SABA GUDDAA WAAN TAANEEF MIIDIYAA GUDDAATU NUUF MALA!
@Abdii_Sabaa
?NU QUNNAMUUF?
@AbdiiSabaaDm
?BARNOOTAAF
@Abdiisabaa
?MARIIF
@Garee_Abdii_Sabaa
Last updated 2 months ago
https://t.me/joinchat/AAAAAFgrZgMjBcvdBf7YWg
Last updated 1 month, 4 weeks ago
asc بســــــــــــم الله الرحمن الرحيــــــــــــم
Ku Dhawaad- 3000 Buug-Somali ayaa ku jira Akhriso oo ilaali xuquuqda Qoraayada leh.
Youtube:
https://shorturl.at/auGJZ
Diclamer:
Cabasho/Buug iyo Su,aal ... La Xidhiidh
@Cabasho_Bot
@Tusmobook
Last updated 1 month ago
#Part 2
Maxay yihiin Xeerarka Dhar xidhashadani ay ku dhisan tahay?
Sheekhii Buddhisku si uu Xertiisa uga saaro duruufka dhar la'aanta ee soo wajahday waxa uu ku waajibiyey inay dharkooda ka dhigaan Maro "saafi ah" gaar ahaan maryaha aan Midabkooda dadku aanay jeclayn iyo Maryaha aan la rabin ee Kudaafadaha iyo Qashinka lagu tuuray waana mida Tariikhdooda ugu jirta.
Maro kasta oo ay Kudaafadaha kala soo baxaxaan waxa ay ku samayn jireen in lagu dhaqo dheecaanka Khudradda, Ubaxa Caleentiisa iyo Dhir udgoon intasi wixii ka danbeeya Maro kastaa waxa ay isu bedeli jirtay midabka Huruuda ama Jaalaha,waana tan maanta wali ka muuqata astaantooda.
Waxa kaloo ay Maradani ka turjumaysaa sida ay Tarikhdooda ku qoraan,Tawaadic iyo is'hoosaysiin ay dadka u tusayaan in ay Kibirka iska ilaaliyaan,lakiin ogsonow Qofkasta oo Diintan haysta khasab maaha in uu Maradan xidho inta badan waxa ay gaar u tahay Xerta.
Fikrad kale ayaa waxa ay odhanaysaa ,madamaa waxa aynu u naqaano USKAGA uu leeyahay Midab markaasi uu kaga muuqdo shay kasta oo aan nadiif ah,taas awadeed waxa laysku'sargooyey isu eekaanta aragtidii USKAGA iyo Maradan Huruudahi in ay isla falgalayaan,waxbadana ay ka badbaadinayso Xerta in la arko USKAGA IYO HEERKA MARYAHOODA KU YAALA,durufii jiray wakhtigaasi awadii.
Waxkasta Ilahay ayaa og,isagaana ku mahadsan in uu inaga dhigay Muslim.
#Part One
BUDIISTHU MAXAY U XIDHAAN MARADAN HURUDDA/JALAHA??
Diintan Buddhista waxaay ka mid tahay Dimaha aan Samaawiga ahayn,waa Diin Dhulka korkisa lagu yagleelay, waxaa layidhaa wakhtigii la aasaasay waxa uu ahaa dabayaaqadii qarnigii 6aad ,waa Diin dadka ku tiirsani badankoodu ay degan yihiin dalalka Aasiya.
Diinta Budhiisku waxa ay soo martay isbadelo aad u farabadan ,fikrado iyo mabaadii marba lagu soo kordhinaayey iyo kuwa markaasi laga saaro ,waxa inta badan aasaas u ah Diintani in markasta fikradaha ay ka duulayso xisaabcelin iyo qiimayn joogta ah lagu sameeyo.
