Radio Muqdisho

Description
Radio Muqdisho (راديو مقديشو‎) is a station radio broadcasting in Somalia. The headquarters for Radio Muqdisho is located from Mogadishu.
We recommend to visit

SABA GUDDAA WAAN TAANEEF MIIDIYAA GUDDAATU NUUF MALA!

@Abdii_Sabaa

💬NU QUNNAMUUF💬
@AbdiiSabaaDm

🎯BARNOOTAAF
@abdii_sabaa_university

🎯MARIIF
@Garee_Abdii_Sabaa

Last updated 3 weeks, 5 days ago

asc بســــــــــــم الله الرحمن الرحيــــــــــــم
Ku Dhawaad- 3000 Buug-Somali ayaa ku jira Akhriso oo ilaali xuquuqda Qoraayada leh.
Youtube:
https://shorturl.at/auGJZ
Diclamer:
Cabasho/Buug iyo Su,aal ... La Xidhiidh
@Cabasho_Bot
@Tusmobook

Last updated 3 months ago

Somali National Television is the principal public service broadcaster in Somalia.

Headquartered in Mogadishu.

Last updated 1 month, 2 weeks ago

3 weeks, 2 days ago
UMADYAHAY U NOOLOW SIDA AADMIGOO KALE …

UMADYAHAY U NOOLOW SIDA AADMIGOO KALE | ERAYADII ABWAAN GUURE | HOBOLLADA QARANKA EE WAABERI.
https://youtu.be/GMW2JejBUpE

1 month ago

Eedaysane Axmed Madoobe waa lagula xisaabtamayaa weerarada uu ku hayo Shacabka Jubbaland.

Muqdisho – 23, Descembar - 2024: Wasaaradda Amniga Gudaha ee Dawladda Federaalka Soomaaliya, waxa ay si dhow ula socotaa tacadiyada tiro beelka ah ee Eedaysane Axmed Maxamed Islaam uu kula kacayo Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Deegaanada Jubbaland.

Tacadiyadiisa oo ahaa kuwa muddaba soo tixnaa waxaa u danbeeyay mid uu saakay ku qaaday Shacabka ku nool deegaanka Kulbiyoow ee Gobalka Jubbada Hoose, kuwaas oo ahaa dad isku abaabulay in ay Khawaarijta iska caabiyaan, balse nasiib-darro uu Axmed Madoobe iyagii weeraray, isla markaana u gaystay dil, dhaawac, jir dil iyo dhac intaba.

Falkaan waxa uu daba socdaa falal noocaan oo kale ah, kuwaas oo uu ka gaystay Magaalooyinka Kismaayo, Raaskambooni, Dhoobleey iyo Afmadoow.

Sidoo kale, waxa uu Eedaysane Axmed Madoobe ku hawlanyahay in uu iska horkeeno shacabka u diyaarsan in ay Khawaarijta ka difaacdaan deegaanadooda, iyada oo la ogyahay in uu duulaanadiisa u kaalmaysto Khawaarijta oo markasta marin u ah gacanna ku siya wax yeelaynta Shacabka reer Jubbaland ee xorta ka ah Khawaarijta.

Falalkiisu waa kuwa loo diin-waan galiyay, waana lagula xisaabtamayaa mana noqon doonaan kuwa la iska hilmaamo.

Shacabka Jubaland waxaan ugu yeeraynaa midnimo, adkaysi iyo wadajir.

Waxaan halkaan tacsi uga diraynaa Shacabkii uu Eedaysane Madoobe ku laayay, kuwii uu dhaawacay iyo kuwa u afduuban ee ku dhaqan deeganada kala duwan ee Jubbaland.

Dawladda Soomaaliya waxaa ka go'an in la suuliyo dhaqamada noocaan ah, isla markaana sharciga lasoo taago kuwa ka danbeeya ee dhiig miratada ah.

--DHAMAAD--

1 month ago

Soomaaliya oo la wareegtay xilka Guddoomiyaha Golaha Wasiirrada Difaaca ee Ciidanka Heeganka ah ee Bariga Afrika (EASF).

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dowladda Rwanda kala wareegtay Hoggaanka Ciidanka Heeganka ee Bariga Afrika (EASF) oo ah urur goboleed uu waajibaadkiisu yahay kor u qaadista nabadda iyo ammaanka gobolka Bariga Afrika, kana mid ah shanta ciidan goboleed ee ciidamada heeganka ah ee Afrika (ASF) oo ka kooban militari, boolis iyo qaybo rayid ah.

