Dive into the Ultimate Free Library: Your One-Stop Hub for Entertainment!

Murti maal channel

Description
Aqoontu waa furaha koowaad ee nololoshada aad ku meel mari lahyd
Advertising
We recommend to visit

FAST MTPROTO PROXIES FOR TELEGRAM

#DigitalResistance

ADS:
@Ads_ProxyMTProto

Run your own MTProxy:
https://github.com/TelegramMessenger/MTProxy

Last updated 1 week, 2 days ago

Official Telegram Channel of Koorowsh🎙️

Last updated 3 days, 7 hours ago

Official Telegram Channel Of Cod Ninjax

💯Id tel: @hamidvx

💯Trust: @etemad_Ninjax

💯Shop: @shop_ninjax

💯Youtube channel: youtube.com/codninjax

40K Loading...

Last updated 2 days, 5 hours ago

3 weeks, 6 days ago

ان الله يحب التوابين ويحب المتطهرين

4 weeks ago

Malabkii baa soo dhacay🐝. Qaybtii 14aad Odaygii Yuusuf ee Sawda aabbaheed ayaa hadalkii bilowday. In uu isagu bilaabayo qofna shaki kagamajirin oo inta uu qaro leegyahay iyo haybada ka muuqata aw'geed. Waxa uu ku bilaabay aayado qur'aan ah iyo wax aan duco…

4 weeks ago

السلام عليكم ورحمة الله وبركاتة
صباح الخير يا اخواني
Waxa rajeynayaa dhamaantiin an aad caafimaad kuso toosteen, inta xanuunsan ilahey ha caafiyo

Dhiirogalinteena manta

Marwalba oo aad allah raali galiso waa warwalba oo allah ku jeclaanayo

Supax wangsan 😘😍

1 month ago

Malabkii baa soo dhacay🐝.
Qaybtii 12aad

Waan kumaqlaa walaal, waan fiicanahay. Waan soosocodaa. Dhib malaha waad imankartaa wakhti kasta walaal. Haye walaal waan marka aan xaafadda usoo dhawahay baan kusoo wici. Intii aan jidka kusii jiray boqolaal su'aalood iyo cabsi badan ayaa i haysay oo aan ka qabo xaafadda waxa aan kalakulmi doono. Laakiin markasta way iga go'nayd in aan dhabarka u rito wax kasta oo halkaa aan kala kulmo. Wax ay xaaladdi sidaa ahaataba waddadii ayaa soo gaabatay, halka xaafaddiina kasoo dhawaatay. Inkasta oo aanan guriga si toos ah u garanayn laakiin sekadii laygusoo tilmaamay ayaan dhex lugaynayaa. Waa in aan iminka wacaa haddaba.

Waan wacay Sawda oo waxa aan ku idhi banaanka iisoo istaag xaafaddihii ayaan dhex marayaaye. Waxay igu tidhi: waan ku arkaa hore usoosoco! Oo ma daaqadda ayaad iga aragtaa? Mayee inanta yari guriga ay hortaagan tahay soo gal walaal. Ma tayar ee marada xabxabiga ah sidata? Haa walaal. Haye. Tii yarayd baaba igasoo hor carartay oo igu tidhi: walaal Sawda igu tidhi: inankaa soo kaxee. Waa inan yar oo Maasha Allaah ah ilaa 6 jir ama 7-jir ah qiyaastii. Inta aan fadhiistay fadhiga kadaloobka loo yaqaan si aan isu leekaysiiyo oo ula hadlo, ayaan ku idhi: magacaa adigu walaal? Waxay igu tidhi: Qadan ee maxaad u fadhiistay wadada, kaalay qolkii fadhigaa maantoo dhan luguu hagaajibayaye!
Waxaan ku idhi: inta aan qoslay anigana Muniir ayaa lay yidhahaaa barasho wacan, inta aan gacata salaan ugu fidiyay. Kadibna waanu isasoo raacnay, iyada oo gacanta i haysa ayaanu aqalkii soogalay.