Duqii Buddha Charita waxaa lagu sheegaa in qarnigii 1aad ama 2aad in uu ku dhashay meel la yidhaahdo Lumbini oo u dhow buuraha Himalaya, wuxuuna bilaabay inuu dadka baro waxyaabo Caqligiisa uu ka helay kuna sargooyey hab nololeedka Bulshada uu la nool yahay.
Hadaba wax badan waxa aynu aragnaa in Dadka aaminsan Diinta Budhista ay ku labistaan Marada Midabkeedu uu Huruuda ama Orange yahay,taasi oo maanta Dunida oo dhan ay cid waliba ay ku taqaano ,su'aashu waxa ay tahay asalka Maradani halkee ayay ka timi? maxaa sabab u ahaa in ay astaan uga dhigtaan Diintooda?
Sida ay iyagu Tariikhaha asalka Maradan ay ku sheegaan ,waxa ay raad ku leedahay aasaaskii Diintan Budhista ,taas awadeed waxaa layidhaa Xirtii hal'abuurkan Diintan aasaaskeeda iska lahaa waxaa ka horyimi kacdoon lagu diidan yahay lagagana soo horjeedo fikrad Diineedan Bidhis ,waana mida keentay in ay ku noladaan nolol adag iyo quudhsi.
MUCJISOOYINKA SIDA WAX LOO DHAXLO SHIINAHA.
Dadka Shiineeska ah ee usoo haajira Wadamada Dibada isla markaana inta ay Wadanka kasoo maqan yihiin Waalidkood uu Geeriyodo ,kuwaasi oo markaasi ka taga Hanti Guurto iyo ma guurta ah ,Sharciga Shiinahu waxa uu dhigayaa in aanay Hantida Dhaxalka ah ee Waalidku ka dhintay aanay waxba ku lahayn *waa hadii ay qaateen Dhalashooyinka Wadamadaasi ay joogaan.
Marka loo eego sharciyada la xidhiidha Dhaxalka Shiinaha, waxa si cad looga daalacan karaa ,haddii aad heshay Sharciyada Dalalka shisheeye (Kaadhka Cagaaran) way adkaan kartaa in aad dhaxasho ciddi aad dhaxalkeeda lahayd.
Sharcigu waxa uu Dhaxalka u ogolaanayaa oo kaliya Qofka isagu haysta Dardaaran ansax ah Maytida Dhimashadiisa ka hor, waxa uu Dhaxal doonahu xaq u yeelanayaa in uu Maytidaa dhaxlo Dardaarankaasi awadii .
Muhiimada ugu wayn ee Shiinahu sharciyadan Dhaxalka ay sidan u dhigeen waxa aasaas u ah, xiliyadii Sharciyada la dejiyey waxaa loo arkaayey Qofka Dalka Dibada uga baxaa in uu yahay mid isagu Dalka ka maarmay Xuquuqna aan ku lahayn (aan Muwaadin ahayn)
Si kastaba ha ahaatee, marba-marka ka danbaysa kor u kaca heerka nololeed ee Dadka Shiinahu waxa uu yahay mid isbedal samaynaaya , Hantida Sharciga ah ee Dadka leeyihiina waxa ay noqotay mid sii kordhaysa maalinba-maalinta ka danbaysa, waxa isbedelo cusubi ku yimidaan qaab dhismeedka Qoyska Shiinaha ,sidaasi oo ay tahay fikradihii Sharci ee Dhaxalku waxa ay noqdeen kuwi markasta Baarlamaanka la geeyo oo wax laga bedalo.
Dhaxalka Islaamka wax ka cadaalad badani ma jirto,hadii aad maqan tahay iyo hadii aad joogtaba markasta waxa aad xaq u leedahay wixii Quraanku ku siiyey, helitaanka dhaxalka iyo in aad waydaana kuma xidhna Dibad iyo Gude midkaad joogto.
