Infinite Entertainment, Zero Cost: Get Your Free Books, Music, and Videos Today!

Matxafka Taariikhda

Description
ku raaxayso macluumaad walba, kobcina garaadkaaga adiga oo naga guntanaya macluumaad cuddoon ee aanu kuugu soo gudbinayno barteenna, innagu soo biir mahadsanid

Halkan igala so xiriir
For business: @iM_S_O_S

https://bio.site/Shacir.Osman
Advertising
We recommend to visit

بســــــــــــم الله الرحمن الرحيــــــــــــم
Ku Dhawaad 3000 Buug-Somali
Free Ah
Youtube:
https://shorturl.at/auGJZ
Diclamer:
https://telegra.ph/HA-DEG-DEGIN-AKHRI-11-15
© Somalibooks Pro Inc
- All Rights Reserved-⤵️
@Cabasho_Bot
@Tusmobook

Last updated 5 months, 3 weeks ago

Somali National Television is the principal public service broadcaster in Somalia.

Headquartered in Mogadishu.

Last updated 1 month, 2 weeks ago

Kala soco Xikmad iyo Qormooyin Markasta Io Meelkasta.

Last updated 5 days, 7 hours ago

1 week, 4 days ago
Rakahaan waxaa la dhahaa 'golden poison …

Rakahaan waxaa la dhahaa 'golden poison frog' waa rake sumeesan wuxuu ku nool yahay keymo roobaadka kolombiya inkastoo hadda uu sii dabar go'ayo, suntiisa wexey dili kartaa labaatan jiir ama toban qof.

Sunta wuxuu ku gudbiyaa maqaarkiisa oo keliya suntiisa waxaa kaa xigto in jirkiisa iyo maqaarkaaga ay isgaaraan, suntiisa daawo malaha sidoo kale marka ay sunta jirkaaga gaarto wexey naafeenee murqaha jirka oo dhan taas oo keento ugu danbeen in uu wadnaha ku istaago sidaasna aad ku dhimatid, arimahaas dhan wexey kugu dhacayaan toban daqiiqo gudeheed.

@MatxafkaTaariikhda

2 weeks, 4 days ago
Matxafka Taariikhda
2 weeks, 4 days ago
Kabaha ciribta leh waxaa xiran jireen …

Kabaha ciribta leh waxaa xiran jireen Fardo-fuuladdii xiliyadii hore gaar ahaan Fardo-fuuladdii Beershiya.

Sababta ay u xidhan jireen kabahan ayaa ahayd in ay si fudud ugu koraan fardaha sidokalena u maamulaan gaar ahaan marka ay warmaha gamayaan oo ay fardaha fankiisa( Fan= meesha faraska lagaga fadhiisto) ku taagan yihiin.

Intaasi kadib waxay ku faaftay qaarada Yurub oo dhan qarniyo badan ayey ahaayeen wax u gaar ah ragga waliba kuwa haysta hantida badan dadka bulshada sharafta ku dhex leh iyo boqorrada ayey u ahaayeen astaan lagu aqoonsado.

Qarnigii 17-aad markii la gaaray ayey dumarku bilaabeen xidhashada kabaha ciribta dheer xilligaas o ay dumarku bilabeen "Gender equality",ama inay ragga iyo haweenku ka sinaadaan dhinacyada nolosha.

Laga soo bilaabo xilligaas waxa xoog u xiran jiray dumarka halka ragguna aanay wax muhiimad ah siinin o ay si tartiib-tartiib ah iskaga daayeen ilaa ay ugu danbayna kabahaasi noqdeen astaan lagu garto dumarka.

@MatxafkaTaariikhda

3 weeks, 2 days ago
Matxafka Taariikhda
3 weeks, 2 days ago
Matxafka Taariikhda
3 weeks, 2 days ago
Qabilka leh lugaha Gorayada.

Qabilka leh lugaha Gorayada.

Waqooyiga dalka Zimbabwe gobolka Kanyemba gaar ahaan agagaarka Webiga Zambezi waxa ku nool qabil yar o Ugaarsato ah laguna magacabo (Vadoma, Doma), ama qabilki lahaa lugaha gorayada (Ostrich-footed tribe) waana dad ka so jeeda Qabil Baantu.

Qabilkani waxay leyihin xaalad naadir ah taasi o ah inay iska dhaxlaan sifo khaas u ah. Waxay ku leyihin lugaha laba farood o keliya waxa logu yeera dadki laha lugaha Gorayada

Xaladan khaaska u ah waxa sababay Hidde-sidaha Chromosome-ka dadkani si caadi ah ayey u nool yihin dhibaatane kalama kulmaan.

