القلوب "
Wabillahi tawfiiq mahadsanidiin
Culumada Falaka iyo kuwa Fiiskisku waxay maanta isla qaateen Fikradan o dhanaysa in Koonku ku bilaabmay Qaraxaas wayn Bigbang, laakiin Anaka hadii aanu nahay Muslimiin waxaan leenahay: Meesha qarax kamuu dhicin sababtoo ah Qaraxu malaha Nidaam iyo Tartiib uu raaco, waxaynaan ognahay in Koonku maanta leeyahay Qaanuun iyo Nidaam cajiiba oo uu raaco. Sidaa darteed Ilaahay muu odhanin Waan kala qarxinay Samada iyo Dhulka ee wuxuu dhahay waanu kala fujinay taas oo macnaheedu tahay kala fujintaa waxa la socotay Nidaamayn iyo kala hagid cajiiba oo Allah u qorsheeyey in Koonkani maro.
Waxa hadab is waydiin leh Yaa uga warramay NAbi Muxamed (N.N.K.H) arrimahan Basharku dhowaan daahafureen, waxaan leenahay cida uga warrantay waa Allah oo cilmi u leh wixii jiray iyo waxa jiri doonaba. Ilaahay ayaa xumaan iyo nuqsaanba ka dheer oo ka hufan waxaana amaan mudan Nabigeena Muxamed (N.N.K.H) oo ahaa Raxmadii iyo Naxariistii Caalamiinta.
Magaca Allah ayaan ku bilaabaynaa, waxaanan ku sallinaynaa Nabigeenii Muxamed oo ahaa Naxariistii Caalamiinta, waxaanan Ilaahay ka baryeynaa inuu Naxariis iyo Nabadgalyo korkiisa yeelo isaga, ehelkiisii, saxaabadiisii iyo dhammaan muslimiinta raacday jidkiisa toosan.
Waxaan hore uga soo tilmaamnay in Koonkan uu korayo ama uu waasacmayo, arrintaas oo Dadku ogaadeen ama la daahfuray qarnigii ina soo dhaafay, halka Kitaabka Quraanku uu kawarramay 1400 oo sano kahor. Wuxuu Allah ku leeyahay Suurada 51 aad ee Quraanka Suurada Daariyaat, aayada 47 aad.
[وَالسَّمَاءَ بَنَيْنَاهَا بِأَيْدٍ وَإِنَّا لَمُوسِعُونَ ﴿٤٧]
[(47) Samada anakaa ku dhisnay awood (xoog) waanan waasicinaynaa]
Sidaa darteed Bani-aadamku markay ogaadeen in Koonkani waasacmayo ayaa waxay is waydiiyeen Koonkani ma bar bilo ayuu leeyahay? Sababtoo ah wax haduu koro ama uu waasacmo waxa la garan karaa in hadii waqtiga dib loogu noqdo ay walaxdaasi ahayd wax yar oo bar bilow ay ka bilaabmatay leh.Sanadku markuu ahaa 1927 ayaa ninka la dhaho Georges Lemai’tre oo kasoo jeeda wadanka Belgium ayaa markii ugu horeysay qeexay in Koonku ahaa walax qiiqaysa oo gubanaysa, heerkulkeeduna ahaa mid aad u sarreeya, kadibna uu dhacay Qarax wayn oo ay u bixiyeen Culumada Falaku Bigbang Theory.
Ugu horeyn in koonku aha Walax yar oo qiiqaysa waxaa inooga warramay Allah (S.W.T) mudo kabadan 1400 oo sano kahor oo wuxuu Allah ku leeyahay Suurada 41 aad ee Quraanka Suurada Fussilat, aayada 11 aad:-
[ثُمَّ اسْتَوَىٰ إِلَى السَّمَاءِ وَهِيَ دُخَانٌ فَقَالَ لَهَا وَلِلْأَرْضِ ائْتِيَا طَوْعًا أَوْ كَرْهًا قَالَتَا أَتَيْنَا طَائِعِينَ ﴿١١]
[(11) Markaasuu Allah u istiwooday Cirka oo qiiq ah kuna dhahay Cirka iyo Dhulkaba kaalaya idinkoo adeecsan ama idinkoo laydin karhi (qasab) waxay dhaheen waxaan nimid anagoo adeecsan.]
