Ugbaadka nolosha

Description
"Haku xukumin Mustaqblkaaga Waxa Aad Maanta Tahay, Waxaad Ogaataa In Nebiyada 《CSW》 Ay Ari soo Raaceen Haddana Ay Hogaamiyeen Ummad dhan"

@Ugbaadka nolosha11
Advertising
We recommend to visit

بســــــــــــم الله الرحمن الرحيــــــــــــم
Ku Dhawaad 3000 Buug-Somali
Free Ah
Youtube:
https://shorturl.at/auGJZ
Diclamer:
https://telegra.ph/HA-DEG-DEGIN-AKHRI-11-15
© Somalibooks Pro Inc
- All Rights Reserved-⤵️
@Cabasho_Bot
@Tusmobook

Last updated 1 month, 2 weeks ago

Somali National Television is the principal public service broadcaster in Somalia.

Headquartered in Mogadishu.

Last updated 2 months ago

Kala soco Xikmad iyo Qormooyin Markasta Io Meelkasta.

Last updated 2 months, 2 weeks ago

3 weeks, 5 days ago
5 months, 3 weeks ago

Jadwal fiican oo aad raaci kartid Ramdanka kuna anfici doona.

1: xilli hore seexo habenkasta 10pm
2: waxaad soo kacdaa 3am
3: salatul laylka ama tajidka tuko 3:30am ilaa 4:15am
4: 10 ayadood oo quraanka kamid ah macnahooda baro ugu yaraan 20 daqiiqo, 4:15am ilaa 4:35am  ducayso ilaa 10 daqiiqo oo illhay waxaad rabtid weydiiso 4:35am ilaa 4:45
5: suxuuro 4:45 am ilaa fajriga inta udhaxaysa.
6: markaat saxuurta cuntid kadib isku diyaari salaada subax
7: salaada subax xiligeeda tuko.
8: waxaad aqrisataa adkaarta subaxa ilaa 6am
9: naso ilaa 7am kadibna isku diyaari malintaada xigta .
10: tuko saalatu duxaa ugu yaraan 4 rakcadood 9:00am ilaa 11:30 am.
11:markasta quraanka dhagyso
12: salaada duhur xiligeeda tuko ducaysana ugu yaraan 20 daqiiqo.
13: salaada casar xiligeeda tuko adkaartana akhri iyo quraanka.
14: ku afur markay qoraxdu dhacdo waxaad haysatid kadibna ducayso oo illahy waydiiso wax walba oo aad rabtid intaadan afurin kahor
15: tuko cishaha wakhtigiisa sidoo kalena tuko taraawiixda ilaa 9:00pm
16: taraawiixda kadib 5 daqiiqo waxaad ka fakartaa malintaadu sidey ahayd iyo waxa kuu qabsoomay nafsadaadana waydii suaalahan.
Maxaan sameeyey ? Maxaa isbadal iiga baahan? Maxaan joojiyaa? Iyo maxaan bilaabaa?.

Intaa kadib badi sadaqada  oo caawi dadka baahan
Illhay waxaan ka baryeynaa Ramadanka inuu cafimaad nagu gaarsiiyo. 

□ habka quranka aad ku dhamayn kartid 30ka jus  30malmood

Salaada subax kadib :4bog
Salaada duhur kadib  : 4bog
Salaada casar kadib : 4bog
Salaada maqrib kadib :4 bog
Salaada cishe kadib : 4bog

□Habka aad ku dhamayn kartid 30ka jus 15 bari

Salaada subax 8bog
Salaada duhur 8bog
Salaada casar 8bog
Salaada maqrib 8bog
Salaada cishe 8 bog

□Habka aad ku dhamayn kartid 30ka jus 12 malmood

Salaada subax 10 bog
Salaada duhur 10 bog
Salaada casar 10bog
Salaada maqrib 10 bog
Salaada cishe 10 bog

□Habka aad ku dhmayn kartid 30ka jus 10 malmood

Salada subax 12 bog
Salaada duhur 12 bog
Salaada casar 12 bog
Salaada maqrib 12 bog
Salaada cishe 12 bog

□Qaybataan waxaa loogu talagalay dadka Hankoodu aadka usareeyo waxay ku dhamayn karaan 30ka jus 6 maalmood

Salaada subax 20 bog
Salaada duhur 20bog
Salaada casar 20 bog
Salaada maqrib 20 bog
Salaada cishe 20 bog

Fadlan ku faafi groupyada iyo dadka aad taqaanid sababtoo ah ma ogid ajarka aad kaheli kartid meqo qof ayaa raacaysa taladan aad share gareysey. quraankana dhamaynaysa.