Qabilkani waxa u leeyahay qaanuun u gaar ah kaaso ah inay dhexdooda kaliya is guursadan hadii se laga tegi waayo waa in qofka la xididayaa uu leeyahay sifada ay gaarka u leeyihiin. Sidoo kale waxay leeyihin sifo kale o 1000 qof hal qof lagu arki karo taasi o ah in marmarka qaar aanay waxba maqlin. Xaladahan ayaa lagu sheegaa in ay sabab u tahay is-guursiga dadka qaraabada ah ee qabilkan.

Wali ma maqashay qabiilkan ?

@MatxafkaTaariikhda

2 months, 3 weeks ago

Daacuunkii Camwaas

Daacuunka Camwaas "طاعون عمواس" sida ay sheegeen Taariikhyahannada Daacuunkaan ayaa dhacay xilligii khilaafadii Cumar bin khadaab RC sanadkii 18aad ee hijriyada/ 640 milaadiga, waa daacuun ku faafay magaalada Camwaas, kadib furashadii magalaada barakeesned ee Qudus.

Waxaana loo bixiyey daacuunkii Camwaas iyadoo loo nisbeenaayo magaalo yar oo Falastiin ku taal oo u dhaxaysa Ramla iyo Qusud markii hore cudurka wuxu ka so ifbaxay magaaldas ka dibna wuxuu ku faafay si baaxad leh oo galaafsaday nolosha dad badan oo magaaladaas ku noolaa.

Magaalada Camwaas "عمواس" waxaa sanadkii 1967-dii burburiyay ciidamadii gumeysiga ee Yuduudda iyadoo dadkii ku noolaa ka barakiciyay, waxay ka dhiseen beer ay ku dhiseen lacago ay soo aruuriyeen Yahuuda Canada waxayna u bixiyeen beerta kanada (Canada Park).

Daacuudkaan wuxuu sababay dhimashada 25,000 (Shan iyo labaatan kun) oo qof oo ay ku jiraan qaar ka mid ah saxaabadii waaweynaa sida Abuu Cubeyda Caamir Bin jaraax, Mucaad bin Jabal, Shurxabiil Bin Xasnah, Suhayl bin Camar, Yaziid Bin Abii Sufyaan, Caamir Bin Gaylaan Al-thaqafi, iyo kuwa kale oo badan ilaah haka raalli noqdee dhamaantood.

Sanadkaas waxa loo yaqaanay sanadkii dambaska "رماد" khasaaraha weyn ee bani’aadamka ku dhacay awgeed.

@MatxafkaTaariikhda

2 months, 4 weeks ago

Dagaalkii u dhaxeeyey boqortooyadii Roomaanka iyo boqortooyadii Faarisiyiinta wuxuu socday 700 oo sano, 1000 mar ayey foodda is geliyeen oo dagaalameen, kadib waxaa yimi khaalid binu waliid (RC) oo labadii boqortooyaba ka takhalusay muddo 4 sano ah.

Faarisiyiinta wuxuu la galay 15 dagaal ilaa ay dowladdoodii gacantiisa ku burburtay, sidoo kale wuxuu 9 dagaal ku jebiyey boqortooyadii ruumaanka oo uu ku qasbay inay bariga dhexe isaga baxaan kadib markii ay kun sano maamulayeen.

Waxaa jira dagaal ay labadii boqortooyo ku midoobeen si ay u jebiyaan khaalid binu waliid, waana dagaalkii Al-Faraad oo dhacay 12 hijriyada. Furus iyo Ruum ayaa waxay soo dagaal geliyeen 200 oo kun oo dagaal yahan si ay khaalid binu waliid u jebiyaan, balse dagaal faraha looga gubtay kadib khaalid binu waliid iyo ciidankiisa ayaa ka adkaaday ciidamadii isbaheysiga gaalada ee tirada badnaa, tirada ciidanka khaalidna waxay ahaayeen 15 kun oo askari keliya!

Wuxuu ahaa geesi mar-la-arag ah oo istiraatiijiyadda dagaalka hibo u lahaa, Ilaahay ha ka raali noqdo khaalid binu Waliid iyo intii naftooda u hurtay si diinta Islaamku dunida ugu faafto.

@MatxafkaTaariikhda

3 months, 1 week ago
4 months, 2 weeks ago
Matxafka Taariikhda
We recommend to visit

بســــــــــــم الله الرحمن الرحيــــــــــــم
Ku Dhawaad 3000 Buug-Somali
Free Ah
Youtube:
https://shorturl.at/auGJZ
Diclamer:
https://telegra.ph/HA-DEG-DEGIN-AKHRI-11-15
© Somalibooks Pro Inc
- All Rights Reserved-⤵️
@Cabasho_Bot
@Tusmobook

Last updated 5 months, 3 weeks ago

Somali National Television is the principal public service broadcaster in Somalia.

Headquartered in Mogadishu.

Last updated 1 month, 2 weeks ago

Kala soco Xikmad iyo Qormooyin Markasta Io Meelkasta.

Last updated 5 days, 7 hours ago