Unlock a World of Free Content: Books, Music, Videos & More Await!

Ardaaga Xamse Kujoog

Description
Waa ardaaga rasmiga ah ee Xamse Cumar Kujoog. Qormooyin qiimo leh iyo aragtiyo kala duwan kala soco halkan.
Advertising
We recommend to visit

ነጻነት ለህዝባችን - ብልጽግና ለአገራችን!

Bilisummaan uummata keenyaaf - badhaadhinni biyya keenyaaf!

Freedom to our People – Prosperity to our Nation!

Last updated 1 week, 5 days ago

𝚃𝙰𝙵𝙰𝙺𝙺𝚄𝚁/Istanbul
Ergaa gaggaarii, yaadannoo gaggabaaboo, Da'awaa Islaamaa,jechamoota gaggaarii, Beekkumsa waliigalaa, Seenaawwan barsiisoo, Dinqiiwwan adda addaa argachuu yoo barbaaddan media kana join godhaa.
Yaadaaf👇
https://t.me/Ibrahim_92taf

Last updated 1 month, 1 week ago

Qalin Xor ah, fikir saliim ah iyo xog la hubo ka hel Awdal News.

Last updated 3 months, 1 week ago

4 months ago

Fiid wanaagsan.

Waxa sannad buure ah laga joogaa geeridii Sh. Ismaaciil M Cigaal (Sh. Ismaaciil Tabliiqi). Ilaahay ha u naxariisto
Taariikhdii sheekha dib u milicso una ducee in Ilaahay u naxariisto.

https://youtu.be/L5VrF0Of8SY?si=m2XeeTObhQjp4APv

YouTube

Kuma ayuu ahaa Sh. Ismaaciil Maxamuud Cigaal | Kulanka 12aad | Cawayska Culimada 2023

6 months ago

Innagaa guulaysan!

Caawa ayaan salaaddii cishe Masjid laga aqiimayo ku baydhay, codka dhuuban ee Istaw leh ayaan ku war helay, waa wiil yar oo da’aaddaa dhawr iyo toban jirka hadda uun galay.
Cod wanaagsan iyo Qur’aan nool ayuu nagu tujiyay, arrinka se isoo jiitay ayaa ahaa in rakcaddii u danbaysay kolkii rukuucda laga kacay uu sidii maalmahanba caadada innoo noqotay uu qunuut iyo Alla bari la istaagay.

Duco qiimo leh oo qalbi taabad ah oo xamaasad badani ka muuqato ayuu ugu duceeyey walaalaha Qasa ee dagaalka qaawan Yuhuudda iyo reer galbeed oo isu dhan ay ku qaadeen, duco dareen leh oo qalbiga kasoo go’aysay oo da’diisa ka wayn ayuu duceeyay.
Dhaqankii hore ee Soomaalida kolka dhibaato dhacdo sida abaaraha iyo dagaallada waxa lasoo saari jiray ubadka yaryar ee qalin qoyanta ah, iyaga ayaa lagu Alla baryi jiray iyadoo la aaminsanaa in Rabbi ducadooda aqbalayo, waana la arki jiray.
Kolkii salaadda laga baxay ayaan niyadda iska idhi ilmaha yar ee kumannaanka mayl ka fog Qasa haddana dareenkaas la wadaagayaa waa ifafaalo wanaagsan, sidii aynu Ilaahay uga barannayna hubkaas ducadu khasaare ma leh ee guusha innagaa leh.

Ilaahay ha barakeeyo wiilkaas yar, ducadana Rabbi ha innaga aqbalo, walaalaheenna Rabbi ha u hiiliyo oo guusha ha gaadhsiiyo.