Aayadan waxay inoo tilmaantay in Cirka iyo Dhulkuba ahaayeen Qiiq kolkaasna Rabbigeen ku dhahay: Cirka iyo Dhulkoow kaalaya idnkoo adeecaya ama laydinku qasbayo awaamiirta Allah, waxayna dhaheen: Ilaahayoow, waxaan nimid anagoo adeecsan awaamirtaada. Aayadan mucjida ku jirtaa waxay tahay in Koonku ahaa qiiq, qiiqaasna waa maadadii laga abuuray Koonka xitaa hadda Rabbigeen wuxuu Xidigaha ka abuuraa Qiiqa.
Ta labaad waxay tahay wuxuu Allah sidoo kale inoo tilmaamay in Koonkan ahaa walax yar oo isku taala, kadibna lakala fujiyey oo lakala kaxeeyey. Allah wuxuu ku leeyahay Suurada 21 aad ee Al-anbiyaa aayada 30 11d:
[أَوَلَمْ يَرَ الَّذِينَ كَفَرُوا أَنَّ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضَ كَانَتَا رَتْقًا فَفَتَقْنَاهُمَا ۖ وَجَعَلْنَا مِنَ الْمَاءِ كُلَّ شَيْءٍ حَيٍّ ۖ أَفَلَا يُؤْمِنُونَ ﴿٣٠]
[(30) miyeyna arkayn kuwii Gaaloobay in Samooyinka iyo dhulku ahaayeen kuwo isku dhaggan oona kala Bixinay, kana yeelay Biyaha wax kasta oo Nool ee miyeyna Rumaynayn.]
Allah wuxuu tilmaamay in Koonku ahaa Walax yar oo isku dhagan kadibna lakala fujiyey, waxaynu fiirinaynaa sida ay Culumada Muslimiintu u fasireen aayadan, oo aynu ka faa’idaysanayo in Culamadeenu ahaayeen Dadkii ugu garaadka badnaa Caalamka.
Ibnu Kathiir ( Dhulka iyo cirkuba waxay ahaayeen kuwo isku dhagan ama isku daboolan kadibna Eebe ayaa kala furay, markaasu ka yeelay todobada cir iyo todobada dhulba)
Dabari (isku dhagan waxa loola jeedaa wax dalool ah maysan lahayn oo waxay ahaayeen walxo isku yaal/dhagan, kadibna Eebe ayaa kala qarxiyey oo kala kaxeeyey)
Qurdubi (Samada iyo Dhulku waxay ahaayeen isku hal shay, manaysan jirin samooyin todoba ah iyo dhul todoba ah ee waxa ahaayeen hal mid oo kaliya, lamana odhan way isku dhagdhagsanaayeen ee waxa uu Eebe yidhi way isku dhagsanaayeen, taas macanaheedu yahay waxay ahaayeen isku hal walax oo kaliya, markaasuu Eebe kala kaxeeyey kala durkiyey waxaanu u dhaxaysiiyey hawo)
*✅*Buugii aad wada sugayseen
?Kani waa buug kaa caawinaya sidii aad u ilaalin lahayd caafimaadkaaga misna kaaga digaya waxayaabaha dhaawici kara caafimaadkaaga.
waxa uuna ku siinayaa Talooyin qiimo badan oo aad ku ilaalin karto caafimaadkaaga, waxaana qoray caalimkii waynaa ee ibnu Qayyim RX.
Waxa aan jeclaystay in aan ku turjumo afkeena hooyo.
?Akhri oo caafimaadkaaga ilaasho!
━━━━| ???? ?????? |━━━━
???g??: ➠ 50 Talooyin caafimaad ah
???aa: ➠ Abdullahi Abdirahman Ali
?????: ➠ PDF
?????: ➠ 1.0 MB
?????: ➠ 19
??????: ➠ #3aad ━| @Mucjisoyinka_Quraanka|━**
بِسْمِ اللَّهِ الرَّحْمَٰنِ الرَّحِيمِ
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista.