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa dhiggiisa dalka Rwanda mudane Juvenal Marizamunda kala wareegay xilka Guddoomiyaha Golaha Wasiirada Gaashaandhigga iyo Amniga ee Gobolka Bariga Afrika, intii uu socday shirka sanadlaha ee 33-aad ee dejinta Siyaasadaha EASF oo ay iskugu yimaadeen Madaxda dalalka EASF oo ka dhacay Magaalada Kigali ee Dalka Rwanda.

Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay guddoominaysa Golaha Wasiirrada Gaashaandhigga ee EASF, iyadoo ay kasoo wareegtay 20 sano markii la aasaasay ururkan.

Wasiirka Gaashaandhigga JFS Cabdulqaadir Maxamed ayaa u mahadceliyey gudoomiyaha uu xilka kala wareegay, wuxuuna ballan qaaday in Soomaaliya ka go'an tahay wada shaqaynta dhammaan dawladaha xubnaha ka ah EASF. Wuxuuna Wasiirku casuumaad u fidiyey in kalafadhiga xiga ay Soomaaliya ku marti gelin doono.

3 months, 1 week ago

Wasiirka Gaashaandhiga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa maanta booqasho dhiirrigalin ah ugu tagay Ciidanka Qaranka ee ku sugan deegaanka Geerile ee Gobolka Galgaduud oo dhawaan Cadowga khawaarijta lagu jabiyey .
Wasiirka oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyey howlgalada sida ballaaran uga socda gobolada dalka.

3 months, 2 weeks ago

WAR SAXAAFADEED

Ciidamada Qalabka Sida oo mar kale Khawaarijta jab culus ku gaarsiiyay Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe.

Muqdisho, October 08, 2024: ilaa iyo 59 ka tirsan Khawaarijta ayaa lagu dilay hawlgalo ay horkacayeen Ciidanka Qalabka Sida oo kaashanaya dadka degaanka iyo saaxiibada caalamka oo laga fuliyey deegaano ku yaalla bariga Gobalka Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe.

Hawlgalka koowaad oo lagu dilay 32 dhagar-qabe ah oo isugu jiray horjoogayaal iyo maleeshiyaad Khawaarijta ka tirsanaa ayaa ka dhacay aagga Garilay oo u dhow deegaanka Coosweyne ee Gobalka Galgaduud, waxaana sidoo kale hawlgalkaasi ku shahiiday afar askari oo ka tirsanaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Hawlgalka labaad oo lagu laayay 27 dhagar-qabe ayaa wuxuu ka dhacay goob ay cadowgu isku aruursanayeen oo ku taalla tuulada Yaaqle oo dhow deegaanka Xawaadlay ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana sidoo kale hawlgalkaasi lagu burburiyay fariisinkii uu cadowgu isku aruursanayay.

Hawlgalada bartimaameedka ah ee lagu beegsanayo horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka Khawaarijta ayaa la kordhiyay, iyadoo maalmihii ugu dambeeyay si wayn cadowga loogu naafeeyay.

-Dhammad-

3 months, 2 weeks ago
Prof. Cismaan Dufle oo ka sheekeeyey …

Prof. Cismaan Dufle oo ka sheekeeyey sidii loo helay Isbitaalka Keysaney oo markii hore ahaa Xabsi, xiligii ay dagaallada sokeeye ka socdeen magaalada Muqdisho. https://www.facebook.com/sntvnews/videos/511449988376447

4 months ago

Cabdishariid Khaliif Xaashi "Qof Soomaali ah oo cadowgiisa doortay inuu u nacamleeyo yaan waqti la isaga lumin, Soomaaliya hadafkeedu waa muuqdaa, qofkii doqonimo doorta isagaa khasaaray."

4 months ago
We recommend to visit

SABA GUDDAA WAAN TAANEEF MIIDIYAA GUDDAATU NUUF MALA!

@Abdii_Sabaa

💬NU QUNNAMUUF💬
@AbdiiSabaaDm

🎯BARNOOTAAF
@abdii_sabaa_university

🎯MARIIF
@Garee_Abdii_Sabaa

Last updated 3 weeks, 5 days ago

asc بســــــــــــم الله الرحمن الرحيــــــــــــم
Ku Dhawaad- 3000 Buug-Somali ayaa ku jira Akhriso oo ilaali xuquuqda Qoraayada leh.
Youtube:
https://shorturl.at/auGJZ
Diclamer:
Cabasho/Buug iyo Su,aal ... La Xidhiidh
@Cabasho_Bot
@Tusmobook

Last updated 3 months ago

Somali National Television is the principal public service broadcaster in Somalia.

Headquartered in Mogadishu.

Last updated 1 month, 2 weeks ago