🌹Ikraam_karaama🌻

Description
1.bugaagta
2.gorfaynta buugaagta
3.kahadlida arimaha muhiimka u ah bulshadeena iyo diinteena

Fadlan nagu soo biir

5/may/2023

Waxaan doonayaa qaran
Qaran dhaama kii dumay
...gaarriye.
Advertising
We recommend to visit

SABA GUDDAA WAAN TAANEEF MIIDIYAA GUDDAATU NUUF MALA!

@Abdii_Sabaa

💬NU QUNNAMUUF💬
@AbdiiSabaaDm

🎯BARNOOTAAF
@Abdiisabaa

🎯MARIIF
@Garee_Abdii_Sabaa

Last updated 1 day, 16 hours ago

بســــــــــــم الله الرحمن الرحيــــــــــــم
Ku Dhawaad 3000 Buug-Somali
Free Ah
Youtube:
https://shorturl.at/auGJZ
Diclamer:
https://telegra.ph/HA-DEG-DEGIN-AKHRI-11-15
© Somalibooks Pro Inc
- All Rights Reserved-⤵️
@Cabasho_Bot
@Tusmobook

Last updated 2 months ago

Somali National Television is the principal public service broadcaster in Somalia.

Headquartered in Mogadishu.

Last updated 2 months, 2 weeks ago

1 year, 2 months ago
Waxaa halkaan isugu keenay dhamaan kanaalada …

Waxaa halkaan isugu keenay dhamaan kanaalada somalida ugu wanaagsan 🌺

Nagu sobiir oo Naga mid noqo 👥️

1 year, 2 months ago
Halkaan waxaa isugu keenay dhamaan kanaalada …

Halkaan waxaa isugu keenay dhamaan kanaalada somalida ugu wanaagsan🌺

Nagu sobiir oo Naga mid noqo

1 year, 2 months ago

Buuga : horumarinta nafta
Qoraaga buugga:Abuubakar ibraahim.

Nooca buugga : dhiirigelin iyo tusaalayn .

Waa maxay guul?
Guushu waa marka aad gaarti ama aad xaqiijisid shay aad in badan usoo dhibtootay waqtina aad galisay.

Astaamaha dadka guulaystay.

1.  Waqti hore ayey toosaan
2.  Xirfad ayey bartaan
3.  Waxay ubareeraan khataraha
4. Kama xishoodaan waxa ay rabaan
5.  Qorshe ayey dajistaan
6. Waa ay caawimaad badan yihiin
7. Isma dhiibaan

Adigu astaamahaa kore intee leedahay?

Astaamaha dadka guulaystay daraysatay.

  1. Qorshe uma dajisana
  2. Naftooda ma aaminsana
  3. Cashar kama bartaan qaladkii hore
  4. Horay ayey iska dhiibaan
  5. Mar kasta cududaar bay raadsadaan
  6. Dhaqso ayey ku rabaan wax walba.

Adigu maleedahay astaamahan hadaa leedahay waad iska bedeli kartaa ee naftaada dadaal geli.

💐samayso jadwal ku haga .
Hadii aad leedahay jadwal kuhaga waxaa kuu suuragalaysa in aad gaarti hadafyadaada sidoo kale waxaa kaa yaraanaya dayicidii waqtiga 🌺

🍀marna ha dayicin waqtigaaga: qof walba wuxuu haysataa 24 saac qof walbana sida uu uga faaidaysto bay ku xiran tahay waqtigu wuxuu ku jiraa waxyaabaha cajiibkaa ee alle weyne nagu galadaysatay hadaa dayacdi waqtigaaga waxaad dayacday noloshaada 🪻

🔍kuwan waa xirfado aad ku maareyn karto noloshaada📝

Waxaan ognahay samankaan maanta la joogo in uu yahay samankii iyo waqtigii xirfadaha waxaan ognahay maanta in ay nolosheena xirfaduhu muhiim u yihiin waxaan ognahay qofba qofka uu ka xirfad badan yahay in uu ka fursad badan yahay🔎
Xirfadaha aad barankarto si aad noloshaada kor ugu qaado waxaa kamida :
1. Cilad bixinta kumbuyuutarka (computer repair)
2. Graphic design
3. Bare online ah inaad noqoto
4. Photographer
5. Social media manager

