Baxnaano jacayl❤️

Description
Meel yar oo aan aqoontayda yar, si yar yar ugu soo qoro!
Advertising
We recommend to visit

بســــــــــــم الله الرحمن الرحيــــــــــــم
Ku Dhawaad 3000 Buug-Somali
Free Ah
Youtube:
https://shorturl.at/auGJZ
Diclamer:
https://telegra.ph/HA-DEG-DEGIN-AKHRI-11-15
© Somalibooks Pro Inc
- All Rights Reserved-⤵️
@Cabasho_Bot
@Tusmobook

Last updated 5 months, 3 weeks ago

Somali National Television is the principal public service broadcaster in Somalia.

Headquartered in Mogadishu.

Last updated 1 month, 2 weeks ago

Kala soco Xikmad iyo Qormooyin Markasta Io Meelkasta.

Last updated 5 days, 7 hours ago

1 year, 1 month ago

Trou love is when you wish that allh is pleased with one you love

1 year, 1 month ago

Eid Mubarak dhamaan umada muslimiinta ❤️
عيد مبارك وكل عام وانتم بخير بمناسبة عيد الفطر المبارك

1 year, 1 month ago

"Pray until your Situation changes.miracles happen every day,so never stop believing.
allah can change things quickly."

1 year, 4 months ago

"Ogobeey, haddii aadan guusha qorshe u dejisan, adiga oo aan is ogayn baad guuldarradda u xaabo guran, ama qayrkaa oo wax isku agaasintay baa kugu adeegan".

—Tarjumaad

1 year, 4 months ago
Maalinba maalinta ka danbaysa waxaa igasii …

Maalinba maalinta ka danbaysa waxaa igasii lumaya rayrayntii aan ku jiray, waxaan ka baqayaa in maalin uu qof igu yiraahdo: waan ku jeclahay, markaas aan anna ugu jawaabi hello.

- Axmed Khaled Tawfiiq

1 year, 4 months ago
Mar mar waa inaad joojisaa wax-akhriska, …

Mar mar waa inaad joojisaa wax-akhriska, oo aad bilow samaysayaa.

- Ruchika Tomar

1 year, 4 months ago

Gantoobnaanteyda.
......................................
Kadib, waxay ila collaysiisay dumar iyo haasaawintood, waayo; ballamo ciiddaa ka badnaa baa beenoobay, markii ay ii sheegtay in berri meherkeegii yahay, noloshaydu waxay si dhakhso leh u hullaabatay mugdi, Saddex sanno sidee ayaad qof xidhiidh been ah ula wadi karaysaa?

Kama aar-goosan karo, meherkeega ma baajin karo, reerkooga waxba kama dhaadhcin karo, waayo; waa goor aan goor ahayn, iyada wax uma sheegi karo ama waxba ma deeqsiin karo waayo; iyada ayaa go'aanka lahayd. Shaw arrin bay ahayd markii inanta lagu odhanayay odhaahdii caanka baxday ee "duco iyo habaar mid dooro" iyada lama qasbin ee way u badheedhay. Maxaan beddeli karaa? Sow cishqigii igu keliyaystay inaan la daalaadhaco uun xalku ma aha? Dabadeed cidna waan la qabsan waayay, saaxiibadii wakhti ma siiyo, fikir baa salaaddii i seejiyay, ehel baanan xasuusan, naftaydaanan dar yeelin, cid kaleeto ma daneeyo, anna cidi ima danayso, keligay baan kolba meel maahsanaan la fadhiista. haashka sigaarka ayaa la naf iyo itaal noqday, waan awood iyo itaal dareeyay, qofkii ila hadla daqiiqado kedib buu hadalkiisu isoo gaadhayaa, markaasaan sidii qof hurdo ka salalay kor usoo boodayaa.

Kama xumi in nasriin guri yeelatay, laakiin jacaylkii ay igu abuurtay baa naftaydan yar ka itaal roonaaday. Dabiib iyo baan ba waa la igala quustay, xanuunka i hayaa nooca uu yahay cid taqaan ma jirto, marmarka qaar aniga laftaydu ma aqaan, laakiin, baantiisii nin kalay caruur u nuujisaa.

Hadduu wada jirkii lumay
Wakhtigiyo dharaaruhu
Kala weecad keeneen
Wiilkuu calfku dabaday
Wehel kaaga dhigay runa
Weligaa la noolow
Wadar ubada kala hela.

Mar mar baan go'aansadaa inaan noloshan silica ah ka hawl yaraysto, haddana waxaan sawirtaa nolol ay iyadu dib kasoo geli doonto oo ay nolosha danbe igula midoobi doonto. Oohin baan qol madoow la midoobaa, may, illintaba gororkeegii u danbeeyay wuxuu iga daatay markii ay ubad yeelatay, waan hiqleeyaa uun, waxaan aaminay haddii aan xitaa dhinto oon iil ka galo in aan darteed iilka ugu dhibtoon doono! Wadnahay ku nabantay, xabag bay igu noqotay, waan ka quusan kari waayay, waan u xaal sheegan kari waayay, balwaddu i ilowsiin kari wayday, kun salaadood iyo sunnahoogii tukaday, soddonka quraanka ah tiro beel khatimay, haddana waan iloobi waayay, aheey ah, aheey ah! miyaanay is lahayn qof baa daraaddaa bas beelay?! hadda taladayda u danbaysaa waa inaan ban cidlo ah dab isku qabadsiiyo, kadib na aan hawadda ku faafo si jidhkaygan boholhoobay u kala baado oo aanu isku iman, haka baqin oo haka dayrin talada aan gaadhay! Talo tan dhaanta ma haysaa? Dhimashaadaa dhaantay nolashan! Maxaan u baranayay ee baas? Horta ma wax baas baa? Hadday baastahay maxaan ugu baaba'ay?!