6 months, 2 weeks ago
Ardaaga Xamse Kujoog
6 months, 2 weeks ago

10 dhacdo oo Qasa yaalla iyo Khudbaddii Jimcaha

Maalintii 14aad ayaa waxa ka socda magaalada Qasa dagaal u dhaxeeya xaq iyo baadilka, waxa 2 milyan oo gobolkaas deggan isu bahaystay dunida intii ugu tunka waynayd.
Dagaalkaas waxa kasoo baxay dhacdooyin la yaab leh, Qur’aanku se 14 qarni kahor ayuu sheegay. Dhacdooyinkaas 10 ka mid ah ayaannu maanta Khudbaddii Jimcaha ku qaadannay;

  1. Rabbi waxa uu innoo tilmaamay cidda Muslim ugu neceb in ay Yuhuud yihiin, tiina maanta way caddaatay oo cadaawadda iyo ciilka ay kula dul dhacayaan masaakiinta Qasa ayaa markhaati ka ah.
  2. Cadawga Yuhuudeed wuxuu Qur’aanku ku sheegay in aanay dagaal toos ah geli aqoon ay gidaar dabadii wax kasoo tuuraan, maantana waxa caddaatay sida ay raggii bisleeyey ugu dhici la’yihiin ee ay gantaallada riddada dheer ubadka iyo haweenka ugu xasuuqayaan.
  3. Qur’aanku wuxuu caddeeyey in Muslinka imtixaan la marinayo jeer ay gaadhaan in ay quustaan oo Rususha iyo dadka Ilaahay rumeeyey yidhaahdaan “Waa goorma tolow gargaarkii Rabbi” halkaas kolka ay gaadhaan ayay guushu ugu dhowdahay oo Ilaahay ugu jawaabayaa “Gargaarkii Rabbi waa dhow yahay”.
  4. Rabbi waxa uu la jiraa dadka muslimiinta ah ee dhibka iyo dagaalka u dhabar adayga, marar badan ayuu Ilaahay sheegay “Rabbi waxa uu la jiraa kuwa sabra”. Maantana dhabar adayga ay walaalaheen muujiyeen waa kii guusha lagu gaadhayay.
  5. Qur’aanku wuxuu tilmaamay “Immisa ayaa koox yari amarka Ilaahay kaga adkaatay koox badan” taasna indhaheenna ayaynu ku aragnay 7 October oo dunidu kusoo toostay ciidankii dunida ugu awood waynaa ugu tiknoolajiyad badnaa oo inta la galay wax la dilay iyo wax la qabtay laga dhigay.
  6. Waqtiyada adag ee dagaallada waxa madaxa la soo kaca Munaafiqiinta oo muslimiinta canaan iyo hanjabin kala daala, Qur’aankuna wuu innoo sheegay in ay odhanayaan muslimkan aan awoodda lahayn muxuu isugu doonanayaa gaaladan awoodda badan oo Nebi Muxammad Scw ayay ciidankiisii xataa kala jebiyeen. Maantana waynu aragnaa waxa ay ka dhurayaan Media-ha iyo hanjabinta ay wadaan.
  7. Maalmaha adag waxa uu Qur’aanku sheegay in lagu kala saarayo inta wanaagsan iyo inta liidata oo in la is huursanaado ayuu Rabbi diiday. Maalmahanna labadaas ayaa loo kala baxay oo in muslimiinta la dareen ah, la jirta, garab taagan oo u ducaynaysa iyo in kale oo muslimiinta caayaysa, hanjabinaysa oo ku jeesjeesaysa ayaa loo kala baxay.
  8. Qur’aanku wuxuu innoo tilmaamay in gaalo ay bahwadaag yihiin oo meel ay joogaanba ay isu bahaysanayaan muslimiinta, iyaga oo kala diino duwan oo kala dalal ah. Maantana waxa innoo cad Dimuqraadiyaddii, xuquuqdii aadanaha iyo beenihii ay shubi jireen dhammaan in ay beenoobeen oo ay u midoobeen xasuuqa masaakiinta.
  9. Qaniinyo ayaa qaniinyo kaa goysee haddii muslimka dhib soo gaadhay oo dhimasho iyo dhaawacba ku yimi, dhanka kalana intaas inteeda ayaa gaadhay. Qur’aankuna wuxuu innoo sheegay in xanuunku labada dhinacba gaadhayo, se lagu kala baxayo in waxa muslimiinta loo ballan qaaday ee sharaf, guul iyo janno ah in aan gaalada loo ballan qaadin. Maantana waxa aynu aragnaa farxadda ka dhacaysa qoyska cidi ka dhimato Qasa oo shahiid looga dabbaal degayo iyo baroorta dhanka kale.
  10. Rabbi waxa uu sheegay inuu sugayo qofkii mu’min ah waqtiga geerida, maantana waxaynu daawanaynaa boqollaal kolka geeridu kusoo xaadirto Rabbi carrabkooda shahaadada ku sugay.

