Fasirka riyooyinka

Description
Channelkan waxa aad ka helaysaa taxane ku saabsan fasiiraadda riyooyinka.
Gacmo furan ku soo dhawoow walaal.
Advertising
We recommend to visit

SABA GUDDAA WAAN TAANEEF MIIDIYAA GUDDAATU NUUF MALA!

@Abdii_Sabaa

💬NU QUNNAMUUF💬
@AbdiiSabaaDm

🎯BARNOOTAAF
@Abdiisabaa

🎯MARIIF
@Garee_Abdii_Sabaa

Last updated 3 days, 2 hours ago

https://t.me/joinchat/AAAAAFgrZgMjBcvdBf7YWg

Last updated 1 day, 17 hours ago

بســــــــــــم الله الرحمن الرحيــــــــــــم
Ku Dhawaad 3000 Buug-Somali
Free Ah
Youtube:
https://shorturl.at/auGJZ
Diclamer:
https://telegra.ph/HA-DEG-DEGIN-AKHRI-11-15
© Somalibooks Pro Inc
- All Rights Reserved-⤵️
@Cabasho_Bot
@Tusmobook

Last updated 2 months, 1 week ago

1 year, 6 months ago

JADWALKA UGU FUDUD AKHRINTA QURAANKA BISHA BARAKAYSAN
?*?????              

Habka aad ku dhamayn karto 30-ka juz ee Qura,aanka Bisha Ramadaan (1 mar )
‏-
• Salaada subax kadib :  4 page
• Salaada Duhur kadib :  4 page
• Salaada Casar kadib :  4 page
• Salaada Makhrib kadib :  4 page
• Salaada cishaa'i kadib :  4 page

Habka aad ku dhamayn karto 30-ka juz ee Qura,aanka Bisha Ramadaan ( 2 mar )
‏-
• Salaada subax kadib :  8 page
• Salaada Duhur kadib :  8 page
• Salaada Casar kadib :  8 page
• Salaada Makhrib kadib :  8 page
• Salaada cishaa'i kadib :  8 page

Habka aad ku dhamayn karto 30-ka juz ee Qura,aanka Bisha Ramadaan ( 3 mar )
‏-
• Salaada subax kadib :  12 page
• Salaada Duhur kadib :  12page
• Salaada Casar kadib :  12 page
• Salaada Makhrib kadib :  12 page
• Salaada cishaa'i kadib :  12 page

‏Habka aad ku dhamayn karto 30-ka juz ee Qura,aanka Bisha Ramadaan )5 mar
‏-
• Salaada subax kadib :  20 page
• Salaada Duhur kadib :  20 page
• Salaada Casar kadib :  20 page
• Salaada Makhrib kadib :  20 page
• Salaada cishaa'i kadib :  20 page

Kaliya waxay ubaahantahay Go,aan adag iyo joogtayn*

@murtiile1

1 year, 6 months ago

Fasirka riyooyinka WAAD RIYOOTEE RUNTU WAA MAXAEY.?

1.Riyada hadaa ku riyooto indhha oo kaa dhacay ama adigoo indhoola ah waxaa lagu fasiraa Ciyaalkaaga ayaa geeriyoon doona, ama mid kamida.

  1. Dambaska waxaa lagu fasiraa camalka xun.

3.  Qaraqa waxaa lagu fasiraa Fitnada.

  1. Lulmada ama hurdada ku qabato hadeey ku qabato Amnigaa lagu fasiraa.

5.Geedka waxaa lagu fasiraa kalmada wanaagsan..