يقول الله تعالى: (يُوصِيكُمُ اللّهُ فِي أَوْلاَدِكُمْ لِلذَّكَرِ مِثْلُ حَظِّ الأُنثَيَيْنِ فَإِن كُنَّ نِسَاء فَوْقَ اثْنَتَيْنِ فَلَهُنَّ ثُلُثَا مَا تَرَكَ وَإِن كَانَتْ وَاحِدَةً فَلَهَا النِّصْفُ...)[11: النساء]
PART TWO
Xisaabta :
Xisaabiyeyaasha Islaamka, sida Al-Khwarizmi iyo Omar Khayyam, waxay horumar la taaban karo ka sameeyeen aljabra, joomatari, iyo trigonometry. Buugga Al-Khwarizmi ee aljabra, "Kitaab al-Jabr wa al-Muqabala," الجبر والمقابلة ) waxa uu soo bandhigay habab nidaamsan oo lagu xalliyo isla'egta.
Daawooyinka iyo Farmashiistaha :
Culimadii Islaamku waxay gacan weyn ka geysteen daawaynta, iyaga oo ka duulaya hawlihii dhakhaatiirtii Giriigii hore iyo Roomaanka. Culimo ay ka mid yihiin Al-Razi (Rhazes) iyo Ibn Sina (Avicenna) ayaa qoray qoraallo caafimaad oo saameyn leh, iyaga oo ka hadlaya mowduucyo kala duwan
Falsafadda iyo Is-dhaafsiga Caqliga :
Filosoofyada Islaamka, sida Al-Farabi, Ibn Sina, iyo Ibn Rushd, waxa ay si qoto dheer wax ugu biiriyeen qaybaha falsafadda sida falsafada anshaxa, iyo metaphysics-ka. Waxay ku soo kordhiyeen fikrado falsafadeed oo Giriig ah oo ay la socdaan fikrado Islaami ah, iyaga oo fududeynaya is-weydaarsiga caqliga ee u dhexeeya dhaqamada iyo ilbaxnimada kala duwan.
Xilligii dahabiga ahaa ee Islaamka waxa lagu tilmaami jiray xiise maskaxeed, dulqaad, iyo u hiilinta culimo ee ay maamuli jireen madaxda Islaamku. Aqoonyahanada ayaa lagu dhiiri galiyay in ay ku dadaalaan aqoonta iyo in ay sameeyaan cilmi baaris, taasoo keentay guulo la taaban karo oo dhinacyo kala duwan ah. Muddadani kamay faa’iidaysan oo keliya dunida Islaamka ee waxay sidoo kale saamayn joogto ah ku yeelatay muuqaalka garaadka casrigan caalamiga.
PART ONE
ISLAMIC GOLDEN AGE ( during 8th to the beginning of 14th ).
Xilligii dahabiga ahaa ee Islaamku waxa u tilmamayaa xilli garaad iyo dhaqameed si mug leh u kobcay oo ka dhacay dunida Islaamka qarniyadii 8aad ilaa 14aad. Muddadaas, culimadii dunida Islaamku waxay wax badan ku soo kordhiyeen qaybo kala duwan oo ay ka mid yihiin cilmiga sayniska, xisaabta, caafimaadka, cilmiga xiddigiska, falsafada iyo suugaanta. Xilligii dahabiga ahaa ee Islaamku waxa u saamayn weyn ku yeeshay kobcinta aqoonta iyo gudbinta fikradaha adduunka oo dhan.
Qaar ka mid ah dhinacyada muhiimka ah iyo wax ku biirinta Xilligii Dahabiga ahaa ee Islaamka:
Ilaalinta iyo Turjumidda Aqoonta :
Culimadii Islaamku muddadaas waxay door muhiim ah ka ciyaareen ilaalinta iyo tarjumidda shuqulladii culimadii hore ee Giriigga, Roomaanka, Faaris iyo Hindida. Turjumaadahani waxay gacan ka geysteen in la xakameeyo farqiga u dhexeeya ilbaxnimooyinka kala duwan waxayna xafideen aqoonta qiimaha leh ee u socon doonta inay saameyn ku yeelato Galbeedka Yurub inta lagu jiro Renaissance,ga
Horumarka Xiddigiska :
Cilmiga xiddigiska Al-Farabi, Al-Battani, iyo Ibn Al-Haytham ayaa muddadaas wax weyn ku soo kordhiyey cilmigaas Waxay sifeeyeen Aaladaha cir-bixiyeenada, waxay hagaajiyeen miisaska xidigiska, waxayna sameeyeen cilmi-baaris muhiim ah oo ku saabsan jidadka samada, sida wareegga dhulka iyo daraasadda dayax-madoobaadyada.