المصادر والمراجع:
البداية والنهاية، ابن كثير، أبو الفداء إسماعيل بن عمر بن كثير القرشي البصري الدمشقي، طبعة بيت الأفكار.
تاريخ الإسلام ووفيات المشاهير والأعلام، الذهبي، شمس الدين أبو عبد الله محمد بن أحمد بن عثمان بن قَايْماز الذهبي، طبعة دار الغرب الإسلامي.
تاريخ بغداد، الخطيب البغدادي، أبو بكر أحمد بن علي بن ثابت بن أحمد بن مهدي، طبعة دار الغرب الإسلامي.
تاريخ دمشق، ابن عساكر، أبو القاسم علي بن الحسن بن هبة الله المعروف بابن عساكر، طبعة دار الفكر.
تغليق التعليق على صحيح البخاري، ابن حجر العسقلاني، أبو الفضل أحمد بن علي بن محمد بن أحمد بن حجر العسقلاني، طبعة المكتب الإسلامي.
تهذيب الأسماء واللغات، النووي، أبو زكريا محيي الدين يحيى بن شرف النووي، طبعة دار الكتب العلمية، تحميل الكتاب.
تهذيب التهذيب، ابن حجر العسقلاني، أبو الفضل أحمد بن علي بن محمد بن أحمد بن حجر العسقلاني، طبعة دار إحياء التراث العربي، تحميل الكتاب.
Bukhaari isaga oo ka codsacanaya in uu gurigiisa ugu yimaado si uu ugu dhigo labadiisa kitab ee kala ah: الجامع الصحيح” iyo "التاريخ الكبير”
kadibna waxa uu ugu warceliayay: “ Anigu cilmiga ma dulaynayo o dadka guryahooda lama aadaye ee hadad cilmi dontahay iigu kaalay Masaajidka ama gurigayga”
Badhasaabki magaladu intaanu xukun soo saarin waxa u timi farriin uu soo qoray Maxamed Ibnu Yaxyaa Al Duhali,oo u dhignayd sidan: “ Suldaan Bukhaari waxa uu garab maray sunadii Rasuulka” kadibna amiirkii ayaa soo saaray amar ah in uu ka baxo magalada Bukhara.
Amarkaa markii lagu soo rogay waxa uu u socdaalay dhankaas iyo tuulo yar oo lagu magaacabo Khartank,oo kamid ah tuulooyinkii hoos tagi jiray Bukhaara,halkaas ayaanu ku ducaystay waxaanu Eebbe ka duraantay in ay noloshi ku cuslaatay e uu nafta dhaafiyo, isla bishii uu ducaystay ayaanu go'ay Imaamu Bukhaari
Waxaanu geeriyoday habeen sabti ah oo ku beegan Ciidul fidri bisha Shawalna ay tahay kaw,sanadkii 256-kii salad cishe kadib,waxaana lagu tukaday saladii duhur kadib maalinkii ciidda,isaga oo jira 62-sanno.
Eebbe waxa aan u waydiinaynna abalkii uu inoo galay Bukhaari in uu ku abaaliyo.
SABA GUDDAA WAAN TAANEEF MIIDIYAA GUDDAATU NUUF MALA!
@Abdii_Sabaa
💬NU QUNNAMUUF💬
@AbdiiSabaaDm
🎯BARNOOTAAF
@abdii_sabaa_university
🎯MARIIF
@Garee_Abdii_Sabaa
Last updated 4 days, 5 hours ago
asc بســــــــــــم الله الرحمن الرحيــــــــــــم
Ku Dhawaad- 3000 Buug-Somali ayaa ku jira Akhriso oo ilaali xuquuqda Qoraayada leh.
Youtube:
https://shorturl.at/auGJZ
Diclamer:
Cabasho/Buug iyo Su,aal ... La Xidhiidh
@Cabasho_Bot
@Tusmobook
Last updated 2 months ago
Somali National Television is the principal public service broadcaster in Somalia.
Headquartered in Mogadishu.
Last updated 2 weeks, 3 days ago