  1. Beedka ama ukunta waxaa lagu fasiraa camalaka wanaagsan.

  2. Caanaha waxaa lagu fasiraa Cilmiga.

8.  Riyada qof dumara madoow waxa alagu fasiraa Xanuun.

  1. Roobka waxaa lagu fasiraa Cilmiga.

  2. Guriga waxaa lagu fasiraa Jannada.

  3. Geela waxaa lagu fasiraa cisiga iyo sharafta.

  4. Ariga waxaa lagu fasiraa Barako.

  5. Fardaha waxaa lagu fasiraa Kheyr.

  6. Ayga matagay waxaa lagu fasiraa qofka wuxuu bixiyey dib uso0 ceshty.

  7. Bakheylnimada Halaag ayaa lagu fasiraa.

  8. Timirta iyo Geedka Timirta waxaa lagu fasiraa qofka saalixa ah oo wanaahsan

  9. Dabka waxaa lagu fasiraa Fitnada.

  10. Dhimada qofka waxaa lagu fasiraa Towbada.

  11. Beeraha waxaa lagu fasiraa Camalka qofka wanaagsan.

  12. Hadaa ku riyooto naag madoow oo gaaban adigoo guursanaayo, madowga waxaa lagu fasiraa Xoolaheeda, Gaabnimadana Cimrigeeda.

1 year, 6 months ago

Waa Barnaamijkeenii Waad Riyootee Runtu waa maxaey ?.

  1. Keeg Ama Doolsho Qofka haduu ku riyoodo waxeey calaamad u tahay Farxad Ama inuu Shaqo fiican helaayo Ama Shaqo haduu heysto inuu dalaacaayo.

  2. Guurka qofka haduu ku riyoodo waxeey cakaamad u tahay xaaraanta inuu ka fogaaday qofkaas Guurkiisana soo dhawyahay.

3.Saliida waxaa lagu fasiraa Xoolo xalaal ah waa calaamad Fiican,

  1. Riyada Qashinka. Waa Calaamad wanaagsan Qofkaa ku riyooday haduu faqiir yahay Taajir Ayuu Noqonaa lacag badana ayuu helayaa,

Lkn Qashinka riyo xun waxeey noonee markii Qof taajir ah uu kuriyooday waa faqri-nino

  1. Qofka haduu ku riyoofo asiga oo kaba la'aan ah waa riyooyinka ugu fiican waxeey caalaamad u tahay Taajirnimo
1 year, 7 months ago

Asc walaalaha Ku xiran Page-keena Fasirka Riyooyinka dhamaantood, Marka Xigto Waxaa jiro walalo badan oo luuqa iga soo weydiiye Su'aalo Ku Saabsan Riyada, Waxaan Rabaa Inaan Dulmaro Su'aalaha Ley soo weydiiye iyo wixii dheeri ah aan kudari karo Ku daro.

  1. Computer Ama Kompiyuutar Cullimada waxeey ku fasiraan Inan Ama Naag Hadeey Ku Riyooto waa ninkii Guursan lahaa Naagtana Sidaas si lamid ah, Xaaska waxaa loogu Fasiraa Uurka. Waxaa kale lagu Fasiraa Shaqo qofka raadinayo Uu Helayo. Cilmi waasac ah ayaa kaloo lagu Fasiraa Mid Aduun iyo mid Aakhiro.

  2. QALINKA waxaa lagu fasiraa Qofka Dumarka Uur Ayaa Loogu Fasiraa, Guur Waa Lagu Fasiraa Qofkaan Guursan, Ninkana waxaa loogu Fasiraa Cilmiga Faraha Badan, Iyo Aqoonta.

  3. TALAAKAD, Ama Qaboojiyaha Qofba Siduu U Yaqaano Waxaa Lagu fasiraa Qaadumada Guriga Kashaqeesa Ama gabdha shaqaalaha ah Inaantaan Guursan Waa Xaas, Inaanta Xaaska leh Ilmo,

  4. SAACAD. Waxaa lagu fasiraa balanta qofka sugaayo Ama balan Guur Hanoqoto Balan iskuul uu iska dhaafay inuu ku noqdo Ama Dhaqtar inuu ku noqdo, waxkasto oo balan ku saabsan ayeey noqon kartaa.

Saacada markeey noqoto saacad qaali ah wey kasii wanaagsan tahay.

1 year, 7 months ago

Su’aal :

Malaga danbiyada qoraa miyuu sugayaa qofka danbaabay mudo cayiman si uu utoobad keeno?