Markaan sidaa usoo galay ayaan arrin naxdin ah lakulmay oo aanan filanayn. Waa nin dhallinyaro ah oo telefoon gacanta ku haya oo aqalka dhex taagan. Kadibna waan istaagay isaguna si adag buu ii eegay, aniguna si naxsan baan u eegayaa. Juuq iimuu odhan igamanuu jeesan ee indhaha ayuu aad iigu gubayaa aniguba hadal waa igasoo bixi waayay! Tii yarayd ee farriida ahayd ayaa labadayadii marba mid sidaa u eegta, kadibna inta ay gacantii i jiiday ayay igu tidhi: kaalay walaal waakan qolkii fadhiguye. Aniguna inta aan iska socoday oo wiilkii aan sii agmaray baan qolkii fadhiga galay.

Aniga oo aad u dhididsan oo naxsan oo yaabban baan qolkii dhex fadhiistay! Waxaan filayaa xaalad foolxuni in ay dhicikarto caawa. Talo farraha way kabaxday iminka waxkasta in aan sugo uun baan ku khasbanahay. Tii yarayd ayaa igu tidhi: siisug walaal Sawda way kuu imanaysaaye iyo waan kuugu yeedhi mooyi waxay tidhiye. Markii ay igabaxday uun baan arkay in aan qolkii kabihii buudka ahaa kula dhexjiro oo aan isku ilaaway! Fadhigii baan kasoo booday si aan deg-deg kabaha isaga saaro intii aan dadka waawayni iigusoo galin.
Boodistii baan sii jiidhay miis dhan oo koobab iyo sharaab saaraa. Miiskii siduu u dhammaa wuu dhacay roogii qolka yaalayna biyo sharaab iyo koobab quraarad ah oo qaar jajabeen ayaa dhex wadhan!

Lasoco...
#SM 12

1 month ago

Marwalba waxa aad wakhti la qaadataa Dadka kuwooda ku qadariya qiimahaagana yaqaanna, Arrintan waxa ay kugu kaalmaynaysaa horre u socodkaaga iyo horrumarkaaga 💖.

1 month ago

Malabkii baa soo dhacay🐝.
Qaybtii 11aad

Walaal fasax ayaan u haystaa in aan xaafadda kula sheekaysto wiilka aannu wadasocono markasta. Hooyo, aabbo iyo walaalahayba heshiis baanu ku nahay arrinkaas ee waxba hakabaqin adigu. Haye baan idhi, yaa diidikara amarkaaga. Ilaa imisada ayaad iman ayay igu tidhi? Waxaan ku idhi bacdal makhrib baan iman, markasta waan kusoo wici inta aanan iman. Maalimhii Jimcaha ka hadhsanaa aad ayay iigu dheeraadeen, sidoo kale fikirkaa igu batay. Sidii caadada ahayd Sawda iyo saaxiib teed Sagal ayaanu iskuulka subixii isku aragnaa. Dhoollacadayn iyo salaan diirran oo xiisobadan leh wax aan ahayn namadhex maraan. Anigu waxaan ka warwareegayaa tan ay saaxiibka yihiin oo aan uga shakisanahay in ay nooca baas tahay. Shaki kaliya ma aha ee intaa hadalo qadaf iyo meelka dhac ah ayay igu soo tuuraysaa. Waa mid balaayo doon ah oo sidaa isu cuncunaysa.

Wax ay sidaa xaalad ahaato maalmuhuma is gurayaan, marba marka kadanbaysa Jimcihii balanta ayaa soo dhawaanaya. Anigana arrimo dhowr ah ayaa qalbigayga dab kaholcinaya oo ay kamid yihiin kuwani. Waxa aan si waali ah uga fikiraa wixii aan kala kulmi karo xaafadda reerka marka aan tago. Kollay waad iska garankartaa xaafad soomaali ah marka aad tagto waxa aad kala kulmikarto. Laakiin hal arrin ayaa kaar badan igu haya oo ah in ay i wayddiiyaan haybta aan ahay ama qabiilkayga. Maadaaba oo aan kasoo jeedo hayb ahaan beelaha la takooro, waa mid caqabad ku ah aniga iyo Sawda arrinkayga. Anigu waan ku qanacsanahay haybta aan ahay, in dadku simanyihiina waan aaminsanahay laakiin nasiib darro dadka kale sidaa nooma arkaan.