FG&Copy.

5 months, 4 weeks ago

Madasha halagu soo biiro saaxiibbayaal

5 months, 4 weeks ago
1 year ago

Dadkeygii fariinteyda ma idin soo gaartey mise telegram ka maqantihiin😂🤔

1 year ago
Markaad Tareen Si' Qaldan Ufuusho, Daqiiqada …

Markaad Tareen Si' Qaldan Ufuusho, Daqiiqada Ugu Horeysa Isaga Dag, Waayo Marweliba Uu dheeraado Masaafada U soconaayo, Waxaa Kugu Sii adkaanaya Soo Laabashada.

Waxaa Lamid ah Xumaan Hadii Ay Si' Qaldan Kaaga Dhacdo Waxey Doonto Ha ahaate, Kasoo Laabo Hadii Aadse xumaanta Kusii fogaatid Wey Adag Tahy Sida Aad Ugu Soo laabato.

1 year ago

🤝🤝
asalaamu calaykum ,walaalayaal ilaahay ha idinka abaal mariyo dadaalkiina ,ilaahay waxaan ka baryaynaa inuu dunuubteena iyo ka waalidkeen ba dhaafo inaguna hanuuniyo sidii aan ugu shukriyi lahayn aamiin

AYNU NOQONO ADOOMO MAHAD NAQ BADAN.﴿ وَإِذْ تَأَذَّنَ رَبُّكُمْ لَئِن شَكَرْتُمْ لَأَزِيدَنَّكُمْ ۖ وَلَئِن كَفَرْتُمْ إِنَّ عَذَابِي لَشَدِيدٌ﴾
[ إبراهيم: 7]
walaalayaal sidaynu ogsoonahay alle waxuu inaga soo bixiyay umada umadaha ugu qayrka badan,
mida xigta waxuu nagu kamilay diintiisa macaan ee
<<>> waxuu ina siiyay nim cooyin badan siduu quraan kiisa ku sheegayba,
miyaadan arkin in eebahaa samada biyo ka soo dajiyay oo markaas uu galin dhulka iyagoo ka soo burqan dhulka markaasna ku soobixin beer midab keedu kala duwan yahay markaas kadib uu ingagi ood arki isagaoo cawlan kadibna ka yeeli bur bur arintaasna waxay xusuus u'tahay kuwa caqliga leh.
suuratul zumar"

aayadani waxay na tu sinaysaa ama ka hadlaysaa
in alle markuu waraab keeno oo daaq soo baxo
oo daaqii misane dib udhinto yaa soo celinkara oo ale ahayn waa cidna dabcan waa inuusan carab keena uusan ka daalin mahad celinta alle.
runtii aayadaan xikmawayn ayaa ugu sugan kuwa caqliga u'saaxiibka ah waayo waa nimco uu alle ladoonto adoomadiisa tan ugu fiican
waayo hadaad si kastaa qalab wax soo saara u'haysato haduuna alle ku arsaaqin qalab kuma arsaaqi karo fine.
aayadanina waxay leedahay
ruuxa eebe uwaasiciyay laabtiisa islaamka malamidbaa(mid laga daboolay xaqa quluubtiisa)
halaag waxuu u'sugnaaday kuwa ka angagtay quluubtooda xuska eebe(quraanka)
ku waasi waa kuwa baadi cad kusugan.
mathalan qof ayaa aabihiis awoowyadiis dhamaan tood gaalo ahaayeen mana uusan arag meel diin islaam lagu hayo dabeed wuu dhin tay isagoo gaala. waxaana lagu cadaabi gaalnimadiisii.
marka waxay mahad aan la soo koobi karin u sugnaatay allaha naga dhaliyay islaamnimada
marka alaha inaga dhigo kuwii diinta alle ku dhaqma rabina <>
qowl kooduna ahaadaa<<<<لا إلهَ إلاَّ اللَّه وحْدهُ لاَ شَرِيكَ لهُ، لَهُ المُلْكُ، ولَهُ الحمْدُ، وَهُو عَلَى كُلِّ شَيءٍ قَدِيرٌ
استغفر الله وأتوب إليه

،laa ilaaha illa laahu waxdahu laa shariika lah lahul mulku walahul xamdu wahuwa calaa kuli shay in qadiir astaqfiruka wa'atuubu ilayka>>>>>>>
Marwalbo alle u mahad celi oo haka daalin mahadnaqa Alle Swt
❤️
Ayadan ha ilaawin/hilmaamin
🫵**لَئِن شَكَرْتُمْ لَأَزِيدَنَّكُمْ

wal xamdu lillaahi rabil caalamiin>>>>*

1 year ago

Kalmadi Wanaagsaneyd Nabi Yoonis Ee Gaartay Samada .. ilaahayow Waxaan Kugu Sujuuday Meel Aan Weligi Bashar Kugu Sujuudin EeTowbada iga aqbal