Jawaab:

Camalada qofka ibnu aadamka ah waxa qora labada malag ee Ilaahay u xilsaaray, kuwaasoo qoraya khayrka iyo sharkaba. Malaga garabka midig wuxuu qoraa khayrka halka malaga garabka bidixna uu qoro sharka. Waxa jira xadiis Dabaraani soo saaray oo tilmaamaya in malaga garabka bidixeed aanu qorayn danbiga illaa ay kasoo wareegto lix saacadood si qofkii danbaabay u toobad keeno.

ﻋَﻦْ ﺃَﺑِﻲ ﺃُﻣَﺎﻣَﺔَ ، ﻋَﻦْ ﺭَﺳُﻮﻝِ ﺍﻟﻠَّﻪِ – ﺻَﻠَّﻰ ﺍﻟﻠَّﻪُ ﻋَﻠَﻴْﻪِ ﻭَﺳَﻠَّﻢَ – ﻗَﺎﻝَ : ” ﺇِﻥَّ ﺻَﺎﺣِﺐَ ﺍﻟﺸِّﻤَﺎﻝِ ﻟِﻴَﺮْﻓَﻊُ ﺍﻟْﻘَﻠَﻢَ ﺳِﺖَّ ﺳَﺎﻋَﺎﺕٍ ﻋَﻦِ ﺍﻟْﻌَﺒْﺪِ ﺍﻟْﻤُﺴْﻠِﻢِ ﺍﻟْﻤُﺨْﻄِﺊِ ﺃَﻭِ ﺍﻟْﻤُﺴِﻲﺀِ ، ﻓَﺈِﻥْ ﻧَﺪِﻡَ ﻭَﺍﺳْﺘَﻐْﻔَﺮَ ﺍﻟﻠَّﻪَ ﻣِﻨْﻬَﺎ ﺃَﻟْﻘَﺎﻫَﺎ ، ﻭَﺇِﻟَّﺎ ﻛُﺘِﺒَﺖْ ﻭَﺍﺣِﺪَﺓً . ﻭﺍﻟﺤﺪﻳﺚ ﺣﺴﻨﻪ ﺍﻟﺸﻴﺦ ﺍﻷﻟﺒﺎﻧﻲ ﻓﻲ ﺻﺤﻴﺢ ﺍﻟﺠﺎﻣﻊ ﺍﻟﺼﻐﻴﺮ , ﻭﺃﻭﺭﺩﻩ ﺿﻤﻦ ﺍﻟﺴﻠﺴﻠﺔ ﺍﻟﺼﺤﻴﺤﺔ .

Abi Umaama waxa laga wariyey (Ilaahay raali haka ahaadee) inuu kasoo wariyey rasuulkii Ilaahay (scw) inuu yidhi: ” Saaxiibka bidixda (Malaga) wuxuu qalinkiisa sare uga qaadayaa lix saacadood adoonka muslimka ee danbaabay ama gafay, hadii uu ka shalleeyo oo Ilaahay uu danbi dhaaf waydiisto wuu tuurayaa, hadii kalena waxa la qorayaa hal (danbi). [Mucjamka Wayn ee Dabaraani: 7765 ] Xadiiskana waxa taxsiiniyey Albaani [Saxiixu Aljaamic: xadiiska lanbarkiisu yahay 2097 ]

Sida xadiisku tilmaamayo adoonka muslimka ah Ilaahay wuxuu siinayaa fursad lix saacadood (laga yaaba in saacadaheenan ay tahay) si danbigii ama gafkii ka dhacay uu uga toobad keeno, waana mid kamida naxariista Ilaahay ee balaadhan.

1 year, 7 months ago
1 year, 7 months ago

Asc Walaalaha Muslimiinta Meelkasto Aad dunida Kajoogtaan waxaan bilaabeynaa barnaamij ladhaho waad riyootee Runtu waa maxey, wuxuuna Noo noqon doonaa barnaamijyo taxana ah,

Nabiga scs wuxuu ku tilmaamay Riyada ineey tahay Qeyb ka hartay nabi-nimada marka loo qeybiyo 45 qeybood. Waxaa kaloo jiro xadiis dhahaayo 70 markii loo qeybiyo qeyb kamid.