Waxba hay dabiibina
Wedka aan is aragnee!

Iskuulka kolka aan isla aadeyno, waxay i dhihi jirey "waxaan rabaa nin lacag badan leh in aan guursado" keddib markii ay caashaq igu abuurtay ee aannu xidhiidhka naga dhexeeya magaca "jacayl" ugu wan qalnay, si daacadnnimo u eeg bay taas laabteeda uga xaadhey, ma moodeyn in ay arrintaasi laabteeda mar dambe soo gar-garaaci doonto, waxaan ka baqayay yaraantaydii baa dhacay, nin lacag iyo hanti, baabuur badan leh bay raacdey. Waxaad ka baqdo ayaa mararka qaar ku haleela shaw. Waxay i odhan jirtey "Waan kula guursanayaa!" anna waan iska qosli jirey uun, laakiin hadda waxay iila muuqataa in ay odhaahdaasi kaftan-dhabaale ahayd, baahidii ay hantiilaha u qabtey bay naq- raacday, gacalo, kol haddii aad naftaydan yar ka tegayso, maxaad ii bari wayday sidii aan kaaga maarmi lahaa?!

Iinsaanka dabiicigiisu ma sidan baa? Tolow xumaantani ma dhalan bay ka tahay, mise kama bay tagoogaha ii jebisay? Midda kale qofku haddii uu ballan qaad kuu sameeyo ma ku qasab baa inuu kuu dhabeeyo? Sow wax macquul ah ma aha in ay labadayada ba na jeclayd, midba gaarkii iyo goonidii?!

Olol baad iga dhex oogtay gacalo, may, xabiibi, maya! Walaal!
—Cabdiraxmaan Daahir

1 year, 4 months ago
Waxaan joogaa meel cidlo ah, waxaanan …

Waxaan joogaa meel cidlo ah, waxaanan baroordiiq la wadaagayaa nafteyda. Anigoo tacsi u diraya ruuxdeyda hoose. Qabriga ka qodmey qalbigeyga waxaan ku duugayaa xusuus madow. Qiirada iyo dhambaalada tiiraayada leh ee iiga imanaya maskaxdeyda waxaan ku qarinayaa dhoollacadeyn. Ma sugayo ereyo kalgacal leh oo iga soo gaadha arwaax i jecel. Xadhkaha kabankeyga waa wehelkeyga kaliya ee si naxariis leh uga qayb qaadanaya dhamaadkeyga.

—Rayaan garaad.

1 year, 4 months ago
Baxnaano jacayl❤️
1 year, 7 months ago
𝗝𝗶𝗺𝗰𝗮𝗵𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗠𝗮𝘀𝗷𝗶𝗱 𝗝𝗮𝗮𝗺𝗮𝗰 (24)

𝗝𝗶𝗺𝗰𝗮𝗵𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗠𝗮𝘀𝗷𝗶𝗱 𝗝𝗮𝗮𝗺𝗮𝗰 (24)
𝗠𝗮𝘀𝗷𝗶𝗱 𝗔𝗹𝗤𝗮𝗿𝗮𝗮𝘄𝗶𝘆𝗶𝗶𝗻
_______________________________________
Masjidka 𝘼𝙡𝙌𝙖𝙧𝙖𝙖𝙬𝙞𝙮𝙞𝙞𝙣 waxa uu ku yaal magaalada 𝙁𝙖𝙖𝙨 ee waqooyiga bari ee dalka Marooko. Dhismaha masjidka waxaa la bilaabay 1 da Ramadaan 245 Hijriyada oo ku beegneed 30.11.859 miilaadiga.  Faaduma AlFihri xoolo dhaxal ahaan ay u heshay ayay masjidka ku dhistay. Dowladihii iskaga danbeeyay xukunka magaalada ayaa dhismaha masjidka marba marka ka danbeysa sii balaarinayay, ilaa uu ka noqday masjid ka tilmaaman dunida.

Waqti badan kuma qaadan in uu masjidka Qarawiyiin noqdo Jaamacad lagu barto noocyada kala duwan ee culuumta, sida Caafimaadka, Xiddigiska, Injineernimada, Meeqaatka, horumarkeeda cilmiyeed ee jaamacadda ilaa uu gaaray heerkii ugu sarreeyey xilligii dowladdii Muriiniyiinta.

Masjidka waxa uu leeyahay minaarad aad u weyn 17 albaab, madaraso iyo jaamacad. Hab dhismeedka masjidka ayaa u eg qasriga gaduudan ee Isbeyn

We recommend to visit

بســــــــــــم الله الرحمن الرحيــــــــــــم
Ku Dhawaad 3000 Buug-Somali
Free Ah
Youtube:
https://shorturl.at/auGJZ
Diclamer:
https://telegra.ph/HA-DEG-DEGIN-AKHRI-11-15
© Somalibooks Pro Inc
- All Rights Reserved-⤵️
@Cabasho_Bot
@Tusmobook

Last updated 5 months, 3 weeks ago

Somali National Television is the principal public service broadcaster in Somalia.

Headquartered in Mogadishu.

Last updated 1 month, 2 weeks ago

Kala soco Xikmad iyo Qormooyin Markasta Io Meelkasta.

Last updated 5 days, 7 hours ago