Inkasta oonan Sawda macal qabiilkeeda aqoon haddana xaafaddaha ay degantahay baan ka qiyaasikaraa in ay kasoo jeedo beelaha dulmigayaga ku raaxaysta. Siwalba oo ay ahaato ma qariyo beesha aan ahay haddii Sawda reerkeedu iwayddiiyaana waan u sheegi. Waxaan is wayddiiyay su'aal kale oo ah haddiiba Sawda jacaylkeeda aad kasbato siddee baad nolosha ugu midoobikartaan? Reerkoodu ma aqbalayaan? Hadday aqbaliwayaan maxaa kuu danbayn? Waa su'aalo runtii ilmo isku kaysoo taagtay marka aan jawaab u waayay. Wax yaalaha kale ee culayska igu haya waxa kamid ah wixii aan hadyad ahaan ugu qaadilahaa Sawda habeenka Jimcaha iyo kulankayga koobaad.

Kollay kulanka habeenkaasi waaka go'aaminkara mustaqbalka aniga iyo Sawda. Waa in uu noqdaa habeen taarikhi ah oo aan wax badan u sheeggaa oo aan ku kasban karo. Waxaan ku jiraa xaaladda musharax madax wayne oo maalinta Jimcaha shacabka ku qancinaya sidii ay u dooranlahaayeen. Wax kastaaba waxay sidaa sii ahaadan galabnimo khamiis ah oo ay caawa jimce tahay baa lasoo gaadhay. Waxaan tegay suuqa waxaan soo iibiyay hadyad Saacad ah oo aan ugu talo galay Sawda. Runtii waxay ahayd saacad lacag badan laygasiiyay, laakiin gacanta lugu xidhayo ayaa ah gacmaha ta ugu mudan. Aniguna waxa aan usoo lebbistay si aad moodo uun in aan carruus ahay caawa. Darreenakayguna farxad iyo naxdin ayuu isku qooshanyahay oo kala bixiwaayay. Telefoonkeedii baan wacay oo sidii ay sugaysay ayay lasoobooday "walaal Muniir kawarran xaaladdaha". Waaaw baan si hoose u idhi, gofka sidaa kuleh ee aad hadda kusiisocotaa ma Sawda? Ilayn aniga uun baa Isla sheekaysanayay ee mar labaad ayay igu tidhi: oo miyaadan i maqlayn walaal?.

Lasoco...
#SM 11

3 months ago

maanta duca ayaan idinkaga baahanahy

guryo ku dhawaad 3 ah ayaa ku gobtaya duhurnimadaan oo. dariskeyga ah

waxa idinka codsanayaa in aad uso duceysaan dhamaan dadka wax ku waayey hantidooda

ilaahey badal kheyr qabo ha siiyo❤️😢

3 months ago

Waxaa la sheegaa, Al-amiiru Sancaani markii uu catar marsado inuu nebiga ﷺ ku sallin jiray! Waxaa la weyddiiyay: ma xaddiis ayaa ku soo arooray in markii catar la marsado nebiga ﷺ lagu salliyo? Wuxuu ku jawaabay gabay macnihiisa oo koobani uu ahaa: waxba sow wax kuma xusuusiyaan? Caraftu nebi Muxammad ﷺ ayay i xusuusidaa. 🌹
اللهم صل وسلم على نبينا محمد وعلى آله وصحبه.
🌹

3 months ago

Ciliminafsiyan..!

Marka aad tukatshada Aad Ka dhigtid kaalinta koowaad ee noloshaada
Dhammaan waxyaalaha kale waxay si toos ah u qaataan meelaha ay xaqa u leeyihiin.

- الاهتمام بالصلاة أهم شيء .
Alle u laabo xitaa haddaad kun mar denbi gashay 🤲

3 months, 1 week ago

Saaxib wanagsan maleedahay

Maxase noloshada ka badalaa

We recommend to visit

FAST MTPROTO PROXIES FOR TELEGRAM

#DigitalResistance

ADS:
@Ads_ProxyMTProto

Run your own MTProxy:
https://github.com/TelegramMessenger/MTProxy

Last updated 1 week, 2 days ago

Official Telegram Channel of Koorowsh🎙️

Last updated 3 days, 7 hours ago

Official Telegram Channel Of Cod Ninjax

💯Id tel: @hamidvx

💯Trust: @etemad_Ninjax

💯Shop: @shop_ninjax

💯Youtube channel: youtube.com/codninjax

40K Loading...

Last updated 2 days, 5 hours ago