Riyadu waa mid nabiyada ay fasiri jireen Tusaale Nabi Yuusuf.

Fasiraada Riyooyinka waa cilmi dhan oo labarto Cullimada Islaamkana Waxeey Kaqoreen Kitaabo Badan, Sida Ibnu Sirin.

Riyadda 3 Qeybood ayeey ukala baxdaa .

1.Dhibaatooyin iyo argagax wana Riyo Katimid Xaga Sheydaan, Riyadaasna Lama Fasiro.

  1. Riyada Labaad Waa Riyo Qofka Waxa Ugu Danbeeye uu ka Fikaraayo Aheeyd, Ama Waxa Ugu danbeeye uu niyadiisa ku haayey.

  2. Riyo Saalix, Riyada Wanaagsan Waa Bishaaro Katimid Xaga Rabbi, Waa Qeyb kamid 46 Qeybood Markii loo qeybiyo Qeyb kamid ah oo nabi-nimada kamid ah waxaa kaloo jiro Xadiis dhahaayo markii 70 loo qeybiyo qeyb kamid ah, Riyada wanaagsan,

Riyada Saalixa ah Qofka Fasiraayana Waxaa Wanaagsan Dhanka wanaagsan in laga fiiriyo.

1 year, 7 months ago

WAAD RIYOOTEE RUNTU WAA MAXEY ?.

Waa Barmaamij Taxane ah Oo Ku Fasireyno Riyooyinka, Waxaan Isku dayeenaa Inaan Soo Koobno Fasirka Riyada.

  1. Haddii aad ku riyooto JINKA Riyadda Ugu dhaw waa Dab, Cullimadda islaamka Jinka waxeey ku fasireen Dabka, Sababtana Waa Jinka oo laga Abuuray Dabka.
    Ama Mas& Sixir, Qofkaas Oo Sixir loo Smeeyo. Meeshaas waxaa laga dareemayaa Qof Xaasid ah oo Noloshaada Ka xun

  2. Qofka Haduu ku riyooto madaxiisa oo Rooti Ama Furin Usaaran, Waa Irsaaqad Waa Wax wanaagsan, lkn Haddii uu Rootiga madaxiisa saaran Shimbir cunto, Qofkaas Geeridiisa ayaa soo dhaw Ama Cimrigiisa ayaa gawaabsi ah. SHIMBIRTA Waxaa lagu Fasiraa Qofka Oo Ruuxda Ama Nafta Kasii Baxeeyso.

  3. Qofka Haduu ku riyoodo inuu Cunto Cunaayo oo cuntadaas lasocoto Timo Waxeey Cadeeyneysaa Qofkaas in lasixray, Waa In Si Dagdag ah Qofkaas Quraan isku saaro

  4. Qosolka Waxaa Lagu fasiraa, Murugo.
    Waxaa kaloo lagu fasiraa Qosolka Ka fogaanshaha Allaah Iyo Diinka Allaah, Qoslka riyo Fiican Ma ahan.

  5. Oohinta waxaa lagu fasiraa Haddi Ooyintu Bilaa Qeylo noqoto waxaa lagu fasiraa Farxad Iyo Qusuuc, Haddii ooyintu Qeylo iyo baroor lasocoto waxeey cadeyneysaa In qofkas Daalanyahay Ama Jir ahaan Ama Nafsi Ahaan.Haddii Jir ahaan Tahayna Inuu Dhaqtar Tago Haddii Nafsi Tahayna Quraan Isa saaro