Markaa barati xirfad cusub waxaad samayn kartaa laba mid:
1. In aad ku shaqaysati adigoo ugu shaqaynaya shirkadaha waaweyn ama goobaha ganacsiga
2. In aad aas aasati ganacsi kuu gaara oo xirfadaa ku saabsan hadaba waxaan isla fiirinaynaa sida ganacsiga loo bilaabo .🪴

🗓Qodobadaa ganacsiga ka hor samee .

  1. Baaris ku samee suuqa
  2. Qoro qorshaha ganacsiga
  3. Qarash garee ganacsigaaga
    4 . Dooro goobta ganacsigaaaga
    5 . Dooro magaca ganacsigaaga
  4. Diwaan geli ganacsigaaga
  5. Ganacsigaaga u fur akoon banki
  6. Ganacsigaaga meelo aga samee baraha bulshada sida Pages isaga ugaara.

W/Q: ikraam karaamo (21)

1 year, 2 months ago

Buuga asbuuca🥰waa buug yar oo faaido badan leh.

1 year, 2 months ago
🌹Ikraam_karaama🌻
1 year, 2 months ago
Waxaa halkaan isugu keenay dhamaan kanaalada …

Waxaa halkaan isugu keenay dhamaan kanaalada somalida ugu wanaagsan 🌺

Nagu sobiir oo Naga mid noqo 👥️

1 year, 2 months ago

Buuga xakame .
Qoraaga buuga: Cali M .Diini

Waa Buug cajiiba oo iga yaabiyey wax yar baana kasoo koobay fadlan idinkuna akhrista .
Waxaa cajiiba sheekada shiishada iyo qoraaga kala qabsatay iyo sheekada Ben carson . Buuga ka soo akhriso.
Chanelkeena buu ku jiraa

Is adkaanta .

"Guusha kowaad uguna fiicani waa nafta oo aad ka adkaatid"plato.

"Iska adkaantu waa furaha nolol mug leh hadii la waayana majiri doonto guul waarta" Brian tracy.

"Iska adkaantu waa awooda aad kusamaynaysi waxa ay tahay in aad samaysi goorta ay tahay in aad samaysi jeclow ama ha jeclaane"Elbert hubbard.

Mar uu abwaankeenii weynaa hadraawi ka hadlayey iska adkaanta waxaa uu yiri maansadii sirta nolosha

Waxaan uga socdaa heedhe
Naftu seeto yey waayin
Hana falin sidaa doonto

"Iska adkaantu waa hoyga xoriyada" Aristootal .

Iska adkaantu waxay keentaa farxad halka qofka aan iska adkayn uu kunoolaanayo nolol buuq iyo caloolyow ku dhisan.

Waxaa jira habab ama qaabab badan oo uu qofku naftiisa ku xakamayn karo .

  1. Himilo fog yeelo
  2. Yoolashaada kala jejebi
  3. Naftaada xasuusi marwalba sababta aad yoolkaan u bilowday
  4. Iimahaaga aqoonso
  5. Ka dheerow dadka iyo goobaha jidkaaga kaa weecin kara
  6. Iska hubi saaxiibadaa.

Shan talaabo oo aad iskaga adkaan karti
1. Jooji doonista dhagaraysan (faah faahinta buuga ka akhriso )
2. Joogtee cunto dux leh(faah faahinta buuga ka akhriso)
3. Ha dhihin waqtiga ugu haboon baan lasugayaa
4. Waqti ay naftaadu fasax tahay qorshee
5. Jimicsi samee.

Waxaan ogaaday in aad wax walba ka dhabayn karti hadii aad bixisi qiimaha iska adkaanta aadana weligaa is dhiibin"Brian tracy"

🌹garo ujeedada noloshaada  markii aad garatid ujeedada noloshaada waxay kaaga baahantahay iska adkaan sababtoo guushu kama soo harto iska adkaan.