Nabi Yuunas Cs waxaa loo diray qoomkiisii inuu hanuunka iyo wadada toosan ee ilaahay ummadihiisa u jeexay uu ku hago .. Muddo dheer ayuu ugu yeerayey Diinta Islaamka iyo wanaaga jidka wanaagsan laakiin qoomkiisu wuxuu ahaa qoom aad uga madax adaygay qaadashada Dacwada uu ugu yeerayo markuu wakhti dheer waday ayuu ku daalay oo ka niyad jabbay.

Wuxuu go’aansaday inuu iskaga tago qoomkan madaxa adag ee uu la dhibaatooday u sheegista dacwada, ugu danbayntii wuu ka dhaqaajiyey qoomkiisii taasoo ahayd qaladka uu galay waayo Allah muu siinin go’aanka uu kaligii qaatay.

Ugu dambayn wuxuu raacay Doon si uu uga tago qoomkiisii, markii doontii shiraacatay oo ay dhex mushaaxday biyihii ayaa waxa ku kacday mawjado waaweyn waxaana doontii ka luntay dheeli tirkii waxaana go’aan lagu gaadhay in la yareeyo culayska saaran doonta waxaana la daadiyey alaabadii laakiin waxaa nasiibdaro noqotay in aanay wali doonto dheeli tirmayn waxaana go’aan lagu gaaray in qof ka mida dadka doonta laga tuuro si dadka kale ee saarani u badbaadaan.

waxaa go’aan noqotay in la qori tuuro oo qofka nasiibkiisu uu ku dhaco doonta laga tuuro waxaana la bilaabay, qori tuurkii wuxuu ku dhacay nabi Yuunas cs laakiin dadkii doonta ayaa yidhi ha lagu celiyo waayo ninkani wuxuu leeyahay haybad ama waji qof wanaagsan. Mar labaad ayaa lagu celiyey nasiib daro se isagii uun bay ku dhacday, mar sadexaad ayaa lagu celiyey

Waxa ay ku dhacaday isla Nabi Yuunas CS waxaana laga tuuray doonidii markiiba waxa qabtay oo liqay Nibiri.
Nabi Yuunus waxa uu galay calooshii Xuudka ama nibiriga, waxa uu umaleeyey inuu geeriyooday, markaasuu dhaqdhaqaajiyey lugihiisa, kadibna waxa uu dareemay inuu noolyahay.

Nabi Yuunus sadex maddow oo isku dhex jira ayuu kusii hoos jiray: Madowga habeenka .. Madowga badda .. Madowga caloosha nibiriga.

isagoo madowyadaa dhexdood ku jira ayuu u sujuuday Allah, Isaga oo leh Ilaahayow waxaan kuugu sujuuday meel aan waligii bashar kuugu sujuudin, ee iga tawbad aqbal.

Waxaana kalmadihii qaaliga ahaa ee uu Allah ku baryey ka mid ahaa (لا إله إلا أنت سبحانك إني كنت من الظالمين).Oo macnaheedu yahay “ALLAH ADIGA AH MOOYEE ALLAH KALE MA JIRO ANIGUNA WAXAAN KA MID AHAY KUWA GEFEY”

Kalmadii wanaagsanayd ayaa sare u kacday, waxayna gaartay samooyinka, kadib waxa maqlay malaa’iktii waxayna yiraahdeen, Rabbiyoow waxaan maqalaynaa cod aanu garanayno balse ka hadlaya meel annagu aananu garanayn.

Ilaahay waxa uu yiri waa adoonkaygii Yuunus oo ku sugan sadex mugdi dhexdood, mugdigii habeenka, mugdigii badda iyo mugdigii Nibiriga dhexdiisa. Malaa’igtii waxay Allah ka dalbadeen inuu koryeelo Nabi Yuunus. Allahna wuxuu u waxyooday kalluunkii inuu sii daayo Yuunus, geeyana xeebta.

Xuudkii ama nibirigii waxa uu ku tuuray xeebtii isaga oo buka, gaajoonaya, oo harraadan sidoo kale qorraxdu ay hayso diirkii oo dhana ka baxay jirkiisa. markaasuu Allah kasoo bixiyey geed la yiraa Yaqdiin xeebtii, markaasuu Nabi Yuunu cunay mirihii geedka, waana hadhsaday sidoo kale waxa u imanaysey maalin kasta Garanuug ama deero, kadibna waxa uu cabi jirey caanaheeda.