1 year, 7 months ago

١٣٦ ﴾

“Kuwa markay falaan Xumaan ama Dulmiyaan Naftooda Xuse Allah, Warsadana Dambi dhaafid dambigooda, wax dambi dhaafana ma jiro Ilaahay mooyee, oon daa’imin (Xumaantay) faleen iyagoona og. (135) Kuwaas Abaalkoodu waa Dambi dhaafka Rabigood iyo Jannooyin ay Dureeri dhexdeeda Wabiyaal iyagoo ku waari dhexdeeda, waxaa Wanaagsan Abaalka kuwa Camal Falay.(136)”
Sidoo kale Xabibka nabi Muxamed (scw) waxay dhaheen:

ﻋﻦ ﺃﺑﻲ ﻫُﺮَﻳْﺮَﺓَ ﻗَﺎﻝَ ﺳَﻤِﻌْﺖُ ﺍﻟﻨَّﺒِﻲَّ ﺻَﻠَّﻰ ﺍﻟﻠَّﻪُ ﻋَﻠَﻴْﻪِ ﻭَﺳَﻠَّﻢَ ﻳﻘﻮﻝ : ‏( ﺇِﻥَّ ﻋَﺒْﺪًﺍ ﺃَﺻَﺎﺏَ ﺫَﻧْﺒًﺎ ﻭَﺭُﺑَّﻤَﺎ ﻗَﺎﻝَ ﺃَﺫْﻧَﺐَ ﺫَﻧْﺒًﺎ ﻓَﻘَﺎﻝَ ﺭَﺏِّ ﺃَﺫْﻧَﺒْﺖُ ﻭَﺭُﺑَّﻤَﺎ ﻗَﺎﻝَ ﺃَﺻَﺒْﺖُ ﻓَﺎﻏْﻔِﺮْ ﻟِﻲ ﻓَﻘَﺎﻝَ ﺭَﺑُّﻪُ ﺃَﻋَﻠِﻢَ ﻋَﺒْﺪِﻱ ﺃَﻥَّ ﻟَﻪُ ﺭَﺑًّﺎ ﻳَﻐْﻔِﺮُ ﺍﻟﺬَّﻧْﺐَ ﻭَﻳَﺄْﺧُﺬُ ﺑِﻪِ ﻏَﻔَﺮْﺕُ ﻟِﻌَﺒْﺪِﻱ ﺛُﻢَّ ﻣَﻜَﺚَ ﻣَﺎ ﺷَﺎﺀَ ﺍﻟﻠَّﻪُ ﺛُﻢَّ ﺃَﺻَﺎﺏَ ﺫَﻧْﺒًﺎ ﺃَﻭْ ﺃَﺫْﻧَﺐَ ﺫَﻧْﺒًﺎ ﻓَﻘَﺎﻝَ ﺭَﺏِّ ﺃَﺫْﻧَﺒْﺖُ ﺃَﻭْ ﺃَﺻَﺒْﺖُ ﺁﺧَﺮَ ﻓَﺎﻏْﻔِﺮْﻩُ ﻓَﻘَﺎﻝَ ﺃَﻋَﻠِﻢَ ﻋَﺒْﺪِﻱ ﺃَﻥَّ ﻟَﻪُ ﺭَﺑًّﺎ ﻳَﻐْﻔِﺮُ ﺍﻟﺬَّﻧْﺐَ ﻭَﻳَﺄْﺧُﺬُ ﺑِﻪِ ﻏَﻔَﺮْﺕُ ﻟِﻌَﺒْﺪِﻱ ﺛُﻢَّ ﻣَﻜَﺚَ ﻣَﺎ ﺷَﺎﺀَ ﺍﻟﻠَّﻪُ ﺛُﻢَّ ﺃَﺫْﻧَﺐَ ﺫَﻧْﺒًﺎ ﻭَﺭُﺑَّﻤَﺎ ﻗَﺎﻝَ ﺃَﺻَﺎﺏَ ﺫَﻧْﺒًﺎ ﻗَﺎﻝَ ﻗَﺎﻝَ ﺭَﺏِّ ﺃَﺻَﺒْﺖُ ﺃَﻭْ ﻗَﺎﻝَ ﺃَﺫْﻧَﺒْﺖُ ﺁﺧَﺮَ ﻓَﺎﻏْﻔِﺮْﻩُ ﻟِﻲ ﻓَﻘَﺎﻝَ ﺃَﻋَﻠِﻢَ ﻋَﺒْﺪِﻱ ﺃَﻥَّ ﻟَﻪُ ﺭَﺑًّﺎ ﻳَﻐْﻔِﺮُ ﺍﻟﺬَّﻧْﺐَ ﻭَﻳَﺄْﺧُﺬُ ﺑِﻪِ ﻏَﻔَﺮْﺕُ ﻟِﻌَﺒْﺪِﻱ ﺛَﻼﺛًﺎ .… ﺍﻟﺤﺪﻳﺚ ‏) ﺭﻭﺍﻩ ﺍﻟﺒﺨﺎﺭﻱ ‏( 7507 ‏) ﻭﻣﺴﻠﻢ ‏( 2758 ‏