Siyaabo aad kor ugu qaadi karto awooda doonistaada.

  1. Khilaaweyn(isla faqid)
  2. Hawo geddiska
  3. Jimicsi
  4. Is xasuusasho
  5. Noqo qof xilkas ah oo aan eedayn dadka kale .

Waxyaabaha dila awooda doonista waxaa kamida:
1. Yoolal iska hor imaanaya
2. In aadan aqoon waxa aad rabti
3. Isku kalsoonaan la'aan
4.  Xallin la'aanta tabaalada
5. Is dhiibid
6. Adeegsiga maandooriyaha
7. Isku buuq
8. Hurdo la'aan

Damaca fidnaysan:waa in aad raacdid hawadaada ama samaysi shay aad ogtahay in ay tahay waqti kooban oo raaxaysi ah iyadoo ay kuu qurxinayaan naf iyo shaydaan.

W/Q:ikraam karaamo(20)

1 year, 2 months ago
1 year, 2 months ago
  1. 10 magac
  2. Salaad baa idhaaftay
  3. Dhambaalada Qur'aanka
  4. Dhaymo
  5. Xakame
  6. Maaree waqtigaaga
  7. Maana faay
  8. Habeen kama tagin kuwii hore
  9. Faca koraya
    10 . You can win
  10. Dhaaf welwelka oo bilow nolol cusub
  11. Hano himiladaada

Kuwaan kuwee ka akhrisay kuwaase jeclaan lahayd in aan soo galino

W/Q: ikraam karaamo (19)

1 year, 2 months ago

Ma ogtahay:

1-In indhahaagu aysan korayn ama waynaanayn laga bilaabo waqtigaa dhalatay ilaa inta aad jirto hada

  1. In xayawaanka keliya ee afarta jilib leh uu yahay maroodiga

3 -in Salaadii Ugu horeysay ee Nebigu(SCW) uu tukado ay ahayd salaadda duhur.

  1. In  ninkii soo saaray hotmail-ka uu ahaa nin hidiya oo lagu magacaabo :subeeyr bahaatiya

5.In madxafka ugu weyn dunida uu kuyaalo Masar ama(egypt) gaar ahaan magaalada alexsandaria.

  1. In Alle Subxaanahu wa-tacaalaa soo dejiyey (4) kitaab: Sabuur,Furqaan,Injiil, Towraat.

  2. in cayayaanka ama xasharaatka ay leeyihiin (4) Baal marka laga reebo tixsiga.

  3. In xadka ugu dheer aduunka ee kala xadeeyo labo dawlad uu yahay xadka(soohdinta)udhexeeya canada iyo maraykanka.

  4. In xayawaanka gariga loo yaqaan uu dhalo asagoo socda.

  5. In Xeebta dalkeena soomaaliya ay gaarayso dherar ahaan 3333km.

W/Q: ikraam karaama(18)

We recommend to visit

SABA GUDDAA WAAN TAANEEF MIIDIYAA GUDDAATU NUUF MALA!

@Abdii_Sabaa

💬NU QUNNAMUUF💬
@AbdiiSabaaDm

🎯BARNOOTAAF
@Abdiisabaa

🎯MARIIF
@Garee_Abdii_Sabaa

Last updated 1 day, 16 hours ago

بســــــــــــم الله الرحمن الرحيــــــــــــم
Ku Dhawaad 3000 Buug-Somali
Free Ah
Youtube:
https://shorturl.at/auGJZ
Diclamer:
https://telegra.ph/HA-DEG-DEGIN-AKHRI-11-15
© Somalibooks Pro Inc
- All Rights Reserved-⤵️
@Cabasho_Bot
@Tusmobook

Last updated 2 months ago

Somali National Television is the principal public service broadcaster in Somalia.

Headquartered in Mogadishu.

Last updated 2 months, 2 weeks ago