Kaydka Maansaawi

Description
Halkan waxa aad ka helaysaa dhigaalada aan u arko in ay bulshada waxtar u leeyihiin.
Advertising
We recommend to visit

SABA GUDDAA WAAN TAANEEF MIIDIYAA GUDDAATU NUUF MALA!

@Abdii_Sabaa

💬NU QUNNAMUUF💬
@AbdiiSabaaDm

🎯BARNOOTAAF
@abdii_sabaa_university

🎯MARIIF
@Garee_Abdii_Sabaa

Last updated 2 weeks ago

asc بســــــــــــم الله الرحمن الرحيــــــــــــم
Ku Dhawaad- 3000 Buug-Somali ayaa ku jira Akhriso oo ilaali xuquuqda Qoraayada leh.
Youtube:
https://shorturl.at/auGJZ
Diclamer:
Cabasho/Buug iyo Su,aal ... La Xidhiidh
@Cabasho_Bot
@Tusmobook

Last updated 2 months, 2 weeks ago

Somali National Television is the principal public service broadcaster in Somalia.

Headquartered in Mogadishu.

Last updated 1 month ago

3 weeks, 4 days ago

“Haddii aad indho beeshid arag la’aantu miyaa ay tahay in ay dunidu mugdi noqotay? Haddii se aad dhego beeshid aamusku miyuu yahay in ay sanqadhu go’day? Dhegoole onkod ma yaqaan, indhoole se hillaac? Labadaas xaaladood ee ay mid waliba ka kale xaqiiqadiisa ka baxsan tahay ka indhaha iyo dhegaha qaba sow xaqiiqadiisa ku ma wada jiraan? Sidaas sow garashu ku noqon mayso hirar ka la shisheeya oo marba hirka muuqdaa yahay waxa sugan, wixii kale oo dhamina male male iyo hummaag?”

Ibraahin-Hawd

4 weeks ago
Dhawr sanno ka hor jidadkii lagu …

Dhawr sanno ka hor jidadkii lagu soo mariyey adiga oo gacmaha, madaxa iyo lugaha ka xidhan, una af duuban xukunkii kalitaliska ahaa. Jidkii lagu mariyey adiga oo mugdi ku jira, hareerahaagana aanay jirin dad ka ag dhawi, maanta waxa lagu mariyey iyaga oo ay ku sugayaan kummanaan ruux oo aad xoriyadooda u halgantay. Maalintaa waxa lagugu soo dhaweeyey katiinad laakiin hadda waa taa lidkeeda, waxa dushaada la huwiyey astaantii halganka. Dadkaagu way kuu ilmeeyeen sidii aad ugu ilmaysay inay ku noolaadaan nolosha ay maanta heleen.

Maasinoow bushaarayso wax walba oo aad doonaysay way suuro galeen. Kumanaankii ruux ee xabsiyada laga buuxiyey, neecawda ayay ku dabaal dagayaan. Kumanaankii ruux ee dhaawaca nafsadeed loo gaystay sidaadii oo kale, hadda ayay caafimaadayaan. Nasiib umaad yeelan inaad ka qayb gasho guusha aad jeclayd in aad mar uun indhahaaga saarto, balse waxa farxad ah in doonistaadii suurto gashay, dadkaaguna ay noqdeen dad xor ah oo dunida ku naalooda. Nabad ku lad.

4 weeks, 1 day ago

Caweys wanaagsan saaxiibayaal.

3 months, 1 week ago

“Weligoodba Maraykan iyo Yurub xabashida ha ku sixreen hiil kiristaannimo oo aan qalbiga ka jirin ee ay maslaxad arxandarani ka dambayso. Carabtu weligeedba soomaalida islaamnimo awr ku kacsi ah ha ku indho sarcaadiso. Runtu se waxay tahay, kurayga garaca ah ee suuqyada Itoobbiya ku darxumaysan iyo garaca kale ee suuqyada Soomaaliya ku dayacan waxaa wada dhashay hooyo labada jeerba kufsi lagaga dhalay.”

— Aanadii Negeeye — Ibraahin-Hawd, bogga 80.

3 months, 2 weeks ago
Dareennada qaar waa kuwo aanay naftu …

Dareennada qaar waa kuwo aanay naftu fasiri karin, si kasta oo ay u ahaadaan holac, gudaha ruuxda ka baxaya. Isdiidooyinka noloshuna waa kuwa dabraya rajooyinka aad leedahay. Go’aannada qaarna waxa gaadhaysa nolosha, iyada oo aan dheg u dhigayn jiritaankaaga. Doonistaaduna, marar badan ayay kuu jirsanaysaa inta uu dayaxu kuu jiro. Isla daqiiqadahaasna waxa cidlada wehel kaaga noqonaya dayaxa dushaada ka ifaya; isaga oo markale ku galinaya rejo iyo yididiilo aad mustaqbalka ku waajahdo, si aad u kasbato jiritaan. Isla kaas oo aanad hubin in uu sii jiri doono.

4 months ago

"Noloshayda oo dhan waxa aan sugayay qof adiga oo kale ah, waan dareensanaa in aan maalin uun la kulmi doono qof adiga oo kale ah"

- Fyodor dostoevsky

10 months, 1 week ago
10 months, 2 weeks ago
10 months, 2 weeks ago
10 months, 2 weeks ago
We recommend to visit

SABA GUDDAA WAAN TAANEEF MIIDIYAA GUDDAATU NUUF MALA!

@Abdii_Sabaa

💬NU QUNNAMUUF💬
@AbdiiSabaaDm

🎯BARNOOTAAF
@abdii_sabaa_university

🎯MARIIF
@Garee_Abdii_Sabaa

Last updated 2 weeks ago

asc بســــــــــــم الله الرحمن الرحيــــــــــــم
Ku Dhawaad- 3000 Buug-Somali ayaa ku jira Akhriso oo ilaali xuquuqda Qoraayada leh.
Youtube:
https://shorturl.at/auGJZ
Diclamer:
Cabasho/Buug iyo Su,aal ... La Xidhiidh
@Cabasho_Bot
@Tusmobook

Last updated 2 months, 2 weeks ago

Somali National Television is the principal public service broadcaster in Somalia.

Headquartered in Mogadishu.

Last updated 1 month ago