SABA GUDDAA WAAN TAANEEF MIIDIYAA GUDDAATU NUUF MALA!
@Abdii_Sabaa
💬NU QUNNAMUUF💬
@AbdiiSabaaDm
🎯BARNOOTAAF
@abdii_sabaa_university
🎯MARIIF
@Garee_Abdii_Sabaa
Last updated 6 days, 5 hours ago
asc بســــــــــــم الله الرحمن الرحيــــــــــــم
Ku Dhawaad- 3000 Buug-Somali ayaa ku jira Akhriso oo ilaali xuquuqda Qoraayada leh.
Youtube:
https://shorturl.at/auGJZ
Diclamer:
Cabasho/Buug iyo Su,aal ... La Xidhiidh
@Cabasho_Bot
@Tusmobook
Last updated 2 months ago
Somali National Television is the principal public service broadcaster in Somalia.
Headquartered in Mogadishu.
Last updated 2 weeks, 5 days ago
Magacaaga qoridiisa
Midigtaydu kama daasho
Ma'mataali kari waayo
Meeqaamka sharaftaadda
Allaw yaa wax suureeya
Salka dunida yaadhawra
Iyo seeska jirrideeda
Wacanaa sasaankeedu
Badanaa subaadeedu
Saxanaa hanaankeedu
Allaw yaan sugnaanteeda
Seymiyo urogin duullan
Subax noolba dhiig daata
Xadhig iyo silsilad shiilan
Allaw yaan sinaanteeda
Ku badalin saraar oodan
Iyo seero wiil qeytey
Dadka saaran guudkeeda
Yaan kadhigin sabool qaawan
Iyo soobir ceydh jooga
Erey sami wuxuu gooyo
Allaw yaan ku jarin soodhka
Garashada kadhigo seef
Allaw yaa su'aashaasi
Sida ay u tahey yeela
Xig:- Abwaan Hadraawi.
Waraabaha ama dhurwaaga waxa loo kala qeybiyaa sadex qeybood oo kala ah.
1- Hintifaa :- hintifaagu waa waraabaha usoo dhaca ama ladhaca xoolaha habeenkii.
2- Warma-haalig :- waa waraabaha geela laaya.
3- Ceylacataatir :- waa waraabaha aradka ama qormada laga guuro maqaarka, hargaha iyo lafaha duuga ah ee lagaga tago ruuga.
Magacyada loo kala yaqaano tigaada ama daaqa;
Doog
Naq
Cosob
Ugbaad
Dareemo
Sardi
Dixi
Xarfo
Gargoor
Maadh
Dhuub
Gubato
Baldhoole
Daran
Tigaad
● Gaal iyo islaam uumiyahan, dunida guud jooga.
● Qolo waliba dhaqan gooniya, a yey gaar u leedahaye.
● Inagu guunyo dhaqateynu nahey, guga la eegaa.
Hadalka waxa loo qeybiyaa sadex qeybood
oo kala ah:-
1-mid ku mara :- waa hadalka iskacaadiga ah sida qof aad iska soo horbaxdeen oo ku bariidiyey ama qof aad wada kaftanteenoo kale.
2-mid ku muda :- waa hadalka aflagaadada ah ama hadalka nacfiga leh, tusmo ahaan qof aad nabad ku kala tagteenoo ku af-lagaadeeya oonad kafilaneyn
3-mid ku mira :- waa hadalka dhiilada leh, qof waalid kuu ah ama walaalkaaya geeridiisa laguu sheegey waxa suuro gala inaad kagam'i weydo.
Tuducyo kamida maansooyinka laga tiriyey qiimaha aduunayda
1
●Nin labaatan wiilliyo nimaan wali lamaanaanin
●Lixdan nimey ufooftiyo nimaan leyli raraneynin
●Mar haddaan ninaba laasaney waxa u laacaaya
●Maxaan kaga lulmoodaa adduun lumaya weeyaane
2
●Qabyadeedu waa guun intey gaadho waligeede
●Galab noolba oodeedu waa gudunta loo heyye
●Nin gufeeya mooyee majiro ruux gunaanadey
3
●Aduunyadan hadhbaa lagu masaaley amase hoosiise
●Haddaan heylo mooyee wax kale laga haleeleynin
●Nin habaar qabuunbuu wakhtigu kaga halaabaa .
Gorayadu waxey kamid tahay ugaadha ishinka ah, labkeeda waxa layidhaa; HALDHAA , dhadigana GORAYA-CAWL, halka gorayada yar layidhaa,WIRIILE ama RAANYAR.
Sidoo kale waxa ay gorayadu ilmaheeda dhigtaa meel banaan loona yaqaan GOOF , beedka gorayada waxa layidhaa HALQARAC, intaa waxa dheer kooxda gorayada ah oo layidhaa;GAWAR-GORAYO AH.
Gorayadu waxey kamid tahay ugaadha ay soomaalidu sheekooyinka sheeko xariirda ah ay sameeyeen oo waata layidhaahdo "gorayaa ciyaar timid waxey tidhi lug yara gali, haddii aad ugaratana labadaba iskugu gee."taasoo loogu halqabsado qofka aan go aanka laheyn iyo odhaahda kale ee tidhaa " diin god gal god gorey gal gorey god gal god diin gal " taasoo loogu hal qabsado qofka kuula yimaada waxeynu ku tilmaami karno ila meereyso.
Sidoo kale waxa gorayada laga bartey ciyaarta wiglada, sidoo baalka gorayadu wuxu ahaa astaan qurux, waxa cigaalka sudan jirey boqorada ama garaadada, ninka geesiga ah een dagaal uu galey lagaga guuleysana maduxuu sudhan jirey sidoo garto inuu yahay Dirac iyo dagaal yahan tagey
Maansooyinka lagu sheegey baalka gortayada waxa kamida :-
● baal gorayo waalagu ogaa inuu bidhaamaaye
● maalintuu baarbaratagey waxa bi'iyey miisaane
● bid koley ku tahay sheygii fudud beeso lagu waaye
● boos waxaan jeclaadaba markaan baayacaan nacaye
● wada ba'an bila aadamkaad wada barataaye
Magacyada loo yaqaano odayaasha beelaha utaliya ama hogaan uhaya ee deegaanada soomaalida waxa kamida:-
1. Boqor
2. Sudaan
3. Caaqil
4. Garaad
5. Beel-daaje
6. Malaaq
7. Wabar
8. Islaan
9. Isin
10. Ugaas
SABA GUDDAA WAAN TAANEEF MIIDIYAA GUDDAATU NUUF MALA!
@Abdii_Sabaa
💬NU QUNNAMUUF💬
@AbdiiSabaaDm
🎯BARNOOTAAF
@abdii_sabaa_university
🎯MARIIF
@Garee_Abdii_Sabaa
Last updated 6 days, 5 hours ago
asc بســــــــــــم الله الرحمن الرحيــــــــــــم
Ku Dhawaad- 3000 Buug-Somali ayaa ku jira Akhriso oo ilaali xuquuqda Qoraayada leh.
Youtube:
https://shorturl.at/auGJZ
Diclamer:
Cabasho/Buug iyo Su,aal ... La Xidhiidh
@Cabasho_Bot
@Tusmobook
Last updated 2 months ago
Somali National Television is the principal public service broadcaster in Somalia.
Headquartered in Mogadishu.
Last updated 2 weeks, 5 days ago