Nabi Yuunus (N.N.K.H) waa caafimaaday kadiba waxa la faray inuu ku noqdo qoomkiisii, markuu ku noqday qoomkiisii ayuu la kulmay mucjiso, dhammaantood way8 rumeeyeen waanay soo dhaweeyeen Nabi Yuunus cs.

Haddaba akhriste sheekadan waxa ku jirta aayad duco ah oo haddii aad akhrido dhibkasta Ilaahay kaa qaadayo ا إله إلا أنت سبحانك إني كنت من الظالمين).

Waa duco mustaajabo ah oo hadaad akhrido ilaahayna ku barrido lagaa dulqaadaypo wax kasta oo ku saarnaa.

@Murti_dahson

1 year ago
Qofka saxda ah ayaa had iyo …

Qofka saxda ah ayaa had iyo jeer ku siin doona Nabad iyo Kalsooni.🧡❤️

1 year ago

10 dabeecadood oo kor u qaadaya wax Soo saarkaaga.

  1. Samayso yool cad

Yeello qorshe iyo yool.Amin xadiddan oo lagu gaadhayo arrintaasi.

  1. Kala mudnaanta hawsha.

Ku bilow maalintaada hawlqabad diwaan, una kala horreysii sida ay u kala mudan tahay; ta mudnaanta leh dhammaystir marka hore.

  1. Qorshe iyo nidaam

Qorshee maalintaada, adiga oo ku nidaaminaya hashaada, jadwal iyo diwaan.wixii ayna hawshaadu ka maarmeyn, waa in aannad midba meel ka doonin ama ka raadin.

  1. Yoolasha waaweyn u kala jabi, kuwo yar yar

Yoolasha waaweyni waa kuwo ay adag tahay gaadhidoodu, taasina waa sababta aad u kala jajabinayso. Cad iyo casharba waa la yaryareystaaye, yoolasha marka aad yaryareysto, waxa fududaanaya gaadhidooda.

  1. Maamul wakhtiga.

Qaad farsamooyin wax-ku-ool ah oo aad ku maamulayso amminta sida inaad 25-kii daqiiqaba, marka aad hawsha waddid aad qaadato nasasho, haddana ku soo laabato hawsha haddana....

  1. Tirtir waxa kaa jeedinaya hawsha

Waa inaad meesha ka saartaa, wax kasta Oo hawshaada carqallad ku noqon kara ; iska xidh mobielka; Tag degaan xasiloon.

  1. Qaado nasasho joogto ah

Aad ayay u bilan tahay in mar walba qaadatid nasasho, taasi waa mid ay ku kordhayso waxsoorkaagu.

  1. Daryeelka naftu waa lama huraan.

Waa inay dhaqan kuu ahaato, daryeelka naftu, sida inaad seexato hurdo kugu filan, si aad u hesho tamar. Waa in aad cuntaa cunto nafaqo leh, taasi oo ku dhaxalaiinaysa dareen wacan oo dhanka maskax ahaan iyo jidh ahaanba ah.

  1. Dheelitir nolosha.

Ammintaada oo dhan ha ka dhigin inaad shaqeyso. Waqti Illaahay caabbud. Mar ammin la qaado ehelkaaga ama cidda kale aad jeceshay. Mar kale ammintaada ka dhig, mar aad nasato iyo mar aad jimicsato. Waa iney noloshaadu noqoto mid dhan kasta ka dheeli tiran. Ka ilaali dheeliga.

  1. Jooji qabashada hawlo badan hal mar.

Iska jir. Iska ilaali oo waligaa iska jir, inaad hal mar wada qabatid hawlo badan. Iyada oo hawl kuu socoto, haddana ha ku dhex furin mid kale. Sida Qummani waxa weeyi, mid marka
aad dhammayso midda kale u gudub.

We recommend to visit

بســــــــــــم الله الرحمن الرحيــــــــــــم
Ku Dhawaad 3000 Buug-Somali
Free Ah
Youtube:
https://shorturl.at/auGJZ
Diclamer:
https://telegra.ph/HA-DEG-DEGIN-AKHRI-11-15
© Somalibooks Pro Inc
- All Rights Reserved-⤵️
@Cabasho_Bot
@Tusmobook

Last updated 1 month, 2 weeks ago

Somali National Television is the principal public service broadcaster in Somalia.

Headquartered in Mogadishu.

Last updated 2 months ago

Kala soco Xikmad iyo Qormooyin Markasta Io Meelkasta.

Last updated 2 months, 2 weeks ago