SABA GUDDAA WAAN TAANEEF MIIDIYAA GUDDAATU NUUF MALA!
@Abdii_Sabaa
?NU QUNNAMUUF?
@AbdiiSabaaDm
?BARNOOTAAF
@abdii_sabaa_university
?MARIIF
@Garee_Abdii_Sabaa
Last updated 1 month, 1 week ago
asc بســــــــــــم الله الرحمن الرحيــــــــــــم
Ku Dhawaad- 3000 Buug-Somali ayaa ku jira Akhriso oo ilaali xuquuqda Qoraayada leh.
Youtube:
https://shorturl.at/auGJZ
Diclamer:
Cabasho/Buug iyo Su,aal ... La Xidhiidh
@Cabasho_Bot
@Tusmobook
Last updated 3 months, 2 weeks ago
Somali National Television is the principal public service broadcaster in Somalia.
Headquartered in Mogadishu.
Last updated 2 months ago
"Haddii aanad diyaar u ahayn inaad Aqoon, Xirfado & Cilmi biirsato, cidna kuma caawin karto. Haddiise aad diyaar utahay intaas majirto cid ku joojin kartaa."
Qofna ha ka yeelin in uu kuu sheego in aanad waxba qabsan karin. Xataa naftaada haka dhageysan waxyaabahaas oo kale. Riyadaadu waa hantida ugu weyn ee aad leedahay. Ilaasho oo cidna haka ogolaan in ay dhayalsato. Dadka waxba qabsan waayay ayaa dadka kalena la jecel in ay noqdaan sidooda oo kale. Ha u joojin!!! ?♂️
By: Mohamed Cige
Anigaa qaldamay
Waa qawl nin raga,
Adigaa qummani
Waa qaadashada
Libin qaayo loo
Qabku diiday yidhi.
Garawshe na qof lihi
Kuma qado gartii
Cadli qaayibtee,
Qanacsani laqimo.
W/Q: Yaxye Yeebaash.
Noloshu waxay noqon kartaa mid adag mararka qaarkood, waxaa jira waqtiyo laga yaabo inaad dareento inaysan qiimo lahayn inaad noolaato. Duruufaha nololeed waa kuwa la inoo abuuray in aynnu ku milano taasina ay inna tuseyso in aynnu u baahanahay rabbiga caalamka. Imtixaanka nololeed waxa uu ka turjumaa heerka ku xidhnaanshaha Eebbe wayne.
Joogitaanka silica macnaheedu maaha maqnaanshaha Eebbe, iyada oo loo marayo halganka, xanuunka, taasi waxa ku xiga mid fudud horseedi karta badhaadhe nololeed, ka quusasha la'aanta raxmadda Eebbe waxa abuurtaa iftiin nololeed.
Eebbe weyne wuxuu kuu abuuray ujeedo, wuxuu leeyahay qorshaha noloshaada ah. Inta ay nolol jirto, rejo ayaa jirta. Si kasta oo aad soo martay dhibaato nololeed, waxa mar walba jirta berito ka wanaagsan, maanta noloshaaduna weli macno ayey leedahay. Isku hawlida rumeyta rejada nololeed waxay qeyb ka tahay dedaalka kaga libkeenka abdadaada.
Mu'minka waa mid aan daciifin, rabbigii ku xidhan yahay, quus iyo cabsina aysan laabtiisa harqinin, mu'minka waa mid quwad leh, Alle jecel yahay.
Qore: Indha_caad
Haddii ay jirto gabadh walaashaa ah oo kortay, had iyo jeer hubi xaalkeeda. Sii lacagta aad awoodo si ay ugu iibsato suufka, dharka hoosta laga xidho, iyo laga yaabee alaabta gaar iyada u ah. Dumarku weligood waxyaalahan nama weyddiistaan, laakiin si dhab ah ayay ugu baahan yihiin. Haddii aadan dhug u yeelan Waxaa laga yaabaa in ay wax weydiiyaan dadka khaldan.
Haddii aad leedahay saaxiibo arday ah, wac mararka qaarkood oo hubi xaalkooda. Haddii aad haysato lacag, fadlan qayb sii. Nolosha ardaynimadu mararka qaarkood aad bay u adkaataa. Tilmaamahaaga naxariista leh ee aad u muujiso waxay wax badan ka tari doontaa inay xariiq wanaagsan sii haystaan.
haddii aad leedahay saaxiibo hadda shaqo la'aan ah, ugu wac mararka qaarkood si wadajir ah. Markaad timaha xiiranayso ha kula soo xiirtaaan, markaad shaah soo cabeyso ha kula soo qaxweeyaan, markaad dhar soo gadanaysid ha ku raacaan. Fadlan ka dhig noloshooda mid fudud.
Markaad lacag ku shubanayso taleefankaaga, ugu shub kooda sidoo kale. Waxa laga yaabaa in aanay adiga waxba kuu ahayn, laakiin waxa hubaal ah in ay macno weyn ugu fadhido qof aan shaqayn . Saaxiibadaas Naftoodu uma oggolaanayso inay ku weyddiistaan.
Marka saaxiibadaa ay ganacsi galayaan, mas'uuliyad qaad oo taageer xitaa marka ay la macno tahay in aad wax yar ku darsato, fadlan samee. Wax badan kuguma kacayso.
Mararka qaarkood, saaxiibadeena, asxaabteena iyo qoyskeenu, waxay maraan wax badan laakiin kuma dhacaan inay noo sheegaan.
Fadlan maanta gacan gargaar sii.
Share??
Jacaylka iyo Naxariistu ha guuleystaan.
Qore: cabdiraxmaan fiili.
" Cadawg ugu weyn ee Islaamku waa muslimka jaahilka ah, kaas oo xanaaqiisa iyo xamaasadiisa ku samaynaya, falal sumcad daro u soo jiidaya Islaamka, Dadka kalena marka ay arkaan waxa ay moodayaan inuu islaamku yahay isaga oo kale! "
Sh Axmed diidaat Aun.
999 Xikmadood
Halkan ku soo biir
Markii aan yareeyn haddii Qof qaraaba oo marti ahi ay magaala kale nooga yimaado, oo Qolka Martida aan geeyno. Waxa ugu horeeyo oo uu na weeydiiyo waxa ay aheyd Qibladu xageey naga xigtaa, madama ay magaalada ku cusub yahay.
Maanta Haddii Annaga ay marti noo timaad, waxa ugu horeeyo oo ay Caruurteen weeydiinayaan waa WiFiga passwordkisi.
Tolow martidi miyay is badashay ??
SABA GUDDAA WAAN TAANEEF MIIDIYAA GUDDAATU NUUF MALA!
@Abdii_Sabaa
?NU QUNNAMUUF?
@AbdiiSabaaDm
?BARNOOTAAF
@abdii_sabaa_university
?MARIIF
@Garee_Abdii_Sabaa
Last updated 1 month, 1 week ago
asc بســــــــــــم الله الرحمن الرحيــــــــــــم
Ku Dhawaad- 3000 Buug-Somali ayaa ku jira Akhriso oo ilaali xuquuqda Qoraayada leh.
Youtube:
https://shorturl.at/auGJZ
Diclamer:
Cabasho/Buug iyo Su,aal ... La Xidhiidh
@Cabasho_Bot
@Tusmobook
Last updated 3 months, 2 weeks ago
Somali National Television is the principal public service broadcaster in Somalia.
Headquartered in Mogadishu.
Last updated 2 months ago