News and announcements of the library. No books here.
🇨🇳Official Chinese channel: t.me/zlib_china_official
🌐 https://z-library.sk
https://en.wikipedia.org/wiki/Z-Library
🐦 https://twitter.com/Z_Lib_official
🐘 https://mastodon.social/@Z_Lib_official
Last updated 5 месяцев, 3 недели назад
Intel slava is a Russian News aggregator who covers Conflicts/Geopolitics and urgent news from around the world.
For paid promotions and feedback contact us at: @CEOofBelarus
Last updated 13 часов назад
💫Welcome to the best book channel of Telegram.
✨Buy ads: https://telega.io/c/BooksHub25
✨Contact admin ➠ @Bookshub_contact_bot
✨ Copyright Disclaimer➠ https://telegra.ph/LEGAL-COPYRIGHT-DISCLAIMER-09-18
Nolosha waxaa ka buuxa isbeddello iyo gadgaddoon ka dhigaya halbeegyada bulsheed iyo kuwa akhlaaqeedba wax aan xasilloonayn. Waxaa dhacda in mararka qaar la yaso geesiyada, halka fulayadana lagu huwiyo haybada libaaxa. Waxaa la arkaa in jahligu aaso xujada aftahanka iyo xaqa muuqda, iyadoo la xiiseeyo macno-darrada kuwa maanka ka gaajaysan. Waxaa sare u kaca qiimaha kuwa iyo waxa liita, halka uu hoos u dhaco xiisaha loo qabo dadka leh sifooyinka wanaagsan. Marka ay halbeegyado dhanka taban isu rogaan, xumaanta ayaa wanaag noqota, wanaaguna wuxuu u sawirmaa ceeb iyo xumaan.
Si kastood u saxan tahay qofka kalena u khaldan yahay si walba ood u hanuunsan tahay qofka kalena u lunsan yahay dhaqanka suubban baa wax kasta ka horreeya. Tuug ayaa habeen usoo dhacay guriga maalik binu diinaar, nasiib xumo kama helin wuxuu qaato laakiin maalik
ayaa u dhawaaqay oo ku dhahay kamaad helin shay adduunyada wax kuu tara ee ma u baahan tahay wax aakhiradaada ku anfaca? Tuuggii ayaa dhahay haa, Maalik ayaa ku dhahay markaa soo waysayso oo tuko laba rakcadood tuuggii sidii ayuu sameeyay wax yar ayuu sii fadhiyay kadibna masjidka ayee isku raaceen maalik oo la waydiiyay ninkani waa kuma? ayaa dhahay si uu ii xado ayuu u yimid balse anigaa xaday!
ادع إلى سبيل ربك بالحكمة والمو عظة الحسنة
Jidka rabbigaa ugu baaq dadka, Habka iyo hannaanka ay ku dheehan yihiin xikmad.
Qalbijabkeennii iyo isa sagtootinteennii ka dib, marna qalbigu ma ku daqnaday? Ma dareentay in kalataggu uusan marnaba ka fiicnayn wadajooggii xanaaqa iyo qosolku ay ku midaysnaayeen? Ma filaysaa in murankeennii, dagaalkeennii, heshiiskeennii, isfahankeennii iyo jaqjaqdeenniiba ay ka macaan yihiin aammuskeenna ama la sheekaysigeenna dad kale oo aan qalbiyadeenna ku jirin? Ma kula tahay in dulqaadka oo qur ah ay noloshuba ku socon karto? Anigu sidaa ayaan u arkaa, adna waad u aragtaa balse sidayda geesiyad uma tihid!
Gacalisadaydii horaay, waan kuu hiloobay!
-Unknown
تِلْكَ ٱلدَّارُ ٱلْآخِرَةُ نَجْعَلُهَا لِلَّذِينَ لَا يُرِيدُونَ عُلُوًّا فِى ٱلْأَرْضِ وَلَا فَسَادًا ۚ وَٱلْعَٰقِبَةُ لِلْمُتَّقِينَ
Nimcooyinka aakhiro waxaa nasiib u yeeshay kuwa aan dhulka ilaahey ku samayn qooq iyo kibirtoonna, aayaha wanaagsanna wuxuu u ahaaday kuwa xumaanta ka dhawrsada.
▁ ▂ ▄ ▅ ▆ ▇ █ - █ ▇ ▆ ▅ ▄ ▂
?KOOXDA MIDNIMO?
Halkaan waxaa isugu keenay?
Kanaalada somalida ugu wanaagsan
Uguna tayada sareeyo si aad waxbadan uga faa'iido kubiir.⬇️
@Caashaq15
@Qalpijaceyl42 ??
@Lamaane24h ??
@Qalbitabat14 ❤️?
@Riyooyinkeena56?
@NAFTEENNA1
Halkaan ka iibso kanaalo iib ah oo lacagtu ufuran tahay.?
@Ibraahim25
⬇️KU BIIR ⬇️
https://t.me/addlist/EhHdrPs1dy4yOTM0
Telegram
MIDNIMO
Gud Kooxda Midnimo invites you to add the folder “MIDNIMO”, which includes 98 chats.
"Hadaad rabto in dadka caqligooda uu ku aqbalo waxaa ka horeeso inaad qalbigooda furatid, qofkaad qalbigiisa furi kari waysid; caqligiisa ma furi kartid, qalbiga maxaa lagu furtaa, al-xanaan, wal-xub, wal-kallimah al-dayibah ( ilaalin, jaceyl, hadal wanaagsan)"
Macalinka soomaaliyeed sheekh mustafe x. Ismaaciil aw-haaruun. Alle ha xafido.