Tariikhdda la yaabka leh e diinta kirishtanka so martay waxaa kamid ah wadaadadodda inay billaabeen dadka inay ka gadaan warqado loogu dambi dhaafayo sanadku markuu ahaa1500 miilaadiga.
Qofka danbi walbo uu soo galo waxoo u imaanaya wadaad kaniisadda joogo kadibna lacag ayuu bixinaya waxa la siinaya warqad caddeynaysa in dambigisa la dhaafay(Indulgence)
Arintaas waxaa ka xumaaday nin la yiraahdo Martin Luthar oo Jarmal u dhashay, asago dareemay inuu cibaado u baahanyahay ayuu yimid wadanka Talyaaniga kadibna wuxu arkay xumaanti oo faaftay iyo wadadaddii oo diintii ka dhigtay ganacsi iyo lacag in laga sameeyo dadkana ay sameynayaan waxa ay rabaan kadibna danbi dhaaf gadanayaan
Wuxuu go'aansaday inuu diido waxaas uu ku tilmaamo dhaqankii Masiixu dajaaal oo loo soo diray diinta kirishtanka inuu bur buriyo, wuxuuna Aasaasay
Madhab la yiraahdo Protestant kaaso macno ahaan noqon karo kuwa kasoo horjeedo ama diiddan aragtida Catholica oo ahaa Madhabka ay haysteen kaniisadaha kirishtaanka oo dhan.
Waxyaabaha qosolka leh waxaa ka mid ah markaad wadaad u taktid wuxuu ku siinayaa warqad ay ku qorantahay booska aad janada ka galaysid iyo danbigaaga in la dhaafay.
Nin ayaa u yimid wadadd wayn oo howshaasi ka ganacsado wuxuuna ku yiri Naarta inaan wada gataan rabaa meeqaa iga siinaysaa ?
Dood dheer kadib lacag badan ayuu sheegtay wadaadki hase yeeshee ninkii lacag fiican ayuu haystay wuuna bixiyay , kadibna banaanka ayuu usoo baxay wuxuuna dadka ku yiri maanta kadib waxaad rabtaan sameeya oo xumaan ah, naarta anigaa gatay qof galayo danbe malahan.
Taasoo wadadaddii kirishtaanka ka nixisay waxayna ku qasbanaadeen lacag laba jibbaar ama 5 jibbaar inay bixiyaan si ninka uga soo ceshtaan naartii ay dadka ku cabsiin jireen.
SABA GUDDAA WAAN TAANEEF MIIDIYAA GUDDAATU NUUF MALA!
@Abdii_Sabaa
?NU QUNNAMUUF?
@AbdiiSabaaDm
?BARNOOTAAF
@Abdiisabaa
?MARIIF
@Garee_Abdii_Sabaa
Last updated 2 months ago
https://t.me/joinchat/AAAAAFgrZgMjBcvdBf7YWg
Last updated 1 month, 4 weeks ago
asc بســــــــــــم الله الرحمن الرحيــــــــــــم
Ku Dhawaad- 3000 Buug-Somali ayaa ku jira Akhriso oo ilaali xuquuqda Qoraayada leh.
Youtube:
https://shorturl.at/auGJZ
Diclamer:
Cabasho/Buug iyo Su,aal ... La Xidhiidh
@Cabasho_Bot
@Tusmobook
Last updated 1 month ago