تلك عشرة كاملة

Qoraalku wuu yar dheeraaday ee raalli ahaada, haddii aad halkan soo gaadhayna waad mahadsan tahay laba jeer.

6 months, 3 weeks ago

Khudbaddii Jimcaha:

Maanta waxa ay ahayd maalin dunida muslinku isku wada dareen ahayd, annaga masjid Ikhlaas waxa ay ku saabsanayd dagaalka ka socda Qasa, qodobbada ugu muhimsanna waxa ka mid ahaa

  1. Garashada dhulka Falasdiin iyo qiimaha uu leeyahay.
  2. Jebinta haybaddii beenta ahayd ee Yuhuuddu dunida ka iibisay.
  3. Aargoosiga socda iyo baabiinta dulmanayaasha.
  4. Isbahaysiga gaaladii dunida ugu tun ka waynayd iyo aamuska muslimiinta.
  5. Bushaarooyinka ku jira dagaalka socda iyo rejada aynu qabno.
  6. Duco iyo baryo Alle.

Masaajidka aan maanta arrintaas lagaga hadlin tolow maxaa lagaga hadlay!

7 months, 1 week ago

Badiya Salliga Nebi Muxammad Scw.

Gaar ahaan caawa oo Jimce ah ilaa berri inta gabbalku ka dhacayo carrabkaagu yaanu ka daalin Salliga Nebiga Scw.

اللهم صل وسلم وبارك على نبينا محمد صلى الله عليه وسلم ❤️

7 months, 1 week ago

Xanuun badanaa😢

Waxa ay gacanta hayeen hooyadood oo xanuusanaysa, waxa ay kusoo qaadeen Taxi, meesha ay deggan yihiin waa Albeerko oo magaalada guri iyo qaraabo midna kuma laha.
Hal mar ayay dhaqaaqa joojisay, waxana ay isku qabteen way dhimatay iyo may dhiman, kolkii ay dhakhtarka keeneen waxa loo xaqiijiyay in ay geeriyootay.

Waa wiil iyo gabadh, waa labadooda oo keli ah, safar dheer ayay usoo galeen caafimaadkeeda, magaaladana cid ka garan maayaan, weli inantii way rumaysan la’dahay in Hooyadeed oo saacad kahor ay madaxa haysay in ay adduunyada nabad gelyaysay. Dhammaan dadkii caafimaadka u yimi ayaa garab taagan oo qalbiga u qaboojinaya, in magaaladii fogayd ee ay ka yimaaddeen loo qaado oo gaadhigii ay nolosha kula soo raaceen maydkeedii dib loogu qaado ayaa saaka u qornayd.

Ilaahay ha u naxariisto.
Dhacdo aan hadda kula kulmay Gargaar.

7 months, 2 weeks ago

Hel shafeecada Nebiga Scw!

Qof kasta oo muslim ah waxa uu aamminsan yahay Nebi Muxammad Scw, sidoo kale waxa uu rumaysan yahay in Nebigu Scw maalinta qiyaame u shafeeco qaadayo in badan oo ka mid ah ummaddiisa, maalintaas adag ee qiyaamana waxa aynu ugu baahi badannahay cid inna furata oo garoonkaas dhibka badan innaga dhaqaajisa.