اللَّهُمَّ صَلِّ وَسَلِّمْ وَبَارِكْ على نَبِيِّنَا مُحمَّد.❤️
.
Akhrinta quraanku waa mid kamid ah caadooyinka ugu wanagsan ey tahay in qofku joogteeyo kuna darsado jadwalkiisa maalinlaha ah marka laga imaado abaalmarinta u leeyahay akhriska quraanku waxa inoo dheer inuu abuuro kalsooni ruuxeed iyo dagaanansho nafsaded, suuradaha quraanka intoda badan waxa ku xidhan abaalmarino kala duwan tusaale
Akhrinta surada al-mulk intadan seexan kahor waxay inaga ilaalisa cadaabul qabriga suradan waxay ka koobantahay 30 aayadod kaliya waxay kugu qaadan wax aan toban daqiiqo ka badnayn akhrinteedu, sidas si lamid ah akhrinta surada Al-Ikhlas saddex mar waxay la micno tahay inad hal mar dhammaysey akhrinta quraanka oo idil, waxa kalo nabigu(scw) inoo sheegay in qofka akhriya surada Al-Kahf maalinka jimcaha uu yeelan doono nuur ka iftiima tan iyo jimcaha xiga, dabcan iyo surado kale oo badan oo abaalmarino kale ku xidhanyihiin sida Al-Baqara oo kale.
Waxa iyana muhiim ah in xitaa qofku haduu garanayn tafsiirka uu isku dayo barashadiisa iyo inuu kolba surada uu maalinkas akhrinayo ugu yaraan badh ka fahmo fariimaha ay sido tusaale markaynu akhrinayno surada Ar-Rahman waxay ina so xasuusisa naxariista iyo nimcooyinka illahey(swt) nolasheena ku galadey taas oo hadad si qoto dheer u fahano kordhinaysa iimaankeena iyo kalsoonida aan illahey ku qabno
Waxan rajaynayaa in illahey inoo fudaydiyo caadooyinka inoo dhaweeynaya, inaguna noqono kuwa ku dadaala kasbashada caadoyinkas hadey tahay akhriska quraanka,bixinta sadaqada,xidhiidhinta ehelka,salada, is caawinta iyo wixi la mid ahba .
Ha quusan oo Ducadaada iyo Alla barigaaga ku cadgooso
-Siduu ku quusanayaa qof aqrinaya وَلَمْ أكُن بدُعائكَ ربِّ شقِيّا" oo hubsaday in qofka Rabbi barya uusan waligii hoogayn
-waxaa la sheegaa Nabi Nuux markii qoomkisa dhibayn uu ilaah waydiistay in looga hiiliyo…ay qaadatay 40 sanno kadib in looga hiiliyay oo la halaagay qoomkisa.
Haba so daahdee aqbalitaanka balse baryada Rabbi kuma hoogaysid.
?Arooya Suuban ?
Samo Beer
__________
Waqtigu wuu Soconayaa Waayuhuna Way Gedgedoomayaan Noloshu Waa Sida Dagaalka oo waa Maalin Ad Leedahy Iyo Maalin Lagaa Leeyahy "Bawdo Rag Maalinba Midbaa Qaawan "
Boqorrtooyooyin Ayaa Tirmay Boqorana Xilkaa Laga Qaaday
Maamuus Ayaa Lumay Madaxtooyooyinna kharaab Ayaa Dugaashaday
In Badan Ayaynu Aragnay Iyagoo Nolosha Fiiqeeda Sare Joogay ka Dibna Waayuhu La Gedoomeen Oo Sagxadda Hoose Ay Dhigeen
In Badan Ayaa La Beegsan Jiray Waqtiga Baahida oo Iyagii Markii Danbe Baryootamay
In Badan Ayaynu Aragnay Iyagoo Talinya Oo iyagii Markii Danbe Loo Taleyey
Maalmuhu Waa Askar Ka Mid Ah Ciidanka Ilahy waxa Uu Ilahy Ku Maamuusaa Dad, Dad Kalena Wuu Ku Dulleeyaa
Hadii Ad Hantiile Tahy Ha ka Aamin Noqon Inaad Sabooli Kartid
Hadii Ad Sabool Tahayna Ha Ka Quusan Inaad Hodmi Kartid
Hadii Ad Feyowdahy Haka Aamin Noqon Inaad Bukoon Kartid
Hadii Ad Bukaan Tahyna Ha ka Quusan Inaad Caafimaadi Doontid
?Mar kale Sama Beer Samuhu Ma Lumaane?
News and announcements of the library. No books here.
🇨🇳Official Chinese channel: t.me/zlib_china_official
🌐 https://z-library.sk
https://en.wikipedia.org/wiki/Z-Library
🐦 https://twitter.com/Z_Lib_official
🐘 https://mastodon.social/@Z_Lib_official
Last updated 5 месяцев, 3 недели назад
Intel slava is a Russian News aggregator who covers Conflicts/Geopolitics and urgent news from around the world.
For paid promotions and feedback contact us at: @CEOofBelarus
Last updated 13 часов назад
💫Welcome to the best book channel of Telegram.
✨Buy ads: https://telega.io/c/BooksHub25
✨Contact admin ➠ @Bookshub_contact_bot
✨ Copyright Disclaimer➠ https://telegra.ph/LEGAL-COPYRIGHT-DISCLAIMER-09-18