1 year, 7 months ago

Hadii adoonku uu kusii adagyahay macsida, taasi shaki la’aan waxay keenaysaa inuu Rabi u cadhoodo adoonkii. Haduu Ilaahay kuu cadhoodana, ogsoonow xitaa danbiyada yaryar ayaa noqonaya danbiyo waaweyn. Tusaale ahaan, hadii aad adigu qof raali ka tahay oo uu qofkaasi la yimaado danbi yar ama Isfahan yar waxba kama soo qaadaysid, oo waa saamaxaysaa ruuxaas, balse hadii aad necebtahayba oo uu yimaado Isfahan yar, xitaa waxaa yar ma xamilaysid. Waa sidaas oo kale, oo danbiyadaas yar yare e isdaba socda hadii aanu ruuxu ka toobad keenin waxay noqonaysaa danbi wayn
.
Sideebaad Ilaahay raali ahaanshihiisa usoo celinaysaa haduu kuu cadhoodo?
Hadii aad danbi gashay oo Ilaahayna kuugu cadhooday danbigaas, waa inaad raadisaa cidii ku furdaamin lahayd! Waayo cida ku badbaadinaysaa? Cidii aad danbiga ka gashay ayaa sidoo kalena ah cida ku badbaadinaysa, waana Allah (swt).
1. Cida aynu macsidiisa la nimaadno waa Ilaahay, hadana isaga ayaa ah ka inaga dhaafaya danbigii iyo macsidii, waana inaynu xagiisa ku cararnaa oon magan galnaa, wuxuu Allah leeyahay:

ﻓَﻔِﺮُّﻭﺍ ﺇِﻟَﻰ ﺍﻟﻠَّـﻪِ ۖ ﺇِﻧِّﻲ ﻟَﻜُﻢ ﻣِّﻨْﻪُ ﻧَﺬِﻳﺮٌ ﻣُّﺒِﻴﻦٌ ﴿٥٠﴾

“ Ee xaga Allaah u carara (toobad keena), waxaana idiin ahay dige cade (muuqda).” [Daariyaat:50 ‏]

  1. Xaga Ilaahay magan gal, magangalyo wayiiso Ilaahay, siduu nabiguba (scw) habeenkasta u waydiisan jiray Ilaahay magangalyo iyo badbaadin:

ﻋَﻦِ ﺍﻟْﺒَﺮَﺍﺀِ ﺑْﻦِ ﻋَﺎﺯِﺏٍ ، ﺭَﺿِﻲَ ﺍﻟﻠَّﻪُ ﻋَﻨْﻬُﻤَﺎ ، ﻗَﺎﻝَ : ﻛَﺎﻥَ ﺭَﺳُﻮﻝُ ﺍﻟﻠَّﻪِ ﺻَﻠَّﻰ ﺍﻟﻠَّﻪُ ﻋَﻠَﻴْﻪِ ﻭَﺳَﻠَّﻢَ ﺇِﺫَﺍ ﺃَﻭَﻯ ﺇِﻟَﻰ ﻓِﺮَﺍﺷِﻪِ ﻗَﺎﻝَ : ” ﺍﻟﻠَّﻬُﻢَّ ﺇِﻧِّﻲ ﺃَﺳْﻠَﻤْﺖُ ﻭَﺟْﻬِﻲَ ﺇِﻟَﻴْﻚَ ، ﻭَﻓَﻮَّﺿْﺖُ ﺃَﻣْﺮِﻱَ ﺇِﻟَﻴْﻚَ ، ﻻ ﻣَﻠْﺠَﺄَ ﻭَﻻ ﻣَﻨْﺠَﺎ ﻣِﻨْﻚَ ﺇِﻻ ﺇِﻟَﻴْﻚَ ، ﺁﻣَﻨْﺖُ ﺑِﻤَﺎ ﺃَﻧْﺰَﻟْﺖَ ﻣِﻦْ ﻛِﺘَﺎﺏٍ ، ﻭَﻣَﺎ ﺃَﺭْﺳَﻠْﺖَ ﻣِﻦْ ﺭَﺳُﻮﻝٍ ” .

“Baraa ibnu Caazib waxa laga wariyey inuu dhahay: wuxuu ahaa Rasuulkii Ilaahay (scw) markuu furaashkiisa u hooyanayo mid dhahay; “Ilaahayow waxaan kuu dhiibay wajigayga, arrinkaygana xagaaga ayaan usoo bandhigay, cid laga magan galo adiga iyo cid lagaga badbaado adiga majiro adiga mooyaane, waxaan rumeeyey wixii aad soo dajisay ee kitaabka ah, iyo wixii aad rasuul soo dirtay” Bukhaari, Fatxulbaari.
3. Camalada fiican la imo, sida sadaqada, quraan akhrinta, samofalka waalidka, wuxuu nabigu (scw) dhahay:

“ ﻋَﻦْ ﺃَﻧَﺲِ ﺑْﻦِ ﻣَﺎﻟِﻚٍ ﻗَﺎﻝَ ﻗَﺎﻝَ ﺭَﺳُﻮﻝُ ﺍﻟﻠَّﻪِ ﺻَﻠَّﻰ ﺍﻟﻠَّﻪُ ﻋَﻠَﻴْﻪِ ﻭَﺳَﻠَّﻢَ ﺇِﻥَّ ﺍﻟﺼَّﺪَﻗَﺔَ ﻟَﺘُﻄْﻔِﺊُ ﻏَﻀَﺐَ ﺍﻟﺮَّﺏِّ ﻭَﺗَﺪْﻓَﻊُ ﻋَﻦْ ﻣِﻴﺘَﺔِ ﺍﻟﺴُّﻮﺀِ ” ﺳﻨﻦ ﺍﻟﺘﺮﻣﺬﻱ ‏» ﻛﺘﺎﺏ ﺍﻟﺰﻛﺎﺓ ﻋﻦ ﺭﺳﻮﻝ ﺍﻟﻠﻪ ﺻﻠﻰ ﺍﻟﻠﻪ ﻋﻠﻴﻪ ﻭﺳﻠﻢ ‏» ﺑﺎﺏ ﻣﺎ ﺟﺎﺀ ﻓﻲ ﻓﻀﻞ ﺍﻟﺼﺪﻗﺔ

”Anas ibnu Maalika waxa laga wariyey inuu yidhi; wuxuu Rasuulkii Ilaahay (scw) yidhi: Sadaqadu waxay damisaa cadhada Rabi, waxayna kaxaysaa xumaanta teeda dhimatay” Tirmadi.

Ilaahay si yar oo fudud ayuu raali noqdaa:

Kaliya adigu u kaalay Ilaahay, wuxuu Rabi raali noqonayaa si dhakhso ah oo fudud, maxaa yeelay Ilaahay waa deeqsi, waa Kariim. Mudo yar gudahood ayuu Ilaahay raali kaaga noqonayaa, oo uu walibana kugu farxayaa toobadaad iyo Alle kacabsigaaga.

Waxaad ilaalinaysa waajibaadka, waxaad raacinaysaa sunanka, ducoyinka iyo wax kasta oo la jeclaysto.