Waxa ka sugan Nebiga Scw inuu yidhi : “Dadka ugu mudan ee helaya Shafeecadayda maalinta qiyaame waa kuwa iigu salliga badan”.
Sidoo kale waxa Nebigu Scw sheegay in marka Eedaanku dhammaado qofka Nebiga Scw ku salliya ee Ilaahay u waydiiya darajada sare ee Jannada in shafeecadiisu u waajibtay.

Aynu badinno salliga Nebiga Scw si aynu u helno shafeecadiisa maalinta qiyaame, gaar ahaan maanta oo Jimce ah yaan carrabkaagu ka daalin salliga Nebiga Scw.

اللهمً صل وسلم وبارك على نبينا محمد صلى الله عليه وسلم ❤️

8 months, 3 weeks ago

Faataxa!

Inta badan tusaalaha loo soo qaato maskaxdeennu in ay laba qaybood tahay oo qaybta danbe wixii u gudba aan la illaawin waa suuradda Faataxada, waxa aynu maqalnaa sidii aynu ugu celcelinaynay in ay noqotay mid carrabkeennu la qabsaday.

Marka aad salaadda gasho intee in le’eg ayaad ka fekertaa in aad Faataxada akhrido mise adigoo aan fekerin ayaad dudubisaa?! Haa, dabcan waa sida aynu u badannahay!

Suuraddaas oo maalin kasta ugu yaraan 17 jeer aynu akhrino inta badan waxa laga yaabaa in macnaheeda aynaan aqoon, haddii aynu naqaannana in aynu si guud xarfaha suuradda u macnayn karno oo aynaan hoos ugu sii dhaadhicin macnaha ay gudbinayso.

Suuraddan waa tiir ka mid ah salaadda oo la’aanteed aanay salaaddu ansaxayn, waa cashar aad ku baranayso Rabbiga wayn ee uunka abuuray, awooddiisa iyo naxariistiisana aad ku ogaanayso, waa wada sheekaysi addoonka iyo Rabbigii u dhaxeeya, waa duco iyo Alla bari wixii ugu qaalisanaa se inta badan ma dhaadno.

Laba toddobaad kahor ayaa macallin qiimo badan oo caalim ah uu noo dhigay tafsiirka suuraddan, sawir cusub oo aan ahayn kii aan ka haystay ayuu naga siiyay, waxa aan dareemay in aniga oo maqan aan tukan jiray oo dhadhanka aan casharadaas kaddib dareemayo aan dareemi jirin, Ilaahayoow noo dhaaf gaabiskayaga.

Qofkii xiisaynaya casharradaas, diyaarna u ah inuu wax wayn ka beddelo salaaddiisa oo isaga oo macaansanaya uu tukado waan la wadaagayaa idam Alle.

We recommend to visit

ነጻነት ለህዝባችን - ብልጽግና ለአገራችን!

Bilisummaan uummata keenyaaf - badhaadhinni biyya keenyaaf!

Freedom to our People – Prosperity to our Nation!

Last updated 1 week, 5 days ago

𝚃𝙰𝙵𝙰𝙺𝙺𝚄𝚁/Istanbul
Ergaa gaggaarii, yaadannoo gaggabaaboo, Da'awaa Islaamaa,jechamoota gaggaarii, Beekkumsa waliigalaa, Seenaawwan barsiisoo, Dinqiiwwan adda addaa argachuu yoo barbaaddan media kana join godhaa.
Yaadaaf👇
https://t.me/Ibrahim_92taf

Last updated 1 month, 1 week ago

Qalin Xor ah, fikir saliim ah iyo xog la hubo ka hel Awdal News.

Last updated 3 months, 1 week ago