Haka quusanin in Ilaahay raali kaa noqda:
Maxaa yeelay Ilaahay ducada wuu ka aqbalaa xitaa dadka caasiya isaga. Gaar ahaan adoonku haduu Ilaahay usoo laabto oo uu garto inuu leeyahay Rabi danbigiisa dhaafaya. Waxa laga wariyaa nabi Muuse inuu waydiiyey rabigii, rabiyoow maxaad ku tidhaahdaa adoonka kuu rukuucsan? Wuxuu yidhi; waxaan dhahaa; waan ku ajiibay adoonkaygiyoow. Haduu sujuudana maxaad tidhaahdaa? Wuxuu yidhi; waxaan idhaahdaa; waan ku ajiibay adoonkaygiyoow. Haduu ku caasiyo oo uu kuusoo laabtana maxaad tidhaahdaa? Waxan idhaahdaa: waan ku ajiibay adoonkaygoow, waan ku ajiibay adoonkaygoow, waan ku ajiibay adoonkaygoow,… Wuxuu Allah leeyahay (swt):

ﻭَﺍﻟَّﺬِﻳﻦَ ﺇِﺫَﺍ ﻓَﻌَﻠُﻮﺍ ﻓَﺎﺣِﺸَﺔً ﺃَﻭْ ﻇَﻠَﻤُﻮﺍ ﺃَﻧﻔُﺴَﻬُﻢْ ﺫَﻛَﺮُﻭﺍ ﺍﻟﻠَّـﻪَ ﻓَﺎﺳْﺘَﻐْﻔَﺮُﻭﺍ ﻟِﺬُﻧُﻮﺑِﻬِﻢْ ﻭَﻣَﻦ ﻳَﻐْﻔِﺮُ ﺍﻟﺬُّﻧُﻮﺏَ ﺇِﻟَّﺎ ﺍﻟﻠَّـﻪُ ﻭَﻟَﻢْ ﻳُﺼِﺮُّﻭﺍ ﻋَﻠَﻰٰ ﻣَﺎ ﻓَﻌَﻠُﻮﺍ ﻭَﻫُﻢْ ﻳَﻌْﻠَﻤُﻮﻥَ ﴿ ١٣٥ ﴾ ﺃُﻭﻟَـٰﺌِﻚَ ﺟَﺰَﺍﺅُﻫُﻢ ﻣَّﻐْﻔِﺮَﺓٌ ﻣِّﻦ ﺭَّﺑِّﻬِﻢْ ﻭَﺟَﻨَّﺎﺕٌ ﺗَﺠْﺮِﻱ ﻣِﻦ ﺗَﺤْﺘِﻬَﺎ ﺍﻟْﺄَﻧْﻬَﺎﺭُ ﺧَﺎﻟِﺪِﻳﻦَ ﻓِﻴﻬَﺎۚ ﻭَﻧِﻌْﻢَ ﺃَﺟْﺮُ ﺍﻟْﻌَﺎﻣِﻠِﻴﻦَ ﴿

We recommend to visit

SABA GUDDAA WAAN TAANEEF MIIDIYAA GUDDAATU NUUF MALA!

@Abdii_Sabaa

💬NU QUNNAMUUF💬
@AbdiiSabaaDm

🎯BARNOOTAAF
@Abdiisabaa

🎯MARIIF
@Garee_Abdii_Sabaa

Last updated 3 days, 2 hours ago

https://t.me/joinchat/AAAAAFgrZgMjBcvdBf7YWg

Last updated 1 day, 17 hours ago

بســــــــــــم الله الرحمن الرحيــــــــــــم
Ku Dhawaad 3000 Buug-Somali
Free Ah
Youtube:
https://shorturl.at/auGJZ
Diclamer:
https://telegra.ph/HA-DEG-DEGIN-AKHRI-11-15
© Somalibooks Pro Inc
- All Rights Reserved-⤵️
@Cabasho_Bot
@Tusmobook

Last updated 2 months, 1 week ago